Maxaad kala socotaa sababta Jawaari uu u tagayo magaalada Garoowe?

Garoowe (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online, ayaa ogaatay in caleema saarka madaxweynaha cusub ee Puntland oo maalinta berri ka dhaceysa magaalada Garoowe in ay ka qaybali doonaan wafdi heer sare ah oo ka socda dowladda Soomaaliya.

Wafdigan oo ka amabixi doona magaalada Muqdisho ayaa waxaa hoggaaminaya guddoomiyaha golaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari, waxaa kaloo ku wehliya xubno ka socda labada Golle ee dowladda.

Waxaa kaloo wararka ay lee yihiin waxaa maalinta berri ah kulan gaar ah ku yeelan doona xarunta PPRC ee magaalada Garoowe, madaxweynayaashii horre ee Puntland sidda Gen Cadde Muuse , Cabdiraxmaan Faroole, madaxweynaha cusub, guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, wafdi ka socda dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Ma cadda wax yaabaha looga hadli doono kulankaas, balse waxaa loo badinayaa in ay la xiriirto siddii dib loogu soo celin lahaa xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka Puntland oo xumaa waayihii ugu dambeeyay.

Magaalada waxaa gaaray maanta oo Khamiis ah wafuud caalami ah iyo hoggaamiyaal ka socda maamulada ka dhisan dalka.

Habeen dambe ayaa la filayaa in xaflad weyn ay ka dhacdo xarunta madaxtooyada Garoowe, waxaana halkaas lagu caleema saari doonaa madaxweynaha cusub.

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaalada soo buux dhaafiyay dadweyne aad u fara badan oo doonaya in ay ka qaybgalaan xafladda caleema saarka madaxweynaha cusub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com