30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

Xog: Xubno ka tirsan kooxda Xasan Sh oo is-casilay (20 wasiir naguma filna)

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin Sarsare oo ka tirsanaa Hoggaanka Sare ee Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta (Damu-Jadiid) ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa is-casilay, kadibmarkii ay saluug-siyaasadeed ka muujiyeen Saami-qeybsiga Xilalka Xukuumadda Cusub ee uu Ra’isul-wasaare C/Weli Shekh Axmed dhawaan ku dhawaaqay.

Iyadoo uu Dhawaan Ra’isul-wasaare C/weli Shekh Axmed soo bandhigay Liiska Wasiiradda ee Xukuumadiisa Cusub, ayaa waxay arrintaasi sababtay inuu Khilaaf xooggan soo dhex galo Hoggaanka Sare ee Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta (PDP), balse daaha gadaashiisa ka ah Damu-Jadiid, ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud hayinka u hayo.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u xaqiijiyey Idaacadda Radio Dalsan ee Muqdisho inay qaar ka tirsan Madaxda Xisbiga PDP ku dhawaaqeen inay iska Casileen Xisbigaasi, kadib markii uu Xisbigu ku fashilmay Kuraasta ugu tunka weyn Xukuumadda Cusub ee dhawaan lagu dhawaaqay, inkasta oo ay ku dhowaad 20 wasiir, waiiru ku xigeeno iyo wasiiru dowlayaal ay heleen, balse ay doonayaan kasi badan.

Kaadiriinta Xisbiga Nabadda iyo Hormarinta (Damu-Jadiid)
Kaadiriinta Xisbiga Nabadda iyo Hormarinta (Damu-Jadiid)

Xoghayaha Hoose ee aynu helnay, ayaa waxay qirayaan in Xoghayaha Guud ee Xisbiga PDP ama Damu-Jadiid, Xamsa Cabdi Aar iyo Gudoomiyaha dhaallinyarradda iyo abaabulka ee PDP, Prof. Cali Yaasiin Sh. Cali ay labaduba iska casileen Xilalkii ay ka hayeen Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ka gadoodsan.

Is-casilaadda Labadaa Mas’uul ayaa waxaa laga dheehan karaa inuu Khilaaf soo dhex galay Hoggaanka Xisbiga PDP oo ay xubno ka yihiin Kaadiriin ka soo aflaxday Jamaacadda SIMAD, oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud horey u asaasay bilowgii bilowgii sannadkii 2000-kii.

Mar aan isku daynay inaan Khadka Telefoonka ku la xiriirno Labada Mas’uul ee Iska Casilay Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta (PDP) ayey inoo suurtoobi weyday.

Si kastaba ha ahaatee, Xeeldheerayaasha Siyaasadda ayaa rumeysan in Khilaafka soo kala dhex galay Hoggaanka Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee salka ku haya xil jaceylka, ay tahay wax lala yaabo, maadaam kooxda Xasan Sheekh ee Damu Jadiid, ay dowladda cusub ku leedahay in ku dhow 20 isugu jira wasiiro, wasiiru ku xigeenno iyo wasiiru dowlayaal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

9 arrimo oo golaha wasiirada cusub ay kaga duwan yihiin kuwii ka horeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Aroortii Jimcihii, goor dadku hurdo sanqartuna tahay mid yar ayaa Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaaliga ah, qaar kamid ah Wasiirada oo aan xalay seexan, Saxaafadda u soo bandhigey Golihiisa wasiirada ee la shaqeyn doono tan iyo sanadka 2016, haddiiba aan shaqada laga cayrin.

Haddaba xukumaddan ayaa la dhihi karaa arrimo badan oo ayaa laga tilmaami karaa waxaana ka mid ah:

1. Golaha Wasiirada ee uu soo dhisey Raysalwasaare Cabdiweli Shiikh ayaa la dhihi karaa waxay ahaayeen miro Garas, wa lala soo daahey, waqtigii dastuurku siinaayey ayaa la dhaafey, waqti dheraad ahna waa loogu daray, sababtu maxay ahayd?, Dastuurka loo dhaartey oo aan la fulin, shaqo nin lee yahay oo nin kale ka arriminaayo iyo arrimo kale.

2. Waa Wasiiradii u horeyeeyey ee habeenbarkii salaadda subax ka hor lagu dhawaaqo Dowlad Soomaaliyeed, lama yaqaano sababta ay waaberka u sugi waayeen.

3. Wasiirada cusub ayaa sicir barar xoog leh ku dhacay, tiradooduna si xad dhaaf ah ayey kor ugu boodey, waa golihii Wasiirada ee ugu badnaa tan iyo Xukuumaddii Cumar Cabdirashii Cali Sharmarke.

4. Xukumaddii ka horeysey haweenku waxay ku lahayeen 2 wasiir haddii boqoley loo qaybiyana waxay ahaayeen 20%, marka la eego tiro yaraanta Wasaaradaha, Tirada guud ee Wasiiradan waxay kor u kacdey 75%, haweenka waxaa ku dhacay hoos u dhac waana wax ka yar hadda 10%, halkoodi ayey tagan yihiin.

5. Waa Golihii wasiirada ee ugu badnaa ee ka yimaada Baarlamaanka tan iyo Xukumaddii Cali Maxamed Geedi.

6. Inkasta oo ay weji cusub ku jiraan haddana waxaa aad ugu badan magacyadii dadka Soomaaliyeed maqlayeen tan iyo xukuumaddi Cali Maxamed Geedi, kuwaas oo lagu bartey in aysan waxba dalka ku soo kordhin.

7. Waa markii u horeysey ee Wasiirka Arrimaha Dibadda la siiyo Aqoonyahan ka soo jeeda gobolka Awdal tan iyo xukuumaddii Cali Maxamed Geedi, halka ay markii hore u xirneyd Beesha Dhexe ee Gobolada Waqooyi ee hadda la baxay Somalailand, kuwaas oo sheeganaya in ay yihiin dowlad ka madaxbanaan kuwa wasiirada u magacaabaya.

8. Golaha Wasiirada ee cusub ayaa la dhihi karaa waxaa ku badan Xubnaha, taageerayaasha, ka agdhawayaasha Damuljadiid ee majaraha dalka haya.

9. Labadii wasiir ee madaxweynaha u ahaa daacadda dib ayey u soo laabteen.

Ugu danbeyntii Golahan Wasiirada iyo barnaamijka Dr.Cabdiweli Shiikh Baarlamaanka ma dhaafi doonaan, jawaabtu waxaan filyaa HAA golaha Xukuumada 70% waa Xildhibaano.

W/Q: Khalid Yusuf

Amar ka soo baxay laamaha amniga PL

Wararka laga helaayo magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in guud ahaan laga mamnuucay magaalada in hubka lagu dhax qaato.

Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland C/raxmaan Xaaji Abshir ayaa waxa sheegay in ay dajiyeen qorshe lagu sugayo guud ahaan amaanka magaalooyinka maamulka Puntland uu ka taliyo.

Sidoo kale Taliye C/raxmaan Xaaji Abshir ayaa ugu baaqay dhamaan Ilaalada hey’adaha ka howl gala Garoowe in ay hubkooda la joogaan goobahooda ama ay la saarnaadaan gawaaridooda hadii kale ay hubka kala wareegi doonaan.

C/raxmaan Xaaji Abshir ayaa cadeeyay in cidii ay ku arkaan isaga oo hub ku dhax wata magaalada hubkiisa lala wareegi doono isla markaasna xabsiga loo taxaabi doono.

Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland  ayaa sheegay in barnaamijkaan ay ugu tala galeen in ku xaqiijiyaan amaanka guud ee deegaanada maamulka Puntland.

 

BF Somalia oo u fariistay ansixinta Wasiirada Cusub ee DF Somalia

Baarlamaanka Somalia ayaa maanta waxa ay u fadhiyaan kulan lagu ansixinayo Wasiirda DF Somalia ee dhawaan uu soo dhisay RW C/wali Sheekh Axmed.

Xildhibaanada ayaa ugu horeyn ka doodi doono Qoraal ay ku qoran yihiin wax qabadka xukuumada Cusub ee DF Somalia kadib haday waqti u helaan waxa ay guda gali doonaan cod u qaadista Xukuumada.

RW C/wali Sheekh iyo xubno ka mid ah Wasiiradiisa ayaa goobjoog ahaan doono kulan si ay ula socdaan waxa halkaas ka dhacaya sidoo kale waxa ay xildhibaanada ku qal qaalin doonaan in xukuumada la ansixiyo.

Si kastaba Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa kulankaan shir gudoominaayo waxa uuna Xildhibaanada ku wargaliyay in ay si sax ah uga doodaan qodobkaan sidoo kale ay waqtiga dhowraan.

Daawo Video: Gudoomiye Tarsan oo ka hadlay arimo badan oo Xasaasi ah

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mahamud Ahmed Nuur (TARSAN) ayaa si kulul uga hadlay arimo badan oo caqabado ku ah Horumarka Gobolka banaadir iyo Dhibaatada heysata Dadka Soomaaliyeed ee ah 4.5 in Qabiil wax lagu qeybsado.

Mudane Tarsan waxuu ka hadlayaa arimo badan oo ku wajahan madaxda Dalka Iyo Shacabka Soomaliyeed ee nala daawo waxyaabaha uu ka hadlaya.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Dil fool xun oo xalay ka dhacay gobalka Shabeelaha Dhexe

Wararka laga helaayo gobalka Sh/Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in xalay kooxo hubeysan ay ku dileen isaga oo Masjid ku yaala Basra ka soo baxaayo ruux dhalin yaro ah.

Kooxo Bistoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in ay dileen ruuxaan isaga oo saalada Subax soo tugtay saakay deegaanka Basra Masjid ku yaala iyada oo aan la ogeyn sababta ka danbeysay dilkiisa.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ilaa iyo hada aan la ogeyn sababta ka danbeysay dilka ruuxaan waxa ayna sheegeen in uusan lug ku laheyn arimaha Siyaasada.

Ilaa iyo hada ma jirto cid loo soo qabtay dilka Ruuxaan waxaana meedkiisa goobta ka qaaday ehelada ruuxa la dilay oo soo gaaray halka uu dilka ka dhacay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dil loo geysto qof ka soo baxay Masjid iyadoo dadka ay is weydiinayaan sababta loo dilaayo ruux kasoo baxay Masjid.

Muxuu Cali Maxamed Geedi ka doonay Kismaayo? (Xog laga helay safarkiisa)

Kismaayo (Caasimada Online) Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, waxaa galabta oo Axad ah gaaray wafdi uu hoggaaminaayo ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geed iyo xubno kale oo ay ku jiraan xubin baarlamaan oo ka socday Kenya.

Cali Geedi oo gaaray Kismaayo
Cali Geedi oo gaaray Kismaayo

Wafdiga ayaa markii lagu soo dhaweeyay garoonka , waxaa loo galbiyay xarunta madaxtooyda, halkaasoo ay kula kulmeem mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Juba.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay inta wafdiga ay soo dagayeen, waxaana meel kasta la dhigay ciidamo fara badan, waxaa la xiray waddooyinka soo gala xarunta madaxtooyda.

Cali Geedi ayaa markii dambe saxaafadda la hadlay isagoona sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay imaashiyaha magaalada Kismaayo.

Wuxuu tilmaamay in uu ka mid ahaa shakhsiyaad geed iyo geed gaaban u fuulay siddii loo aqoonsan lahaa maamulka Axmed Madoobe.

“Maamulka Jubooyinka in la aqoonsado geed dheer iyo mid gaban ba waan u fuulay Illaah ayaa mahad leh maanta Kismaayan joogaa, waxaan goob joog u ahay caleemasarka madaxwyanaha iyo wasiiradii oo dhisana waan arkaa, waxaana rajaynaya qaybaha dhimman in ay si wanagsan inoogu dhammaan doonan, laakin waxaa xusid mudan Ammaanka magaalada sida ay mas’uuliyiinta Maamulku uga taxadareen runtii waa astaan wanagsan oo SoomaAlida inteeda kale ay ku dayan karaan” ayuu yiri.

Cali Geedi ayaa ugu dambeyn madaxda dowladda ka codsaday in ay la shaqeeyaan maamulka Axmed Madoobe oo uu yiri waxa ay qabteen wax yaabo lamahdin karo.

Wariye ka tirsan Caasimada Online oo ku sugan magaalada ayaa soo sheeganaya in ganacsiga magaalada iyo adeegyada kale ee bulshaduba ay xiran yihiin, waxaana magaalada soo gaaray wufuud ka qeyb-galaysa xafladda caleemasaarka madaxda maamulka KMG ah ee Jubba ee dhici doonta berri oo Isniin ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Arag Sawirrda: DF & S/Land oo heshiis ku kala saxiixday Istanbul, Turkey-ga

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kadib wada hadalo muddo saddexdii maalmood ee u dambeeyay ku dhex marayay Istanbul, kaasoo ay garwadeen ka aheyd dowladda Turkiga.

Ergooyinka labada dhinac ka kala socday ayaa kala saxiixday qodobo dhowr ah, waxaana ay isla garwaaqsadeen Road Map ama qariirad loo jeexay in wada hadalada sii socdaan, iyagoo ku heshiiyay in muddo sagaashan maalmood gudahood la isku soo laabto dalka Turkiga.

Sidoo kale qodobada heshiiska ayaa waxaa ka mid ahaa in 45 maalmood gudahood lagu magacaabo Gudi labada dhinac ah oo mideysan, kuwaasii si xogheyn ah u shaqeynaya, isla markaana saldhig ka dhiganaya dalka Turkiga.

Gudigan mideysan ayaa waxay isla eegi doonaan si ambaqaadida wada hadalada iyo inay la socdaan waxyaabihii ka soo baxay shirarka labada dhinac u socda.

Waxaa kaloo qodobada lagu heshiiyay ka mid ahaa in labada dhinac ay si wada jir u cambaareeyaan tacadiyadii dowladdii Milateriga u geysatay Somaliland, iyadoo labada dhinac ay ahaayeen kuwo xalay ku kala tagay fadhiga, markii Ergadii ka socday Somaliland ay dalbadeen in tacadigii dowladii Milateriga ay geysatay loo aqoonsado xasuuq, balse ergada dowladda ay ka biya diideen.

Labada dhinac ayaa isla gartay in loo arko tacadiyadaas mid ay geysatay dowladdii Milaterigii, isla markaana labada dhinac ka xun yihiin.

Heshiiskan oo lagu qoray afafka Ingiriiska iyo Soomaaliga ayaa waxaa kala saxiixday Madaxdii wafdiga labada dhinac Wasiirka Amniga Qaranka dowladda Federaalka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed iyo Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo la hadlay Raadiyaha afka dowladda ku hadla ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in aan wali laga hadlin qodobkii ku saabsanaa Midnimada Soomaaliya, hase ahaatee ay ka hormariyeen qodobo kale oo lagu xoojinayo wada hadalada labada dhinac.

“Waxaan kala saxiixanay heshiis ku saabsan in saddexdii bil aan mar ku kulano dalka Turkiga, in la abuuro kalsooni, teeda kale hadafka iyo wadahallada waa mid iska cad, oo ah sidii aan dib u soo celin lahayn midnimadii iyo wada jirkii Soomaaliya iyo in Walaalaheen ay ku soo laabtaan xeen daabka guud ee dowladda”ayuu yiri Wasiirka Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed.

Wada hadaladan dhex maraya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa ah kii shanaad, iyadoo horay labo kulan oo is arag ah ku soo dhex maray magaalada London iyo Dubai, halka Turkiga lagu shiray saddex jeer, waxaana la filayaa in markii afaraad uu Turkigu marti geliyo wada hadaladaas sagaashan cisho kadib.

8910123467

Magacyada iyo beelaha xubnaha Damu Jadiid ee ku jira xukuumadda cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasadda Somalia, waxaa iminka hagaya koox lagu magacaabo Damu-Jadiid ama Dhiiga cusub, oo ka farcantay kooxda Al-Islaax, taasi oo madaxweynaha Somalia – Sida dadku u maleeyaan – Xasan Sheekh uu ka tirsan yahay

Ka sokow inay dalka maamulaan, haddana waa koox si aad ah isku ilaalinaysa ama qabta cabsi siyaasadeed. Inta badan xubnaha muhiimka ah ee dowladda ama ayaga ayaa qaatay, ama waxay u dhiibeen dad aan waxqabad fiican lahayn, oo aysan ka cabsi qabin inay ka hor iman doonaan.

Haddaba waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa xubnaha kooxdan ee ku jira dowladda iyo beelaha ay kasoo jeedaan

1 – Ridwaan Xirsi Maxamed – Ninkan ma ahan nin sahlan, waa amiirka guud ee kooxda Damu-Jadiid, ahna qunsulka safaaradda Somalia ee dalka Sacuudiga, waxaa loo magacaabay ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta.

Waxa uu si gaar ah ugu xil saaran yahay inuu ka agdhowaado lana socdo dhaq-dhaqaaqyada ra’iisul wasaare Cabdi Weli, ayada oo qorshuhu yahay in sidii Saacid oo kale dhinacyada laga xeendaabo. Waxa uu kasoo jeedaa beesha Habar-Yoonis ee Isaaq.

2 – Maxamed Ibraahim Xaaji Aadan – Ninkan waxa uu ku magac dheer yahay -Dir Gaadsan, magaciisa shaqsiyeed ka sokow, waxaa si aad ah loogu yaqaan inuu la dhashay Prof. Cabdiraxmaan Ibraahim Xaaji Aadan Ibbi, oo horey xilal badan oo kala duwan uga soo qabtay dowladihii Somalia.

Dr. Gaadsan, oo ka mid ah kooxda Damu-Jadiid, waxa uu kasoo jeeda Beesha Dir, gaar ahaan Biyo Maal, waxaana loo magacaabay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta xukuumadda cusub.

3- Mahad Maxamed Salaad – Waa nin xildhibaanimada iyo siyaasadaba ku cusub, kana tirsanaa ururka Damu Jadiid ayaa markii ugu horreysay loo magacaabay Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Booskaas waxaa horey u hayey Dr Jamaal Maxamed Baarow oo isagu laftiisa ka mid ahaa ururka Damu Jadiid, horeyna u ahaa Xoghayaha Guud ee Xisbiga PDP ee madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxay noqon kartaa in xubnaha Damu Jadiid booska u arkeen in labo nin oo iyaga ka mid ah isku bedeleen, balse arrinta walaaca keentay ee dad badani qabaan ayaa ah in Mahad Salaad oo nin dhalinyaro ah, siyaasada dhanna ku jiray halka sano ee uu xildhibaanka ahaa in dusha loo saaro masuuliyad arrimo dibadeed, halka Wasiiradii hore Fawsiya Yuusuf oo waayo aragnimo ahaan ka badan Mahad Salaad ay meesha ka baxday!. Waa nin kasoo jeeda Beesha Habar-Gidir.

4- Daa’uud Maxamed Cumar (Daa’uud Bisinle) –  Wuxuu ka tirsanaa maamulka Jaamacada Bariga Afrika ee Boosaaso, wuxuuna markii dambe ahaa Wasiirkii hore Qorsheynta ee Puntland dawladii C/raxmaan Faroole balse xilkaasi wuu iska casilay ka dib markii uu heley shaqo ah inuu xiriiriyo dawlada Federaalka iyo Puntland. Wuxuu ka soo jeedaa gobolka Sool, waa Dhul-Bahante.

Daa’uud waxaa hadda loo magacaabay Wasiirka Macdanta. Xilkan wasiirnimo ka sokow in beesha Sool ahaan loo siiyey, waxaa Daa’uud Bisinle u dheer inuu ku jiray xubnaha dhowaan ku biiray mabda’a Damu Jadiid ee fadhiga ka dhigtay Hotelka Jasiira.

5 – Dr Khaalid Cumar Cali – Waa xildhibaan baarlamaanka mudo dheer ku jiray. Waxaa hadda loo magacaabay Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada. Dr Khaalid waxaa uu ka mid yahay ragga ugu firfircoon xildhibaanada Damu Jadiid ee baarlamaanka jooga.

Waxaa xusid mudan in waqtiga loo magacaabayo wasiirka uu ku sugan yahay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga isagoo qeyb ka ah wafdiga dawlada ee wadahadalka kula jira maamulka Somaliland, taas ayaana nuxur u yeeleysa in Dr Khaalid wasiir loo magacaabo. Waa Digil-iyo-Miifle, gaar ahaan Bagadi.

6- Faarax Sheekh C/qaadir – Waxaan filaa ninkan qeexid ma rabo, balse Waxaa dadku ku tilmaamaan maskaxdii dhistay Ururka Damu Jadiid iyo Xisbiga PDP (Peace and Development Party) ee madaxweyne Xasan Sheekh guddoomiyaha ka ahaa. Faarax wuxuu kaloo weli hayaa kursigii xildhibaanimada ee baarlamaanka.

Shaqadiisa hay’adaha Carbeed iyo maamulka waxbarashada ka sokow wuxuu kaalin weyn ka qaatay ololihii doorashada madaxweyne Xasan Sheekh. Faarax Sheekh C/qaadir wuxuu ahaa wasiiru dawlaha madaxtooyada, wuxuu kaloo ahaa ninkii madaxweynuhu ku aaminay wadahadalkii lala galay maamulka Jubba ee Kismaayo, ee Axmed Madoobe uu ku siiyey maamulkaasi. Waa Reer-Aw-Xasan, oo markii hore Sheekhaal xisaabsanaa, balse ka baxay, haddana galay beelaha Shanaad.

Faarax Sheekh C/qaadir waxaa hadda loo dalacsiiyey wasiirnimo buuxda waxaana loo dhiibay “Wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka” oo labo wasaaradood isku heysa. In Arrimaha Dastuurka loo dhiibana waa qorshe kale oo muhiim u ah madaxweynaha iyo xisbigiisa Damu Jadiidka.

7 – C/kariin Xuseen Guuleed –  Waxaa lagu tiriyaa ninka labaad ee aas aasay urur diimeedka Damu Jadiid. Xildhibaan C/kariin Guuleed si weyn ayey u muuqatay awoodiisa madaxtooyada oo xitaa markii beeshiisa odayaal ka mid ah ay damceen inay nin kale booska geystaan madaxtooyada ayaa ka hor istaagtay, sida odayaashuba ka sheegeen idaacadaha gudaha.

C/kariin Guuleed hadda waxaa uu hogaaminayaa wafdiga dawlada ee wadahadalka kula jira maamulka Somaliland ee ku sugan wadanka Turkiga. Xilkiisa hore waxaa laga gooyey “Arrimaha Gudaha” Waxaana uu hadda noqonayaa “Wasiirka mniga Qaranka” oo ah wasaarada muhiim ah.

Waa markii labaad oo C/kariin Guuleed xil wasaaradeed loo magacaabo isagoo aan dalka joogin (Xukummadii Saacid Shirdoon xitaa waxay magacawday isagoo maqan taasoo muujineysa kalsoonida uu madaxweyne Xasan Sheekh ku qabo C/kariin Guuleed. Waa Sacad, Habar-Gidir.

8 – Jaamac Odey – Waxa uu horey u joogay wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga, haddase waxaa uu ku biiray xubnaha Damu Jadiid ee u dallacay wasiirnimo buuxda waxaana loo dhiibay “Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha”. Jaamac weli waa xildhibaan ku jira baarlamaanka.

Dad badan ayaa xusuusta Jaamac Odey inuu ka mid ahaa xildhibaanadii keenay mooshinkii lagu riday xukuumadda Saacid Shirdoon oo uu Jaamac ka ahaa wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga.

Waa Habar-Jeclo, Isaaq, waxaa sidoo kale la sheegaa inuu ku dhow yahay Siilaanyo, balse kooxda Damu-Jadiid aysan ka war-hayn taas.

9 – Ibraahim Isaaq Yarow – Wuxuu ahaa xildhibaan, wuxuuna ahaa wasiir ku xigeenka warfaafinta. Haddase waa wasiir ku xigeenka amniga qaranka, xilkaas oo xilligii ku-meelgaarka uu mar ku soo shaqeeyay, waa Digil iyo Mirifle.

10 – Maxamuud Macalin Yaxye – Ninkan oo ahaa wasiir ku xigeenkii wasaaradda horumarinta arrimaha bulshada waxaa hadda laga dhigay wasiiru dawlaha Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

11 – Saciid C/llaahi Maxamed – Waa Ganacsade reer Dubai ah, oo kasoo jeeda beesha Majeerteen, waxaana loo magacaabay wasiirka qorsheynta qaranka, waa xubin fir fircoon oo ka tirsan kooxda Damu-jadiid, ee Somalia horbeedeysa iminka.

12 – Ducaale Aadan Maxamed – Waxaa loo magacaabay wasiirka hiddaha iyo tacliinta sare, waxa uu ka mid yahay ragga sida aadka ah ugu dhow hoggaamiyaaha ruuxiga ah ee Damu-Jadiid Faarax Sheekh Cabdul Qaadir, waxa uu ka dhashay beesha Faqi Maxamed ee Dir.

13 – Eng.  Nadiifo Maxamed Cusmaa – Waxa ay ka mid tahay haweenka far ku tiriska ah ee nasiibka u yeeshay inay ka mid noqoto golaha wasiirada cusub. Waxa ay sidoo kale ka mid tahay kooxda Damu-Jadiid, waxayna kasoo jeedaa beesha Baadi-Cadde.

14 – Maxamed Coloow Baroow – Waa Damu-Jadiid kale, waxa uu aad ugu dhow yahay Xasan Sheekh, waxaa loo dhiibay wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, waxa uuna u dhashay beesha Gaal-Jecel.

FG: Waxaan rumeysanahay inay xubnaha Damu-Jadiid ee xukuumadda cusub ay intan ka badan yihiin, waxaana wadnaa xog uruurin kale, annaga oo aan idin soo gudbin doonna Insha Allah

VIDEO: Muuqaalkii ugu dambeeyay ee laga soo duubay Bilicda MUQDISHO

0

Caasimada Online: Muqdisho waxeey dib u heshay Bilicdii Bariisamaadka & Adeegii asaasiga ahaa ee lagu garto in uu wadanka luu yahay Nidaam Dowladeed ee laga amar qaato.

Wadooyinka Muqdisho waxaa ka jiro arimo waa hore ugu dambeeyay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, Balse qof walba markuu arko Muuqaalkani waxuu dareemayaa in Wadanka Somalia uu dib cagahiisa ugu istaagay Sanado badan kadib ee nala daawo muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

145 xildhibaan oo WASIIRADA CUSUB u shiray (C/weli oo xaalku ku xun yahay)

Muqdiho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay  qaar ka tirsan Xildhibaanada DF Somalia kuwaas oo doonaya in Baarlamaanka uusan ansixin Wasiirada Cusub.

Kulankan ayaa la sheegay in ku dhawaad 145 ay ka soo qeyb galeen kuwaas oo horay u diidanaa in xilka laga qaado R/wasaarihii horay loo riday ee Cabdi farax Shirdoon Saacid.

Xildhibaanadaan ayaa horay waxa ay u balan qaadeen in hadii Wasiiradii la shaqeenaayay RW Saacid ay dib u soo laabtaan ay codka kalsoonida u diidi doonaan Wasiiradaas.

Kulankaan ayay Xildhibaanadaan waxa ay uga hadlayeen qaabkii ay mid u noqon lahaayeen isla markaana ay ku balamaan in codka kalsoonida ay u diidaan Xildhibaandaan.

Ugu danbeyntii Xildhibaanadaan ayaa waxa ay ku balameen in xukuumadaan aysan ka gudbin xagooda isla markaana ay cod buuxa ku diidaan Wasiirada.

Xildhibaanadaan ayaa waxa ay sheegeen in sababaha ay codka ugu diidayaan Wasiiradaan ay tahay iyada oo ay ka mid yihiin xubno la soo shaqeeyay Xukuumadii Fashilantay ee Saacid sidaas awgeed hadana aysan wax qaban Karin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Muxuu Jawaari ka yiri mudnaanta lagu siiyey Shariif Xasan wasiirada? + Video

Nairobi (Caasimada Online) – Barnaamijka Faaliyaha qaranka ee Universal TV, ayaa ah barnaamij inta badan lagu faaqido xaalado jir oo dhab ah, balse loo soo jeediyo qaab madadaallo ah, waxaana dadka soo jeediya ka mid ah majaajiliistayaasha Ilka-Case iyo Ajax.

Barnaamijka, ayaa toddobaadkan waxaa lagu warreystay, guddoomiyaha baarlamanka Somalia, oo qaab matalaad oo cajiib ah loo jilay, wuxuuna ka hadlay xog aad u fara-badan.

Halkan ka daawo barnaamijka

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Dhageyso: Xubnihi la heshiiyey Axmed Madobe oo go’aano cusub soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir Jaraa’id oo maanta ku qabteen gudaha magaalada Muqdisho siyaasiyiin iyo Masuuliyiin kasoo jeeda deeganada Jubbooyinka ayay uga horyimaadeen Caleema saarka Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo la filayo inuu ka dhaco maalmaha soo socda magaalada Kismaayo.

Warsaxaafadeed ay si wada jir ah usoo saareen Qaar kamid ah ragii horay Kismaayo ugula dagaalamay Ciidamadda Hogaamiye Axmed Madoobe ayaa waxay ku sheegen inuu bur buray heshiisyadii ay ku gaareen Magaalada Muqdisho iyo kii horay uga dhacay Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia kaddib markii sida ay sheegeen uu Jabiyay Hogaamiye Axmed Madoobe qodobadii lagu heshiiyay.

Dr Cabdi Shirre Warsame oo ah Wakiilka Col, Barre Aadan Shirre Hiiraale oo Warsaxaafadeed ay ku saxiixnaayeen illaa Shan Siyaasi oo kala ah Col Barre Hiiraale, Iftiin Xasan Baasto, Cabdi Baaleey Xuseen, Cumar Buraale Axmed, iyo Maxamed Amiin Abdullahi Saxaafadda u akhriyay ayaa ku dhaleeceeyay Hogaamiye Sheekh Axmed Madoobe inuu jabiyay heshiisyadii ay la gaareen.

Cabdi Shire ayaa yiri “Sida aad la socotaan, iyada oo la raacayo heshiiskii Addis Ababa waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay 3-6-dii Bishii 10 ee sanadkii tagay shirwayne ay iskugu yimaadeen dhinacyada Khilaafaadka gobollada Jubbooyinka waxaana dhinacyadu wada gaareen heshiis nabadeed, waxaana la filayay in si wada jir ah loosii wado Geedi socodka Nabadeed ee heshiiskii Addis Ababa, iyada oo la fulinayo, Qodobadan soo socda, 1 Soo xaraynta Ciidamadda hubaysan ee ku sugan duleedka magaalada Kismaayo, 2 hubka dhigista iyo xaraynta dhammaan Malayshiyaadka dhinacyada , 3 Qabashada Shirwayaha labaad ee dib u heshiisiinta Jubbooyinka ee Kismaayo, 4 Awood qaybsi, 5 dhismaha maamulka ku meel gaar ah ee Jubba” ayuu yiri.

Wuxuu ku tilmaamay Cabdi Shire ayaan daro inay tahay Hogaamiye Sheekh Axmed Madoobe inuu jabiyo heshiiskii ay ku gaareen magaalada Muqdisho taasoo ka dhigaysa inuusan ahayn Hogaamiye sax ah balse uu yahay Hogaamiye Jabhadeed sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa ayaan darro ah in Axmed Maxamed Islaam uu qaaday Tallaabo kasoo horjeedda , uuna jabiyay heshiiskii Addis Ababa isagoo magacaabay waxa ugu yeeray Wasiiro Tanina waxay cadaynaysaa Axmed Maxamed Islaam inuu ka baxay Heshiiskii Addis uuna dib ugu noqday oo uu hadda yahay Dagaal Ooge (Warlord), haddaba beesha Caalamka waxaan ugu baaqaynaa inay ka digtoonaato in la marin habaabiyo oo ay taageerto lana shaqayso dagaal ooge, sidoo kale waxaan beesha Caalamka ugu baaqaynaa inaysan ka qayb galin Xaflad ku sheega Caleema saarka Dagaal ooge Axmed Madoobe” ayuu ku yiri Warsaxaafadeedka Dr Cabdi Shire.

Cumar Buraale oo kamid ah Siyaasiyiinta kasoo jeeda deeganada Jubbooyinka horayna ugu dhawaaqay Madaxwaynaha Maamulka Jubba oo shirka Jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay Sheekh Axmed Madoobe inuu jabiyay dhammaan heshiisyadii ay gaareen isla markaana ay taasi ka dhigantahay inuusan ahayn Hogaamiyaha rasmiga ah ee Jubbooyinka.

Sidoo kale Mr Buraale ayaa tilmaamay inaysan aqoon sanayn Axmed Madoobe kaddib markii uu ka baxay heshiiskii uu la gaaray.

Iftiin Xasan Baasto oo isna dhankiisa hadal jeediyay ayaa sheegay shirka ka dhacay magaalada Kismaayo ee lagu caleema saarayo Axmed Madoobe inuu yahay mid aan sax ahayn isla markaana uu yahay mid lagu marin habaabinayo beesha Caalamka iyo wadamada daneeya arimaha Soomaaliya.

Ugu danbayntii ayay si wada jir ah uga codsadeen Beesha Caalamka iyo dowladda Soomaaliya in si wada jir ah loo eego hab dhaqanka Hogaamiye Sheekh Axmed Madoobe iyagoo dhinaca kale baaq u diray Dowladda Soomaaliya iyo Ethiopia oo iyagu shirka qodobadii kasoo baxay masuuliyadeeda qaaday.

Shirka Jaraa’id ee maanta ku qabteen magaalada Muqdisho dhinayadii horay heshiiska Muqdisho ugula galay Hogaamiye Sheekh Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaya xili la filayo magaalada Kismaayo inuu ka dhaco shirwayne ballaaran oo lagu caleemo saarayo Hogaamiye Sheekh Axmed Madoobe iyo Golaha cusub ee Wasiirada ee dhowaan uu ku dhawaaqay.

Halkan hoose ka dhageyso codadka Cabdi Shire

Cabdi-Shire

Isha: Kismaayo24

Qodobadii ergada Somaliland wadatay oo lagu laalay shirka Istanbul & shirka oo soo dhammaaday (Faah-faahin)

Istanbul (Caasimada Online) Waxaa goordhow magaalada Istanbul ee dalka Turkiga heshiis ku saxiixday ergooyinka ka scoday dowladda Soomaaliya iyo MaamulkaSomaliland.

Xalay ayaa labada dhinac waxaa ay isla gaareen saqdii dhexe heshiis, iyagoo markii dambe ku heshiiyay in maanta oo Axad ah ay si wadajir ah saxaafada ugu soo gudbiyaan wixii ay ku heshiiyeen.

Wasiirka amniga Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa goordhow VOA u sheegay in labada dhinac ay gaareen heshiiyo ay

Qoddobka ugu muhiimsan ee goobta lagu saxiixay waxaa ka mid ah in labada wafdi ay garowsadeen in la cambaareeyo dowladii uu madaxweynaha ka ahaa AUN Maxamed Siyaad Barre oo duulaan dhinaca cirka ku qaaday deegannada Waqooyi Galbeed ee dalka Soomaaliya oo hadda la baxay Somaliland.

Waxaa kaloo labada dhinac ay isla garteen in ay sameestaan khariirad horseed u noqota wada-hadallada dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa muddo sagaashan cisho kaddib ugu kulmi doona  magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Wariye ka tirsan BBC-da oo ku sugan Istanbul, ayaa sheegay in waxyaabo badan la isku qabsaday, waxaaana ka maid ah wax yaabaha la isku qabsaday sidda loo qoraayo heshiiska iyo luuqada lagu qoraayo.

Caasimada Online, ayaa ogaatay in dhammaan la laalay qodobadii ay wateen ergada Somaliland kuwaas oo kala ahaa:-

1. Ictiraafka gooni isu taaga Somaliland

2. In Ictiraafkooda ka hor,Xubin Sharaf goobjooga inay ku yeeshaan shirarka caalamiga sida IGAD, AU, UN, ARAB LEAGUE …iwm

3. In Deeqaha Somalia la siiyo qeybahooda laga siiyo

4. In cudur-daar laga baxsho waxey ugu yeereen xasuuqii loo geystey dadka Somaliland {Beesha dhexe)

Dhamaan qodobadeey wateen waa u cuntami waayeen wafdigii Dowladda Federalka Somalia, waxeyna ka soo qaadeen qodobka u danbeeya oo loo dhigey, in cudur daar si wadajir ah looga baxsho dhamaan dhibaatooyinkii kala duwanaa ee shacabka Soomaaliyeed ay u geesteen nidaamkii Somalia ka talinayey.

Xaflada shirka oo xalay la qaban rabay ayaa dib loo dhigay kadib markii wafdiga Somaliland diideen in qodobka cudur daarka sidaas loo dhigo.

Ila wareedyo muhiima ayaa sheegay in qodobka ugu muhiimsan ee maanta la kala saxiixan doono uu yahay IN LA WADAAGO MAAMULKA HAWADA SOMALIA .

Qodobkaan hore ayaa loogu heshiiyay hase yeeshee waxaa la dhisayaa gudiyadii howsha hore u wadi lahaa ee labada dhinac.

Waxaa dhowr jeer la badalay qaabka loo qoray qoraalka gaar ahaan markii horre Luuqada Ingiliiska ayaa lagu qoray sidda loo qoray ayaa la isku badlay.

Wax yaabaha la isku qabtay ee doodda culus dhaliyay waxaa ka mid ah ma dowladda Somaliland ayaa la dhahayaa mise Jamhuuriyada Somaliland.

Waxaa kaloo la isku qabtay sidda loo cambaareenaayo dagaalladii ka dhacay  Gobalada Waqooyiga Galbeed sannadihiii Siddeetameeyadii,waxaana inta badan qod qodoyay qoddobada heshiiska ku qoran ergooyinka ka socday dowladda Soomaaliya.

Shirka goobta uu ka socday saxaafadda ma aysan joogin, oo wuxuu ahaa mid alaabka u xiran, laakin ergooyinka labada dhinac ee shirka ka qaybgaleynin ayaa la arkayay iyagoo kaftamaya oo isleh, annaga ayaa waxaa nala jooga qolo idinka idinka tirsan iyo kuwaas halkaas ka tirsan iska soo celiya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Istanbu

[email protected]

Xog: Goormee ayaa wasiirada cusub la horgeyn doonaa Baarlamaanka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aynu ka helnay qaar ka tirsan xubnaha Wasiirada DF Somalia ayaa waxa sheegen in Maalinta birito ah lagu wado in Baarlamaanka Somalia la horkeeyo si loo ansixiyo ama loo diido.

R/wasaare C/wali Sheekh Axmed oo dhawaan ku dhawaaqay xubnaha golahiisa Wasiirada ayaa waxaa lays weydiinayay xiliga la horgeyn doono Baarlamaanka Somalia si ay codka kalsoonida u weydiistaan.

Xubanaha Waiirada , Wasiir ku xigeenada iyo Wasiiru dowlayaasha uu soo magacaabay RW ayaa waxa ay tiradooda gaareysaa ilaa iyo 55–xubnood sidaas darteed ayaa waxaa jira Xildhibaano badan oo ka horjeeda.

Xubno ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa waxa maalmahaan ka wadeen magaalada Muqdisho shirar ay ku doonayaan in codka loogu diido xubnahaan tirada badan ee Wasiirada.

Si kastaba Maalinta Birito ah ayay u badan tahay in Baarlamaanka Somalia la horgeeyo Wasiiradaan iyadoo ay ka buuxaan xubno ka tirsan Xildhibaanada DF Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

SAWIRRO: Beesha Mataan C/lle: Xasan Sh. ma sii hayn doono talada haddii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ballaaran oo ay soo qabanqaabisay beesha Mataan Cabdulle ayaa ka dhacay magaalada Muqdish, waxaana kulankaasi ka soo qeyb galay aqoonyahano, waxgarad, siyaasiyiin, ganacsato, haween iyo dhallinyaro.

Kulanka ayaa ujeedadiisu ahayd sidii beesha Mataan Cabdulle ay u taageeri lahayd Ra’iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed iyo Golaha Wasiirada cusub ee uu soo magacaabay, iyagoona inuu soo magacaabay Wasiiro karti iyo aqoon u leh Wasaaraha loo magacaabay.
3
Nabadoon C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere), Nabadoon Maxamed Muuse, Malaaq Cali Malaaq Showri oo ka mid ahaa Waxgaradkii ka qeyb galay kulankaasi ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay cabashada beesha Mataan Cabdulle oo ay sheegeen in madaxda Dowladda ay ku xaqireyso xaqa beesha Mataan Cabdulle u leedahay inay ka taliso gobolka Banaadir.

“Xasan Sheekh sharciga Federaalka meel ayuu iska dhigay, waana ogyahay haddii uusan is yeel yeeleynin cida iska leh talada gobolka Banaadir” ayuu yiri Nabadoon C/llaahi Xasan Abuukar oo sheegay in Madaxweyne Xasan xaqooda ku maslaxayo cid kale.

1

Wuxuu sheegay Nabadoon C/llaahi Dheere in Madaxweyne Xasan haddii uusan si dhab ah ugu dhaqmin sharciga Federaalka inuusan isaguna meesha sii joogi doonin, isla markaana aanay jiri doonin cid dowladiisa taageerta.

Dhinaca kale Bakiin Maaxi Macallim ayaa sheegtay in dowladihii iyo maamuladii dalka soo maray qaarkood beesha Mataan ay siiyeen xaqooda isla markaana u magacaabeen Guddoomiyaha iyo duqa magaalada Muqdisho, hase yeeshee waxay sheegtay in xukuumada Madaxweyne Xasan Sheekh ay quursatay beesha Mataan Cabdulle.

“Mataan Cabdulle hadaan nahay waan diidnay in dhulkeena nalagu quursado” ayay tiri Bakiin Maaxi Macallim oo sheegtay in dal kasta oo caalamka ka mid ah magaala madaxdiisa lagu tixgeliyo dadkii loogu yimid oo deganaa.

Dhinaca kale waxaa iyana goobtaasi ka hadashay Dahabo Maxamuud Maxamed oo sheegtay in Soomaaliya ilaa ay xornimada qaadatay xilka Gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho ay hayeen beesha Mataan Cabdulle, balse sanadahaan dambe ay timid xaqiraad, “Qaska maalmahaan dambe la wado halla joojiyo” ayay tiri Dahabo.

Ugu dambeyntii waxaa madasha kulanka beesha Mataan Cabdulle ka hadlay Malaaq Cali Malaaq Showri oo sheegay inay soo dhoweynayaan Ra’iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed iyo Golihiisa Wasiirada cusub.
2467
Malaaqa ayaa ku dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu yahay nin saaran dagab haddii uusan ka degina uu la gadoomi doono, taasi oo uu ula jeedo in Madaxweyne Xasan Sheekh uu xaqirayo doorka beesha Mataan Cabdulle iyo xaqa ay u leedahay ka arriminta gobolka Banaadir.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

DF SOMALIA oo lumineysa taageerada koox u ahayd is-baheysi muhiim ah

Dhuusa-Mareeb (Caasimada Online) – Maamulka Ahlu Sunna ee ka taliya gobalada Dhexe ee Somalia ayaa waxa ay sheegeen in dhawaan ay go’aan ka qaadan doonaan wada shaqeynta ay la lee yihiin DF Somalia hadii ay xaalada sidaan ku sii socota.

Gudoomiyaha sadaxda gole ee maamulka Ahlu Sunna Shiikh Ibraahin Guureeye ayaa waxa uu sheegay in DF Somalia marnaba aysan kala tashan Wasiiradii lasoo magacaabay sidaas darteed ay ka fiirsanayaan.

Shiikh Ibraahin Guureeye  ayaa sheegay in iyaga ay yihiin maamul ka mid ah DF Somalia sidaas darteed loo baahan yahay in lala tashto ka dibna ay xubno ka helaan wasiiradaas.

Dhanka kale Shiikh Ibraahin Guureeye  ayaa sheegay in hadii ay xaalada sidaan ku sii socoto ay gabi ahan xiriirka u jari doonaan DF Somalia isla markaan ay iyaga maamul gooni ah sameysan doono.

Ugu danbeyntii Shiikh Ibraahin Guureeye  ayaa sheegay in gabi ahaan ay go’aan buuxda ay dhawaan qaadan doonaan iyaga oo hada ku jira wadatashi ku aadan waxa laga yeelaayo xaalada hada taagan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

C/raxman Baadiyow ka hadlay xilka loo magaacabay guddoomiyaha gobalka

Muqdisho (Caasimada Online) Siyaasiga Cabdiraxmaan Macallin Baadiyow, oo horrey isku soo taagay xilka madaxweynaha Soomaaliya sannadkii 2012-, ayaaa ka hadlay xilka loo magacaabay goddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho.

Dr. Baaadiyow ayaa yiri yiri ” Guddoomiye Tarsan waa laga qaadi karaa xilka, laakiin ilama haboonaa sida looga qaaday. waa farsamo xumo iyo wax aan aheyn dhaqan dawalo. Waxey la mid tahay sida rai’isulwasaare Saciid looga qaaday, loogu diiday inuu ka hor hadlo baarlamaanka, loona dhigay xaflad markii la riday ka dib.”

Wuxuu sii hadlay “Markii lagu dhawaaqay xukuumadda cusub, waa oynayay ragg iyo dumar badan oo ka tirsanaa xukuumadii hore oo uololayay in la rido xukuumadoodi oo loo balanqaaday in lagu soo darayo xukuumada cusub. In ruux xil laga qaado iyo in mid kale xil loo dhiibo waa hawl dawladeed, laakiin sharfta, karaamada iyo isqadarinta waa lama taabtaan.”

Hadalka Baadiyo ayaa ku soo beegmaya iyadoo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo shaley hir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho uu diiday xilka wasiir ku-xigeenka ciyaaraha iyo dhalinyarada oo uu xalay u magacaabay raysul wasaaraha Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]