Dhageyso: C/Weli: Wasiirada waan ka qaadayaa baasaboorada ajnabiga si…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo hadal ka jeedinayay Munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayna kasoo qayb galeen madaxda sare ee dalka ayaa sheegay in golaha Wasiirada xukuumadiisa ee wata baasaboorada dalalka kale ee shisheeye in laga qaadi doono si aysan ugu suuragalin si fudud inay u dhoofaan mudada lagu jiro howlaha dowladda.

Isagoo ka jawaabayay hadal uu jeediyay Xildhibaan ka tirsan baarlamanka oo ku aadanaa inay wataan golaha Wasiirada intooda badan sharciyada dalalka shisheeye isla markaana ay socdaal ku jiraan xili walba ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

“Waxaa ka fiican in Baasaboorada laga qaado anigu waxaan ka imid dalalka Carabta oo marka la shaqaynayo waxaa la iska qaadaa Baasaboorka si uusan qofku dalka uga bixin marka waa talo fiican oo Xildhibaanku soo jeediyay waxaana kusoo wareejin doonaa Guddoonka baarlamanka”ayuu yiri Ra’iisul Wasare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Golaha Wasiirada ee inta badan hoyga ka samaysta goobaha u dhow xarunta Madaxtooyada isagoo xusay in Wasiiradiisu ay dagi doonaan goobaha kale ee magaalada si amniga wax badan looga qabto.

Halkan ka dhageyso codka Cabdi Weli

Cabdiweli-Sheekh-Axmed

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com