DF Soomaaliya oo si weyn loo adeeyay iyo beesha caalamka oo lagu diray

Nairobi (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn loogu eedeeyay in aysan waxbo ka qaban xad gudubyada ka dhanka xuquuqda aadanaha ee ka dhaca magaalada Muqdisho iyo qaybo ka mid dalka.

Warbixinta sannad laha ee hey’adda xuquuqda aadanaha ee HRW oo la soo saaray maanta ayaa lagu sheegay in taagdarada ka muuqata dowladda iyo hami xumida heesata in ay sabab u noqotay  in ay ka gaabiso in ay wax ka qabato dhibaatada loo geesto haweenka ku nool goobaha barakacayaasha ee magaalada Muqdisho iyo goobaha kale ee gacanta dowladda ku jirra.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa kaloo lagu eedeeyay in aysan ka faa’ideesan weysay ballan qaadyadii caalamiga ee lacageed ay siisay beesha caalamka sannadkii horre, taasoo la rabay in dib u habeen lagu sameeyo hey’adda caddaallada iyo qaabka ciidamada.

Hey’adda HRW ayaa tilmaamtay dowladda in laga rabay in ay la timaado ajande muujinaya sidda wax looga qaban karo dhibaatada loo geesto haweenka nugul ee ku nool goobaha lagu soo barakacay, iska daa in wax laga qabtee waxaa la maxkamadeeyaa dumarka la kufsado halkii laga rabay in caddallada la horkeeno kuwa dambiilayaasha ayaaa lagu yiri warbixinta.

Warbixinta Human Rights Watch oo ka koobneed 667 bog, ayaa waxaa looga hadlay 90 dal oo ay ka dhaceen dhibaatooyin dhinaca jinsiga ah sannadkii horre.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com