C/raxmaan Xoosh Jibriil: Dalka Somalia waxaa ka billowday xukun dictator ah

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo maanta hadal ka jeedinyay fadhi uu lahaa baarlamaanka,oo codka kalsoonida lagu ansixiyay xukuumada cusub, ayaa sheegay in dalka uu ka billowday nidaaam kaliye taliya nimo, wuxuuna madaxeynaha ka codsaday in uu ra’iisal wasaaraha u madax baneeyo soo xulista wasiiradiisa.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in wasiirada cusub iyo aaney ku imaan rabutaanka ra’iisal wasaaraha isagoona intaas ku daray in dhammaan xunaha cusub laga soo magacaabay madaxtooyada Villa Somalia sidda uu hadalka u dhigay.

Cabdiraxmaan Xoosho wxuu kaloo sheegay in madaxweynaha uu sameestay labo madaxweyne ku xigeen oo mid ka mid ah uu joogo baarlamaanka halka ku kalena uu shacabka ugu jirro

Ugu dambeyn wuxuu ku talliyay in dib loogu celiyo ra’iisal wasaaraha xukuumada uu soo dhisay maadama aysan waxbo qaban karin xaallada dalka.

Hadalka xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa ku soo aadaya iyadoo maanta baarlamaanka Soomaaliya u cod aqlabiyad uu ku ansixiyay golaha wasiirada cusub.

Xildhibaankan ayaa la hadlayay intii la soo xulayay golaha wasiirada cusub in lagu soo deri doono, balse wuu iska waarayay liiska wasiirrada cusub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com