30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

C/raxman Baadiyow ka hadlay xilka loo magaacabay guddoomiyaha gobalka

Muqdisho (Caasimada Online) Siyaasiga Cabdiraxmaan Macallin Baadiyow, oo horrey isku soo taagay xilka madaxweynaha Soomaaliya sannadkii 2012-, ayaaa ka hadlay xilka loo magacaabay goddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho.

Dr. Baaadiyow ayaa yiri yiri ” Guddoomiye Tarsan waa laga qaadi karaa xilka, laakiin ilama haboonaa sida looga qaaday. waa farsamo xumo iyo wax aan aheyn dhaqan dawalo. Waxey la mid tahay sida rai’isulwasaare Saciid looga qaaday, loogu diiday inuu ka hor hadlo baarlamaanka, loona dhigay xaflad markii la riday ka dib.”

Wuxuu sii hadlay “Markii lagu dhawaaqay xukuumadda cusub, waa oynayay ragg iyo dumar badan oo ka tirsanaa xukuumadii hore oo uololayay in la rido xukuumadoodi oo loo balanqaaday in lagu soo darayo xukuumada cusub. In ruux xil laga qaado iyo in mid kale xil loo dhiibo waa hawl dawladeed, laakiin sharfta, karaamada iyo isqadarinta waa lama taabtaan.”

Hadalka Baadiyo ayaa ku soo beegmaya iyadoo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo shaley hir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho uu diiday xilka wasiir ku-xigeenka ciyaaraha iyo dhalinyarada oo uu xalay u magacaabay raysul wasaaraha Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Qaab dhismeedka golaha wasiirada oo xog xasaasi ah laga bixiyey (R/W Cabdi Weli wuxuu ku lee yahay hal wasiir)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Tahliil Cabdi Maxamuud oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya, ayaa caawa waxa uu sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya uu Golaha Wasiirada ku lee yahay, hal Wasiir oo kaliya.

Xildhibaan Tahliil Cabdi Maxamuud oo wareysi siiyay Idaacada SKY NEWS ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Dam Jadiid ay soo xuleen Golaha Wasiirada ee Xukuumada cusub

Wuxuu beeniyay in Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya uu soo dhisay Golaha Wasiirada, isagoo xusay in loo dhiibay liiska ay ku qoran yihiin Wasiirada. Isla-markaana uu Ra’iisul Wasaaruhu keenay Wasiirka Waxbaasho oo kaliya, sida uu yiri.

Xildhibaan Tahliil oo shir jaraa’id oo uu maanta qabtay ku weeraray Dam Jadiid, ayaa sidoo kale caawa markale weeraray, wuxuuna ku eedeeyay koox gaar, oo dano gaar ah wadata.

Isha: Dhacdo

Xog: Xasan oo seedigii u magacaabaya guddoomiyaha GOBOLKA BANAADIR

Muqdisho (Caasimada Online) – War aan goordhaw ka helnay xarunta Madaxtooyada ayaa waxa ay sheegayaan in ay halkaas ka dhaceen wadahadaladii ugu danbeeyay ee lagu magacaabi lahaa Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay waxa uu kullamo gooni gooni  ah la qaatay qaar ka mid ah musharaxiinta u taagan in ay xilka ka badalaan Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Xubnaha u la kulmay Xasan oo xalay joogay madaxtooyada ayaa waxa ay kala yihiin:- Xasan Maxamed Xusen “Muungaab”, Eng. Nuune, oo horey xilka usoo qabtao iyo Liibaan Leyte, oo dhammaantood xilkan doonaya.

Afhayeenka madaxweynaha Eng. Yariisow, ayaa sidoo kale ka mid ah xubnaha xilkan loolanka adag ugu jira, kana codsaday madaxweynaha inuu u magacaabo.

Waxaa sidoo kale jira nin la magacuubo Yuusuf Jimcaale, oo ah seediga madaxweynaha, oo aan la kulmin madaxweynaha, balse la saadaalinayo in xilkaas isaga loo dhiibo doono.

Yuusuf Jimcaale, waxa uu ka tirsan yahay xisbiga Damu-Jadiid, waxaana qaraabo dhow la yahay mid ka mid ah xaasaka madaxweynaha, wuxuuna kasoo jeeda beesha Daa’uud.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in rajooyinka Muungaab aysan xumeyn, ayna u eg tahay in haddii aan la magacaabin Yuusuf, isaga uu noqon doono, balse ay u badan Yuusuf Jimcaale.

Si kastaba wixii kasoo baxa kulankaan hada socda kala socda wararkeena soo socdo haduu Alle idmo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Shir lagu dhisaayo Xamar oo furmay

Shirweyne caalami ah oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa maanta si rasmi ah u furay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, iyadoo ujeeddada kulankaas ay aheyd sidii loo horumarin lahaa magaalada Muqdisho..

Waxaana shirkaas lagu casuumay oo kasoo qeyb galay hay’adaha Qaramada Midoobay oo uu horkacayay ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Key, mas’uuliyiin ka socday hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay, Wasiiro, Xildhibaanno, Culima’udiin, Ingineero iyo dad kasoo shaqeeyay horumarinta magaalooyinka.

Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo furitaankii shirka ka hadlay ayaa sheegay in ujeeddada rasmiga ah ee kulankan ay tahay in la qorsheeyo magaalada Muqdisho xagga dhismaha iyo horumarkaba, isagoo hoosta ka xariiqay in dowladda Hoose ee Xamar ay ruqsad siin doonto cid kasta oo rabta dhismo cusub iney magaalada ka dhisto, iyadoo la waafajin doono qorsheynta magaalada.

Wasiirka Tamarta iyo biyaha Mudane Jaamac Axmed Maxamed “Jaamac Oday” oo ka mid ah Golaha Wasiirada cusub ee uu dhawaan soo dhisay R/wasaare C/weli oo isna ka hadlay kulanka ayaa soo dhaweeyay qabashada shirweyne nuucan oo kale ah, isagoo guul urajeeyay dib usoo noqoshada Muqdishada Cusub.

Wasiirka Howlaha Guud iyo dib-u-dhiska Eng Nadiifo Maxamed Cusmaan oo iyana ka mid ah Xukuumadda cusub ayaa sidoo kale si weyn usoo dhaweysay qabsoomidda shir nuucan oo kale ah oo markii ugu horeysay looga hadlayo bilic soo celinta magaalada Muqdisho, iyadoo balan qaaday in Wasaaraddu ay ku dadaali doonto la shaqeynta maamulka Gobolka Benaadir si loo soo celiyo quruxdii magaalada Muqdisho ay lahayd iyo qorsheynta magaalada.

Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya  Nicolas Key, oo kasoo qeyb galay shirkan ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay berri aheyd magaalo aad u qurux badan, cimiladeeduna tahay meel aan la heli karin, isagoo xusay  in dib loo so celin karo Muqdishadii cusbeyd.

Mr Key ayaa cod dheer ku sheegay inuu ka mid yahay dadka reer Muqdisho ama dadka degan magaalada Muqdisho kuna nool  , isagoo ku amaanay duqa magaalada Muqdisho iyo shacabka reer Muqdisho sida quruxda badan oo ay ugu dadaalayaan dib usoo celinta Muqdishada cusub.

Shirkan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ay kasoo qeyb galaan mas’uuliyiin sar sare oo looga arrinsanayo qorsheynta iyo dib usoo celinta magaalada Muqdisho bilicdeeda iyo quruxdii berri ay lahaan jirtay, ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Benaadir.

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo u digay R/W C/Weli (BF ayaan kugu sugeynaa)

Muqdisho (Caasimada Online) Iyadoo la hadalhayay dhawaanahan Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo horrey u soo noqday wasiirka dastuurkii dowladii KMG ah ee Shariif Sheekh Axmed in uu ka mid noqonayo wasiiradda cusub ee xukuumadda Cabdiweli, ayaa markii uu iska waayay liiska 55-ka wasiir, waxaa uu soo saaray digniin ku socota ra’iisal wasaaraha.

Xildhihaanka ayaa caawa war uu soo dhigay bartiisa Facebook waxaa laga dheehan karaa digniin culus oo ku socota ra’iisal wasaaraha oo dhawaan la filaayo in uu wasiiradiisa horgeeyo golaha baarlamaanka.

Hadalkiisa waxaa uu u muuqdaa nin wax badan og, maadama uu yiri Xubnaha la magacaabay waxaa laga sugayaa xarunta baarlamaanka.

Wuxuu qoraal gaabab oo uu soo qoray ku yiri “Gurbaankaan intee lagu tumaa?”

Xildhibaan Cabdi Raxmaan Xoosh, waxaa uu ugu cadcadaa xildhibaannada xilka ka tuuray ra’iisal wasaarihii horre ee Cabdi Faarax Saacid, waaa nin galaangal badan in kastoo uu soo baxay dowladii Shariif Sheeekh Axmed, haddana wuxuu ka shidaal qaataa oo ay isku dhow yihiin Shariif Xasan Sheekh Aadan,guddoomiyihii horre ee baarlamaanka.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo looga hadlaayo sidda laga yeelaayo wasiirada cusub ee uu soo magacaabay ra’iisal wasaaraha marka la horgeeyo baarlamaanka, waxaana kulamadaas wada mudanyaasha ka soo horjeeda ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Caasimada Online

Ganacsade lagu dilay Mag. Muqdisho

Wararka laga helaayo degmada Heliwaa ee gobalka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in xalay halkas lagu dilay nin ganacsae ah kaasoo deganaa xaadafada SOS ee ka tirsan degmadaas.

Koox dhalin yaro ah oo ku hubeysan Bistoolado ayaa la sheegay in ay Marxuumkaan xabado kaga dhufteen Madaxa isaga oo ku sugan meel u dhaw gurigiisa isla markiina ay halkaas ka baxsadeen

Ciidamada Amaanka Heliwaa ayaa waxa ay soo gaareen goobta uu dilka ka dhacay ka dib markii uu falka dhacay waxa ayna halkaas ka sameeyeen baaritaano man jirin cid loo soo qabqabtay.

Ilaa iyo hada majirta cid si cad u sheegtay sababaha ka danbeeyay dilka Ruuxaan iyadoo eheladiisa sidoo kale aysan ka warbixin wali,inta badan dilalka noocaan oo kale ah ayaa ku badan degmada Heliwaa.

Maamulka Degmada Heliwaa ayaa waxa ay sheegeen in wali ay wadaan howlgaladii lagu baadi goobayay dadkii ka danbeeyay dilkaas ilaa iyo hadana ma jirto cid ay soo qabteen.

Qarax xooggan oo ka dhacay Jowhar

Wararka laga helaayo degmada Jowhar ee gobalka Sh/Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in xalay halkaas uu ka dhacay qarax xoogan oo lagu tuuray ciidamo ka tirsan DF Somalia oo halkaas marayay.

Qaraxa ayaa waxa uu ahaay midka gacanta laga tuuro waxaa uuna ka dhacay bartamaha Magaalada iyadoo ay ku dhinmatay gabar lix Sano jir ah iyo laba qofood oo iyagana halkaas marayay.

Ciidamada DF Somalia ee halkaa marayay ayaa la sheegay in uusan wax qasaaro ah ka soo gaarin qaraxaas balse waxaa ku wax yeeloobay dadkaan rayidka ah ee halkaas ka dhawaa.

Kooxihii qaraxa geystay ayaa ka baxsaday goobta waxaana islahalkaas howlgal ka sameeyay ciidamadii la weeraray ilaa yo hadana ma jirto cid ay u soo qabteen falkaas.

Dadka Jowhar ayaa aad uga naxay dhimashada gabartaas lixda  Sano jirto iyaga oo ka codsaday maamulka Jowhar in ay gacanta ku soo dhigaan kooxihii falkaas ka danbeeyay.

VIDEO: Wiil Soomaaliyed oo Taarikhda Calamka baal dahab ah ka galay.

0

Caasimada Online: Wiil Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Calaamka kaga yaabsaday Abaal marin Cajiib ah oo loo magacaabay asagoo noqonaya Soomaaligii ku guuleeysta Abaal marintaasi.

Hadaba waxaan hubaa in uu ku farxad gelin doono arinkani ee nala daawo muuqaalkani Sumcada aadka u farxada badan wata.

HALKAAN KA DAAWO:

KISMAAYO oo heegan buuxa ku jirta

Magaalda Kismaayo ee xaruta maamulka Gobalka Jubbada Hoose, ayaa waxaa maanta guud ahaan la adkeeyay ammaanka Magaalada waxaana la arkayay ciidamo badan oo Booliis ah oo magaalada lagu soo daadiyay.

Ciidamada Booliiska iyo nabad Sugida Kismaayo ayaa saakay waxa ay bilaabeen heegan socon doono mudo 48-saacadood iyado guud ahaan la sugi doono amaanka magaalada.

Sida ay xaqiijiyeen laamaha Amaanka Kismaayo ayaa waxa ay sheegeen in Feejignaan ay ku jiri doonaan ciidamada maanka iyga oo laga doonayo in ay guud ahaan ay sugaan amaanka guud ee magaalada.

Dhanka kale sababaha keentay in la sugo amaanka Kismaayo ayaa waxa ay ka danbeysay ka dib markii la sheegay in maalinta Birito ah magaalada lagu qaban doono xaflad lagu dhaarinaayo xubnaha Wasiirada maamulka Juba .

Guud ahaan baabuurta magaalada soo galeyso iyo kuwa ka baxaayo ayaa la baarayaa si aysan u dhicin qaraxyo iyo dilal inta ay socoto xaflada lagu dhaarinaayo Wasiirda maamulka Juba.

Ban Ki-Moon oo tacsiyeeyey Somalida

Xoghayaha guud ee QM Ban ki Moon ayaa waxa uu dhambaal tacsi ah u diray dhamaan dadka Somaliyeed isaga oo kaga tacsiyeeyay geeridii ku timid gabar Soomaaliyeed oo ku geeriyootay qarax ka dhacay Afghanistan .

Maalintii shalay eheyd qarax ka dhacay magaalada Kabul ee dalkaas ayaa waxaa dadkii ku dhintay ka mid eheyd gabar soomaliyeed oo lagu magacaabo Basra Faarax Xasan o shaqaalo u eheyd hey’ada Unicef.

Ban ki Moon ayaa sheegay in isaga oo ku hadlaayo magaca QM uu tacsi gaar ah u diraayo dadka Somaliyeed isaga oo kaga tacsiyeenayo dhimashada Basra Faarax Xasan oo qaraxa ku geeriyootay.

Xoghaya QM ayaa sheegay in gabartaas ay ku geeriyootay qarax ay fuliyeen kooxaha Argagixisada ee jooga dalka Afghanistan sidaas darteed iyaga ay ka tacsiyeenayaan.

Basra Faarax Xasan ayaa waxa la sheegay in ay eheyd Gabar Soomaaliyeed oo dalka Mareykanka wax ku baratay isla markaana qaadaay dhalshada dalkaas.

 

SUUREYSO GALABKAN: Muslimow bal in-yar fikir oo ogow waxa dhici kara

Galabkan, Sabti 16ka bisha Rabiicul- Awal sanadka 1435 hijriga, oo ku beeggan 18.1.2014, tiknoloojigu wuxuu ku socdaa si xowli ah.

Dunida waxay sii galaysaa waayo cusub iyo casri aan lasuureysan karin. Mufakiriinta iyo Mu’allifiintii South Korea iyo Japan har iyo habeen ma seexdaan, oo waxay raadinayaa fikrado cusub iyo aalada dunida ay kusoo kordhiyaan.

Qorshaha dhaw iyo midka fogba illaa hadda waxaa loo diyaariyey fikrada bislaaday oo la rajaynaya in aalada cusub iyo tiknoloojiya casri ah lagu soo saaro.

Inta ay maskaxda mu’allifiinta suureysatay ee qorshaha 2020ka iyo wixii ka dambeeya, baaba marka aad maqasho aad yaabi doontaa.

Tiknoloojiyadii casriga qaabkaas bay kusocotaa.

Dhanka kalena fisqigii wuu batay, waddamada galbeedka guurkii waala iska nacay, sinnadii baa bannaanaha taal. Dabar go’ bulsheed inay umadahaasi ku socota, waxaa xataa ka qaylinaya aqoonyahannadoodii, oo sii suureynaya sanadyada dhaw in caalamkoodu ay ku badan doonaan amaba ay hoggaanka u qaban doonaan umadda Islaamka ah, oo iyagu aad u tafiirmaya. Tanina waxay caddeyneysaa qowlka Allaah kor ahaaye ee ahaa

هُوَ الَّذِي أَرْسَلَ رَسُولَهُ بِالْهُدَىٰ وَدِينِ الْحَقِّ لِيُظْهِرَهُ عَلَى الدِّينِ كُلِّهِ وَلَوْ كَرِهَ الْمُشْرِكُونَ

Dhinaca kalena, dagaalkii Suuriya meel aad u foolxun buu cirbaha lasii galayaa, kacdoonnadii carbeed ee la billawdayna kol hore ayaa laga faraxashay, laakiin kan Suuriya calaamad su’aal baa saaran.

Harajkii wuu batay (dil aanan la aqoon kan la dilay sababta loo dilay, kan wax dilayna uusan aqoon sababta uu u dilay). Caddaalad darradii caalamka ayay hu’ u noqotay, dunida Islamkuna waa qasan tahay. Ummaddu waxay ku jirtaa saxwo, ama baraarug. Sanadkan 2014 ee miillaadiga sanadyadii kahorreeyay ee lamidka ahaa wuu ka duwan yahay. Umaddu way fahamtay inaanu koodii ahayn, waxayna ku oranayaan annagu sanadkeennii wuxuu dhashay saddex bilood ka hor.

Waxaa is dhinac socda dhibaatooyinka caddaalad darrada iyo dilalka, nabaadguurka, dagaallada iyo dhanka kale saxwada baraarugga Islaamka.

Reer galbeedku waxay sheegayaan in xaddaaraddoodu ay dumi doonto goor aan fogeyn.

Amuurtaas markaad kasoo tegto, bal suureyso, galabkan isaga ah oo la joogo xilligii Mahdiga la sugayay, oo uu kasoo baxa magaalada Makka Al Mukarramah, uuna yiraahda, waxaan ahay Mahdigii la sugaayay, magacayguna waa Maxammed bin Cabdillaahi Al Haashimi Al Xasani?

Qolo waxay tiri waa yahay, waanay la mubaayacootay, qolona waxay tiri maahan. Al Jaziira iyo Al Carabiya ayaa doodo laba dhinac qabanaysa oo lagu doodaya waa yahay iyo maahan.

Xaaladda oo sidaas ah baad maqlaysaa Dajjaal baa bariga Asfahaan kasoo baxay. Waalagu kala aragti duwanayaa. Durba intii Bush iyo wixii lamida u dhega nugleyd, ma adkaan doonto inay u dhega nuglaadaan Dajjaal oo ay ciidamadiisa kamid noqdaan ayna isku dayaan inay af iyo addinba ku difaacaan.

Illeen awalba dadka way qeybsanaayeene markaasina waala kala qeybsami doonaa. Qaar baa isku dayi doono inay waxyaabaha dhacaya ka indha saabtaan, oo ay ismoogsiiyaan, si ay howlahooda ganacsiga iyo wixii lamida uga hallaawin (Halkuu ganacsi yaalli doonnaa waa yaabe?).

Bal suureysa xaaladdaasi oo aadan maanta u haysanin wax sahay ah oo aad kaga badbaadda u dhega nuglaasha Dajjaal ee maalintaas? Haddaad raacdid wuxuu kugu tuuri doona meel doog ah oo aad ku guban doonta, kolbana ma noqon doontid mid ku liibaano raaciddiisa oo faa’iida ay u noqoto.

Waa gallad Eebbe haddii aad hesho inaad ka badbaaddo raaciddiisa, oo aad noqoto kuwa khilaafa asaga oo mucaaradkiisa iyo cadawgiisa la safto. Waana daraja aanan la wada heli doonin.

Haddaad jeceshahay kuwaasi inaad kamid noqoto, waa inaad haggaajisa camalkaada, aadna badisaa ducooyinka iyo Allaah bariga, dhagaysiga Quraanka, aadna Rabbiga u noqoto.

Nolashanu maahan middii xaqiiqda ahayd, ee waa buundadii looga gudbayay tan runta ah ee labada daarood. Ayadoo casri gabo gabo ah lajoogo, yaanay kusirin dunidan madaxa kusocoto, ee ayadaba kuu sheegeysa inay meeshii u dambeysay soo taabatay.

Waqtigaadu ayadooba uu yaryahay oo Malakulmowt uu waaga kuu tirinaya, haddana waxaanan fogeyn dhiciddaa Qiyaamaha iyo maalinta maxkamadda ee Rabbi hortiisa.

Ha noqon nacas ee ka kac buundada, oo soco tani (adduunyada) waa buundadii lagu gudbayay. Camalka suubso aad Rabbigeen Caziiz hortiisa ku liibaantidee.

Waxaa qoray: Maxamed Daahir

Gabar Somali ahayd oo ku geeriyootey qarax ismiidaamin oo ka dhacay Kabul

Kabul (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay in qarax ka dhacay ka dhacay magaalada Kabul ee xarunta dalka Afghanistan dadka ku dhintay ay ku jirto gabar Soomaali ah oo shaqeeneysay Qaramada Midoobay.

AUN, Gabadha oo lagu magacaabi jiray Basra Faarax ayaa ka mid ahayd ugu yaraan labaatan qof  oo ku dhimmatay qaraxa habeenkii xaley ka dhacay Maqaayad ku taalla magaalada Kabul.

Marxuumada ayaa la sheegay in ay walaalo ahaayeen Nuuradin Faarax oo qoraa caan ah.

Gabadhan ayaa la sheegay in ay ahayd Somali Maraykan, waxaana ay in muddo ah la shaqeeneysay hey’addaha Qaramada Midoobay.

Siddoo kale, qaraxa Kabul waxaa kaloo ku dhintay madaxii Hayadda Lacagta Adduunka ee IMF ee Afghanistan, Wadel Abdallah, iyo afar shaqaale oo u shaqeeya Qaramada Midoobay oo ay ku jirto Marxuumad Basra.
Wararka la xiriira

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Banki Moon, ayaa cambaareeyay weerarka isagoo ku tilmaamay wax xun.

Banki Moon, ayaa sheegay in weerarka lala beegsado rayidka ay yihiin wax aan la aqbalayn oo ka soo horheeda sharciga bini’aadannimada caalamiga.

Maqaayada oo ku taala meelaha ugu qaalisan Kabul, ayaa waxaa u badnaa ajnabiga iyo shaqaalaha dowladda. Saddex iyo toban qof oo ka kala yimid Canada, Ruushka, Labnaan iyo Britain ayaa dhintay, dadka intiisa kale waxay u dhasheen Afghanistan. Waxaa ku jiray dadka dhintay ninkii lahaa maqaayada oo ka yimid Labnaan.

Taliban ayaa sheegay inay weerarka qaadeen. madaxweynaha Afghanistan Hamid Karzai ayaa cambaareeyay weerarka, isagoona war qoraal ah soo saaray ku sheegay haddii ciidamada Maraykanka ay hoggaaminayaan ee Nato oo garab ay siinayaan shacabka reer Afghanistan in la bartilmaameesan karo waxa uu ugu yeeray “Argagixisada”.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Xog: Mid ka mid ah wasiirada cusub ee DF oo u dhaw in uu xilka iska casilo

Muqdisho (Caasimada Online) War aaan dhawaan ka helnay mid ka mid ah Xubnaha Wasiirada DF Somalia dadka ku dhaw dhaw ayaa waxa ay sheegayaan in saacdaha soo socdo lagu wado in uu is casilo Wasiirka Daa’uud  Max’ed Cumar.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku dhaw dhaw Wasiirka Macdanta Daa’uud  Max’ed Cumar ayaa waxa ay cadeeyeen in wasiirka uu sheegay in uusan u qalmin xilkaas loo magacaabay sidaas darteed uu isku casilaayo.

Wasiirka ayaa maalmahan waxa uu kulan lalahaa Odayaasha Beeshiisa ugu danbeyntiina waxa ay isla garteen in beesha aysan xilkaas u qalmin sidaas darteed ay iska casilaan si xil ka wanaagsan loogu magacaabo.

Iminka Wasiirka Macdanta Daa’uud  Max’ed Cumar ayaa waxa uu wada tashikii ugu danbeeyay laleeyahay qaar ka tirsan Wasiirada oo iyagana la sheegay in ay doonayaan in ay iscasilaan.

Hadii uu Wasiirkaan ku dhwaaqo in uu is casilo ayaa waxa uu noqonayaa Wasiirkii ugu horeeyay ee Xilkaan iska dhiibay waxaana ka horeeyay laba Wasiir ku xigeen oo horay isku casilay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

AXMED SIILAANYO oo runta u sheegay dowladda Soomaaliya (Faah-Faahin)

Barbara (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta oo Sabti sheegay Somaliland in aaney mardambe la midoobi doonin Soomaaliya, wuxuuna dadka reer Somaliland u caddeeyay in arrintaas ay tahay mid muqadas ah oo ka timid rabitaanka dadweynaha reer Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo oo saxaafadda kula hadlaayay magaalada Berbera ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay damacsan tahay siddii markale loo mideen lahaa labada dhinac, “Laakin waa habeenkii xaley oo tagay” ayuu yiri.

Wuxuu tilmaay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso siddii shirka ka socda Istanbul looga hadli lahaa in la midoobo markale, balse arrintaas cid aan ugala gorgortameeno ma jirto ayuu yiri.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa hadalkan sheegay isagoo ku sii jeeday magaalada Paris ee xarunta dalka Fransiiska, halkaasoo uu ka helay casumaad rasmi ah, oo la xiriirta shirkad dooneysa in ay ballaariso howlaha dekedda Berbera.

Siddo kale, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa sheegay in tagi doono magaalada London ee dalka Britain, halkaasoo fasax iyo caafimaad uu u tagi doono.

Si kastaba, waxaa maalintii saddexaad galay wahadallada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland uga socda magaalada Istanbul ee waddanka Turkey-ga.

Labada dhinac ayaanan weli guda gelin qodobada ugu muhiimsan kullanka, iyadoo dhinackasta uu ku adkeysanayo mowqifkiisa ku aadan midnimada Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

 

Gaas oo ku wargaliyay DF Soomaaliya in ay iska bixiso hal milyan oo dollar!!

Garowe (Caasimada Online) – M/weynaha maamulka Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas oo booqasho manta ku tagay halkii ay duufaanta  duuufanada ku dhufteen ayaa waxa uu sheegay in wali dadkaas ay dhibaato qabaan.

M/weyne Gaas ayaa ugu baaqay DF Somalia in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku bixiso lacagihii ay u balan qaaday in ay siineyso dadkii ku waxyeeloobay  Duufaanadaas.

Sidoo kale Gaas ayaa sheegay in lacagahaas hadii la helo dadkaan wax weyn loogu qaban doono sidaas darteed uu ka codsanaao in DF Somalia lacagtaas ay ku bixiso shuruud la’aan.

Ugu danbeyntii M/weynaha Puntland ayaa balan qaaday in ay iyaga wax weyn u qaban doonaan dadkii guryahooda ku waayay isla markaana ay dib u dhis u sameyn doonaan.

Si kastaba R/wasaarihii hore ee DF Somalia Cabdi Farax Shirdoon Saacid ayaa horay u balan qaaday in xukuumadiisa ay ugu deeqday dadkii wax ku noqday Fatahaadihii Puntland balse ilaa iyo hada ma aysan jirin wax la gaarsiiyay.

Caasimada Online

Xafiiska Garowe

[email protected]

VIDEO: Xususta Xamar & Bariisamadkii

0

Aqristoow isma lihid halkan ayaa Somalia ah & Soomaaliya ayaa sidaan ahaan jirtay waagii hore ee nala arag Muuqaal Cajiib ah oo keyd ah oo ka hadlaya Xiligii hore ee Gumeeystaha.

Hadii aa daawato Muuqaalkani waa muhaan in aad jiriricoon doonto ee nala arag kadib nala wadaag fikirkaada.

 HALKAAN KA DAAWO: 

Olole golaha wasiirada cusub ka dhan ah oo ka socda Hotelada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Olole ka dhan ah Golaha Wasiirada cusub ee uu soo magacaabay habeen hore Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed ayaa ka socda qaar ka mid ah Hotelada ku yaal magaalada Muqdisho, halkaasoo ay is uruursi ka wadaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah, ololahan ayaa bilowday shalay gelinkii dambe, iyadoo abaabul xoog leh uu ka socdo labo ka mid ah hotelada Muqdisho oo xildhibaanada kulamo ka wadeen.

Qorshaha abaabulkan ayaa ah sidii codka kalsoonida loogu diidi lahaa maalmaha soo socda Golaha Wasiirada cusub oo uu Ra’iisul Wasaaruhu horkeeni doono Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Mucaaradada ka horyimid Golaha Wasiirada cusub ayaa bilaabatay markii labo ka mid ah Wasiir kuxigeenadii habeen hore la magacaabay ay shalay is casileen, waxaana tani ay wal walka ku sii kordhineysaa Xukuumada cusub.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu socdo qorshe ay isku casilayaan qaar ka mid ah Golaha Wasiirada la magacaabay, iyadoo qaar ka mid ah beelaha ay saluugsan yihiin Wasiirada loo qoondeeyay oo ay ku tilmaameen kuwo aanay u cuntami karin.

Abaabulka Xildhibaanada wadaan ayaa ah sidii ay Xukuumada ka kooban 55 wasiir ay u ridi lahaayeen, iyadoo Baarlamaanku xilligan aad u kala qeybsan yahay, hadana waxaa la ogeyn sida uu uga gudbi karo caqabada koowaad ee soo wajahday Ra’iisul Wasaaraha oo ah kalsoonida Baarlamaanka.

Magacaabista Golaha Wasiirada oo aheyd mid daahday ayaa waxaa ka jiray is qab qabsi iyo murano xoogan, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in Madaxweynaha uusan ku qanacsaneyn Wasiirada uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha, kadib saacado ay wada hadal ku lahaayeen Madaxtooyada oo aaqirkii dambe keentay in munaasabadii ku dhoweyd inay dib u dhacdo uu Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh uu keligiis kaga dhawaaqay Golihiisa Wasaarada, balse mar dambe War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha lagu sheegay inuu aqbalay soo jeedinta Golaha Wasiirada.

Isha warka: Jowhar

Wada-hadallada Istanbul: S/Land oo ku dhegtay hal qodob oo muhiim u ah

Istanbul (Caasimada Online) – Magaalda Istanbul ee dalka Turkiga ayaa waxaa wali ka socda shirka ay ku wada hadlayeen DF Somalia iyo Maamulka Somaliland, ee waqooyiga Somalia.

Wasiirka Amniga Qaranka ee DF Somalia C/kariim Xusen Guled oo lahadlay Laanta Afka Somalia ee BBC-da ayaa sheegay in hada ay wada hadalada Meel fiican ay marayaan laguna wado in birito lasoo gabagabeeyo.

C/kariim Xusen Guuleed ayaa sheegay in hada ay isla garteen labada dhinac laba qodob oo ah in la dhameestiro heshiiskii horay loo gaaray iyo in  la sii wado wadahadalada ku aadan dhanka wadaxaajoodka labada dhinac.

Dhanka kale Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis  ayaa sheegay in ay meel fiican ay mareyso wadahdalka labada dhinac balse waxa uu sheegay in iyaga go’aankooda uu yahay in Somaliland ay ka goosatay Somalia.

Maxamed Biixi Yoonis ayaa cadeeyay in iyaga markii hore ay ku soo biireen Somalia hadana ay go’aansadeen in ay gooni noqdaan sidaas darteed ay u taagan yihiin in Somaliland ay tahay dal gaar u taagan, qodobkaasna ay ku dheggayaan oo aysan marnaba ka tanaasuli doonin.

Si kastaba labada maamul ayaa hada dhinac kasta waxa uu doonayaa in figirkiisa la qaato waloow Dowlada Turkiga ay sheegtay hadii labada dhinac ay heshiin waayeen afti laga qaadi doono shacabka oo la weydiin doono in Samaliland ay ka go’ayso Somalia iyo in kale.

Caasimada Online

Xafiiska Istanbul

[email protected]