Madaxweynaha oo caddeeyay mid ka mid ah ceebaha ay lee dahay DF

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay caddeeyay arrin lagu eedeeyay mid ka mid ah hey’addaha dowladda.

Madaweynaha ayaa sheegay in ay ka warhayaan dad badan oo qaab caddaallad aan ahayn looga qaaday hanti ay lahaayeen oo ay ka mid tahay guryo.

Wuxuu tilmaamay mid ka mid ah dhacdooyinkaas in uu goobjoog u noqday , taasoo ahayd nin la rabay in la badalo oo u shaqeenayay hey’adda garsoorka in loo sheegay in kaligiis uusan bedali karin ninkaas maadama uu ku xiran yahay dad badan, “Waana iska dhaafay” ayuu yiri kaasoo si caddaalad daro.

Madaxweynaha ayaa tilmamaay in la soo gaaray haddiiba maanta la isku qabsanaayo dhulal la iska heestay meel fiican, mardhowna arrintaas ay dhammaan doonto sidda uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu madaxweynaha sheegay in mardhow dib u habeen culus lagu sameen doono hey’addaha caddaallada ee dalka oo wax badan laga cowday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com