Shir lagu dhisaayo Xamar oo furmay

Shirweyne caalami ah oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa maanta si rasmi ah u furay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, iyadoo ujeeddada kulankaas ay aheyd sidii loo horumarin lahaa magaalada Muqdisho..

Waxaana shirkaas lagu casuumay oo kasoo qeyb galay hay’adaha Qaramada Midoobay oo uu horkacayay ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Key, mas’uuliyiin ka socday hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay, Wasiiro, Xildhibaanno, Culima’udiin, Ingineero iyo dad kasoo shaqeeyay horumarinta magaalooyinka.

Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo furitaankii shirka ka hadlay ayaa sheegay in ujeeddada rasmiga ah ee kulankan ay tahay in la qorsheeyo magaalada Muqdisho xagga dhismaha iyo horumarkaba, isagoo hoosta ka xariiqay in dowladda Hoose ee Xamar ay ruqsad siin doonto cid kasta oo rabta dhismo cusub iney magaalada ka dhisto, iyadoo la waafajin doono qorsheynta magaalada.

Wasiirka Tamarta iyo biyaha Mudane Jaamac Axmed Maxamed “Jaamac Oday” oo ka mid ah Golaha Wasiirada cusub ee uu dhawaan soo dhisay R/wasaare C/weli oo isna ka hadlay kulanka ayaa soo dhaweeyay qabashada shirweyne nuucan oo kale ah, isagoo guul urajeeyay dib usoo noqoshada Muqdishada Cusub.

Wasiirka Howlaha Guud iyo dib-u-dhiska Eng Nadiifo Maxamed Cusmaan oo iyana ka mid ah Xukuumadda cusub ayaa sidoo kale si weyn usoo dhaweysay qabsoomidda shir nuucan oo kale ah oo markii ugu horeysay looga hadlayo bilic soo celinta magaalada Muqdisho, iyadoo balan qaaday in Wasaaraddu ay ku dadaali doonto la shaqeynta maamulka Gobolka Benaadir si loo soo celiyo quruxdii magaalada Muqdisho ay lahayd iyo qorsheynta magaalada.

Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya  Nicolas Key, oo kasoo qeyb galay shirkan ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay berri aheyd magaalo aad u qurux badan, cimiladeeduna tahay meel aan la heli karin, isagoo xusay  in dib loo so celin karo Muqdishadii cusbeyd.

Mr Key ayaa cod dheer ku sheegay inuu ka mid yahay dadka reer Muqdisho ama dadka degan magaalada Muqdisho kuna nool  , isagoo ku amaanay duqa magaalada Muqdisho iyo shacabka reer Muqdisho sida quruxda badan oo ay ugu dadaalayaan dib usoo celinta Muqdishada cusub.

Shirkan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ay kasoo qeyb galaan mas’uuliyiin sar sare oo looga arrinsanayo qorsheynta iyo dib usoo celinta magaalada Muqdisho bilicdeeda iyo quruxdii berri ay lahaan jirtay, ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Benaadir.