Xildhibaano maanta soo saaray go’aan culus oo ka dhan ah Axmed Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Khamiis ah shir ku yeeshay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo ka soo horjeestay caleema saarka loo sameeyay hoggaamiyaha KMG ah ee Jubba.

Xildhibaannadan ayaa ku tilmaamay caleema saarkaas mid Aroos la mid ah sidda ay hadalka u dhigeen, iyagoona intaas ku daray Axmed Madoobe in xoog ku qabsaday magaalada Kismaayo.

Xildhibannadaas waxaa ka mid ah Maxamed Ibraahim Xaabsade, oo sheegay Axmed Madoobe in uu ka yimid Ethiopia isla markaana uu afduub ku qabsaday magaalada Kismaayo sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu cambaareeyay in wafdi ka socda beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay ay ka qaybagalaan xafladda caleema saaray Axmed Madoobe.

“Axmed Madoobe wuxuu ka baxay ballantii uu la galay dowladda iyo shacaba ku dhaqan Jubooyinka, isagoona ka baxay heshiiskii Addis Ababa, waxaan rabaa in aan halkan ka sheego waa been caleema saarka, waa in QM iyo waddamada dariska ay raali gallin ka bixiyaan shir ku sheega ka dhacay Kismaayo, Fedaraalka ma ahan wax lagu soo heshiiyo Kenya iyo Ethiopa waa rabitaanka dadadka, Axmed Madoobe ma ahan deeganka wuxuu ka yimid Ethiopia” ayuu yiri.

Wuxuu tilmaamay in uu ka mid yahay dadka deeganka ka soo jeeda ee diiddan maamulka uu sameestay Axmed Madoobe.

Sidoo kale, xildhibaan Xaabsade waxaa ku raacsanaa qaar ka mid ah xildhibaannada kulanka ka qaybgalay oo ka soo jeeda deegannada Jubbooyinka.

Xildhibaannada maanta kulamay ayaa dowladda ugu baaqay inay taageeraan shirka ka socda magaalada Baydhabo kaasoo la doonayo in maamul gobaleed loogu sameeyo lix gobal oo kala ah, Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Jubbada Dhexe, Jubadda Hoose iyo Gedo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com