SAWIRRO: Beesha Mataan C/lle: Xasan Sh. ma sii hayn doono talada haddii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ballaaran oo ay soo qabanqaabisay beesha Mataan Cabdulle ayaa ka dhacay magaalada Muqdish, waxaana kulankaasi ka soo qeyb galay aqoonyahano, waxgarad, siyaasiyiin, ganacsato, haween iyo dhallinyaro.

Kulanka ayaa ujeedadiisu ahayd sidii beesha Mataan Cabdulle ay u taageeri lahayd Ra’iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed iyo Golaha Wasiirada cusub ee uu soo magacaabay, iyagoona inuu soo magacaabay Wasiiro karti iyo aqoon u leh Wasaaraha loo magacaabay.
3
Nabadoon C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere), Nabadoon Maxamed Muuse, Malaaq Cali Malaaq Showri oo ka mid ahaa Waxgaradkii ka qeyb galay kulankaasi ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay cabashada beesha Mataan Cabdulle oo ay sheegeen in madaxda Dowladda ay ku xaqireyso xaqa beesha Mataan Cabdulle u leedahay inay ka taliso gobolka Banaadir.

“Xasan Sheekh sharciga Federaalka meel ayuu iska dhigay, waana ogyahay haddii uusan is yeel yeeleynin cida iska leh talada gobolka Banaadir” ayuu yiri Nabadoon C/llaahi Xasan Abuukar oo sheegay in Madaxweyne Xasan xaqooda ku maslaxayo cid kale.

1

Wuxuu sheegay Nabadoon C/llaahi Dheere in Madaxweyne Xasan haddii uusan si dhab ah ugu dhaqmin sharciga Federaalka inuusan isaguna meesha sii joogi doonin, isla markaana aanay jiri doonin cid dowladiisa taageerta.

Dhinaca kale Bakiin Maaxi Macallim ayaa sheegtay in dowladihii iyo maamuladii dalka soo maray qaarkood beesha Mataan ay siiyeen xaqooda isla markaana u magacaabeen Guddoomiyaha iyo duqa magaalada Muqdisho, hase yeeshee waxay sheegtay in xukuumada Madaxweyne Xasan Sheekh ay quursatay beesha Mataan Cabdulle.

“Mataan Cabdulle hadaan nahay waan diidnay in dhulkeena nalagu quursado” ayay tiri Bakiin Maaxi Macallim oo sheegtay in dal kasta oo caalamka ka mid ah magaala madaxdiisa lagu tixgeliyo dadkii loogu yimid oo deganaa.

Dhinaca kale waxaa iyana goobtaasi ka hadashay Dahabo Maxamuud Maxamed oo sheegtay in Soomaaliya ilaa ay xornimada qaadatay xilka Gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho ay hayeen beesha Mataan Cabdulle, balse sanadahaan dambe ay timid xaqiraad, “Qaska maalmahaan dambe la wado halla joojiyo” ayay tiri Dahabo.

Ugu dambeyntii waxaa madasha kulanka beesha Mataan Cabdulle ka hadlay Malaaq Cali Malaaq Showri oo sheegay inay soo dhoweynayaan Ra’iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed iyo Golihiisa Wasiirada cusub.
2467
Malaaqa ayaa ku dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu yahay nin saaran dagab haddii uusan ka degina uu la gadoomi doono, taasi oo uu ula jeedo in Madaxweyne Xasan Sheekh uu xaqirayo doorka beesha Mataan Cabdulle iyo xaqa ay u leedahay ka arriminta gobolka Banaadir.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com