Qodobadii ergada Somaliland wadatay oo lagu laalay shirka Istanbul & shirka oo soo dhammaaday (Faah-faahin)

Istanbul (Caasimada Online) Waxaa goordhow magaalada Istanbul ee dalka Turkiga heshiis ku saxiixday ergooyinka ka scoday dowladda Soomaaliya iyo MaamulkaSomaliland.

Xalay ayaa labada dhinac waxaa ay isla gaareen saqdii dhexe heshiis, iyagoo markii dambe ku heshiiyay in maanta oo Axad ah ay si wadajir ah saxaafada ugu soo gudbiyaan wixii ay ku heshiiyeen.

Wasiirka amniga Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa goordhow VOA u sheegay in labada dhinac ay gaareen heshiiyo ay

Qoddobka ugu muhiimsan ee goobta lagu saxiixay waxaa ka mid ah in labada wafdi ay garowsadeen in la cambaareeyo dowladii uu madaxweynaha ka ahaa AUN Maxamed Siyaad Barre oo duulaan dhinaca cirka ku qaaday deegannada Waqooyi Galbeed ee dalka Soomaaliya oo hadda la baxay Somaliland.

Waxaa kaloo labada dhinac ay isla garteen in ay sameestaan khariirad horseed u noqota wada-hadallada dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa muddo sagaashan cisho kaddib ugu kulmi doona  magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Wariye ka tirsan BBC-da oo ku sugan Istanbul, ayaa sheegay in waxyaabo badan la isku qabsaday, waxaaana ka maid ah wax yaabaha la isku qabsaday sidda loo qoraayo heshiiska iyo luuqada lagu qoraayo.

Caasimada Online, ayaa ogaatay in dhammaan la laalay qodobadii ay wateen ergada Somaliland kuwaas oo kala ahaa:-

1. Ictiraafka gooni isu taaga Somaliland

2. In Ictiraafkooda ka hor,Xubin Sharaf goobjooga inay ku yeeshaan shirarka caalamiga sida IGAD, AU, UN, ARAB LEAGUE …iwm

3. In Deeqaha Somalia la siiyo qeybahooda laga siiyo

4. In cudur-daar laga baxsho waxey ugu yeereen xasuuqii loo geystey dadka Somaliland {Beesha dhexe)

Dhamaan qodobadeey wateen waa u cuntami waayeen wafdigii Dowladda Federalka Somalia, waxeyna ka soo qaadeen qodobka u danbeeya oo loo dhigey, in cudur daar si wadajir ah looga baxsho dhamaan dhibaatooyinkii kala duwanaa ee shacabka Soomaaliyeed ay u geesteen nidaamkii Somalia ka talinayey.

Xaflada shirka oo xalay la qaban rabay ayaa dib loo dhigay kadib markii wafdiga Somaliland diideen in qodobka cudur daarka sidaas loo dhigo.

Ila wareedyo muhiima ayaa sheegay in qodobka ugu muhiimsan ee maanta la kala saxiixan doono uu yahay IN LA WADAAGO MAAMULKA HAWADA SOMALIA .

Qodobkaan hore ayaa loogu heshiiyay hase yeeshee waxaa la dhisayaa gudiyadii howsha hore u wadi lahaa ee labada dhinac.

Waxaa dhowr jeer la badalay qaabka loo qoray qoraalka gaar ahaan markii horre Luuqada Ingiliiska ayaa lagu qoray sidda loo qoray ayaa la isku badlay.

Wax yaabaha la isku qabtay ee doodda culus dhaliyay waxaa ka mid ah ma dowladda Somaliland ayaa la dhahayaa mise Jamhuuriyada Somaliland.

Waxaa kaloo la isku qabtay sidda loo cambaareenaayo dagaalladii ka dhacay  Gobalada Waqooyiga Galbeed sannadihiii Siddeetameeyadii,waxaana inta badan qod qodoyay qoddobada heshiiska ku qoran ergooyinka ka socday dowladda Soomaaliya.

Shirka goobta uu ka socday saxaafadda ma aysan joogin, oo wuxuu ahaa mid alaabka u xiran, laakin ergooyinka labada dhinac ee shirka ka qaybgaleynin ayaa la arkayay iyagoo kaftamaya oo isleh, annaga ayaa waxaa nala jooga qolo idinka idinka tirsan iyo kuwaas halkaas ka tirsan iska soo celiya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Istanbu

Caasimada@live.com