Maxaa maanta ka socda GAROOWE?

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal, ayaa waxaa ka socota qaban qaabada loogi jirro caleema saarka madaxweynah cusub ee maamulka Puntland,Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo dhaceysa maalinta berri ah.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana meel kasta ku sugan ciidamo fara badan oo heegan ku jirra siddaas waxaa soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Garoowe.

Sidoo kale, magaalada waxaa soo gaaray wafuud caalami ah, waxaana kamid ah wasiirka caddaalada Jabuuti, wafdi ka socda dowladda deeganka Soomaalida Ethiopia, iyo wafdi ka socday maamulada Galmudug, Ximin iyo Xeeb iyo siddoo kale waxaa soo gaaray Garoowe hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Juba Axmed Madoobe iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo wakiilo caalmi ah.

Waxaa kaloo Garoowe gaaray ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo siyaasiyiin kale.

Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maalmahan waday qorshayaan uu ku soo magacaabayo xubnaha cusub ee golaha wasiiradiisa.

Waxaa warar ay heshay Caasimada Online, muujinayaan in xubnaha wasiirada cusub ay ku jiraaan rag horrey uga tirsanaa maamulkii Faroole.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com