Xog: Liiska golaha wasiirada cusub ee Puntland oo aan qaarkood helnay

Garowe (Caasimada Online) – War lagu kalsoon yahay oo u dhow madaxtooyadda Puntland ayaa waxay sheegayaan in golaha wasiiradda cusub ee maamulkaas qaarkood la isla gartay.

Madaxweyne Cabdiwali M. Cali Gaas ayaa ilaa hada waxa u doortay in ay xukuumadiisa ka mid noqdaan wasiiradda soo socda.

Cabdi Faarax Juxa – Wasiirka Waxbarashada

Faarax Cali Jaamac- Wasiirka Maaliyada

Cabdixabiib Yuusuf Warsame – Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah.

Dr Sadiiq Eenow- Wasiirka Caafimaadka

Cbdiraxman Geedi- Wasiirka Amniga

Wararka waxa ay intaas ku darayaan Maxamed Cabdinuur iyo Sadiiq Eenoow loolan weyn kawada dhexeeyeen ugu danbeyntiina Sadiiq Eenoow lagu qoray Wasaarada Caafimaadka halka Maxamed Cabdinuur lagu qanciyey in meel cidla ah looga tagayn.

Sidoo kale Cali Xaaji ayaa isna ka tanaasulay wasiir kadib markii Cabdixabiib uu kaga itaal roonaaday wasaarad uu aadka u danaynayey Cali Xaaji.

Wixii kasoo kordha dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa insha allah

Isha: RBC