Arag Sawirrda: DF & S/Land oo heshiis ku kala saxiixday Istanbul, Turkey-ga

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kadib wada hadalo muddo saddexdii maalmood ee u dambeeyay ku dhex marayay Istanbul, kaasoo ay garwadeen ka aheyd dowladda Turkiga.

Ergooyinka labada dhinac ka kala socday ayaa kala saxiixday qodobo dhowr ah, waxaana ay isla garwaaqsadeen Road Map ama qariirad loo jeexay in wada hadalada sii socdaan, iyagoo ku heshiiyay in muddo sagaashan maalmood gudahood la isku soo laabto dalka Turkiga.

Sidoo kale qodobada heshiiska ayaa waxaa ka mid ahaa in 45 maalmood gudahood lagu magacaabo Gudi labada dhinac ah oo mideysan, kuwaasii si xogheyn ah u shaqeynaya, isla markaana saldhig ka dhiganaya dalka Turkiga.

Gudigan mideysan ayaa waxay isla eegi doonaan si ambaqaadida wada hadalada iyo inay la socdaan waxyaabihii ka soo baxay shirarka labada dhinac u socda.

Waxaa kaloo qodobada lagu heshiiyay ka mid ahaa in labada dhinac ay si wada jir u cambaareeyaan tacadiyadii dowladdii Milateriga u geysatay Somaliland, iyadoo labada dhinac ay ahaayeen kuwo xalay ku kala tagay fadhiga, markii Ergadii ka socday Somaliland ay dalbadeen in tacadigii dowladii Milateriga ay geysatay loo aqoonsado xasuuq, balse ergada dowladda ay ka biya diideen.

Labada dhinac ayaa isla gartay in loo arko tacadiyadaas mid ay geysatay dowladdii Milaterigii, isla markaana labada dhinac ka xun yihiin.

Heshiiskan oo lagu qoray afafka Ingiriiska iyo Soomaaliga ayaa waxaa kala saxiixday Madaxdii wafdiga labada dhinac Wasiirka Amniga Qaranka dowladda Federaalka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed iyo Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo la hadlay Raadiyaha afka dowladda ku hadla ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in aan wali laga hadlin qodobkii ku saabsanaa Midnimada Soomaaliya, hase ahaatee ay ka hormariyeen qodobo kale oo lagu xoojinayo wada hadalada labada dhinac.

“Waxaan kala saxiixanay heshiis ku saabsan in saddexdii bil aan mar ku kulano dalka Turkiga, in la abuuro kalsooni, teeda kale hadafka iyo wadahallada waa mid iska cad, oo ah sidii aan dib u soo celin lahayn midnimadii iyo wada jirkii Soomaaliya iyo in Walaalaheen ay ku soo laabtaan xeen daabka guud ee dowladda”ayuu yiri Wasiirka Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed.

Wada hadaladan dhex maraya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa ah kii shanaad, iyadoo horay labo kulan oo is arag ah ku soo dhex maray magaalada London iyo Dubai, halka Turkiga lagu shiray saddex jeer, waxaana la filayaa in markii afaraad uu Turkigu marti geliyo wada hadaladaas sagaashan cisho kadib.

8910123467