C/raxman Baadiyow ka hadlay xilka loo magaacabay guddoomiyaha gobalka

Muqdisho (Caasimada Online) Siyaasiga Cabdiraxmaan Macallin Baadiyow, oo horrey isku soo taagay xilka madaxweynaha Soomaaliya sannadkii 2012-, ayaaa ka hadlay xilka loo magacaabay goddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho.

Dr. Baaadiyow ayaa yiri yiri ” Guddoomiye Tarsan waa laga qaadi karaa xilka, laakiin ilama haboonaa sida looga qaaday. waa farsamo xumo iyo wax aan aheyn dhaqan dawalo. Waxey la mid tahay sida rai’isulwasaare Saciid looga qaaday, loogu diiday inuu ka hor hadlo baarlamaanka, loona dhigay xaflad markii la riday ka dib.”

Wuxuu sii hadlay “Markii lagu dhawaaqay xukuumadda cusub, waa oynayay ragg iyo dumar badan oo ka tirsanaa xukuumadii hore oo uololayay in la rido xukuumadoodi oo loo balanqaaday in lagu soo darayo xukuumada cusub. In ruux xil laga qaado iyo in mid kale xil loo dhiibo waa hawl dawladeed, laakiin sharfta, karaamada iyo isqadarinta waa lama taabtaan.”

Hadalka Baadiyo ayaa ku soo beegmaya iyadoo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo shaley hir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho uu diiday xilka wasiir ku-xigeenka ciyaaraha iyo dhalinyarada oo uu xalay u magacaabay raysul wasaaraha Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com