Golaha wasiirada cusub ee Somalia oo la dhaariyay iyo Xasan oo soo xiray….

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow xarunta golaha baarlamaanka Soomaaliya ku soo dhammaaday munaasabad lagu dhaarinayay xubnaha cusub ee wasiiradda Soomaaliya.

Fadhigga maanta oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha baarlamaanka, Prof Maxamed Cismaan Jawaari, ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.

Markii la dhaariyay xubnaha wasiiradda cusub oo badankood joogay fadhigga, ayaa waxaa xildhibaannada baarlamaanka la hadlay ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh, kaasoo uga mahadleyn codka kalsoonida ay siiyeen xukumadiisa oo ka kooban 55 wasiir, wasiir ku xigeen iyo wasiir dowlayaal.

Guddoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa isna sheegay in kal fadhiga seddaxaad ee baarlamaanka uu xiran yahay, caawana la qaban doono xaflad lagu soo xiraayo fadhigga baarlamaanka.

Intaa kaddib waxaa soo xiray fadhigga madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud.

Wuxuu ugu horreyn dardaaran siiyay xubnaha wasiiradda cusub ee maanta la dhaariyay, waxaana uu tilmaamay in shaqooyin badan ay hortaallo.

Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay shirk ka socda magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha waxaa kaloo uu soo dhaweeyay dhammeestirka golaha wasiirada maamulka KMG ah ee Jubba.
Wuxuu kaloo madaxweynaha amaanay doorashadii ka dhacday Puntland ee lagu doortay madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali.

Madaxweynaha ayaa siddaas ku soo xiray kal fadhigii seddaxaad ee golaha baarlamaanka, waxaana siddaas lagu  fasaxay xildhibaannada baarlamaanka oo loo diray in ay aadaan goobaha ay ka soo jeedaan ee dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com