Qaab dhismeedka golaha wasiirada oo xog xasaasi ah laga bixiyey (R/W Cabdi Weli wuxuu ku lee yahay hal wasiir)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Tahliil Cabdi Maxamuud oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya, ayaa caawa waxa uu sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya uu Golaha Wasiirada ku lee yahay, hal Wasiir oo kaliya.

Xildhibaan Tahliil Cabdi Maxamuud oo wareysi siiyay Idaacada SKY NEWS ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Dam Jadiid ay soo xuleen Golaha Wasiirada ee Xukuumada cusub

Wuxuu beeniyay in Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya uu soo dhisay Golaha Wasiirada, isagoo xusay in loo dhiibay liiska ay ku qoran yihiin Wasiirada. Isla-markaana uu Ra’iisul Wasaaruhu keenay Wasiirka Waxbaasho oo kaliya, sida uu yiri.

Xildhibaan Tahliil oo shir jaraa’id oo uu maanta qabtay ku weeraray Dam Jadiid, ayaa sidoo kale caawa markale weeraray, wuxuuna ku eedeeyay koox gaar, oo dano gaar ah wadata.

Isha: Dhacdo