Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo u digay R/W C/Weli (BF ayaan kugu sugeynaa)

Muqdisho (Caasimada Online) Iyadoo la hadalhayay dhawaanahan Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo horrey u soo noqday wasiirka dastuurkii dowladii KMG ah ee Shariif Sheekh Axmed in uu ka mid noqonayo wasiiradda cusub ee xukuumadda Cabdiweli, ayaa markii uu iska waayay liiska 55-ka wasiir, waxaa uu soo saaray digniin ku socota ra’iisal wasaaraha.

Xildhihaanka ayaa caawa war uu soo dhigay bartiisa Facebook waxaa laga dheehan karaa digniin culus oo ku socota ra’iisal wasaaraha oo dhawaan la filaayo in uu wasiiradiisa horgeeyo golaha baarlamaanka.

Hadalkiisa waxaa uu u muuqdaa nin wax badan og, maadama uu yiri Xubnaha la magacaabay waxaa laga sugayaa xarunta baarlamaanka.

Wuxuu qoraal gaabab oo uu soo qoray ku yiri “Gurbaankaan intee lagu tumaa?”

Xildhibaan Cabdi Raxmaan Xoosh, waxaa uu ugu cadcadaa xildhibaannada xilka ka tuuray ra’iisal wasaarihii horre ee Cabdi Faarax Saacid, waaa nin galaangal badan in kastoo uu soo baxay dowladii Shariif Sheeekh Axmed, haddana wuxuu ka shidaal qaataa oo ay isku dhow yihiin Shariif Xasan Sheekh Aadan,guddoomiyihii horre ee baarlamaanka.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo looga hadlaayo sidda laga yeelaayo wasiirada cusub ee uu soo magacaabay ra’iisal wasaaraha marka la horgeeyo baarlamaanka, waxaana kulamadaas wada mudanyaasha ka soo horjeeda ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com

Caasimada Online