Qaraxyo xoogan oo maanta ka dhacay dad badanna ku dilay magaalada…

Gaalkacyo (Caasimada Online) Waxaa faah-faahin laga helayaa labo qarax oo maanta barqadii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Inta la ogyahay shan qof ayaa ku dhimtay in ka badan 13 kalena waa ay ku dhaawacmeen sidda ay lee goobjoogayaal ku sugan magaalada Gaalkacyo oo la hadlay Caasimada Online.

Qaraxa koowaad ayaa la sheegay in uusan wax khasaaro geesan balse kii dambe ayaa geestay khasaaro dhimasho iyo dhaawac sidda ay lee yihiin dadka noo warrmay.

Qaraxyada ayaa ah kuwa meelaha fogfog laga hago, waxaana la lee yahay goobta ay ka dhaceen oo u dhow Isbitaalka Jeemis ee magaalada Gaalkacyo ma ahan meel ay joogeen ciidamo ama saraakiil ka tirsan maamulka Mudug ee Puntland.

Qaraxyada kaddib waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka, kuwaasoo dadka dhaawaca u soo qaaday Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo.

Duqa magaalada Gaalkacyo oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in qaraxyada aaney jirin cid loola dan lahaa, waxaana uu intaas ku daray in dhammaan dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ay ahaayeen rayid.

Waxaa uu sheegay inuu socd baaritaan lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay qaraxyada ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

Caasimada@live.com