R/W C/WELI oo hadallo cajiib ah kula dardaarmay golaha wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa dardaaran culus siiyay xubnaha wasiiradda cusub ee xukuumadiisa, isagoona tilmaamay in ay u taallo shaqo adag mar haddii la ansixiyay.

Ra’iisal wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyay in golaha wasiirada looga baahan yahay wadashaqeen ballaaran si loo qabto howllo culus oo hor yaalla xukuumadiisa.

Wuxuu tilmaamay in xukuumadiisa ay qaban doonto arrimo badan oo dadka shacabka ay u aayi doonaan sidda uu yiri.

Hadalkan ayuu ra’iisal wasaaraha ka sheegay habeenkii xaley xaflad lagu qabtay Villa Somalia taasoo lagu soo dhaweeyay ansixinta xubnaha wasiirada cusub ee xukuumadiisa.

Maanta ayaa la filayaa in la dhaariyo wasiirada cusub ee shaley codka kalsoonida la siiyay, waxaana xarunta baarlamaanka laga dareemayaa diyaargorow arrintaas loogu jirro.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com