Magacyada iyo beelaha xubnaha Damu Jadiid ee ku jira xukuumadda cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasadda Somalia, waxaa iminka hagaya koox lagu magacaabo Damu-Jadiid ama Dhiiga cusub, oo ka farcantay kooxda Al-Islaax, taasi oo madaxweynaha Somalia – Sida dadku u maleeyaan – Xasan Sheekh uu ka tirsan yahay

Ka sokow inay dalka maamulaan, haddana waa koox si aad ah isku ilaalinaysa ama qabta cabsi siyaasadeed. Inta badan xubnaha muhiimka ah ee dowladda ama ayaga ayaa qaatay, ama waxay u dhiibeen dad aan waxqabad fiican lahayn, oo aysan ka cabsi qabin inay ka hor iman doonaan.

Haddaba waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa xubnaha kooxdan ee ku jira dowladda iyo beelaha ay kasoo jeedaan

1 – Ridwaan Xirsi Maxamed – Ninkan ma ahan nin sahlan, waa amiirka guud ee kooxda Damu-Jadiid, ahna qunsulka safaaradda Somalia ee dalka Sacuudiga, waxaa loo magacaabay ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta.

Waxa uu si gaar ah ugu xil saaran yahay inuu ka agdhowaado lana socdo dhaq-dhaqaaqyada ra’iisul wasaare Cabdi Weli, ayada oo qorshuhu yahay in sidii Saacid oo kale dhinacyada laga xeendaabo. Waxa uu kasoo jeedaa beesha Habar-Yoonis ee Isaaq.

2 – Maxamed Ibraahim Xaaji Aadan – Ninkan waxa uu ku magac dheer yahay -Dir Gaadsan, magaciisa shaqsiyeed ka sokow, waxaa si aad ah loogu yaqaan inuu la dhashay Prof. Cabdiraxmaan Ibraahim Xaaji Aadan Ibbi, oo horey xilal badan oo kala duwan uga soo qabtay dowladihii Somalia.

Dr. Gaadsan, oo ka mid ah kooxda Damu-Jadiid, waxa uu kasoo jeeda Beesha Dir, gaar ahaan Biyo Maal, waxaana loo magacaabay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta xukuumadda cusub.

3- Mahad Maxamed Salaad – Waa nin xildhibaanimada iyo siyaasadaba ku cusub, kana tirsanaa ururka Damu Jadiid ayaa markii ugu horreysay loo magacaabay Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Booskaas waxaa horey u hayey Dr Jamaal Maxamed Baarow oo isagu laftiisa ka mid ahaa ururka Damu Jadiid, horeyna u ahaa Xoghayaha Guud ee Xisbiga PDP ee madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxay noqon kartaa in xubnaha Damu Jadiid booska u arkeen in labo nin oo iyaga ka mid ah isku bedeleen, balse arrinta walaaca keentay ee dad badani qabaan ayaa ah in Mahad Salaad oo nin dhalinyaro ah, siyaasada dhanna ku jiray halka sano ee uu xildhibaanka ahaa in dusha loo saaro masuuliyad arrimo dibadeed, halka Wasiiradii hore Fawsiya Yuusuf oo waayo aragnimo ahaan ka badan Mahad Salaad ay meesha ka baxday!. Waa nin kasoo jeeda Beesha Habar-Gidir.

4- Daa’uud Maxamed Cumar (Daa’uud Bisinle) –  Wuxuu ka tirsanaa maamulka Jaamacada Bariga Afrika ee Boosaaso, wuxuuna markii dambe ahaa Wasiirkii hore Qorsheynta ee Puntland dawladii C/raxmaan Faroole balse xilkaasi wuu iska casilay ka dib markii uu heley shaqo ah inuu xiriiriyo dawlada Federaalka iyo Puntland. Wuxuu ka soo jeedaa gobolka Sool, waa Dhul-Bahante.

Daa’uud waxaa hadda loo magacaabay Wasiirka Macdanta. Xilkan wasiirnimo ka sokow in beesha Sool ahaan loo siiyey, waxaa Daa’uud Bisinle u dheer inuu ku jiray xubnaha dhowaan ku biiray mabda’a Damu Jadiid ee fadhiga ka dhigtay Hotelka Jasiira.

5 – Dr Khaalid Cumar Cali – Waa xildhibaan baarlamaanka mudo dheer ku jiray. Waxaa hadda loo magacaabay Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada. Dr Khaalid waxaa uu ka mid yahay ragga ugu firfircoon xildhibaanada Damu Jadiid ee baarlamaanka jooga.

Waxaa xusid mudan in waqtiga loo magacaabayo wasiirka uu ku sugan yahay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga isagoo qeyb ka ah wafdiga dawlada ee wadahadalka kula jira maamulka Somaliland, taas ayaana nuxur u yeeleysa in Dr Khaalid wasiir loo magacaabo. Waa Digil-iyo-Miifle, gaar ahaan Bagadi.

6- Faarax Sheekh C/qaadir – Waxaan filaa ninkan qeexid ma rabo, balse Waxaa dadku ku tilmaamaan maskaxdii dhistay Ururka Damu Jadiid iyo Xisbiga PDP (Peace and Development Party) ee madaxweyne Xasan Sheekh guddoomiyaha ka ahaa. Faarax wuxuu kaloo weli hayaa kursigii xildhibaanimada ee baarlamaanka.

Shaqadiisa hay’adaha Carbeed iyo maamulka waxbarashada ka sokow wuxuu kaalin weyn ka qaatay ololihii doorashada madaxweyne Xasan Sheekh. Faarax Sheekh C/qaadir wuxuu ahaa wasiiru dawlaha madaxtooyada, wuxuu kaloo ahaa ninkii madaxweynuhu ku aaminay wadahadalkii lala galay maamulka Jubba ee Kismaayo, ee Axmed Madoobe uu ku siiyey maamulkaasi. Waa Reer-Aw-Xasan, oo markii hore Sheekhaal xisaabsanaa, balse ka baxay, haddana galay beelaha Shanaad.

Faarax Sheekh C/qaadir waxaa hadda loo dalacsiiyey wasiirnimo buuxda waxaana loo dhiibay “Wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka” oo labo wasaaradood isku heysa. In Arrimaha Dastuurka loo dhiibana waa qorshe kale oo muhiim u ah madaxweynaha iyo xisbigiisa Damu Jadiidka.

7 – C/kariin Xuseen Guuleed –  Waxaa lagu tiriyaa ninka labaad ee aas aasay urur diimeedka Damu Jadiid. Xildhibaan C/kariin Guuleed si weyn ayey u muuqatay awoodiisa madaxtooyada oo xitaa markii beeshiisa odayaal ka mid ah ay damceen inay nin kale booska geystaan madaxtooyada ayaa ka hor istaagtay, sida odayaashuba ka sheegeen idaacadaha gudaha.

C/kariin Guuleed hadda waxaa uu hogaaminayaa wafdiga dawlada ee wadahadalka kula jira maamulka Somaliland ee ku sugan wadanka Turkiga. Xilkiisa hore waxaa laga gooyey “Arrimaha Gudaha” Waxaana uu hadda noqonayaa “Wasiirka mniga Qaranka” oo ah wasaarada muhiim ah.

Waa markii labaad oo C/kariin Guuleed xil wasaaradeed loo magacaabo isagoo aan dalka joogin (Xukummadii Saacid Shirdoon xitaa waxay magacawday isagoo maqan taasoo muujineysa kalsoonida uu madaxweyne Xasan Sheekh ku qabo C/kariin Guuleed. Waa Sacad, Habar-Gidir.

8 – Jaamac Odey – Waxa uu horey u joogay wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga, haddase waxaa uu ku biiray xubnaha Damu Jadiid ee u dallacay wasiirnimo buuxda waxaana loo dhiibay “Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha”. Jaamac weli waa xildhibaan ku jira baarlamaanka.

Dad badan ayaa xusuusta Jaamac Odey inuu ka mid ahaa xildhibaanadii keenay mooshinkii lagu riday xukuumadda Saacid Shirdoon oo uu Jaamac ka ahaa wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga.

Waa Habar-Jeclo, Isaaq, waxaa sidoo kale la sheegaa inuu ku dhow yahay Siilaanyo, balse kooxda Damu-Jadiid aysan ka war-hayn taas.

9 – Ibraahim Isaaq Yarow – Wuxuu ahaa xildhibaan, wuxuuna ahaa wasiir ku xigeenka warfaafinta. Haddase waa wasiir ku xigeenka amniga qaranka, xilkaas oo xilligii ku-meelgaarka uu mar ku soo shaqeeyay, waa Digil iyo Mirifle.

10 – Maxamuud Macalin Yaxye – Ninkan oo ahaa wasiir ku xigeenkii wasaaradda horumarinta arrimaha bulshada waxaa hadda laga dhigay wasiiru dawlaha Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

11 – Saciid C/llaahi Maxamed – Waa Ganacsade reer Dubai ah, oo kasoo jeeda beesha Majeerteen, waxaana loo magacaabay wasiirka qorsheynta qaranka, waa xubin fir fircoon oo ka tirsan kooxda Damu-jadiid, ee Somalia horbeedeysa iminka.

12 – Ducaale Aadan Maxamed – Waxaa loo magacaabay wasiirka hiddaha iyo tacliinta sare, waxa uu ka mid yahay ragga sida aadka ah ugu dhow hoggaamiyaaha ruuxiga ah ee Damu-Jadiid Faarax Sheekh Cabdul Qaadir, waxa uu ka dhashay beesha Faqi Maxamed ee Dir.

13 – Eng.  Nadiifo Maxamed Cusmaa – Waxa ay ka mid tahay haweenka far ku tiriska ah ee nasiibka u yeeshay inay ka mid noqoto golaha wasiirada cusub. Waxa ay sidoo kale ka mid tahay kooxda Damu-Jadiid, waxayna kasoo jeedaa beesha Baadi-Cadde.

14 – Maxamed Coloow Baroow – Waa Damu-Jadiid kale, waxa uu aad ugu dhow yahay Xasan Sheekh, waxaa loo dhiibay wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, waxa uuna u dhashay beesha Gaal-Jecel.

FG: Waxaan rumeysanahay inay xubnaha Damu-Jadiid ee xukuumadda cusub ay intan ka badan yihiin, waxaana wadnaa xog uruurin kale, annaga oo aan idin soo gudbin doonna Insha Allah