Madaxweyne Xasan Sheekh oo runta u sheegay maamulka SOMALILAND

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in shirarka u socda dowladdiisa iyo maamulka Somalilan in loo soo wareejin doono gudaha dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in aaney jiri doono wax la yiraahdo Somaliland waa dal madax banaan, “Waayo waxaan raadineynaa siddii lagu soo celin lahaa midnimadii Soomaaliya” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in ay wadaan qorshayaan wadahadallada labada dhinac oo lagu qaban jiray dalka dibeiisa in loo wareejin doono magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa haddii la isku raaco ayuu yiri.

“Waa mid ka mid ah lixda tiir ee xukuumada ay ku dhisan tahay in laga shaqeeyo midnimada Soomaaliya,waana qoddobka ugu dambeeya” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa caddeeyay Somaliland in ay ka mid tahay dal ka tirsan Soomaaliya, dhawaan arrintaas la soo gabagabeen doono.

Ergooyin ka kala socday dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa toddobaadkan ku shir Istanbul iyadoona labada dhinac laga doonayo in ay soo magacaab hal guddi oo xarun u noqonta baarlamaanka.

Somaliland ayaa dooneysaa in ay ka go’do Soomaaliya inteeda kale, in kastoo aqoonsi caalami ah beesha caalamla aysan helin.

Muxuu ka yiri shirkadaha ajaaniibta ee qaabilsan ammaanka?

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladiisa ay joojisay qandaraasyada ay la gasho hey’adda ajaaniibta ee ka howgalla dalka, isagoo carabka ku adkeeyay in hey’adda ugu dambeesa ee hadda dalka joogta uu heshiiskiisa dhicaaayo bisha shannaad ee sannadkan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dowladda ay mardhow gaari doonto isku filnaan ku aadan siddii ciidamada loo qalabeen lahaa si ammaanka goobaha ay joohaan shirkadaha ajaaniibta looogu wareejin lahaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com