Maxaa maanta ka dhacay YAAQSHIID?

Muqdisho (Caasimada Online) Degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho,waxaa maanta ka dhacday xaflad lagu soo dhaweenayay ansixinta ay ansixiyeen xildhibaannada baarlamaanka golaha wasiirada cusub.

Xafladda oo ay ka qaybgaleen dhammaan guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa si weyn loogu amaanay baarlamaanka oo shaley meel mariyay golaha wasiirada cusub ee uu dhawaan soo magacaabay ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh.

Xafladda waxaa ugu horreyn ka hadlay guddoomiyaha degmada Yaaqashid Muxyidiin Jurus, kaasoo munaasabada soo qaban qaabiyay, wuxuu tilmaamay in ay aad ugu faraxsan yihiin wixii shaley ka dhacay xarunta golaha shacabka.

Wuxuu kula dardaarmay wasiiirada cusub in la yimaadaan wax qabad ka badalan kuwii ka horreeyay maadama howllo badan ay sugeyso.

Sidoo kale, guddoomiyaasha ka hadlay xafladda ayaa iyana soo dhaweeyay ansixinta xubnaha wasiirada cusub, waxaana ay ugu baaqeen in ay wax ka qabtaan arrimaha u baahan in wax laga qabto

Degmada Yaaqshid ayaa noqotay degmada kaliye ee soo dhaweesa marka ra’iisal wasaare iyo wasiirada la soo dhiso ama xilka laga qaado.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com