30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

DF Soomaaliya oo si weyn loo adeeyay iyo beesha caalamka oo lagu diray

Nairobi (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn loogu eedeeyay in aysan waxbo ka qaban xad gudubyada ka dhanka xuquuqda aadanaha ee ka dhaca magaalada Muqdisho iyo qaybo ka mid dalka.

Warbixinta sannad laha ee hey’adda xuquuqda aadanaha ee HRW oo la soo saaray maanta ayaa lagu sheegay in taagdarada ka muuqata dowladda iyo hami xumida heesata in ay sabab u noqotay  in ay ka gaabiso in ay wax ka qabato dhibaatada loo geesto haweenka ku nool goobaha barakacayaasha ee magaalada Muqdisho iyo goobaha kale ee gacanta dowladda ku jirra.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa kaloo lagu eedeeyay in aysan ka faa’ideesan weysay ballan qaadyadii caalamiga ee lacageed ay siisay beesha caalamka sannadkii horre, taasoo la rabay in dib u habeen lagu sameeyo hey’adda caddaallada iyo qaabka ciidamada.

Hey’adda HRW ayaa tilmaamtay dowladda in laga rabay in ay la timaado ajande muujinaya sidda wax looga qaban karo dhibaatada loo geesto haweenka nugul ee ku nool goobaha lagu soo barakacay, iska daa in wax laga qabtee waxaa la maxkamadeeyaa dumarka la kufsado halkii laga rabay in caddallada la horkeeno kuwa dambiilayaasha ayaaa lagu yiri warbixinta.

Warbixinta Human Rights Watch oo ka koobneed 667 bog, ayaa waxaa looga hadlay 90 dal oo ay ka dhaceen dhibaatooyin dhinaca jinsiga ah sannadkii horre.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Qaraxyo xoogan oo maanta ka dhacay dad badanna ku dilay magaalada…

Gaalkacyo (Caasimada Online) Waxaa faah-faahin laga helayaa labo qarax oo maanta barqadii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Inta la ogyahay shan qof ayaa ku dhimtay in ka badan 13 kalena waa ay ku dhaawacmeen sidda ay lee goobjoogayaal ku sugan magaalada Gaalkacyo oo la hadlay Caasimada Online.

Qaraxa koowaad ayaa la sheegay in uusan wax khasaaro geesan balse kii dambe ayaa geestay khasaaro dhimasho iyo dhaawac sidda ay lee yihiin dadka noo warrmay.

Qaraxyada ayaa ah kuwa meelaha fogfog laga hago, waxaana la lee yahay goobta ay ka dhaceen oo u dhow Isbitaalka Jeemis ee magaalada Gaalkacyo ma ahan meel ay joogeen ciidamo ama saraakiil ka tirsan maamulka Mudug ee Puntland.

Qaraxyada kaddib waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka, kuwaasoo dadka dhaawaca u soo qaaday Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo.

Duqa magaalada Gaalkacyo oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in qaraxyada aaney jirin cid loola dan lahaa, waxaana uu intaas ku daray in dhammaan dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ay ahaayeen rayid.

Waxaa uu sheegay inuu socd baaritaan lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay qaraxyada ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

[email protected]

Sawirro cajiib oo MUQDISHO laga soo qaaday oo muujinaya is-beddel weyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka socda is-beddelo xooggan iyo dib u dhis, ayada oo bilicdii magaalada ay dib usoo laabaneyso, maalinba maalinta ka dambeysa.

Shacabka Muqdisho, ayaa is-marin waaga siyaasadeed ee madaxda dowladda Somalia iska diiday inay ka hor-istaagaan inay sameeyeen horumar shaqsi ahaaneed, taasi oo aad dareemeyso marka aad eegto sawirrada cusub oo laga soo qaaday magaalada ee hoos ka muuqda.

DSC05427DSC05428DSC05429DSC05432DSC05453DSC05454DSC05461DSC05474DSC05478DSC05479DSC05484DSC05489DSC05491DSC05492DSC05493DSC05495DSC05496DSC05515DSC05521DSC05523DSC05524DSC05525DSC05526DSC05527DSC05528DSC05529

Daawo: Weriye ka tirsan Universal TV oo barnaaamij ka diyaarisay Muqdisho

0

Wariye Sagal Mustafa oo ka mid ah Wariyayaasha ka howl gala Tv-ga Universal oo markii ugu horeeysay soo gaartay Magaalada Muqdisho, kana timid Hargeysa ayaa waxey barnaamij kasoo diyaarisay magaalada.

Gabadhan weriyaha ah, ayaa soo diyaarisay barnaamij ka hadlaya magaalada Muqdisho iyo arrimaha ka socda, iyo sida magaalada ay isu-bedeshay.

HAKAAN KA DAAWO:

 

Kismaayo oo maanta jawi kale gashay

Wararka laga helaayo magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta xaalada Magaalada ay ku soo laabatay si caadi ah ka dib 24-saac oo bandhaw ah oo magaalada saarneeyd.

Isku socodka gaadiidka dad weynaha iyo Ganacsiga ayaa dib u soo laabtay iyadoo gabi ahaan isku socodka magaalada oo hada si caadi ah ku soo laabtay.

Maalintii shalay eheyd ilaa iyo xalay ayaa magaalada gabi ahaan waxaa xiray ciidamada Maamulka Juba iyo kuwa AMISOM iyaga oo sugaayay amaanka magaalada oo ay ka socotay xaflad lagu caleemo saarayay M/weynaha Juba iyo xubnaha Wasiiradiisa.

Qaar ka tirsan dadka Kismaayo ayaa waxa ay sheegeen in shalay ay eheyd maalin kaga duwan maalmihii kale sidaas darteed ay maanta ku faraxsan yihiin in dib oo u soo laabto adeegii bulshada oo hal maalin hagad ku jiray.

XOG: Tarsan oo loo diiday in oo lacag kala baxo Bankiga Dhexe

Warar aan si hoose u helnay ayaa waxa ay sheegayaan in DF Somalia ay gabi ahaan xayiraad ku soo rogtay Gudoomiyaha gobalka Banaadir Max’ud Axmed Nur Tarsan kaasoo ku aadan in uusan lacag kala bixi karin bankiga.

Wareegto uu ku saxiixan yahay M/weyne Xasan Sheekh ayaa waxaa la geeyay Bankiga Dhexe taasoo sheegeysa in marnaba aan loo ogolaan Tarsan in uusan lacag ka qaada karin Bankiga.

Dhanka kale Waraaqada ayaa waxaa ku qorneyd in xilka laga qaaday Tarsan isla markaana dhawaan lasoo magacaabi doono Gudoomiye sidaas darteed uusan lacag la bixi karin.

Gudoomiye Tarsan ayaa wali sheegaya in uu Gudoomiyaha Gobalka yahay balse M/weyne Xasan ayaa la shegay in wali beelaha uu kala tashanaayo cidii lagu badali lahaa Gudoomiyaha gobalka.

Dhowr musharax ayaa xilka Gudoomiyaha u taagan iyadoo hada M/weynaha uu wado kala shaandheenta uu ku sameenayo xubnaha qabiilada ee xilkaas isku heysta.

N. KAY oo saaray war aysan jecleysan Axmed Madobe iyo maamulka Jubba

Nairobi (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa soo dhoweyn ay la socoto laakin ka muujiyey aasaaska golaha fulinta ee maamulka KMG ah ee Jubba.

Kay waxa uu sheegay in maamulkaas weli aan loo dhammeyn loona baahan yahay in dadka oo dhan laga wada qaybgaliyo.

Hadal qoraal ah oo laga soo saaray xafiiska wakiilka ayaa loogu hambalyeeyay hoggaamiyaha maamulkaasi KMG ah Axmed Maxamed Madoobe oo shalay is-caleemo saaray.

Laakiin waxa hadalkan ka soo baxay xafiiska Nicholas Kay hoosta looga xariiqay baahida in maamulka uu metelo dhammaan dadka saddexdaasi gobol, oo weliba si gaar ah loo eego ka qaybgalka haweenka, taasi oo iminka aan muuqan.

Waxa uu ammaanay heshiiskii Addis Abab ee bishii July 2013 dhex maray dowladda Somalia iyo maamulkaas.

Nicholas Kay waxa uu ku boorriyay maamulka KMG ah ee Jubba ilaa hadda horumarka laga gaaray heshiiskaasi, laakiin arrimaha muhiimka ah ee taagan sida wareejinta maamulka dekedda iyo garoonka dayaaradaha ee Kismaayo iyo dib u soo celinta iyo inay dib la isku dhexgeliyo maliishiyooyinka waa in si deg deg ah arrintaasi xal loogu helo ayuu yiri Nicholas Kay.

Waxa uu sheegay in Qaramada Midoobay ay ka sii shaqeyn doonto fududeynta wada hadalka isla markaana ay ku yabooheyso taageero dhaqaale iyo farsamo dowladda federalka iyo maamulka KMG ah ee Jubba hanaanka dhisintaanka gobolka.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

5 ka mid ah wasiiradii R/W: Saacid oo si aah loogu amaanay wax-qabad

Shacabka ku dhaqan magaaladda Muqdisho oo u mahad celiyay 5 Wasaaradood oo ka tirsanaa xukuumadii uu Ra’iisal wasaaraha ka ahaa Md cabdi faarax shirdoon ayaga oo ku amaanay mudadii ay hayeen xilalkooda in ay waxbadan ka soo qabteen wax yaabo badan oo dan u ahaa shacabka Soomaaliyeed.

Shanta Wasiir Oo Aadka Loo Amaanay Ayaa Kala Ah

1- Wasiiradda Arimaha dibada Soomaaliya fowsiya xaaji aadan oo Wasaaradeedu wax badan ka soo qabatay sara u qaadista xiriirka arimaha dibada ,
2- Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Fiqi mudadii uu hayay xilkaasi wasaaradiisa ay soo qabatay waxyaaba farabadan taas oo ay ka mid ahayd dib u heshiisiintii dagaaladii dhaxmaray beelaha habargidir iyo biyamaal ayadoo wasaaradiisu beelahaasi ay dhaxdhigeen Dib u heshiisiin.
3- Wasiirka warfaafinta ayaa ka mid ahayd wasaaradihii waxqabadkooda sida aadka loo amaanay , Md, C/laahi Ciilmooge ayaa ka qeyb qaatay dib u soo nooleynta wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta.
4- Wasiiradii aadeega bulshada Drs.Maryan qaasim oo ay wasaaradeedu waxbadan ka qabatay adeegyadii shacabka soomaaliyeed.
5- wasaaradda maaliyada ayaa ka mid ahayd wasaaradihii ugu muhiim sanaa adeega bulshada soomaaliyeed.

shan

Ugudambeentii Shacabka ku dhaqan magaaladda muqdisho ayaa ugu baaqay madaxda sare  qaranka Soomaaliyeed in ay wax ka badalaan hab-dhaqanka siyaasadeed, ayagoo taasi u sababeeyay in qaar ka tirsan xildhibaanadda qaranka soomaaliya ay ku shaqeeyaan laaluush iyo wax isdaba marin, taas oo ay wax u dhimayso sumcada mansabka ay u hayaan Umadda Soomaaliyeed abuuri kartana caddaalaad dari baahda loona baahan yahay in lasoo afjaro.

Xog: Dam-Jadiid oo darfaha ku dhagan ‘Tarsan’ iyo xaqiiq ku saabsan Tarsan

Qorshaha Xil-ka-qaadista Tarsan bilowday 8 Bilood kahor, hase yeeshee Xukuumada Sooomaaliya ayaa Maalmahaan waxey Xooga saartay sidii Xilka looga qaadi lahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Max’ed Axmed Nur Tarsan.

Xilka qaadista Tarsan ayaa timid kadib markii sida la sheegayo ay isa soo tareen Cabashooyinka ka imaanaya Maamulka Gobolka Banaadir iyo degmooyinka hoos yimaada oo noqdo goobo Musuq-maasuq oo Shacabka magaalada Muqdisho “dhiiga looga miirto”.

Warkaan oo aan Bilo kahor soo Qornay ayaa hada noo Xaqiijiyeen Mas’uuliyiin Sare oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana Muqdisho ka socota Dhaqdhaqaaq loogu jiro ciddii lagu badali lahaa Tarsan.

Waxaa Duqa Magaalada Muqdisho lagu eedeenayaa in Lacago kumanaan Dollar gaaraya lagu lunsado Xafiisyada Degmooyinka gobolka Banaadr.

Gudomiyayasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa bilaabay inay guryaha Shacabka ku xardhaan rinji gaduudan oo macnihiisu yahay in la jabinayo guryo dhisnaa Sodon Sanno ama ka hor iyagoo ku tilmaamaya inu Gurigaan uu wadada soo galay.

Iyagoo sidoo kalana calaamadaynaya dhismayaal wadooyinka soo galay. Laakin arinka ka yaabiyay shacabka Muqdisho ayaa noqday in labada qolaba ay uga badbaadayaan jabinta guryahooda haddii ay lacago ay isku furanayaan dhiibaan.

Si kaste ha ahaatee, Indheergaradka Soomaaliyeed, Qurbajoogta iyo Shacabka Magaala Madaxda Muqdisho waxey aaminsanyihiin Max’ed Axmed Nur Tarsan in uu yahay Nin Wax badan ka badalay Magaalada Muqdisho, Hormar la taabankaranah kusoo kordhiyay.

Waxey kaloo aaminsanyiin in uu yahay Nin Hal abuur Wanaagsan, aan hagar Aqoon, doonayanah in Gobolka Banaadir uu noqdo Gobol Hormar, Nabad iyo Maamul Wanaag hiigsanaya.

2010 ayaa Tarsan loo magacaabay in uu noqdo Duqa magaalada Muqdisho. Injineerka, ayaa aqbalay xilgudashada hawsha adag ee maarkaas hortiilay, wuxuuna ku shaaqeeyey duruufo qallafsan haba ugu horreyaan ammaan darro iyo xasiloonidarro ee mudadaas Muqddisho ku sugneed.

Wuxuu Injineerka hawshiisa ka billabay Kursi iyo Miis eber ah, taa oo micnaheeda ahayd dhaqaale la’aan iyo qalab la’aan ilaa uu irid walba qaraacay taasoo ugu danbeyntii geyisiisay inuu ku tallabsado horumar dhaxalgal ah.

Tarsan wuxuu hagaajiyey ileyska Waddooyinka waaweyn ee isku xira magaalada qeybaheeda kala duduwan, taasina waxay qeyb weyn ka qaadatay Nabadgelyada iyo isku socodka dadweynaha. Wuxuu kaloo si rasmi ah u bilaabay in Magaalada Muqdisho hesho koronto joogta ah oo 24-ka saac shidan.

Ama hala badalo ama yaan la badalin, Tarsan waa Nin Sumcad weyn ku dhexleh Bulshada Soomaaliyeed. Waa Nin lagu soo doortay aqoontiisa iyo Kartidiisa.Waa Nin aysan soo Xulan Koox Diineedka Dam Jadiid. Dowladdu waa in ay ka fiirsataa in aysan ku Deg-dagin Tarsan badalkiisa oo ay u daneeso Bulshada reer Muqdisho oo u baahan Shaqsi hufan oo suuragalin kara Waxqabad la taaban karo

Isha: KON

Xog: Rajooyinka R/W Cabdi Weli oo sii liicaya (Maxaa ka socda Muqdisho?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Maalinta Arbacada soo socota ee berri lagu wado in Xukuumadda Cusub ee RW C/wali ay hortagto Baarlamaanka, ayaa waxaa sii kordhaya Tirada Xildhibaanada kasoo horjeedo in la ansixiyo.

Sidaan horey usoo Qornay, Kulamo ayaa ka soconaya Hoteelada Muqdisho, waxaana yeelanaya Xildhibaanada kasoo horjeedo Xukuumadda, waxaana sii kordhaya Tirada kusoo biiraysa Ololahan socda ee Codka kalsoonida loogu diidaya Golaha Wasiiradda.

Xildhibaanadan is aruursanaya, ayaa sheegaya in si weyn uga soo horjeedaan Wasiiradda lasoo celiyay, oo ay ku eedeeyeen Waxqabad la’aan iyo in ay ku fashilmeen Shaqadii loo doortay.

Tirada ayaa hadda maraysa ku dhowaad 130 Xildhibaan, haddii aysan dhicin in lakala jebiyo, RW C/wali Xukuumadiisa Cusub, waxa ay u muuqanaysaa mid ku Guul daraysan doonto in ay Codka Kalsoonida ka hesho Baarlamaanka Arbaco, 22 January.

Waxaan horey usoo qornay in dadaal xoogan, oo socda Madaxtooyadda Villa Somalia, ee Muqdisho kaasi oo lagu kala jebinayo Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Golaha Wasiiradda Cusub ee dhowaan lasoo magacaabay.

Xukuumadda oo ka kooban 55 Xubnood, ayaa la sheegayaa in 33 kamid ah ay yihiin Xildhibaano ku jiray Baarlamaanka oo lasoo doortay, oo ku yimid Kooxaysi, sida kuwa ‘Damu-Jadiid’, oo Xasan Sheekh iyo Faarax C/qaadir ay Madax ka yihiin, Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo RW C/wali.

Shalay waxaa dhacay kulan, waxaana Xildhibaanada ay codsadeen in Waraaqaha ay ku qoranyihiin Ajandaha Siyaasadeed ee Xukuumada Cusub in la siiyo Mudo ah Caawa illaa Beri Subixii sy usoo akhriyaan, iyadoo Maalinta Beri ahna ay ka doodi doonaan, waxa ay ka yeeli lahaayeen Golaha Wasiirada Cusub Codka Kalsoonida “HAA ama MAYA”.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dhex socda Dagaal Siyaasadeed, oo bilowday markii ay rideen Xukuumadii RW hore ee DFS Cabdi Faarax Shirdoon, kadib markii ay is Khilaafeen Madaxweyne Xasan Sheekh Bishii November ee Sanadkii 2013, waxeyna ku socotaa Dowladda Madaxweyne Xasan Sheikh Dariiqi Madaxweyne Cabdullahi Yusuf.

Si kastaba, waxaa laga war sugayaa sida ay ku danbayn doonto Xukuumadda RW C/wali oo Khilaaf la Kowsatay Dhismaheeda.

Isha: KON

Dhageyso: Tallaabadii Axmed Madobe oo sharci darro lagu qeexay, sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo wareysi gaar aha siiyay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka soo horjeestay Caleemo saarka shalay loo sameeyey Maamulka KMG ee jubba iyo Wasiirada Cusub ee uu dhawaan yeeshay.

Xildhibaan ayaa waxa uu sheegay in Maamulka KMG ee jubba uusan ahayn Maamul sax ah oo aan waafaqsaneyn Dastuurka u yaalla dalka, sababto ah oo buu yiri “Wuxuu buuxin karin shuruudo badan oo u degsan maamulada federaalka, sida ku cad dastuuka dalka Somalia.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa sharxay dhowr qodob oo Axmed Madoobe iyo maamulkiisa aysan buuxin karin, sidaa darteedna waxa uu ugu baaqay beesha Caalamka iney ka fiirsato Mamulka KMG ee jubba.

Halkan ka dhageyso xildhibaan Daahir Amiin Jeesow

jeesow

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Talooyin cajiiba oo laga darsay dugisi qur’aanka oo la siiyey Xasan & C/Weli

Xasan Sheekh iyo Cabdi Weli ha darsaan Xiriirka ka dhaxeeya iyo wada shaqeeynta macalinka iyo kabiirka dugsiyada Qur’aanka Somalia

Macalinka kabiirkiika waxuu ku soo xushaa Da’diisa iyo siduu u xifdisanyahay Qur’aanka kariimka , xilasnimadiisa iyo deganaantiisa.

Macalinka kolkii hoosha ku badantahay iyo markuu meel u baxaya ayuu kabiirka uuga taktaa dugsiga.

Macalinka kuma hor canaanta kabiirkiisa wax kastoo qalad samaya ardayda hortooda.
Kabiirkana kuma soo warceliaya macalinkiisa hooshuu u dirsadana sida macalinka rabay ayay u dhacdaa.

Macalinka ma samayo in ardayda qaarkood soo dhawaysto mise in uu yiraahda kabiir kuwaaas ha iga taaban iyo wax la mid ah. Kabiirka kaalin muhiim ayuu u haaya maalinka waxayna arday’da yiraahdaan ( macalinoo na kala da kabiirow na kala fasax), Hoshoodu waa mid is kaabeysa.

Hadaba ma garan waayayn madaxda Dalka in ay tusaala ka soo qaataan wada shaqayntaas wacan ka dhaxaysa macalinka iyo kabiirkiisa.

Waxan kula talin lahaa madaxweynaha maadama uu isagoo xur ah , maankisana uu jooga soo xushay R.wazzaraha ,shuruudna la soo galay , welina golle waziiro raali ka yahay madaxweynaha la soo magacaabay, in uu halkaas ku ekaado, iyo in howl maalimeedka gollaha waziirada faraha ka qaada , uuna soo dhawaysan qaar ka mid waziirada.

Ha loo daaya R.wazaraha jeegaraynta, la xisaabtanka waziirada iyo wax kastoo ku saabsan hoowsha xukuumada.

Madaxwayynaha haduu arko dhaliil ha u yeera R.waaarahiisa hana isla goorfayaan xalinta arintaas iyadoo u sii gudbin Gollaha waziirada.

Waziirada waa in aysan shaqadooda iyo waxii qusayaba ku mashquulinin madaxweynaha , balsi shir Khmislaha gollaha waziirada ku soo bandhigaan.

Gollaha waiirada cusub ha ogaadeyn in ay ku soo aaden waqti dalka iyo dadka Soomaliyed uu baahan yihiin in wadanka laga saara dhibaatoyinka ragaadiyay mudda rubcu qarni ah.

Waxaa hor yaalla howla badan uu baahan iskaashi iyo wada shaqayn. Somaliya ha noolaato hana jirto weligayd.

W/Q; Abdullahi Afrah
[email protected]
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Daawo Video: Shirkado ajaanib ah oo Muqdisho maalgashi ka sameynaya

0

Caasimada Online: Horumarka & Nabadda ka jirta Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxeey abuureysaa in Shirkado waaweyn oo ay lee yihiin Ajaanib in ay maalgashi ka sameystaa Magaalada Muqdisho.

Muqdisho waxaa haatan ka soconayo horumar dhan walba leh waxaana arkeysaa in Magaaladii ay Bilic cusub la timid ee nala daawo Muuqalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

RW C/Weli iyo xubno wasiirada ah oo gaaray xarunta baarlamaanka

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradiisa ay gaareen xarunta golaha baarlamaanka ee magaalada Muqdisho, halkaasoo iminka uu ka socdo kulan ay lee yihiin baarlamaanka oo looga dooddayo qorshaha xukuumadda cusub.

Kulanka maanta ayaa la filayaa in codka kalsoonida loogu qaado qorshaha xukuumadda cusub ee ra’iisal wasaaraha, kaddib markii maalintii shaley loo qeybiyay xildhibaannada.

Fadhigga maanta ayaa waxaa ku sugan xildhibaanno kor u dhaafaya 200 oo mudane, qaarkoodna ka soo horjeeda barnaamijka xukuumada iyo xubnaha wasiirada.

Shirka waxaa guddoominaya afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari, waxaana wariyaasha noo jooga ay lee yihiin, waxaa laga yaabaa in uu qaato waqti badan maadama uu yahay mid xasaasi ah.

Waxaa jirra xildhibaanno fara badan oo doonaya in qorshaha xukuumada cusub la laalo, sidda ay lee yihiin ilo ku sugan xarunta baarlamaanka.

Kalfadhiga maanta ayaa kii ugu dambeeyay ee xildhibaannadu yeeshaan kulankoodoo saddexaad ee baarlamaanka tan iyo markii la yagleelay, waxaana soo afjari doonaa maalinta Arbacada ee berri ah oo 22 tahay bishan Janaayo.

Wixii ku soo kordha kala soco Caasimada Online

Faysal Cali Waraabe oo sir bixiyey: S/L gool baa looga dhaliyey shirki Istanbul

Hargeysa (Caasimada Online) – Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Ucid ee deegaanada maamulka Somaliland ayaa dhaliilay heshiiska magaalada Istanbul maalintii shalay ku dhexmaray Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland isagoo sheegay in heshiiska uu u xagliyey dhanka Soomaaliya.

Faysal Waraabe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in heshiiska ay wada saxiixeenlabada wafdi ee ka kala socday Dawlada Federaalka iyo maamulka Somaliland inuu ahaa mid aan xaqiiq ahayn, isla markaana aan lagu sheegin dhibaatadii gaartay, sida uu yiri dadka reer Somaliland.

“Ereygii ahaa xaquuq waa laga saaray heshiiska oo waaa lagu qoray ereyga ah “atrocity” oo ah dil dad aan hubeysneyn loo geysto, mana uusan ahayn ee wuxuu ahaa xasuuq si isir ah loogu geystay dadka reer Somaliland.” ayuu yiri Feysal Waraabe.

Feysal waxaa kal oo uu ku eedeeyay maamulka Axmed Siilaanyo ee xisniga Kulmye inau keligood heshiis la galeen Dawlada Soomaaliya, sidaas darteedna heshiisku uu yahay mid ku gooni ah, sida uu yiri xisbiga Kulmiye.

Wuxuu sheegay in Somliland u baahantahay inay dib u tashato isagoo cadeeyay in gooni isutaagii Somaliland ay sheegatay uu yahay mid la diiday, sida uu sheegay.

Mar la weydiiyey in Feysal Cali Waraabe laftiisa uu horey uga qeybgalay wadahadalka ay Somaliland la gashay Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku dooday in wadahadaladi hore ay ahaayeen kuwo saxsan balse kuwa hadda socda ay yihiin kuwo khaldamay ka dib markii, sida uu yiri laga saaray labo arrin oo waaweynaa.

“Horta inaanu labo dawladood oo wada hadlaya nahay waa la diiday oo magacii Somaliland waxaa laga dhigay maamul goboleed hoos yimaada dawlada Xamar fadhida, tan kale ee meesha ka baxdayna waxa weeye inaanu 1960-kii dawladnimo qaadanay oo aanu ahayn dawlad gooniya waa laga saaray iyana.” ayuu yiri.

“Somaliland maanta gool baa laga dhaliyey, goolkaa laga dhaliyeyna waxaa ka masuul ah nimanka saxiixay.” Ayuu sii raaciyey Feysal Waraabe.

Isha: RBC

Baarlamanka oo helay qorshaha Cabdi Weli & xiliga cod u qaadista wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulanka maanta ee Mudanayaasha Baarlamaanka oo ay soo xaadireen 208 Xildhibaan ayaa waxa Xildhibaanada looga Qeybiyay Barnaamijka Xukuumada Cusub ee uu dhawaan soo dhisay Ra’isal Wasaaraha Dalka Cabdi-Weli Sheekh Axmed Maxamed. 

Furitaanka Kulanka ka dib ayaa waxa la dhaariyay Xildhibaan Cusub oo lagu magacaabo Dr.Maxamed Aadan oo lagu bedelay boskii uu baneeyay Alle ha u Naxariisteee Xildhibaan Xasan Muxumad Cali Sokorliin oo bil ka hor ku Geeriyooday Gudaha Magaalada Muqdisho.

Guddoomiha Barlamaanka Prof: Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Xildhibaannada u jeediyey in marka hore loo qeybiyo barnaamijka Xukuumadda cusub ayna ku soo aqriyaan muddo 24-saacadood ah, kaddibn maalinta xigta ee berito ah ay uga doodaan, iyadoo coddeynta Kalsooni siinta Xukuumadduna ay noqon doonto maalinta Arbacada.

Maalinta Berito ah aya lagu wada in Baarlamaanka Soomaaliya uu hor yimaado Ra’isal Wasaaraha Dalka Cabdi-Weli Sheekh Axmed Maxamed si uu Baarlamaanka ugu hor jeediyo qudbadiisa ku aadan Barnaamijka Xukuumada Cusub.

Barlamaanka Soomaaliya ayaa maalinta Arbacada si rasmi ah u soo gabagabeynaya kalfadhiga 3-aad haddii ay kalsooni siiyaan Xukuumadda Cusub ee uu dhawaan soo dhisay Ra’iisal wasaaraha dalka C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Axmed Madoobe oo la caleemo saaray

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo waxa maanta ka dhacdey xaflad lagu caleema saarayey hoggaamiyaha maamulka KMG ee Juba ee koonfuurta Somalia, Ahmed Mohamed Islam (Ahmed Madobe).

Waxaa munaasabada xafladaasi ka soo qeyb galey wufuud ay ka mid ahaayeen Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Baarlamanka Somalia Mudane Jeylani Nur Ikar, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Somalia, Nicholas Kay iyo mas’uuliyiin kale.

Afhayeenka maamulka Juba, Abdinasir Seeraar Maax ayaa VOA u sheegey in xafladda ay si wanaagsan u dhacdey.

Hadaba shir jaraaiid oo ay magaalada Muqdisho ku qabteen siyaasiyiin ka soo jeeda goboladda Jubbooyinka ayaa waxay kaga hor yimaadeen caleema saarka Kismaayo loogu sameeyey hoggaamiyaha maamulka KMG ee Juba Ahmed Mohamed Islam (Ahmed Madobe).

War saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen siyaasiyiintaasi oo wax ka saxiixey shirkii dib u heshiisiinta gobollada Jubbooyinka ee Muqdisho ka dhacay ayaa waxay ku sheegeen in Ahmed Madobe uu jebiyey heshiisyadii Addis Ababa iyo Muqdisho.
War saxaafadeedka ay siyaasiyiintan soo saareen ayaa waxaa ku saxiixnaa Abdi Shire Warsame, Abdi Baaley Xuseen, Iftiin Xasan Baasto, Omar Burale Ahmed iyo Mohamed Amin Abdullahi.

Daawo Video: Dib u dhiska iyo nolosha cusub ee dib loo helay MUQDISHO.

0

Shacabka reer Muqdisho ayaa aad ugu farxay arin dhawaan ka hirgashay magaalada Caasimada ee Muqdisho  taa oo dad badani ka farxisay.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka bilaawday arimo aan looga baran sanadahaa taa oo farxad gelineyso Shacabka Muqdisho oo 23 sano Dagaal iyo burbur ku jiray ee nala daawo Muuqaalkani farxadeed.

HALKAAN KA DAAWO: 

 

Kobaca Islamka & mustaqbalka Yurub

Islaamka ayaa si mug leh ugu faafaya dalalka reer galbeedka gaar ahaanna waddama Yurub, halka dowladda Ingiriiskuna ay si gaar ah uga dhex muuqato dalalkan ay dadkeedu muslimanayaan.

Dad lagu qiyaasay 100,000 oo qof ayaa tobankii sannadood ee ugu dambeeyey soo galay diinta Islaamka qaaradda Yurub guud ahaan. Dalka Ingiriiska oo dadkiisa lagu qiyaaso 61 Milyan ayaa sannadkii 2012 ay ka Islaameen 52,000 oo qof, kuwaas oo 62% ay dumar yihiin, haddii si kale loo dhigo in ka badan ka badh ayaa haween ah, waxana da’dooda lagu jaangooyay 27 jirro. Haweenkan ayaa la soo ifbaxay Islaannimadooda markay muuqaalka noloshooda ku beddeleen  Xijaabbo, Indhashareerro, iyo Khamaarro ay xidhaan, tiiyoo dalal badan oo Yurub ah looga ololaynayo in la mamnuuco qaadashada khamaarka iwm.

Sababaha dad badan oo u dhashay dalalka reer galbeedka, gaar ahaanna Yurub ay diinta Islaamka u qaadanayaan ayaa lagu macnayn karaa dhawr arrimood oo is-dugsanaya.

1. In dad badan oo ka tagaya dunida Islaamku ay ku badanayaan dalalka Yurub, taasina ay door mug leh ka qaadanayso in dad badan oo Masiixiyiin ahaa ay u digarogtaan Islaannimada.

2. Horumarka casriyaysan ee Tiknolojiyadda (latest technology) ay qayb ka qaadanso in ay dad badan oo masiixiyiin ah diinta Islaamka ka helaan su’aalo ay jawaabo u la’aayeen, kuwaasoo aan raadinta warcelintoodu aanay wakhti badan ama socdaal badan ka qaadan.

3. Diiqadda nolosha la xidhiidha (Stress) oo dad badan oo aan Muslimiin ahayn in ay waddo ay kaga baxaan la’yihiin, laabtuna u degi la’dahay. Tani waxay dad badan ku hoggaamisay in ay baadigoobka daggannaantu uu u hoggaamiyo Islaamnida, marka ay diintan ku ladaanna ay ay u falceliyaan saaxiibbadoodii Masiixinnimada ku hadhay, taasoo sabab u noqota in la helo mujtamac hor leh oo diinta Islaamka ku soo qul-qulaya.

Dalal badan oo isla qaaradda Yurub ah ayaa uu Islaamku si wayn u saamaynayaa imika iyo mustaqbalka dhowba, waxana isbarbar socda hoos dhaca xaddiga bulsho ee qaaraddaasi, iyo sare u kaca dadka qaadanaya diinta Islaamka.

Warbixinno la sameeyey waxa ay isku raaceen in heerka dhalmada ee Yurub uu guud ahaan hoos u dhac wayn saamayn ku leeyahay, taasoo haddii la isku dayo in dib heerkaasi kor loogu soo qaado si dhaqankii iyo diintii Masiixiyadda ee dalalkaasi loo sii ilaaliyo ay ku qaadan doonto ugu yaraan 80 sannadoo, iyadoo ay suurto gal tahay in ay muddada intaas le’eg kala sii dheeraato, hoos dhaca dhaqaale ee ka aloosan dalalkooda dartii.

Tusaale waxa aynu u soo qaadan karnaa hoos dhaca bulsho ee qaaradda Yurub saamaynaya in afar kasta oo lamaane ay dhalayaan laba ubad ah, labadaasina waxa ay sii dhalayaan qof kaliya, taasoo keeni karta in muddo qiyaas 60 sannadood ah ay tirada 4ta qof ah ay isku beddeli karto qof kaliya ama in ka yar. Si kale haddii aan u dhigo Malyanka carruurta ah ee Yurub u dhashay 2006, waxaa lagu wadaa in 2026 ay intaas ka yaraadaan amaba ay tiradaasi inyar ka bataan, halka dunida Muslimka ah Malyanka carruurta ah ee dhashay 20 sannadood kaddib laba jibbaar ay ku dhawaan karaan ama ka sii badan karaan.

Hoos u dhacaas bulsho ee ka jira Yurub ayaa haddaba diinta Islaamku ay saamayntan ku leedahay dadka dhalanaya qaaraddaasi.

Dalalka Yurub ayaa heerkooda dhalmadu ay maraysaa sidan:-

Faransiiska 1.8/qoyskiiba
Ingiriiska 1.6/qoyskiiba
Giriig 1.3/qoyskiiba
Jarmalka 1.3/qoyskiiba
Talyaaniga 1.2/qoyskiiba
Isbayn 1.1/qoyskiiba

Dalalka midowga reer Yurub ee ka kooban 31-ka dal ayaa heerka dhalmadooda lagu jaangooyaa 1.38, warbixin la sameeyeyna waxa ay farmuuqaysaa in aanay suurtogal ahayn in halka dalalkani ay maanta joogaan ay dib uga noqdaan, oo ay higsadaan tirooyinkii hore ee dadkooda ee hoos dhaca wayn uu ku haleeley. Waxana si caalamiyan ah loo aaminsanyahay marka ummad  meel ku dhaqnayd ay nabaad guurayaan in dhaqankoodii iyo diintoodiina ay suulayaan.

Faransiiska 30% dhalinyarada u dhexeeya 15 illaa 20-jirradu waa Muslimiin, saddexda magaalo ee waawayn ee dalkaas ee Baariis, Marseel, iyo Niis, tiradani waxa ay gaadhay 45%, taasoo ka dhigan in ku dhawaad kala badh dhalinta u dhexeeya 15-20 ee magaalooyinkaas ay Muslimiin yihiin. Sannadka 2027 waxaa la saadaalinayaa in mid ka mid ah 5 qof oo kasta oo Faransiis ah uu Muslim ahaan doono, marka la eego heerka koboca Islaamka ee dalkaasi, waxana 40 sano gudahoodna dalkaasi  uu noqon karaa dowlad Islaam ah, ama dal dadka masiixiyiinta ah lagaga tiro badan yahay.

Dalka Ingiriiska 30-ka sannadood ee soo aaddan Islaannimada ayaa 30 jibbaar ku kor u kici doonta, waxana lagu wadaa in ay gaadho illaa 2.5 Milyan, inta badanna dadkaasi waxaa lagu wadaa in ay ahaan doonaan dad ka baxay Masiixiyadda oo ku biiray Islaamka.

Dalka Holland 15 sano gudahood waxaa suurtogal ah in kala badh dadka dalkaasi ay noqdaan Muslimiin, xilligan carruurta waddankaas lagu dhalo kala badh waxaa dhala waalidiin Muslimiin ah.

Ruushka 23 Milyan oo qof ayaa Muslimiin ah, waxana ay ka dhigantahay in mid ka mid ah 5 qof kasta oo dadka waddankaas ah uu Muslim yahay, waxaa la saadaalinayaa in mustaqbalka ciidamada waddankaas saddex meelood meel ay ahaan doonaan dad muslimiin ah.

Biljamka 25% dadka ku dhaqan waa Muslimiin, kala badh carruurta dalkaas lagu dhalana waxaa dhala waalidiin Muslimiin ah. Dowladda Biljam ayaa sheegtay in sannadka 2015 saddex kasta oo carruur ah oo qaaradda Yurub ku dhasha mid ka mid ah ay waalidiin Muslimiin ah dhali doonaan.

Dowladda Jarmalka ayaa si cad u sheegtay inay ka walaacsantahay in sannadka 2050-ka dalkeedu uu waddanka Islaam ah noqdo, marka la eego xawaaraha dadka Muslimiinta ah ee dalkaasi ku badanaya.

Markii ugu horraysay ayay Kiniisadda Kathooligga ee Masiixiyaddu sheegtay walaaca ay ka qabaan in Muslimkii uu ka saramarayo dhinaca tirada dadka, gaar ahaanna dalalka reer Yurub. Baadari la yidhaahdo Mansinio Vemanti waraysi uu wargays Talyaaniga ka soo baxa siiyay sannado yar kahor waxa uu ku sheegey in xawaare lagu dhaafayay tirada dadka Kirishtanka ah, kuwaasoo uu ku sheegey 17.4%, halka uu Muslimiintana ku tilmaamay 19.2%.

Walaaca dalalka Yurub ka haya tirada bulshadooda oo yaraanaysa, iyo Muslimiinta dalalkaas oo badanaya ayaa ay barbar socotaa dhaqaale burburka dunida Masiixiga hadheeyey.

Saxaafad badan oo u adeegta Masiixiyiinta iyo dad badan oo diintaas haysta ayaa xilligan door bidaya in dadka faraha badan ee galaya diinta Islaamka ay ku hor istaagaan dacaayado, sida in muslimiinta iyo diintoodaba lagu tilmaamo argagixisonimo.

Adam Shardi Ahmed
Journalist
Facebook: ashardi1
Skype: adam.shardi
Email: [email protected]

Xog: Xubno ka tirsan kooxda Xasan Sh oo is-casilay (20 wasiir naguma filna)

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin Sarsare oo ka tirsanaa Hoggaanka Sare ee Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta (Damu-Jadiid) ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa is-casilay, kadibmarkii ay saluug-siyaasadeed ka muujiyeen Saami-qeybsiga Xilalka Xukuumadda Cusub ee uu Ra’isul-wasaare C/Weli Shekh Axmed dhawaan ku dhawaaqay.

Iyadoo uu Dhawaan Ra’isul-wasaare C/weli Shekh Axmed soo bandhigay Liiska Wasiiradda ee Xukuumadiisa Cusub, ayaa waxay arrintaasi sababtay inuu Khilaaf xooggan soo dhex galo Hoggaanka Sare ee Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta (PDP), balse daaha gadaashiisa ka ah Damu-Jadiid, ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud hayinka u hayo.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u xaqiijiyey Idaacadda Radio Dalsan ee Muqdisho inay qaar ka tirsan Madaxda Xisbiga PDP ku dhawaaqeen inay iska Casileen Xisbigaasi, kadib markii uu Xisbigu ku fashilmay Kuraasta ugu tunka weyn Xukuumadda Cusub ee dhawaan lagu dhawaaqay, inkasta oo ay ku dhowaad 20 wasiir, waiiru ku xigeeno iyo wasiiru dowlayaal ay heleen, balse ay doonayaan kasi badan.

Kaadiriinta Xisbiga Nabadda iyo Hormarinta (Damu-Jadiid)
Kaadiriinta Xisbiga Nabadda iyo Hormarinta (Damu-Jadiid)

Xoghayaha Hoose ee aynu helnay, ayaa waxay qirayaan in Xoghayaha Guud ee Xisbiga PDP ama Damu-Jadiid, Xamsa Cabdi Aar iyo Gudoomiyaha dhaallinyarradda iyo abaabulka ee PDP, Prof. Cali Yaasiin Sh. Cali ay labaduba iska casileen Xilalkii ay ka hayeen Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ka gadoodsan.

Is-casilaadda Labadaa Mas’uul ayaa waxaa laga dheehan karaa inuu Khilaaf soo dhex galay Hoggaanka Xisbiga PDP oo ay xubno ka yihiin Kaadiriin ka soo aflaxday Jamaacadda SIMAD, oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud horey u asaasay bilowgii bilowgii sannadkii 2000-kii.

Mar aan isku daynay inaan Khadka Telefoonka ku la xiriirno Labada Mas’uul ee Iska Casilay Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta (PDP) ayey inoo suurtoobi weyday.

Si kastaba ha ahaatee, Xeeldheerayaasha Siyaasadda ayaa rumeysan in Khilaafka soo kala dhex galay Hoggaanka Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee salka ku haya xil jaceylka, ay tahay wax lala yaabo, maadaam kooxda Xasan Sheekh ee Damu Jadiid, ay dowladda cusub ku leedahay in ku dhow 20 isugu jira wasiiro, wasiiru ku xigeenno iyo wasiiru dowlayaal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]