30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

Video: Muuqaalkii ugu dambeeyay ee bilicda magaalada Muqdisho (Daawo)

0

Soomaali waxay tiraahdaa hadal qiimo badan oo ah DAL WELIBA WAXAA DHISA DADKIISA, Taa oo aan u soo qaatay qiimaha uu lee yahay micnaha hadalkaa waa hadii loo dhaqaaqo Talada Hadalkaasi dhankiisa wanaagsan.

Hadaba Muuqaalkani waa mid aan hubo in aad ka heli doontaa waxa ka bilaawday Muqdisho & sida uu Shacabka Muqdisho isku xil qaamay dhanka iska wax u qabso oo dalka ay u dhisayaan ee nala daawo muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

Maxaa maanta ka socda GAROOWE?

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal, ayaa waxaa ka socota qaban qaabada loogi jirro caleema saarka madaxweynah cusub ee maamulka Puntland,Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo dhaceysa maalinta berri ah.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana meel kasta ku sugan ciidamo fara badan oo heegan ku jirra siddaas waxaa soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Garoowe.

Sidoo kale, magaalada waxaa soo gaaray wafuud caalami ah, waxaana kamid ah wasiirka caddaalada Jabuuti, wafdi ka socda dowladda deeganka Soomaalida Ethiopia, iyo wafdi ka socday maamulada Galmudug, Ximin iyo Xeeb iyo siddoo kale waxaa soo gaaray Garoowe hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Juba Axmed Madoobe iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo wakiilo caalmi ah.

Waxaa kaloo Garoowe gaaray ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo siyaasiyiin kale.

Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maalmahan waday qorshayaan uu ku soo magacaabayo xubnaha cusub ee golaha wasiiradiisa.

Waxaa warar ay heshay Caasimada Online, muujinayaan in xubnaha wasiirada cusub ay ku jiraaan rag horrey uga tirsanaa maamulkii Faroole.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Dhageyso: C/Weli: Wasiirada waan ka qaadayaa baasaboorada ajnabiga si…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo hadal ka jeedinayay Munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayna kasoo qayb galeen madaxda sare ee dalka ayaa sheegay in golaha Wasiirada xukuumadiisa ee wata baasaboorada dalalka kale ee shisheeye in laga qaadi doono si aysan ugu suuragalin si fudud inay u dhoofaan mudada lagu jiro howlaha dowladda.

Isagoo ka jawaabayay hadal uu jeediyay Xildhibaan ka tirsan baarlamanka oo ku aadanaa inay wataan golaha Wasiirada intooda badan sharciyada dalalka shisheeye isla markaana ay socdaal ku jiraan xili walba ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

“Waxaa ka fiican in Baasaboorada laga qaado anigu waxaan ka imid dalalka Carabta oo marka la shaqaynayo waxaa la iska qaadaa Baasaboorka si uusan qofku dalka uga bixin marka waa talo fiican oo Xildhibaanku soo jeediyay waxaana kusoo wareejin doonaa Guddoonka baarlamanka”ayuu yiri Ra’iisul Wasare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Golaha Wasiirada ee inta badan hoyga ka samaysta goobaha u dhow xarunta Madaxtooyada isagoo xusay in Wasiiradiisu ay dagi doonaan goobaha kale ee magaalada si amniga wax badan looga qabto.

Halkan ka dhageyso codka Cabdi Weli

Cabdiweli-Sheekh-Axmed

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxweyne Xasan Sh oo war kasoo saaray wada-hadallada DF iyo S/Land

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa rajo fiican ka muujiyay wadahadallada Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Wuxuu sheegay in horrumar la gaaray tan iyo markii wadahadallada ay billowdeen , isagoona intaas ku daray seddaxdii bil in la qaban doono wadahadallada labada dhinac.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay soo dhawaatay xilligii Soomaaliya ay midoobi lahayd oo laga bixi lahaa tafaraaruqa ka dhex jira.

Wuxuu xusay in Somaliland ay ka mid tahay Somaliland oo labada dhinac ay kala marmaamin sidda uu hadalka u dhigay.

Dhawaan ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa lagu soo gabagabeeyay kulan ay halkaas ku yeesheen ergooyin ka kala socday dewladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Daawo Sawirro: Maxaa Madaxtooyada Somalia ka dhacay xalay? + Warbixin

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabad ballaaran oo soo qaban qaabiyay Guddoomiyaha golaha baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari kana soo qayb galeen Masuuliyiinta sare ee dowladda ayaa ka dhacday Hoyga uu daganyahay Guddoonka golaha baarlamanka Soomaaliya oo u dhow Xarunta Villa Hargaisa oo dhawaan loo sameeyay gudiyada golaha baarlamanka inay ku shiraan.

Munaasabada oo lagu soo afmeerayay kulankii saddexaad ee baarlamanka Soomaaliya Xildhibaanada ay kala soo qayb galeen Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud, Guddoomiyaha Maxkamadda sare Avv Caydiid Abdullahi Ilka-xanaf, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed iyo golihiisa Wasiirada, ayaa waxaa lagu furay Aayadaha Quraanka Kariimka, waxaana intaasi kaddib si toos ah loo guda galay Munaasabada oo ahayd mid aad loosoo agaasimay.

Hobolada qaranka ee Waabari ayaa dadwaynihii kasoo qayb galay Munaasabada waxay u qaadeen heeso kala duwan oo u badan Wadani, waxaana intii ay socotay Munaasabada hadalo u badan Kaftan ka jediyay Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo kamid ahaa Xildhibaanadii lagu sharfay inay ka hadlaan Munaasabada ayaa ka dalbaday xubnaha golaha shacabka Soomaaliyeed mudada labada bilood ah ee ay ku maqanyihiin Fasaxa inay deeganadooda ka keenaan Warbixin ku saabsan xaaladaha goobaha ay booqdaan si dowladdu ula socoto Xildhibaan walba deegaanka uu matalo.

Xildhibaan Luul Cabdi Aadan oo sidoo kale hadal kooban ka jeedisay Munaasabada ayaa dhankeeda xustay in Xubnaha golaha shacabka laga doonay inay is cafiyaan maadaama lasoo maray xili adag oo lasoo dhisayay Xukuumad isla markaana kalsoonida lagala noqday Xukuumadii hore.

Xildhibaan Suuri Carab ayaa sheegtay dhankeeda inay Xukuumadda cusub ee uu hogaamiyo Cabdiweli Sheekh Axmed laga doonayo mudada fasaxa uu ku jiro baarlamanka inay la yimaadaan howl karnimo.

Xubno kamid ah golaha cusub ee Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo hadalo kooban ka jeediyay Kullanka ayaa dhankooda uga mahad celiyay golaha shacabka Soomaaliya sida ay codka kalsoonida u siiyeen iyadoo qaar kamid ah golaha Wasiirada ay hadalo kaftan ah weydaarsadeen Xubnihii kulanka ku sugnaa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Shekh Axmed Maxamed oo hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyay Kulanka ayaa dhankiisa xusay inuu aad ugu faraxsanyahay Xaflada inuu kasoo qayb galo, isagoo xusay Munaasabad lamid ah tan inuu qaban doono marka Baarlamanku kasoo laabto Fasaxa, wuxuuna tibaaxay Xukuumadiisu inay fulin doonto guud ahaan balanqaadyadii ay ka hor samaysay golaha shacabka.

Cabdiweli ayaa xusay Xukuumadiisu inay horumarin ku samayn doonto arimaha amniga isagoo si gaar ah u xusay Wasiirada sita Baasaboorada shisheeye oo uu sheegay in laga xarayn doono, iyo sidoo kale inuu wax ka qaban doono arimaha la xiriira Wasiirada daga guryaha ku xeeran xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare Avv Caydiid Cabdullahi Ilkaxanaf oo dhankiisa hadlay ayaa sheegay arimaha garsoorka Soomaaliya inay ka jirto habacsanaan isagoo arintaasi ku micneyay dhinaca dhaqaalaha oo ad u liita.

Wuxuu ka dalbaday Xukuumadda cusub ee Cabdiweli Sheekh Axmed inay gacan ka siiso Mushaaraadka shaqaalaha Maxkamadda sare si ay u gutaan waajibaadkooda.

Ugu danbayntii waxaa Munaasabada soo xiray Guddoomiyaha Baarlamanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo guud ahaan u mahad celiyay dadkii kasoo qayb galay Munaasabada dhinaca kalana ka aqbalay Ra’iisul Wasaaraha casuumaadka uu fidiyay.

3812310111213141516171819202122232425262728293031323334353637

Faallo: Ragga dowladda sida iyo ragga dulfuuashan! (Wax badan ka ogow)

Nin sheekh ah oo dacwada wax ka qora ayaa yiri: dacwadu waa loox nin sido nina fuushanyahay oo uu ula jeedo waa nin diinta u adeegaya iyo nin ku adeeganaya.

Waxay ku kala duwanyihiin labadaas nin: ninka u adeegaya diinta wuu ku farxayaa cid kasta oo diinta kala shaqaynaysa, wuuna soo dhaweynayaa, fursadna wuu siinayaa; waayo waa nin culayskii uu siday la qaadaya. Halka ninka diinta ku adeeganaya uu ka naxayo oo eryayo ciddii diinta ka shaqaynaysa; waayo wuxuu u fahmayaa nin sidiisa diinta ku adeeganaya oo rakadii uu kaligi fuushana ku ciriiryaya.

Taa waxaa la mid ah dowladda oo ragga maamulaya waa rag dowladda dhisaya oo kor u haya oo ay iyaga ku taagantahay, waana ragga dowladda kusoo kordhinaya caqli, cilmi, waayo-aragnimo, xoog, xoolo, waji (sumcad) iyo waxqabad la taaban karo, sharaf iyo sumcadna usoo jiidaya.

Laakiin ragga dowladda dulsaaran (ku adeeganaya) waxba kusoo kordhin mayaan ee iyagaa wax ka kororsanaya oo ka raba inay ka helaan magac iyo maal, dhinac kalena dowladda waxay dusha ka saarayaan ceebohodii hore, taas oo sumcad xumo usoo jidaysa.

Tusaalahaan dacwada iyo dowladda kaliya kuma koobna ee meelo badan buu gali karaa, sidaa qabiilka oo ragga ku abtirsada qaarna waa rag qabiilka aan dhibin, waxna u tara, isla markaasna dusha u rita xallinta dhibaatada ay gaystaan ragga qabiilka kula abtirsada oo iyagu aan waxna qabiilka u tarin, dhibna usoo jiida.

Gabagabadii dadka madaxda ah ee dooranaya dadka afkooda ama qoyskooda ama kooxdooda wax u doonaya waa dad dusha u ridanaya ceebta iyo dambiga dadkaasi gaystaan, isla markaasna iska lumiyey dadkii wanaagga ugu kaalmayn lahaa, dowladdoodana waxqabadka iyo sumcadda u keeni lahaa ee ninkii caqli leh yaanu aakhiradiisa iyo sharaftiisa useegin nin kale darti.

W/Q: Sh. Axmed Cabdisamad
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Ximin iyo Xeeb oo xiriirka u jartay DF

Cadaado (Caasimada Online) Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa markii ugu horreysay wuxuu shaaciyay in uu xiriirka u jiray dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulkaas Cabdulaahi Cali Maxamed (Baar-Leex ) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado ayaa sheegay in shir degdeg ah oo ay ku yeesheen dhammaan maamulka in la isku raacay in xiriirka loo jaro dowladda Soomaaliya, kaddib markii uu ku eedeeyay in wax taageero iyo xiriir aysan ka helin dowladda dhexe.

Wuxuu tilmaamay tan iyo markii la unkay maamulka Ximin iyo Xeeb sannadkii 2008-dii in wax xiriir ah aysan ka helin dowladihii KMG ah ee dalka Soomaaliya iyo dowladda iminka jirta ee caalamku uu aqoonsaday.

Madaxweyne Baarleex ayaa dowladda dhexe ku eedeeyay in dhammaan mashaariicda la rabay in la geeyo gobalada dalka loo lee xiyay deeganno gaar ah sidda uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, waxaa hadalka uu sheegay madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb, waxaa ka soo horjeestay ku xigeenkiisa kaasoo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayuu sheegay in hadalkaas uu yahay mid lagu fududaaday oo laga fiicnaa.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in shacabka iyo maamulka Ximin iyo Xeeb ay ku saxan yihiin in go’aan ka gaaraan dowladda dhexe maamada wax taageero ah aysan ka helin, balse waa laga fiicnaa ayuu yiri in xiriirka loo jaro dowladda dhexe.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan go’aanka ay gaareen maamulka Ximin iyo Xeeb kuwaas oo xiriirka u jiray dowladda dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Daawo Video: Dhibaatooyinka haysta weriyayaasha dalka Somalia ku sugan

Shacabka Soomaaliyeed, ayaa aad uga walaacsan xaaladda nololeed ee heysata wariyayaasha Soomaaliyeed oo aad uga cabanaya dhibaatooyin ka heysata xaga nolosha iyo hanjabaadyada joogatada ah.

Aqristoow Wariyayasha waxeey muhiim u yihiin Bulshada whyo waxeey u adeegaan waa Shacabka waxeey raadiyaan xaqiiqda iyo soo tabinta Wararka iyo Barnaamijyada horumarka Dalka iyo dhacdooyinka taagan ee nala daawo dhibaatada heysata dhanka nolosha.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Qoraal: Hadalkii Xasan Sheekh uu ka hor jeediyey Baarlamanka (Aqriso)

Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mudane Xasan Sheekh Maxamud
Barlamaanka Federaalka Soomaaliya
Arbaco 22ka Janaayo 2014

Bismillaahi Raxmaani Raxiim,
Guddoomiyaha Baarlamaanka,
Guddoomiye Ku xigeennada Baarlamaanka,
Madaxda Guddiyada Baarlamaanka iyo
Dhamaan Xildhibaanada sharafta leh,
A-Salaamu Caleykum Waraxmatullah,

Sharaf weyn bey ii tahay inaan maanta idin kala soo qeybgalo xiritaanka Kalfadhiga 3aad ee baarlamaanka isla markaana aan idiin ku bogaadiyo doorkii wanaagsanaa ahaa ee aad sida wadaninimada leh aad u gudateen waajibaadkiinna Dastuuriga ahaa.

Kalfadhigan 3aad waxuu ahaa mid muhiim ah oo aad ku kasbateen kalsoonida shacabka Soomaaliyeed iyo tan beesha caalamka ah. Waxaa idiin qabsoomay howlo fara badan oo aad 58 kulan oo caadi ah aad yeelateen oo kulankan maanta ku yahay kulankii 59aad iyo weliba kulamo aan caadi aheyn. Waxaa intaas sii dheer oo aan idiin kaga mahadcelinayaa inaad fasaxyadiina aad dib u dhigteen dhowr jeer si aad howlaha qaranka u meelmarisaan.

Waxaan mar-naba la illoobi karin sidii sharafta laheyd ee aad u maareyseen isla markaana aad si dimoqraadiyad ah aad go’aanadii ku habboonaa uga qaadateen, xilliyadii xasaasiga ahaa oo la tijaabinayey awooda baarlamaanka, ha noqoto isbedelkii xukuumadii hore, kalsooni siintii Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo kulankii shalay oo aad si aqlabiyad leh u ansixiseen barnaamijka Xukuumadda iyo xubnaha golaha wasiirada. Waxaad muujiseen biseylka hay’ada baarlamaanka iyo aasaaskii dowlad rasmi ah, waadna ku mahadsantihiin oo aan idinku bogaadinayaa. . Waa taariikh hor leh oo isbedeladii dhacay ay ahaayeen kuwo si soomaalinimo ah oo waafaqsan dastuurka dalka loo wada maareeyey, isla markaana aad ku kasbateen kalsoonida shacabka iyo tan beesha caalamka ah, iyadoo aysan dhicin faragelin shisheeye.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaa kaloo xusid mudan in waqtigii kalfadhiga 3aad aad ku guuleysateen inaad xiriirkii caalamka ee baarlamaanada adduunka aad soo celisaan oo ay ka mid tahay xubinimada Inter Parliamentary Union (IPU) iyo kuwo kale. Waxaad kaloo ku guuleysateen in guddiyada baarlamaanka ay si joogta ah u shaqeynayeen isla markaana ula xisaabtamayeen Xukuumadda iyo in aad hindise sharciyeedyo fara badan aad si dimoqraadiyad ah uga doodeen una waafaqsan dastuurka.

Waxaan kaloo idinkaga mahadcelinayaa dadaaladii xubnaha baarlamaanka ay gobolada shabeelooyinka iyo Hiiraan ay ku heshiisiiyeen beelaha isla markaana ku guuleystay wadahadalada iyo dib-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed. Una bareerteen khatar fara badan.

Bacdamaa baarlamaanka uu yahay hooyada hay’adaha dowliga ah ee dalka waxaan hubaa inaan cagta wada saarnay dariiqii dib u dhiska hay’adaha dowliga ah, oo ay marqaati ka tahay in baarlamaanku uu maanta leeyahay xarun xafiisyo ah oo guddoonka iyo guddiyada baarlamaanku ay ku howlgalaan.

Xukuumaddan cusub ee aad shalay ansixiseen waxaa horyaalla howlo muhiim ah oo loo baahanyahay inaad gacan ku siisaan, oo aad yeelataan wadatashiyo, talo wadaagid, iyo wadashaqeyn joogta ah. Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay muhiimada wada shaqeynta hay’adaha dastuuriga ah markii aad codka kalsoonida aad siineyseen Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, sidaas daraadeed, waxaan idinku sii adkeynayaa muhiimada ay leedahay wadashaqeynta baarlamaanka iyo xukuumadda oo marar badan u baahan dulqaad in la muujiyo oo noo wada sahleysa inaan si wada jir ah u wada gaarno ujeedooyinka aan wada hiigsaneyno. Si isla xisaabtanka u noqdo mid miro dhala waxaa muhiim ah in xiriirka iyo wadashaqeyntu ay ahaato mid joogto ah.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sanadkan 2014ka waxaa na horyaalla howlo muhiim ah oo mucayin ah, noogana wada baahan inaan si wadajir ah uga wada shaqeyno hirgelintooda. Ha noqoto nabadeynta iyo xasilinta dalka, maareynta maaliyadda, adeegyada bulshada, dib-u-habeynta garsoorka, dib-u-eegista dastuurka, dhaqangelinta federaalka, sameynta guddiyada uu nafarayo dastuurka, diyaarinta xisbiyada siyaasadeed iyo howlo kale oo muhiim ah oo noo sahlaya u diyaar garowga doorashooyinka 2016.

Waxaan shaki ku jirin inay jiraan caqabado fara badan, hase ahaatee, waxaa mas’uuliyadi naga wada saaran tahay sidii aan caqabadahaas ugu bedeli laheyn fursado oo aan uga faa’iideysan laheyn.

Mudanayaal iyo Marwooyin, Xildhibaanada Sharafta leh,

Sidaad la socotaan wadahadaladii Dowladda Federaalka iyo Somaliland wey socdaan oo lagu ballamay in la sii joogteeyo kulamada oo 3dii biloodba mar la kulmo. Dowladda Federaalka wey ka go’antahay in la sii joogteeyo wadahadalada oo si nabad ah aan ku gaarno mideynta iyo midnimada umadda Soomaaliyeed. Wadahadladan waxaa ka dhalanaya kalsooni badan iyo isu soo dhowaasho. Waxaan u mahadcelinayaa Dowladda Turkiga iyo shacabkooda oo si joogta ah noo garab taagan.

Waxaan jeclahay inaan fursadan ka faa’iideysto oo aan u hambalyeeyo Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, isla markaana u wada duceyno inuu EEBBE u fududeeyo xilka culus. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an inay si hagar la’aan ah ula shaqeyso Madaxweynaha iyo maamulkiisa, si aan u wada gaarno himilada aan hiigsaneyno ee ah Soomaaliya oo mid ah, isla markaana leh dowlad rasmi ah lehna xasilooni dhanka amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda. Puntland waxey hormuud ka tahay Federaalka iyo midnimada Soomaaliya, sidaas daraadeed, waxaa muhiim ah inaan ka wada shaqeyno dib u eegista dastuurka, dhaqan gelinta federaalka iyo sidii aan ku gaari laheyn doorashooyin ka dhaca dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaan jeclaan lahaa inaan u hambalyeeyo Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Mudane Ahmed Maxamed Islaan (Ahmed Madoobe) oo dhowaan soo dhameystiray hay’adii fulinta ee maamulkaas, tanoo qeyb ka aheyd heshiiskii Addis Ababa. Waxaana u rajeynayaa in maamulka KMG ah ee Jubba uu ku guuleysto howlaha muhiimka ah ee horyaalla oo ay dowladda Federaalka kala shaqeeyaan xoreynta deegaanada maamulkaas, nabadeynta, xasilinta, adeegyada bulshada iyo xiriirka iyo wadashaqeynta maamulka Jubba iyo Dowladda Federaalka ah oo muhiim u ah midnimada iyo xasilinta dalka.

Sidoo kale waxaad la socotaan in Baydhabo ay ka socdaan shirar wadatashi ah. Dowladda Federaalku waxey soo dhoweyneysaa dhiirigelineysaana in dadka Soomaaliyeed isu yimaadaan oo wadahadlaan oo dib-u-heshiisiinta waa astaan fiican oo shacabku ay aayahooda uga tashanayaan. Waxaan rajeynayaa inay ka soo baxdo talo iyo go’aanno maslaxad u ah xasilinta dalka. Dowladduna waxey kula talineysaa inay muhiim tahay in Dowladda ay kala shaqeeyaan sidii maamul loogu sameyn lahaa degaanada aan maamulka ka jirin, si ay noogu horseedo in dalka oo dhan ay ka hirgalaan maamulo shacabku ay horseed ka yihiin.

Sidoo kale dhammaan gobolada dalka waxaan ugu baaqayaa inay u diyaar garoobaan dadaalada maamul u sameynta iyo dhaqangelinta federaalka.

Mudanayaal iyo Marwooyin, Xildhibaanada Sharafta leh,

Ugu danbeyntii, waxaan idinku hambalyeynayaa sidii quruxda badneyd ee aad waajibaadkiina dastuuriga ah u gudateen, isla markaana aad dib u soo nooleyseen hay’adii sharci dajinta oo aad kasbateen kalsoonida shacabka iyo tan beesha caalamka. Waxaan idiin rajeynayaa fasax wanaagsan oo aan hubo qaarkiin inaad gaareysaan deegaanadii oo aad u soo kuur galeysaan xaalada dadka ee deegaanadaas, haddana waxaan idinkula dar-daarmayaa inaad ku soo wada laabataan caafimaad qab si kalfadhiga 4aad uu u noqdo mid aad la timaadaan dar-dar cusub oo keeni karta inaan 2014ka wada qabano howlaha mihiimka ah ee na wada horyaalla.

Waxaan kaloo idinkaga mahadcelinayaa inaad igu sharafteen ka soo qeybgalka xiritaanka kalfadhigan, sidaas daraadeed, waxaan ku dhawaaqayaa in uu Kalfadhigii 3aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya uu si rasmi ah noogu xiran yahay.

Wa Salaamu Caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaad

Maxaa maanta ka dhacay YAAQSHIID?

Muqdisho (Caasimada Online) Degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho,waxaa maanta ka dhacday xaflad lagu soo dhaweenayay ansixinta ay ansixiyeen xildhibaannada baarlamaanka golaha wasiirada cusub.

Xafladda oo ay ka qaybgaleen dhammaan guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa si weyn loogu amaanay baarlamaanka oo shaley meel mariyay golaha wasiirada cusub ee uu dhawaan soo magacaabay ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh.

Xafladda waxaa ugu horreyn ka hadlay guddoomiyaha degmada Yaaqashid Muxyidiin Jurus, kaasoo munaasabada soo qaban qaabiyay, wuxuu tilmaamay in ay aad ugu faraxsan yihiin wixii shaley ka dhacay xarunta golaha shacabka.

Wuxuu kula dardaarmay wasiiirada cusub in la yimaadaan wax qabad ka badalan kuwii ka horreeyay maadama howllo badan ay sugeyso.

Sidoo kale, guddoomiyaasha ka hadlay xafladda ayaa iyana soo dhaweeyay ansixinta xubnaha wasiirada cusub, waxaana ay ugu baaqeen in ay wax ka qabtaan arrimaha u baahan in wax laga qabto

Degmada Yaaqshid ayaa noqotay degmada kaliye ee soo dhaweesa marka ra’iisal wasaare iyo wasiirada la soo dhiso ama xilka laga qaado.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Golaha wasiirada cusub ee Somalia oo la dhaariyay iyo Xasan oo soo xiray….

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow xarunta golaha baarlamaanka Soomaaliya ku soo dhammaaday munaasabad lagu dhaarinayay xubnaha cusub ee wasiiradda Soomaaliya.

Fadhigga maanta oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha baarlamaanka, Prof Maxamed Cismaan Jawaari, ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.

Markii la dhaariyay xubnaha wasiiradda cusub oo badankood joogay fadhigga, ayaa waxaa xildhibaannada baarlamaanka la hadlay ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh, kaasoo uga mahadleyn codka kalsoonida ay siiyeen xukumadiisa oo ka kooban 55 wasiir, wasiir ku xigeen iyo wasiir dowlayaal.

Guddoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa isna sheegay in kal fadhiga seddaxaad ee baarlamaanka uu xiran yahay, caawana la qaban doono xaflad lagu soo xiraayo fadhigga baarlamaanka.

Intaa kaddib waxaa soo xiray fadhigga madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud.

Wuxuu ugu horreyn dardaaran siiyay xubnaha wasiiradda cusub ee maanta la dhaariyay, waxaana uu tilmaamay in shaqooyin badan ay hortaallo.

Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay shirk ka socda magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha waxaa kaloo uu soo dhaweeyay dhammeestirka golaha wasiirada maamulka KMG ah ee Jubba.
Wuxuu kaloo madaxweynaha amaanay doorashadii ka dhacday Puntland ee lagu doortay madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali.

Madaxweynaha ayaa siddaas ku soo xiray kal fadhigii seddaxaad ee golaha baarlamaanka, waxaana siddaas lagu  fasaxay xildhibaannada baarlamaanka oo loo diray in ay aadaan goobaha ay ka soo jeedaan ee dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DAAWO: MAXAA KA CUSUB MUQDIHO?

0

Magaalo Madaxda Muqdisho oo lagu arkay Arin ugu dambeysay 23 sano ka hor oo aan waayadii dambey lagu arkin Muqdisho ayaa dib loo arkay waana mid ku tusineysa in la helay Nidaam Dowli ah.

Muqdisho waxeey soo ceshatay adeegii Bulshada & howlihii laga doonayay in Magaalo madax laga helo balse waxaa intaa dheer in lagu arkayo Muqdisho arimo waa hore u dambeyay ee nala daawo:

HALKAAN KA DAAWO: 

 

R/W C/WELI oo hadallo cajiib ah kula dardaarmay golaha wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa dardaaran culus siiyay xubnaha wasiiradda cusub ee xukuumadiisa, isagoona tilmaamay in ay u taallo shaqo adag mar haddii la ansixiyay.

Ra’iisal wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyay in golaha wasiirada looga baahan yahay wadashaqeen ballaaran si loo qabto howllo culus oo hor yaalla xukuumadiisa.

Wuxuu tilmaamay in xukuumadiisa ay qaban doonto arrimo badan oo dadka shacabka ay u aayi doonaan sidda uu yiri.

Hadalkan ayuu ra’iisal wasaaraha ka sheegay habeenkii xaley xaflad lagu qabtay Villa Somalia taasoo lagu soo dhaweeyay ansixinta xubnaha wasiirada cusub ee xukuumadiisa.

Maanta ayaa la filayaa in la dhaariyo wasiirada cusub ee shaley codka kalsoonida la siiyay, waxaana xarunta baarlamaanka laga dareemayaa diyaargorow arrintaas loogu jirro.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Madaxweynaha oo caddeeyay mid ka mid ah ceebaha ay lee dahay DF

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay caddeeyay arrin lagu eedeeyay mid ka mid ah hey’addaha dowladda.

Madaweynaha ayaa sheegay in ay ka warhayaan dad badan oo qaab caddaallad aan ahayn looga qaaday hanti ay lahaayeen oo ay ka mid tahay guryo.

Wuxuu tilmaamay mid ka mid ah dhacdooyinkaas in uu goobjoog u noqday , taasoo ahayd nin la rabay in la badalo oo u shaqeenayay hey’adda garsoorka in loo sheegay in kaligiis uusan bedali karin ninkaas maadama uu ku xiran yahay dad badan, “Waana iska dhaafay” ayuu yiri kaasoo si caddaalad daro.

Madaxweynaha ayaa tilmamaay in la soo gaaray haddiiba maanta la isku qabsanaayo dhulal la iska heestay meel fiican, mardhowna arrintaas ay dhammaan doonto sidda uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu madaxweynaha sheegay in mardhow dib u habeen culus lagu sameen doono hey’addaha caddaallada ee dalka oo wax badan laga cowday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog: Liiska golaha wasiirada cusub ee Puntland oo aan qaarkood helnay

Garowe (Caasimada Online) – War lagu kalsoon yahay oo u dhow madaxtooyadda Puntland ayaa waxay sheegayaan in golaha wasiiradda cusub ee maamulkaas qaarkood la isla gartay.

Madaxweyne Cabdiwali M. Cali Gaas ayaa ilaa hada waxa u doortay in ay xukuumadiisa ka mid noqdaan wasiiradda soo socda.

Cabdi Faarax Juxa – Wasiirka Waxbarashada

Faarax Cali Jaamac- Wasiirka Maaliyada

Cabdixabiib Yuusuf Warsame – Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah.

Dr Sadiiq Eenow- Wasiirka Caafimaadka

Cbdiraxman Geedi- Wasiirka Amniga

Wararka waxa ay intaas ku darayaan Maxamed Cabdinuur iyo Sadiiq Eenoow loolan weyn kawada dhexeeyeen ugu danbeyntiina Sadiiq Eenoow lagu qoray Wasaarada Caafimaadka halka Maxamed Cabdinuur lagu qanciyey in meel cidla ah looga tagayn.

Sidoo kale Cali Xaaji ayaa isna ka tanaasulay wasiir kadib markii Cabdixabiib uu kaga itaal roonaaday wasaarad uu aadka u danaynayey Cali Xaaji.

Wixii kasoo kordha dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa insha allah

Isha: RBC

C/raxmaan Xoosh Jibriil: Dalka Somalia waxaa ka billowday xukun dictator ah

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo maanta hadal ka jeedinyay fadhi uu lahaa baarlamaanka,oo codka kalsoonida lagu ansixiyay xukuumada cusub, ayaa sheegay in dalka uu ka billowday nidaaam kaliye taliya nimo, wuxuuna madaxeynaha ka codsaday in uu ra’iisal wasaaraha u madax baneeyo soo xulista wasiiradiisa.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in wasiirada cusub iyo aaney ku imaan rabutaanka ra’iisal wasaaraha isagoona intaas ku daray in dhammaan xunaha cusub laga soo magacaabay madaxtooyada Villa Somalia sidda uu hadalka u dhigay.

Cabdiraxmaan Xoosho wxuu kaloo sheegay in madaxweynaha uu sameestay labo madaxweyne ku xigeen oo mid ka mid ah uu joogo baarlamaanka halka ku kalena uu shacabka ugu jirro

Ugu dambeyn wuxuu ku talliyay in dib loogu celiyo ra’iisal wasaaraha xukuumada uu soo dhisay maadama aysan waxbo qaban karin xaallada dalka.

Hadalka xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa ku soo aadaya iyadoo maanta baarlamaanka Soomaaliya u cod aqlabiyad uu ku ansixiyay golaha wasiirada cusub.

Xildhibaankan ayaa la hadlayay intii la soo xulayay golaha wasiirada cusub in lagu soo deri doono, balse wuu iska waarayay liiska wasiirrada cusub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Madaxweyne Xasan Sheekh oo runta u sheegay maamulka SOMALILAND

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in shirarka u socda dowladdiisa iyo maamulka Somalilan in loo soo wareejin doono gudaha dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in aaney jiri doono wax la yiraahdo Somaliland waa dal madax banaan, “Waayo waxaan raadineynaa siddii lagu soo celin lahaa midnimadii Soomaaliya” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in ay wadaan qorshayaan wadahadallada labada dhinac oo lagu qaban jiray dalka dibeiisa in loo wareejin doono magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa haddii la isku raaco ayuu yiri.

“Waa mid ka mid ah lixda tiir ee xukuumada ay ku dhisan tahay in laga shaqeeyo midnimada Soomaaliya,waana qoddobka ugu dambeeya” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa caddeeyay Somaliland in ay ka mid tahay dal ka tirsan Soomaaliya, dhawaan arrintaas la soo gabagabeen doono.

Ergooyin ka kala socday dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa toddobaadkan ku shir Istanbul iyadoona labada dhinac laga doonayo in ay soo magacaab hal guddi oo xarun u noqonta baarlamaanka.

Somaliland ayaa dooneysaa in ay ka go’do Soomaaliya inteeda kale, in kastoo aqoonsi caalami ah beesha caalamla aysan helin.

Muxuu ka yiri shirkadaha ajaaniibta ee qaabilsan ammaanka?

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladiisa ay joojisay qandaraasyada ay la gasho hey’adda ajaaniibta ee ka howgalla dalka, isagoo carabka ku adkeeyay in hey’adda ugu dambeesa ee hadda dalka joogta uu heshiiskiisa dhicaaayo bisha shannaad ee sannadkan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dowladda ay mardhow gaari doonto isku filnaan ku aadan siddii ciidamada loo qalabeen lahaa si ammaanka goobaha ay joohaan shirkadaha ajaaniibta looogu wareejin lahaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maxaa kasoo baxay Codkii loo qaaday xukuumadda R/W Cabdi Weli Sheekh?

Muqdisho (Caasimada Online) Baarlamaanka Soomaaliya ayaa galabta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xukuumada cusub ee ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Guddoomiyaha baarlamaanka, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in xukuumadda ay ansax tahay,  kaddib markii ay codka siiyeen 186 mudane. 46 xildhibaan ayuu sheegay inay diiddeen, halka hal mudane uu
ka aamusay.

Markii lagu dhawaaqay natiijada waxaa farxad is qabsaday goobta wasiiradda cusub, kuwaasoo isku hambalyeenayay qaabka ay u dhacday codbixinta.

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa siddoo kale sheegay in maalinta berri ah la dhaarin doono xubnaha wasiirada cusub kuwaasoo ka kooban 55 wasiir, wasiir ku xigeen iyo wasiiru dowlayaal.

Fadhigga maanta ayaa waxaa ku sugnaa ra’iisal wasaaraha iyo wasiiradiisa cusub, waxaana ka muuqday goobta deggannaan iyadoo wax buuq ah uusan meesha ka dhallan.

Inta badan wuxuu kulan u muuqday mid aad looga soo shaqeeyay, waayo qaabka ay cod bixinta u dhadcay iyo sidda ay wax u dhaceen waxaa ka muuqday.

Qaar badan oo ah xildhibaannada ka soo horjeeday xukuumadda cusub ayaa sheegay in ay wixii maanta ka dhacay xarunta baarlamaanka laga soo shaqeeyay sidda ay hadalka u dhigeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DF Soomaaliya oo si weyn loo adeeyay iyo beesha caalamka oo lagu diray

Nairobi (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn loogu eedeeyay in aysan waxbo ka qaban xad gudubyada ka dhanka xuquuqda aadanaha ee ka dhaca magaalada Muqdisho iyo qaybo ka mid dalka.

Warbixinta sannad laha ee hey’adda xuquuqda aadanaha ee HRW oo la soo saaray maanta ayaa lagu sheegay in taagdarada ka muuqata dowladda iyo hami xumida heesata in ay sabab u noqotay  in ay ka gaabiso in ay wax ka qabato dhibaatada loo geesto haweenka ku nool goobaha barakacayaasha ee magaalada Muqdisho iyo goobaha kale ee gacanta dowladda ku jirra.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa kaloo lagu eedeeyay in aysan ka faa’ideesan weysay ballan qaadyadii caalamiga ee lacageed ay siisay beesha caalamka sannadkii horre, taasoo la rabay in dib u habeen lagu sameeyo hey’adda caddaallada iyo qaabka ciidamada.

Hey’adda HRW ayaa tilmaamtay dowladda in laga rabay in ay la timaado ajande muujinaya sidda wax looga qaban karo dhibaatada loo geesto haweenka nugul ee ku nool goobaha lagu soo barakacay, iska daa in wax laga qabtee waxaa la maxkamadeeyaa dumarka la kufsado halkii laga rabay in caddallada la horkeeno kuwa dambiilayaasha ayaaa lagu yiri warbixinta.

Warbixinta Human Rights Watch oo ka koobneed 667 bog, ayaa waxaa looga hadlay 90 dal oo ay ka dhaceen dhibaatooyin dhinaca jinsiga ah sannadkii horre.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]