Dhageyso: Xubnihi la heshiiyey Axmed Madobe oo go’aano cusub soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir Jaraa’id oo maanta ku qabteen gudaha magaalada Muqdisho siyaasiyiin iyo Masuuliyiin kasoo jeeda deeganada Jubbooyinka ayay uga horyimaadeen Caleema saarka Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo la filayo inuu ka dhaco maalmaha soo socda magaalada Kismaayo.

Warsaxaafadeed ay si wada jir ah usoo saareen Qaar kamid ah ragii horay Kismaayo ugula dagaalamay Ciidamadda Hogaamiye Axmed Madoobe ayaa waxay ku sheegen inuu bur buray heshiisyadii ay ku gaareen Magaalada Muqdisho iyo kii horay uga dhacay Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia kaddib markii sida ay sheegeen uu Jabiyay Hogaamiye Axmed Madoobe qodobadii lagu heshiiyay.

Dr Cabdi Shirre Warsame oo ah Wakiilka Col, Barre Aadan Shirre Hiiraale oo Warsaxaafadeed ay ku saxiixnaayeen illaa Shan Siyaasi oo kala ah Col Barre Hiiraale, Iftiin Xasan Baasto, Cabdi Baaleey Xuseen, Cumar Buraale Axmed, iyo Maxamed Amiin Abdullahi Saxaafadda u akhriyay ayaa ku dhaleeceeyay Hogaamiye Sheekh Axmed Madoobe inuu jabiyay heshiisyadii ay la gaareen.

Cabdi Shire ayaa yiri “Sida aad la socotaan, iyada oo la raacayo heshiiskii Addis Ababa waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay 3-6-dii Bishii 10 ee sanadkii tagay shirwayne ay iskugu yimaadeen dhinacyada Khilaafaadka gobollada Jubbooyinka waxaana dhinacyadu wada gaareen heshiis nabadeed, waxaana la filayay in si wada jir ah loosii wado Geedi socodka Nabadeed ee heshiiskii Addis Ababa, iyada oo la fulinayo, Qodobadan soo socda, 1 Soo xaraynta Ciidamadda hubaysan ee ku sugan duleedka magaalada Kismaayo, 2 hubka dhigista iyo xaraynta dhammaan Malayshiyaadka dhinacyada , 3 Qabashada Shirwayaha labaad ee dib u heshiisiinta Jubbooyinka ee Kismaayo, 4 Awood qaybsi, 5 dhismaha maamulka ku meel gaar ah ee Jubba” ayuu yiri.

Wuxuu ku tilmaamay Cabdi Shire ayaan daro inay tahay Hogaamiye Sheekh Axmed Madoobe inuu jabiyo heshiiskii ay ku gaareen magaalada Muqdisho taasoo ka dhigaysa inuusan ahayn Hogaamiye sax ah balse uu yahay Hogaamiye Jabhadeed sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa ayaan darro ah in Axmed Maxamed Islaam uu qaaday Tallaabo kasoo horjeedda , uuna jabiyay heshiiskii Addis Ababa isagoo magacaabay waxa ugu yeeray Wasiiro Tanina waxay cadaynaysaa Axmed Maxamed Islaam inuu ka baxay Heshiiskii Addis uuna dib ugu noqday oo uu hadda yahay Dagaal Ooge (Warlord), haddaba beesha Caalamka waxaan ugu baaqaynaa inay ka digtoonaato in la marin habaabiyo oo ay taageerto lana shaqayso dagaal ooge, sidoo kale waxaan beesha Caalamka ugu baaqaynaa inaysan ka qayb galin Xaflad ku sheega Caleema saarka Dagaal ooge Axmed Madoobe” ayuu ku yiri Warsaxaafadeedka Dr Cabdi Shire.

Cumar Buraale oo kamid ah Siyaasiyiinta kasoo jeeda deeganada Jubbooyinka horayna ugu dhawaaqay Madaxwaynaha Maamulka Jubba oo shirka Jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay Sheekh Axmed Madoobe inuu jabiyay dhammaan heshiisyadii ay gaareen isla markaana ay taasi ka dhigantahay inuusan ahayn Hogaamiyaha rasmiga ah ee Jubbooyinka.

Sidoo kale Mr Buraale ayaa tilmaamay inaysan aqoon sanayn Axmed Madoobe kaddib markii uu ka baxay heshiiskii uu la gaaray.

Iftiin Xasan Baasto oo isna dhankiisa hadal jeediyay ayaa sheegay shirka ka dhacay magaalada Kismaayo ee lagu caleema saarayo Axmed Madoobe inuu yahay mid aan sax ahayn isla markaana uu yahay mid lagu marin habaabinayo beesha Caalamka iyo wadamada daneeya arimaha Soomaaliya.

Ugu danbayntii ayay si wada jir ah uga codsadeen Beesha Caalamka iyo dowladda Soomaaliya in si wada jir ah loo eego hab dhaqanka Hogaamiye Sheekh Axmed Madoobe iyagoo dhinaca kale baaq u diray Dowladda Soomaaliya iyo Ethiopia oo iyagu shirka qodobadii kasoo baxay masuuliyadeeda qaaday.

Shirka Jaraa’id ee maanta ku qabteen magaalada Muqdisho dhinayadii horay heshiiska Muqdisho ugula galay Hogaamiye Sheekh Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaya xili la filayo magaalada Kismaayo inuu ka dhaco shirwayne ballaaran oo lagu caleemo saarayo Hogaamiye Sheekh Axmed Madoobe iyo Golaha cusub ee Wasiirada ee dhowaan uu ku dhawaaqay.

Halkan hoose ka dhageyso codadka Cabdi Shire

Cabdi-Shire

Isha: Kismaayo24