Xog: Xubno ka tirsan kooxda Xasan Sh oo is-casilay (20 wasiir naguma filna)

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin Sarsare oo ka tirsanaa Hoggaanka Sare ee Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta (Damu-Jadiid) ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa is-casilay, kadibmarkii ay saluug-siyaasadeed ka muujiyeen Saami-qeybsiga Xilalka Xukuumadda Cusub ee uu Ra’isul-wasaare C/Weli Shekh Axmed dhawaan ku dhawaaqay.

Iyadoo uu Dhawaan Ra’isul-wasaare C/weli Shekh Axmed soo bandhigay Liiska Wasiiradda ee Xukuumadiisa Cusub, ayaa waxay arrintaasi sababtay inuu Khilaaf xooggan soo dhex galo Hoggaanka Sare ee Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta (PDP), balse daaha gadaashiisa ka ah Damu-Jadiid, ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud hayinka u hayo.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u xaqiijiyey Idaacadda Radio Dalsan ee Muqdisho inay qaar ka tirsan Madaxda Xisbiga PDP ku dhawaaqeen inay iska Casileen Xisbigaasi, kadib markii uu Xisbigu ku fashilmay Kuraasta ugu tunka weyn Xukuumadda Cusub ee dhawaan lagu dhawaaqay, inkasta oo ay ku dhowaad 20 wasiir, waiiru ku xigeeno iyo wasiiru dowlayaal ay heleen, balse ay doonayaan kasi badan.

Kaadiriinta Xisbiga Nabadda iyo Hormarinta (Damu-Jadiid)
Kaadiriinta Xisbiga Nabadda iyo Hormarinta (Damu-Jadiid)

Xoghayaha Hoose ee aynu helnay, ayaa waxay qirayaan in Xoghayaha Guud ee Xisbiga PDP ama Damu-Jadiid, Xamsa Cabdi Aar iyo Gudoomiyaha dhaallinyarradda iyo abaabulka ee PDP, Prof. Cali Yaasiin Sh. Cali ay labaduba iska casileen Xilalkii ay ka hayeen Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ka gadoodsan.

Is-casilaadda Labadaa Mas’uul ayaa waxaa laga dheehan karaa inuu Khilaaf soo dhex galay Hoggaanka Xisbiga PDP oo ay xubno ka yihiin Kaadiriin ka soo aflaxday Jamaacadda SIMAD, oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud horey u asaasay bilowgii bilowgii sannadkii 2000-kii.

Mar aan isku daynay inaan Khadka Telefoonka ku la xiriirno Labada Mas’uul ee Iska Casilay Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta (PDP) ayey inoo suurtoobi weyday.

Si kastaba ha ahaatee, Xeeldheerayaasha Siyaasadda ayaa rumeysan in Khilaafka soo kala dhex galay Hoggaanka Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee salka ku haya xil jaceylka, ay tahay wax lala yaabo, maadaam kooxda Xasan Sheekh ee Damu Jadiid, ay dowladda cusub ku leedahay in ku dhow 20 isugu jira wasiiro, wasiiru ku xigeenno iyo wasiiru dowlayaal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com