Madaxweyne Xasan Sh oo war kasoo saaray wada-hadallada DF iyo S/Land

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa rajo fiican ka muujiyay wadahadallada Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Wuxuu sheegay in horrumar la gaaray tan iyo markii wadahadallada ay billowdeen , isagoona intaas ku daray seddaxdii bil in la qaban doono wadahadallada labada dhinac.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay soo dhawaatay xilligii Soomaaliya ay midoobi lahayd oo laga bixi lahaa tafaraaruqa ka dhex jira.

Wuxuu xusay in Somaliland ay ka mid tahay Somaliland oo labada dhinac ay kala marmaamin sidda uu hadalka u dhigay.

Dhawaan ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa lagu soo gabagabeeyay kulan ay halkaas ku yeesheen ergooyin ka kala socday dewladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com