Maxaa kasoo baxay Codkii loo qaaday xukuumadda R/W Cabdi Weli Sheekh?

Muqdisho (Caasimada Online) Baarlamaanka Soomaaliya ayaa galabta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xukuumada cusub ee ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Guddoomiyaha baarlamaanka, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in xukuumadda ay ansax tahay,  kaddib markii ay codka siiyeen 186 mudane. 46 xildhibaan ayuu sheegay inay diiddeen, halka hal mudane uu
ka aamusay.

Markii lagu dhawaaqay natiijada waxaa farxad is qabsaday goobta wasiiradda cusub, kuwaasoo isku hambalyeenayay qaabka ay u dhacday codbixinta.

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa siddoo kale sheegay in maalinta berri ah la dhaarin doono xubnaha wasiirada cusub kuwaasoo ka kooban 55 wasiir, wasiir ku xigeen iyo wasiiru dowlayaal.

Fadhigga maanta ayaa waxaa ku sugnaa ra’iisal wasaaraha iyo wasiiradiisa cusub, waxaana ka muuqday goobta deggannaan iyadoo wax buuq ah uusan meesha ka dhallan.

Inta badan wuxuu kulan u muuqday mid aad looga soo shaqeeyay, waayo qaabka ay cod bixinta u dhadcay iyo sidda ay wax u dhaceen waxaa ka muuqday.

Qaar badan oo ah xildhibaannada ka soo horjeeday xukuumadda cusub ayaa sheegay in ay wixii maanta ka dhacay xarunta baarlamaanka laga soo shaqeeyay sidda ay hadalka u dhigeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com