Daawo Sawirro: Maxaa Madaxtooyada Somalia ka dhacay xalay? + Warbixin

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabad ballaaran oo soo qaban qaabiyay Guddoomiyaha golaha baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari kana soo qayb galeen Masuuliyiinta sare ee dowladda ayaa ka dhacday Hoyga uu daganyahay Guddoonka golaha baarlamanka Soomaaliya oo u dhow Xarunta Villa Hargaisa oo dhawaan loo sameeyay gudiyada golaha baarlamanka inay ku shiraan.

Munaasabada oo lagu soo afmeerayay kulankii saddexaad ee baarlamanka Soomaaliya Xildhibaanada ay kala soo qayb galeen Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud, Guddoomiyaha Maxkamadda sare Avv Caydiid Abdullahi Ilka-xanaf, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed iyo golihiisa Wasiirada, ayaa waxaa lagu furay Aayadaha Quraanka Kariimka, waxaana intaasi kaddib si toos ah loo guda galay Munaasabada oo ahayd mid aad loosoo agaasimay.

Hobolada qaranka ee Waabari ayaa dadwaynihii kasoo qayb galay Munaasabada waxay u qaadeen heeso kala duwan oo u badan Wadani, waxaana intii ay socotay Munaasabada hadalo u badan Kaftan ka jediyay Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo kamid ahaa Xildhibaanadii lagu sharfay inay ka hadlaan Munaasabada ayaa ka dalbaday xubnaha golaha shacabka Soomaaliyeed mudada labada bilood ah ee ay ku maqanyihiin Fasaxa inay deeganadooda ka keenaan Warbixin ku saabsan xaaladaha goobaha ay booqdaan si dowladdu ula socoto Xildhibaan walba deegaanka uu matalo.

Xildhibaan Luul Cabdi Aadan oo sidoo kale hadal kooban ka jeedisay Munaasabada ayaa dhankeeda xustay in Xubnaha golaha shacabka laga doonay inay is cafiyaan maadaama lasoo maray xili adag oo lasoo dhisayay Xukuumad isla markaana kalsoonida lagala noqday Xukuumadii hore.

Xildhibaan Suuri Carab ayaa sheegtay dhankeeda inay Xukuumadda cusub ee uu hogaamiyo Cabdiweli Sheekh Axmed laga doonayo mudada fasaxa uu ku jiro baarlamanka inay la yimaadaan howl karnimo.

Xubno kamid ah golaha cusub ee Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo hadalo kooban ka jeediyay Kullanka ayaa dhankooda uga mahad celiyay golaha shacabka Soomaaliya sida ay codka kalsoonida u siiyeen iyadoo qaar kamid ah golaha Wasiirada ay hadalo kaftan ah weydaarsadeen Xubnihii kulanka ku sugnaa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Shekh Axmed Maxamed oo hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyay Kulanka ayaa dhankiisa xusay inuu aad ugu faraxsanyahay Xaflada inuu kasoo qayb galo, isagoo xusay Munaasabad lamid ah tan inuu qaban doono marka Baarlamanku kasoo laabto Fasaxa, wuxuuna tibaaxay Xukuumadiisu inay fulin doonto guud ahaan balanqaadyadii ay ka hor samaysay golaha shacabka.

Cabdiweli ayaa xusay Xukuumadiisu inay horumarin ku samayn doonto arimaha amniga isagoo si gaar ah u xusay Wasiirada sita Baasaboorada shisheeye oo uu sheegay in laga xarayn doono, iyo sidoo kale inuu wax ka qaban doono arimaha la xiriira Wasiirada daga guryaha ku xeeran xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare Avv Caydiid Cabdullahi Ilkaxanaf oo dhankiisa hadlay ayaa sheegay arimaha garsoorka Soomaaliya inay ka jirto habacsanaan isagoo arintaasi ku micneyay dhinaca dhaqaalaha oo ad u liita.

Wuxuu ka dalbaday Xukuumadda cusub ee Cabdiweli Sheekh Axmed inay gacan ka siiso Mushaaraadka shaqaalaha Maxkamadda sare si ay u gutaan waajibaadkooda.

Ugu danbayntii waxaa Munaasabada soo xiray Guddoomiyaha Baarlamanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo guud ahaan u mahad celiyay dadkii kasoo qayb galay Munaasabada dhinaca kalana ka aqbalay Ra’iisul Wasaaraha casuumaadka uu fidiyay.

3812310111213141516171819202122232425262728293031323334353637