C/risaaq Xaji Catoosh oo qoray Faallo: Maxay kala yihiin wasiirrada cusub?
Sida ka muuqata liiska wasiiradan waxaa ku jira xubno muddo ku soo jiray saaxada, iyo rag kale oo ku cusub masraxa siyaasada Soomaaliya.
Xubnaha la soo qaadan karo waxaa ka mid ah wasiiradii horey uga midka ahaa dowladdii ra’iisalwasaarihii la riday ee Cabdi Faarax Saacid Shridoon; sida faarax Cabdiqaadir iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed oo mar kale ka mid noqday dowladan cusub.
Xubno kale oo horey wasiiro uga soo noqday dowladihii ku meelgaarka ahaa ayaa iyagana xilal cusub helay.
Waxaa ka mid ah Xuseen Cabdi Xalane oo maaliyada loo dhiibay, Mustafa Dhuxuloow oo warfaafinta Qabanaya, Cabdilaahi Goodax Bare oo arimaha gudaha iyo federaalismka wasiirka ka noqonaya iyo Khadiija Maxamed Diiriye oo noqotay wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka.
Xubnaha daadka qaaday
Xubnaha uu daadku qaaday waxaa ka mid ah; Fowsiyo Yusuf Xaaji Adan, Maryam Qaasim iyo Cabdixakiim Fiqi.
Maxamuud Axmed Nur Tarsan oo Duqa Muqdisho ayaa golahan cusub wasiir ku xigeen ka ah.
Isugeyn golaha wasiirada waa 54 xubnood waxayna u baahan yihiin inay ansixiyaan baarlamaanka ka dibna ay ka howlaglaan dal nabadiisa aysan cago badan ku taagnayn, dhaqaale ahaana liita.
Waxyaabaha la isweydiinayana waxaa ka mid ah tiradan badan iyo xitaa halka ku shirayaan.
Ahmed Sheikh Mohammed (ahmed tiir) waxuu falanqeeyaa arimaha soomaliya.
Baarlamaanka ayaa kalsoonida kala noqday Saacid kaddib markii ay madaxweynaha is khilaafeen
“Tiradan badan ee wasiirada xitaa looma heli karo goob ay ku shiraan, sidoo kale dhaqaale ahaan wadanka ma qaadi karo 54 wasiir”
Wajiyada liiska ku cusub waxaa ka mid ah Cabdiraxman Ducaale Beyle oo Somaliland ka soo jeeda loona dhiibay jagadii ay horey u haysay Fowsiyo Yusuf Xaaji.
Maxamed Sheekh Xasana oo horay sirdoonka Soomaliya madax uga soo noqdayna waxaa loo magacaabay gaashaandhiga waxuuna ka soo jeedaa gobolka Baay.
Amniga qaranka iyo arimaha gudaha waxaa loo kala gooyay labo wasaaradood, Cabdikariim Xuseen oo madaxweynaha rafiiq weyn la ah ayaana loo dhiibay xilka amniga dalka.
Saddexda ilmo Sheekh
Cabdikariim Faarax Guuleed waa markii labaad oo isagoo dalka ka maqan la magacaabo taasoo muujinaysa inuusan marnaba ka maqnaan doonin liiska wasiirrada dalka.
Dumarka ayaa tiro ahaan ku qatan dowladan waxayna heleen labo xubnood, marka loo eego xukuumadii hore waxba uma soo kordhin haweenka.
Golahan cusub ee dowladda ayaa lagu tilmaami karaa magacaabiddooda inay jiitantay, waxaana laga dareemi karaa inuu khilaaf jiray marka la eego mudada dheer ee la sugayay iyo welibo xilligii saqda dhexe ka dambaysay ee lagu dhawaaqay.
Balse aaqirkii xalayto ayay muuqatay in sadaxda mas’uul ee dalka ugu saraysa ee ilmo Sheekh (Xasan Sheekh, Cabdiweli Sheekh iyo Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari) ku wada qanceen 54-ta xubnood ee xukuumadan.
W/Q: Cabdirisaaq Xaaji Catoosh
Jawaabta qormadii: Nin aad taqaan yaa tahay lama yiraah: Doorashadii CABDI Weli Gaas (Aqoon yahan waa kuma?)
Aqoon yahan waa kuma? Muxuu galaa, muxuuse Gudaa? Dadka Aan Aqoonta Lahaynse Muxuu Kaga Duwan Yahay? Jawaabtii Mqaqaalkii Abdulqadir Mohamed Osman”Nin aad Taqaanid yaa Tahay lama yiraahdo” by Myran Osman
Halkan ka Aqriso qormada jawaabta ay ku socoto
Hordhac:
Magaca Allaah baan warkayga ku bilaabayaa, Allaah baa Mahad oo dhan iska leh, Nabigeenii suubanana nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato, intaa ka dib, waxaan akhriyay maqaalka cinwaankiisu kor ku qoran yahay kuna soo baxay inta aan ogahay website ka Caasimada online.
Maxay Tahay Sababta Igu Bixisay Inaan ka Jawabo Maqaalkaan?
Ujeedadaydu ugu horrayn waa nasteexo aan u jeedinayo qoraha kuna baraarujinayo qaladka iiga muuqda maqaalkiisa taasoo aan u soo jeedinayo inuu ka waantoobo, waayo diintu waa nasiixo “الدين نصيحة”, marka xiga waxaan u damqaday dadka soomaaliyeed ee mudada rubuc qarniga ah iska dabawareegayay ee markay rajo yar u iftaba ay soo baxayaan kuwa yiraada “waa been saad moodeen maahan ee joojiya laab la kaca” ugu danbayntiina waxaan ixtiraam aan u hayaa profession ka uuu qoruhu xambaarsan yahay isagoo bare jaamacadeed ah dhalinta cusubna role model u noqon kara hdadduu ixtiraamo aqoonta uu xanbaarsan yahay. Ma jirto run ahaantii wax shaqsi ah oon ku colaadinayo qoraha ama aan ku difaacayo shakhsiga uu maqaalkiisa ku weeray.
Qoraha iyo Maqaalkiisa:
Maqaalka qoruhu sida laga dheehan karo cinwaakiisa guud wuxuu xambaarsan yahay dhaliil iyo xaqiraad uu qoraagu aad ugu fogaaday, wuxuuna cinwaan uga dhigay Maahmaah loo isticmaalo inta badan qofkii aan wax wanaag ah looga baran lagana sugayn. “Nin aad taqaan yaa tahay lama yiraahdo”. Qoraagu wuxuu maqaalkiisa kaga hadlay masuul sare oo ka mid ah masuuliyiinta soomaaliyeed; waa Ra iisala wasaarihii hore ee soomaaliya, ahna Madaxwaynaha cusub ee puntland Mudane AbdiWali Mahamed Ali Gas oo maalmo ka hor ku guulaystay jagada Madaxwaynanimo ee Pl. Maqaalku wuxuu fal celis (racation) u yahay farxaddi iyo hambalyadii dadka soomaaliyeed guud ahaan dibad iyo gudaba, gaar ahaana dadka reer puntland ay ku soo dhaweeyeen isbadalkaas ka dhacay gobolka ayna la qaybsadeen masuuliyiinta wadanka ugu sarraysa sida Madaxwaynaha iyo Ra iisal wasaaraha.
Hadaba inta aanan maqaalka sii guda galin aan ka jabaabo su’aalaha aan horay isku waydiiyay maadaama qoraagu aqoon sheegtay iskuna tilmaamay inuu bare jaamacadeed yahay.
Marka hore, aqoon yahan waa kuma? Muxuu gudaa ama galaa, muxuuse dadka aan aqoonta lahayn kaga duwan yahay?
Aqoonyahan wxuu magacas ku qaatay aqoon uu bartay, aqoontuna aragtidayda waa laba nooc:
1- Xirfad ama skill qofku nolol maalmeedkiisa ku raadsado isagoo isticmaalayaha xoogiisa ama farsamadiisa, aqoontaas waxay noqon karta xirfadaha kuwa ugu sarreeya sida dhakhter (medical doctor) Macallin jaamacadeed (university lecturer),amaba school, computer designer imw, waxay kaloo noqon kartaa xirfadaha kuwa ugu hooseeya sida qashin gure Musqul qode xamaali iwm. Xirfadahaasi kuligood waa kuwa muhiim u ah nolosha bani aadamka, laakiin ma sameeyaan mana qaabeeyaan qofka mabada’iisa iyo akhalaaqdiisa toona, qofkuse wuxuu ka kasban karaa maba’iisa ama believe kiisa iyo akhlaqdiisaba meelo kale, sidaas daraadeed waxaa laga yaabaa inaad aragto doctor sac caabudaya Ilaahna ka dhiganaya isla markaana khanziir ku qadaynaya khamaraha isaga dajinaya. Sidoo kale waxaa laga yaabaa inaad aragto qashin xaaqe abuurihiisa yaqaan aakhirana rumaysan akhlaaq wanaagsana leh isla markaana xishooda.
2- Aqoonta nooca 2aad waa aqoonta ku barata qiimaha shakhsiyadaada taasoo ka bilaabata aqoonta aad u leedahay abuurahaaga, qiimahaaga shakhsiga ah iyo sababta aad dhulkaan u timid iyo waliba meesha aad u socoto iyo wixii masuuliyad ah oo ka dhalanaya aqoontaas. Aqoontasi waxay qaabaysaa booska qofkaasi ku leeyahay mujtamaca uu ka mid ka yahay, waxayna siisa masuuliyad uu og yahay in lagala xisaabtamayo xadiithkii Nabiga scw ayaa ahaa
“كلكم مسئول وكلكم مسئول عن رعيته”
qof kasta oo idin ka mid ah masuuliyad baa saaran waana la waydiinayaa masuuliyadiisa.
Sidaas darteed 2da aqoonood mida qiimaha dheeraadka ah qofka u yeesha waa mida danbe waayo mida hore heerkasta oo uu ka gaaro qofku haddusan ku darsan mida dabme ma dhaafsana calooshiisa iyo wixii la xiriira. Allaah baa Quraankiisa ku yiri:
“قُل هَلْ يَسْتَوِي الَّذيْنَ يَعْلَمُونَ وَالَّذِيْنَ لَا يَعْلَمُونَ إِنَّمَا يَتَذكَّرُ أولُوا الألْبَابَ” الزمر:9
Ma siman yihiin kuwa aqoonta leh iyo kuwa aan aqoonta lahayn? waxaa waana qaata kuwa caqliga u saaxiibka ah
Hadaba qoraha baraha jaamacadeed ah ee maqaalkaan aflagaadada xambaarasan bulshada soo dhex dhigay ma ixtiraamay aqoontiisa iyo sumacadiisa toona? Ma tixgaliyay xuduuda diintiisu u dhigtay ee lama dhaafaanka ah? Ma tix galiyay qiimaha uu bulshadiisa ugu fadhiyo iyo doorka ay uga fadhiyaan? Jawaabtu waa maya! waxaan hubaa in qoruhu ku faraxsan yahay boosishankiisa kuna faanayo, laakiin su’aahu waa ma siiyay qiimaha uu ku fadhiyo. Waxaa laga yaabaa in baruhu uu diinta wax ka bartay muhimaduna taas ma ahan, ee muhimadu waa ma ku dhaqmay wixii uu ka bartay, illayn dhaqan la’aan waxba kaama deeqdee
Qoruhu Muxuu ku haystaa Madaxwayne Abdiwali
Qorahu wxuu aflagaado bareer ah oo waliba shakhsi ah, kuna dhisan mala awaal iyo waa la lahaa u gaystay musuulka uu aflagaadeeyay. Wuxuu ku xeel dheeraaday eedayntiisa isagoo waliba isticmaalaya waxa afka qalaad lagu yiraahdo character assassination, wuxuu ugu yeeray “Abdi Kiniini” wxuu marar kale ugu yeeray “Siyaasiga aan sariigan” wuxuu ku timaamay tuuganimo, wxuu ku eedeeyay cadaalad darro iyo sad bursi wuxuu sameeyay “Xan” wuxuuna Illaaway Aayadii quranka ahayd ee lahayd:
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اجْتَنِبُوا كَثِيرًا مِنَ الظَّنِّ إِنَّ بَعْضَ الظَّنِّ إِثْمٌ وَلَا تَجَسَّسُوا وَلَا يَغْتَبْ بَعْضُكُمْ بَعْضًا أَيُحِبُّ أَحَدُكُمْ أَنْ يَأْكُلَ لَحْمَ أَخِيهِ مَيْتًا فَكَرِهْتُمُوهُ وَاتَّقُوا اللَّهَ إِنَّ اللَّهَ تَوَّابٌ رَحِيمٌ (12)
Kuwii Ilaaah rumeeyayow ka fogaado in badan oo malaha ka mid ah, xaqiiqdii malaha qaarkiis waa danbi, ha is jaajuusina, qaarkiin qaarka kale yuusan xaman, qofkiin ma jecel yahay inuu cuno hilibka walaalkiis oo mayd ah, Ilaah ka baqa…”
sidoo kale wuxuu ilooobay haddaan aqoon la’aani u gayn, xadiithkii Nabiga scw
أتدرون ما الغيبة؟ قالوا : اللهُ ورسوله أعلم ، قال : ذكرك أخاك بما يكره ، قيل : أفرأيت إن كان فى أخى ما أقول ؟ قال : إن كان فيه ما تقول فقد اغتبته ، وإن لم يكن فيه ما تقول فقد بهته رواه مسلم
Ma taqaanaan xantu waxa ay tahay? Nabiga scw ayaa saxaabada waydiiyay. waxay yiraahdeen: Ilaah iyo Rasuulkiisa ayaa naga yaqaan. Wxuu yiri: Xantu waa inaad walaalkaa ku sheegto wax uu dhibsanayo. Waxay yiraahdeen, ka warran hadduu walaalkay yahay waxa aan ku sheegayo? Nabigu scw wuxu yiri: Hadduu yahay waxa aad ku sheegayso waad xamatay, hadduusan ahayna waad ku been abuuratay. Waxaa la is waydiiin karaa, oo hadduu qof mas’uul ahi danbi noocaan ah ka galo qaranka, ma yaan la sheegin baa diintu leedahay? Waxaa jirta qaacido oranaysa “Qofka danbiga lagu tuhmay waa danbi laaawe ilaa la xaqiijiyo danbigiidsa” afka shisheeyuhuna wuxuu yiraahdaa
Any defendant is innocent until he is proved guilty before a legal court, in which he is granted the right to defend himself. Waxaa qaacidada islamiguna ka tiraahdo:
Marka qoruhu danbiyadaan ma maxkamad baa u xaqiijisay?المتهم بريء حتى تثبت إدانته في محاكمة….
Hadaba qoruhu wuxu u dhexeeyaa 2aas danbi oo midba midka kale ka wayn yahay- Allaha uga meel bixiyee- waa xan, ama been abuurasho, waxay u badan tahay inuusan Mudane Abdiwali qoraaga aqoon waxna ka sheegin, laakiin qoruhu waa yaqaan maadaama uu figure muuqda yahay waxaana ugu dhib badan in qof aan la socon in aad hadal haysid aad ku aakhiro iyo adduunba seegto!
Sidoo kale qoruhu wxuu ku eedeeyay inuu madaxwaynahu ka danbeeyay waxa loogu yeero growe one iyo growe two in lagu soo farsameeyo growe, isla markaasna loogu daneeyay pl, sidaasna gorowe mapka adduunka ku gashay! Anigu dastuurkaas mana akhrin dastuurna waxaan u aqaanaa midkii sharciga islaamka waafaqa, waxaanse is waydiiyay miyaysan growe dhul soomaaliyeed ahayn? miyaan danaha soomaliyeed looga hadli karin? Miyaan madaxda soomaaliyeed tagi karin iyagoon eedaysnayn? Maxaa ku jaban hadday gorwe mapka aduunka gasho ayadoo waliba danaha soomaaliyeed ka shaqaynaysa? Sow ma wada xasuusano in dowladii ku meelgaarka ahayd ay mar daganayd jowhar mar kale daganayd Baydhabo duruufo Caasimada ka diray dartood?
?Aqoonyahaku muxuu kaga duwan yahay dadka aan aqoonta lahayn
Hadda ka hor baan waxaan akhriyay maqaal ay soo qortay gabar soomaliyeed kuna soo baxay soomalitalk.com waqti mudo laga jooga hada, waxay qoraagu ku cabirtay maqaalkeeda sida ay u argto dhibaatada soomalida iyo meesha mushkiladeeda ka timid, waxay bulshadii u qaybisay lix qaybood waxayna ahaayeen sidan
1- Qabqable Dagaal 2- Duqay(odayaal) Qabiil, 3- Aqoon yahan Qabiil, 4- Qorayaal Qabiil, 5- Hantiilay Qabiil, 6 Dadwayne Qabaar moog ah(Khabaar moog). Waxay ku cabirtay fikirkeeda hab suugaan ah iyadoo tirinaysa waxyaabaha qolo walba ku sifowday iyo dhibaatada ay gaysatay una sabab noqtay wixii dhacay walina socda, waxay hadalkeeda mar walba ku soo goysaa
Intaas oo wada qaan ah oo buugga noogu qoran
Laguu qaban doono adigoo aan qiil helayn
?Qisaas laguu soo taagin miyaadan qalbiga ku hayn
?……. qabiilkow qiyaame maxaad la tagin
Aqoon yahankii bay ka hadashay oo waxay tiri
Aqoontu waa qiimo waynoo laynoo qadary
Waa qurux kaa muuqatoo aan la qarin karayn
Waa qiimo kuu qarsoonoo lagaa qaadan karin
Waa ilayskii qaabayn lahaa qorshaha barito
Waxaase ka qaday midkaan qasadkeeda garan
Aqoonyahanka qalinka u sida qabqablaha dagaal
U qorsheeya siduu qasadkiis u heli lahaa
Qaska iyo fitnada qayb libaax ka galay
Sidaasna looga qaday tacliintuu qayb u helay
La qaybsada danbiga midkuu ka qaban lahaa
Intaas oo wada qaan oo buugga noogu qoran
Laguu qaban doono adigoon aan qiil helayn
?Qisaas laguu soo taagin miyaadan qalbiga ku ahayn
?Aqoonyanka qabiilkow qiyaame maxaad la tagin
waxaan rajaynayaa in aqoonyahanka soomaliyeed ixtiraaman aqoontooda, Rabbina ka baqaan, ummadana ka daayaan dhibka iyo kala gurka ay ku hayaan
Gabagabo: waxaan ku soo xirayaa maqaalka 2ba arimood
1- Socdaal aan hadda ka hor ku tagay Malaysia iyo wixii aan ku soo arkay
Waxaan hadda ka hor safar ku tagay wadank qoruhu joogo macalinkana ka yahay magaagalada Kuala Lumpur, waxaan tagay jaamacadaha qaar ka mid ah, waxaan ku soo arkay arday badan oo ka kala timid soomaliya qaybaheeda kala duwan. Ardadaasi waxaa haystay challenge aad u wayn oo ka haysta visas ka helidooda iyo cusboonaysiinteeda, feeska wax barashada, ardadaasi aad bay u dadaalayeen waxaase la ii sheegay anigu ma arkine inay jiraan kuwa waxbarashii drop gareeyay wadina waayay, oo maalinkiina hurda habeenkiina internet koffeeyada iyo maqaadaha fadhiista. Waxaan kaloo arkay familis badan oo xaaladooda Ilaahay un ogyhay sharci ku haysan wadanka,dhaqaalo saas ah haysan, caruurtoodu wax barasho micno leh haysan, dantu ku kaliftay inay UN ta iska qoraan, waxaa kaloo jira dad aad u badan oo caafimaad ahaan wadanka loo keeno, dadkaasi intooda badan waxay qabaan cudarada halista ah.waxayna u qaybsamaan kuwa ku dhinta meesha iyo kuwa iyadoo rajadoodii sidii hore ka roon tahay noqda
Duruufta noocaas ah buu baruhu la diris yahay oo dadkiisu ku nool yihiin, oo uu shaqo iyo nolol stable ah ku haystaa, waxaa waajibkiisu ahaa inuu ka fakaro sidii dadkiisu dhibkaan uga bixi lahaayeen oo dhulkoodii waxbarsho, caafimad iyo nabad galyo ugu heli lahaayeen, markii ay rajo meel un ka soo muuqatana uu rajeeyo inay markaan rumowdo, ee ma ahayn inuu dadka soomaaliyeed ku digto ama ku jeesteeyo.ama kala fogayntooda iyo qaybintooda ka shaqeeyo
Midda kale, wiilasha iyo gabdhaha uu macalinka u yahay markii macalinkoodii saan u dhaqmo una fakarayo yay ku dayanayaan oo role model u noqonaya
2 Arinta kale waxay tahay, qoruhu wuxuu tilmaamay in Pl ay saldandii ku soo noqotay oo Majeerteen Madaxwaynanimada isku badalayeen tan iyo markii la dhisay maamulkaas, arintu ma ahan sida qoraagu u dhigay ama u fahmay, maxaa yeelay dadkaasi inta isu yimaadeen bay wax ku heshiiyeen, iyagaana duruufahooda kaaga xog ogaalsan maahmaah caan baxday oo carabi ah baa ahayd “Reer Maka ayagaa cid walba ka yaqan Maka qaybaheeda ama dariiqyadeeda”
Mida kale, jagooyinku madaxwayne kaliya mahan, saasoo ay tahay habkaas qabiilka ku dhisan inay ka baxaan bay aad u hadal hayaan, waxayse guud ahaan dadka halkaas dagani garteen -Ilaah mahadiis-in haddii sidii ugu fiicnayd hadda aan la haysan, inay dantooda guud u tanaasulaan nidaamkoodan ilaashadaan inta sidii la rabay laga gaarayo wayna ku amaanan yihiin
Si kastaba ha ahaatee, waxaa cadaaladu ku jirtay in qoruhu inta uusan milicsan pl iyo dhaliilaheeda inuu bal fiirsho dowladeena villa soomaaliya ka dhisan taariikhdeedana akhriyo laga soo bilaabo labadii Ra iisal wasaare ee isku badalay dowladii Abdullaahi Yusuf iyo 2dii madaxwayne ee ka danbeeyayna is waydiiyo, hadduuse taas isha ka laabtay muxuu pl ka doonay? Bal adba!
Hoos ka Daawo sidii shacabka ay u soo Dhaweeyeen Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr .CabdiweliMaxamed Cali Gaas
-Gaalkacyo -Baran.-Qardho –Boosaaso –Buuhoodle Dhahar
Halkan ka Akhriso Maqaalkii uu qoray Abdulqadir Mohamed Osman “Nin aad Taqaanid yaa Tahay lama yiraahdo”
Ilaahay soomaalia dhibka ay ku jirto ha ka saaro, dadkii ay dhibka uga bixi lahydna ha ka soo dhex saaro
Mayran Osman, [email protected]
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online
GOLAHA WASIIRADA: “Xeradayadu waa wada ulo ul la qaatana ma laha”
Waxaa ka mid ahaa dadkii ku Dhafrey ku Dhawaaqista Golaha Wasiiradda , waana mid ka mid ah Dhacdooyinka Cusub ee ku soo biirey Taariikhda Siyaasadda Soomaaliya waayo Weligeed ma dhicin in waqti Ummada Soomaaliyeed Hurdaan lagu Dhawaaqo Golahii Wasiirada oo muddo Dheer la sugayey.
Nin odey ah oo ka mid ahaa Dadkii Habeenkaa u soo jeedey in uu Dhageysto Magacaabista Golaha Wasiirada ayaa waagu markuu Baryey ayaa wax ka weydiiyey Sida uu u arko Magacaabista Golaha Wasiirada isagoo Careysan waxaa uu yiri “ Aan Dhafree hadii aan Maqli lahaa Wasiiro Tayo leh Dhafarkeyga waxba uma arkeen laakiin waxay dhagaheygu Maqleen wax aysan ku Farxin oo weliba aan ogahay in dad badan oo ila mid ah ay sidaa ugu Farxin waayo Dad hore Siyaasada ugu Fashilmey ayaa loo Magacaabey Golaha Wasiirada oo soo taagnaa ilaa Dowladdii Cali Mahdi waxaa ka sii yaab badan in intooda badan ay yihiin Xildhibaano waxayna Soomaalidu Tiraahdaa “ Qofkii wax haysta ayey wax ugu Daraan marka waxa halkaa kaaga soo baxaya in Dad kale dalka uusan lahayn”.
Nin kale oo Siyaasada u Dhuun Daloola ayaa waxaa uu yiri “ Buur baa Foolatey markaasey waxay Dhashey Cirbad , waxaan sugeyney Dowlad tayo leh waxaa soo baxay wax aanan Fileyn marka waxaa Xaqiiqo ay Dalka uusan weli ka bixin ku meel gaarkii ,waxaa la Magacaabey dad hore ugu Fashilmey Dowladihii ku meel gaarka ahaa , marka waxaan leeyahay “ Xukuumadii Saacideey Xaal qaado” waxaa Dhab in Xukuumadaas ay ahayd Xukuumad tayo Wanaagsanayd oo aan dhihi karo waxay reebtey Taariikh ma Hadho ah”.
Wiil Dhalinyaro ah oo isna si aad ah u sugayey ku dhawaaqista Golaha Wasiirada ayaa isagoo aad uga Murugeysan waxa meesha ka soo baxay ayaa yiri “Wallee Tanina ma noo Harsanyd waxay Soomaalidu tiraahdaa marka ay Googaaleysiga isu marinayaan “ Xeradayadu waa wada Ulo Ul la qaatana ma laha” oo aan ula jeedo in Xubnaha la magacaabey ay yihiin kuwa aan waxba is Dhaamin oo Shacabka hore u arkey marka waxaa leeyahay Ilaah ha na Dhaafiyo.
Bulshadu Dhegta uma wada taageyn oo keliya Magacaabista ee waxay u Dhaga taagayeen in Golaha Wasiirada lagu soo daro Wasiiro Calaamatu Su’aal Saarneyd hase yeeshee markii ay maqleen in ay ku jiraan ayey sii niyad jabeen waxay doonayaan in dhamaatood aan la soo celin marka laga reebo Dhowr Wasiir oo wax qabadkoodu muuqdey marka waa Jug- Jug meeshaada Joog, waxaa rumowdey in Dowladda kasta oo Dalka soo marta ay Xukunkooda Gacanta u galaan kooxo Isbahaystey sdiaa darteed Ummadda Soomaaliyeed ha iska sugaan inta ay helayaan Doorasho Madax-banaan iyo Baarlamaan Daacad ah.
Dad kale ayaa iyana qaba in Golaha Wasiirada cusub ay yihiin kuwa aad u tira badan hadana waxay sheegeen in looga fadhiyo in ay la yimaadaan isbedel la taaban karo haddii kale waxay mari doonaan kuwa ka horeeyey halkii ay mareen ka dib markii qaarkood ay sheegeen ama isku caddeeyeen in ay ku Fashilmeen arrimihii loo Xilsaarey ee ahaa Amniga, Dhaqaalaha iyo Siyaasada hadaba waxaan u joognaa waa waxay ku soo Kordhiyeen arrimaha siyaasada hadii kale iyana Wajihi doonaan in Mooshin laga keeno
Magacaabistaan ayaa Dadka Siyaasada Odorosa waxay leeyihiin wax fudud ma aha in Magacaabis Gole Wasiiro lagu Dhawaaqo waqti Saqda Dhexe ah waxayna sheegeen in Khilaaf uu jiro oo u dhaxeeya Madaxda Sare ee Dowlada oo qaarkood ay wateen Xubno ay la doonayeen in ay ka mid noqdaan Golaha Wasiirada iyadoo Xitaa ay gaartey in la si yiraahdo “Xagee Marsiin doonaa”.
Hadaba waxaa ku soo Gunaanadayaa Dad badan ayaa qaba Faanoole Fari kama Qodna arrrinkuna wuxuu ku Biya Shubanayaa “Gurbaankii la Xadey halkee lagu yeerin doonaa” oo u jeedku yahay halka la marsiin doonaa Golahaan Wasiiro ee Tirada badan, iyadoo la ogyahay Xildhibaano gaaraya 100 ay Kursiga Keydka u fadhiyaan kuwaa ooo hore uga Caroodey Mooshin ay ku diidanaayeen in dib loo soo celiyo Wasiiradii hore ka dib markii laga horgeeyey Mooshin kale hadaba waxaa noo Balan ah Golaha Baarlamaanka oo Xukuumada Cabdiweli Shiikh Axmed laga doonayo in uu Codka Kalsoonidu weydiisto.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail [email protected]
E-Mail [email protected]
Axmed Madoobe oo Wasiiro Cusub ku soo daray maamulkiisa Jubba
M/weynaha maamulka Juba Axmed Max’ed Islaam”Axmed Madoobe” ayaa soo dhameestiray xubnaha ka mid noqonaya golaha Wasiirada Maamulkaas oo ay ka harsanaayeen laba Wasiir oo kaliya.
Axmed Madoobe ayaa horay u magacaabay sideed ka tirsan Xubnihiisa Wasiirada balse wareegto ka soo baxda Xafiiskiisa ayaa waxa uu ku magacaabay laba ka mid ah Wasiiradiiharsanaa.
Labada Wasiir uu magacaabay Axmed Madoobe ayaa waxa ay kala yihiin wasiirka garsoorka iyo arrimaha diinta oo loo magacaabay Maxamed Cabdi Maxamed sidoo kale waxaa lamagacaabay wasiirka Warfaafinta boostada, isgaarsiinta iyo Gaadiid Ibraahim Xassan Cabdi ayaa loo magacaabay.
Xubnahaan Wasiirada Cusub iyo kuwii Horay ayaa isla goobta lagudhaariyay kuwaas oo tiradooda ay gaareysay ilaa iyo 10-xubnood waxaana laga sugayaa in dhawaan la soo magacaabo Wasiir ku xigeenada maamulkaas.
M/weyne ku xigeenka Maamlka Juba C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in 20-bishaan January ay sameyn doonaan xaflada lagu caleema saarayo Wasiiradaan isla markaan aloogu dhawaaqi doono Wasiir ku xigeenada.
Video: Maxaa cabsi geliyay shacabka Muqdisho oo la hadal hayaa…?
Shacabka ku nool magaalo Madaxda Caasimada ah ee Muqdisho ayaa aad uga walaacsan arin halis ku ah Caafimadkooda iyo dhanka Noloshooda.
Arinkani ayaa aad looga hadal hayaa kadib markii ay soo baxday in Muqdisho laga helay arin wax yaabo u dhimi karta Nolosha & Caafimaadka Shacabka ku nool Muqdisho iyo nawaaxigeeda ee nala daawo.
HALKAAN KA DAAWO:
DR. MARYAM QAASIM oo ka hadashay wasiirada cusub ee R/W Cabdi Weli
Muqdisho (Caasimada Online) Mid ka mid ah wasiiradii horre ee xukuumadii Saacid ayaa ka hadlay magacaabista xubnaha cuusb ee wasiiradda Soomaaliya.
Dr Maryam Qaasim Axmed oo horrey u ahayd wasiirka adeegga Bulshada Xukuumaddii horre ayaa ka hadashay sidda ay u aragto wasiirada cusub ee uu soo magacaabay ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Saqdii dhexe ee xaley.
Waxa ay sheegtay in ay soo dhaweyneyso golaha wasiirrada ee uu soo dhisay Ra’isulwasaaraha kuwaasoo kooban 25Wasiir, Shan Wasiirudowle iyo 25 Wasiir Ku xigeen.
War gaaban oo ay soo dhigtay barta ay ku lee dahay Facebook, ayey ku tiri “Waxaan aad u soo dhaweeynaaya wasiirada, wasiiro ku-xigeenada iyo wasiiru- dawlayaasha. Waxaan Rabbi uga baryaaya in uu u fududeeyo hawsha baaxadda leh ee hortaalo. Aamiin.”
Dr. Maryama aya siddoo kale tiri “Carruurta iyo hooyooyinka soomaaliyeed meel weeyn ayeey ag-teeda ka joogaan, mar walbana inta karaan keeyga ah waan u khidmeeyn doonaa, haddii Rabbi idmo.”
Maryan Qaasi ayaa ka mid ahayd wasiiradii howllaha muhiimka ka qabtay xukuumadii Saacid, waxaana dad badan ay isweediyeen sababta keentay in aanay lagu soo dirin xubnaha cuusb.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi
Istanbul: Maxaa looga hadlay maanta shirka DFS iyo Maamulka Somaliland?
Istanbul (Caasimada Online) Wadahallada Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa maanta looga hadlay labo qoddobo oo muhiim ah.
Qoddobada looga hadlay ayaa kala ah:
1-In marka horre la qiimeeyo wax yaabaha ka hirgalay shirarkii horrey ay u yeesheen labadan dhinac iyo wax yaabaha aan ka hirgalin.
2- In la sameeyo Khariirad ama Roud-Map oo labada dhinac ay ku shaqeen doonaan, kaasoo u soo gogol xaaraya in wadahallada ay noqdaan kuwa mirro dhala oo sii socda.
Labaadan qoddob ayaa la sheegay in looga hadli doono labda cisho ee ka dhimman shirka Istanbul oo billowday maalintii shaley.
Sidoo kale, labada dhinac waxa ay iska kala magacaabeen labo guddi kuwaasoo inta badan qaban doona ajandayaasha shirka inta uu socdo.
Si kastaba, marka loo eego mowqifka labada dhinac waa mid kala fog, waxaana sheegis mudan maba ka hadlin qoddobkii muhiimka ahaa ee in Somaliland ay la middoowdo Soomaaliya iyo in ka madax banaanaato.
Xitaa ma ahan qoddobkan mid mardhow soo dhammaan doona oo xal laga gaari karo, balse labada dhinac waxa ay ka mideesan yihiin in ay sii socdaan wadahadallada u dhexeeya.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Istanbul
DF oo u muuqato in wadahadallada ay la leedahay S/Land lagu qiyaami doono
Dowladda Federaalka oo ah midda matasha dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa waxa ay wadahadalo kula leedahay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga Maamulka Somaliland ee ka arimiya Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya,Waxa ayna wadahadaladani u muuqdaan kuwa sii galayo marxalado adag oo u baahan in insha lagu hayo.
Waa wax fiican in ay Dowladda Federaalka la hadasho Maamulka Somaliland oo ka wakiil ah dadka ku dhaqan deegaanadaasi oo wax badan oo dulmi ah ka tirsanayey dowladdihii ugu danbeeyey ee dalka soo mara laakiin waa in ay wadahadaludu waxba u dhimin Midnimada iyo wadajirka Umadda Soomaaliyeed.
Shalay waxa ay wareeysatay Idaacadda VOA-da Laanteeda Af-soomaaliya Labada Nin ee kala hogaaminaya Labada Wafti oo kala ah Ex Wasiirkii Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Guuleed iyo Wasiirka Arimaha Dibadda ee Maamulka Somaliland Maxamed Yuunis Biixi,Labadan nin ayaa aad u kala duwanaa nin waxa uu ahaa Nin warkiisu cad yahay halka ninka kale uu ahaa nin warkiisu fifty fifty yahay.
Madaxa Waftiga Dowladda Federaalka ayaa u ekaa nin aysan la weyneyn Midnimada Wadanka,Mar la weydiiyey waxa ay ka filayaan Shirkan ayaa yiri kama hordhacayno taasoo ku tusayso in aysan meesha u imaan hadaf cad oo ay u socdeen.Mar kale ayaa la weydiiyey Midnimada Soomaaliya sidoo kale hoosta kama uusan xariiqin waana sababta igu kaliftay inaan maqaalkan qoro talona ka dhiibto wadahadalala ka socda Istanbul.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland oo hogaaminayo Waftigooda Isagu warkiisu waa uu cadaa waxa uuna sheegay in ay meesha u yimaadeen sidii looga wadahadli lahaa in la kala go’o,Mar la weydiiyey gooni isu taagga Somaliland waxa uu hoosta ka xariiqay inaan taasi dib looga noqoneynin halka C/kariin Guuleed uusan cadeynin in Midnimada Soomaali ay tahay muqadas lama taabtaan ah.
Dowladda Federaalka oo ka wakiil ah dalkan ayaa u muuqata mid daciif ah oo aan awood badan lahayn,Sidoo kalena ay hogaaminayaan dad aan khibrad badan lahayn, Waxaana tusaale u ah sidii ay u maamushay wadahadaladii ay la lahayd Maamulkii Jubaland ee halka Beel ka koobnaa,kaasoo aan dhihi karo Dowladda Federaalka waa lagu gaaday Heshiiskaas ka dib markii ay aqbashay dhamaan qodobaddii ay wateen Kooxda Axmed Madoobe marka laga reebo Magacii Jubaland oo laga dhigay Jubba.
Waxaa tusaale kale ah Heshiiskii Badda ee lala galay Dowladda Kenya ee oranayey Baddeenu waad nagu qabsan kartaan. waxaasi oo dhan waxa ay ku tusayaan in dadkani macna beeleen oo aysan jirin wax ay ka naxayaan,Nin walbana uu la weyn yahay korsiga uu ku fadhiyo iyo Magaca uu wato ee Madaxweyne ama Wasiir.
Wadahadalada ka socda Istanbul waxa ay wax badan u eg yihiin Wadahadaladii u dhaxayeey dhinacyadii ku midaysnaa Wadankii la oran jiray Sudan oo markii danbe la kala jaray ka dib markii la qiyaameeyey Dowladdii Sudan oo aan wax badan ka baaraandegin,waxaana laga yaabaa in Soomaaliyana sidaasi oo kale loo qiyaameeyo Iyadoo lala kaashanayo dhinacyo cadow ku ah Umadda Soomaaliyeed.
Siyaasiyiinta Somaliland iyo taageerayaashooda waa ay ka ko’an tahay gooni isutaagga ay ku dhawaaqeen, Waana Iyagii lahaa Wiilka Adis ku dhashay ayaa nooga sokeeyo Wiilka Muqdisho,taasoo ku tusayso in aysan nimankani kala jeclayn inay Soomaaliya sii jirto in ay baaba’do,Waana niman aqoon leh kuna xiran dowladdo aan axsaan u hayn Soomaaliya,waana Iyagii lahaa Shan Cashaanu Adis fadhinay.mindhaa waa lala soo dardaarmayey.
Maadaama ay Dowladda Federaalku tahay mid daciif ah sidoo kalena ay hogaanka u hayaan Shaqsiyaad haysta Jinsiyado dalal kale Baarlamaankiina uu iska noqday Call Box oo ciddii lacag ku shubataaba ay ku hadlayso, dalkuna uusan lahayn Axsaab Siyaasadeed oo la xisaabtanta Dowladda. waxa an qabaa inaan nimankan dalkaan lagu halayn Karin kaligood hadaba maxaa xal ah.
Si loo badbaadiyo Midnimada iyo Wadajirka Wadanka Waxa aan soo jeedinayaa Talooyinkan
1-In aysan Dowladda Federaalka iyo Waftigeeda marna ogolaanin wax la yiraahdo afti laga qaado dadka ku dhaqan deegaanadaasi.
2-In aysan Dowladdu ogolaanin in dhinac Sedexaad dhex dhexaadiyo Labada dhinac wuxuu doonaba ha ahaado si aysan noogu dhicin wixii ku dhacay Sudan.
3-In Waftiga la xaajoonayo Maamulka Somaliland uu noqdo mid ka kooban dhamaan Qabaa’ilada Soomaaliyeed gaar ahaan nidaamka 4.5
4-In dadka la xaajoonayo Maamulka Somaliland ay noqdaan dad daacad ah, aqoon leh kuna weyn tahay Midnimada Soomaaliya.
5-In Dowladdu la tashato Waxgaradka Soomaaliyeed iyo Maamulada ka jira Wadanka gaar ahaan kuwa Xaduudda la leh Maamulka Somaliland sida Puntland oo kale.
6-In Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladdiisuba booqdaan Hargeysa haday suurtogal noqoto lana fadhiistaan Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta deegaanadaasi si looga wadahadlo wixii dhacay.
7-In la dhaafo deg degga iyo fudeydka waqtina la siiyo wadahadalada socda ilaa ay Dowladda ka xoogeysaneyso.
8-In C/kariin Guuleed laga badalo hogaaminta Waftiga Dowladda laguna badali shaqsi kale oo ku haboon howshan.
W/Q:Cabdullahi Ibrahim
[email protected]
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online
Aqriso magacyada & beelaha ay kasoo jeedaan 25-ka wasiir ee cusub ee DFS
Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisul Wasaaaha Somalia Cabdi Weli Sheekh Axmed ayaa golaha wasiirada Somalia si rasmi ah ugu dhowaaqay, waxaana ay ka kooban yihiin 25 wasiir iyo 25 ku xigeen iyo 5 wasiiru dowle.
Haddaba waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa beelaha 25-ka wasiir ay kasoo jeedaan
1. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane C/laahi Goodax Bare(Hawiye-Xawaadle)
2. Wasiirka Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed(Hawiye-Habar Gidir)
3. Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow(Hawiye-Murusade)
4. Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Eng Nadiifo Maxamed Cusmaan(Hawiye-Baadi Cadde)
5. Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Maxamed Coloow Baroow(Hawiye-Gaaljecel)
1. Wasiirka Qorsheynta Mudane Saciid C/laahi Maxamed(Daarood-Majerteen)
2. Wasiirka Macdanta Mudane Daa’uud Maxamed Cumar(Daarood-Dhulbahante)
3. Wasiirka Maalliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane(Daarood-Ogaadayn)
4. Wasiirka Waxbarashada Mudane Axmed Maxamed Guraase(Daarood-Layla kase)
5. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheel(Daarood-Warsangali)
1. Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Mudane Saalim Caliyoow Ibroow(Digil/Mirifle-Jiido)
2. Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud(Digil/Mirifle- Jilible)
3. Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Yuusuf Cali Aamiin(Digil/Mirifle- Leesaan)
4. Wasiirka Sportiga iyo Dhalinyarada Mudane Khaalid Cumar Cali(Digil/Mirifle-Bagadi)
5. Wasiirka Beeraha Mudane Cabdi Axmed(Digil/Mirifle…..)
1. Ku XIgeenka Ra’isulwasaaraha ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed(Dir/Habar yoonis)
2. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle(Dir-Gudubiirsi)
3. Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Mudane Jaamac Axmed Maxamed Oday (Dir/Habar Jecel)
4. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Ibraaahin Xaaji Aadan (Dir / Gaadsan)
5. Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Ducaale Aadan Maxamed(Dir …)
1. Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed(Beesha Shanaad/Reer Aw-Xasan)
2. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Nucmaan Sheekh Ismaaciil(Beesha Shanaad……)
3. Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye(Beesh Shanaad/ Ma dhibaan)
4. Wasiirka Caafimaadka Mudane General Axmed Maxamed Maxamuud(Beesha Shanaad/Banaadiri…..)
5. Wasiirka Macdanta Mudane Daa’uud Maxamed Cumar(Beesha Shanaad…….)
Wasiiru dowlayaasha
- Mudane Maxamuud Macalin Yaxye Wasiirudowlaha Arrimaha Gudaha iyo Federaalka
- Mudane C/laahi Maxamed Nuur Wasiirudowlaha Maalliyadda
- Mudane Burci Maxamed Xamza Wasiirudowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga
- Mudane Maxamed Cali Xagaa Wasiirudowlaha Gaashaandhigga
- Mudane Daa’uud C/kariin Cumar Wasiirudowlaha Amniga Qaranka
Wasiir Ku Xigeennada
- C/raxmaan Maxamed Saalax Bankax Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka
- Fahmo Axmed Nuur Wasiir ku xigeenka Maalliyadda
- Cabdalla Xuseen Cali Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga
- Mahad Maxamed Salaad Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga
- Ibraahin Isxaaq Yaroow Wasiir ku xigeenka Amniga Qaranka
- Xaamud Cali Xasan Wasiir ku xigeenka Waxbarashada
- Jamaal Xasan Ismaaciil Wasiir ku xigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda
- C/laahi Sheekh Cali Qaloocoow Wasiir ku xigeenka Qorsheynta
- C/laahi Bile Nuur Wasiir ku xigeenka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka
- Yuusuf Xeyle Jimcaale Wasiir ku xigeenka Diinta iyo Awqaafta
- C/laahi Colaad Rooble Wasiir Ku XIgeenka Warfaafinta
- Xirsi Aadan Rooble Wasiir ku xigeenka Gaadiidka iyo Duulista Hawada
- Cabdalla Xaaji Cali Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
- Axmed Cali Salaad Taako Wasiir ku xigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta
- Cismaan Libaax Ibraahin Wasiir ku xigeenka Beeraha
- Maxamed Axmed Tarsan Wasiir ku xigeenka Sportiga iyo Dhalinyarada
- C/kaafi Macalin Xasan Wasiir ku xigeenka Tamarta iyo Biyaha
- C/raxmaan Cabdi Cusmaan Wasiir ku xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha
- Maxamed Ismaaciil Shuuriye Wasiir ku xigeenka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska
- Muno Ibraahin Abiikar Wasiir ku xigeenka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha
- C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen Wasiir ku xigeenka Kalluumeeysiga iyo Kheyraadka Badda
- Maxamed Cali Geedi Wasiir ku xigeenka Macdanta
- Axmed Aadan Axmed Wasiir ku xigeenka Caafimaadka
- Maxamed Axmed Kulan Wasiir ku xigeenka Hidaha iyo Tacliinta Sare
Wasiirkii labaad oo ka tirsanaa golaha wasiirada cusub oo xilka is-casilay
Muqdisho (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayaa sheegaya in maanta oo Jimco ay is-casileen labo xubnood oo ka mid ah wasiiradda cusub ee Soomaaliya, kuwaasoo xaley saqdii dhexe uu magacaabay ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa diiday xilka wasiir ku-xigeenka ciyaaraha iyo dhalinyarada, wuxuuna tilmaamay in aan lagala tashan sidda uu hadalka u yiri.
Waxaa kaloo is casilay Cabdikaafi Xasan Macallin oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka biyaha iyo tamarta, wuxuuna shir jaraa’id oo uu qabtay uu sheegay in uusan diyaar u ahayd xilkaas, isla markaana uu doonayay in loo magacaabo wasiir. “Anniga iyo beesha aan ka soo jeedno waan diidnay xilkaas mana qaadaneyno” ayuu yiri.
Ma cadda ilaa hadda wax yaabaha sababay in ay is-casilaan labadan wasiir ku xigeen, waxaana magaalada tan iyo markii xaley lagu dhawaaqay liiska golaha wasiirada cusub ka billowday kulamo gaar gaar ah oo looga hadlaayo arrintaas.

Waxaa kaloo warar lagu kalsoon yahay ay lee yihiin qaar ka mid ah wasiirada la magacabaay ayaa is casili doonaa saacadaha soo socda, taasoo billow u ah fashil lala damacsan yahay xukuumada cusub ee ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.
Waxaa kaloo aan la ogeyn sidda loo ansixin doono wasiiradda iyo wasiiro ku xigeenka marka la horgeeyo baarlamaanka.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta Airport, Nairobi oo uu qarax ka dhacay
Nairobi (Caasimada Online) War ay qortay Jimcaha maanta ah Wakaalada wararka AP, ayaa lagu sheegay in qarax uu ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta Airport ee magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.
Siddoo kale, wargeysyada ka soo baxa dalka Kenya, ayaa iyana qoray in qaraxa uu ka dhacay goob ku dhex taalla gudaha garoonka diyaaradaha, mana la sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay.
Saraakiisha booliska waxaa kalo ay lee yihiin waxaa meel ku dhow garoonka lagu arkay baabuur ay ku taallo rasaas badan oo uu ku jirro nin meyd ah, kaasoo loo maleenaayo in ay toogteen ciidamada ammaanka oo saldhig ku leh waddo soo gasha garoonka diyaaradaha.
Ma jirto faah-faahin dheeraad ah oo laga helaayo qaraxa xaley ka dhacay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.
Siddoo kale, ma jirto wax khalkhal ah oo qaraxaas uu geestay garoonka diyaaradaha Nairobi, waxaana si caaddi ah u shaqeenaya howllaha garoonka.
Ammaanka Kenya ayaa aad loo adkeeyay gaar ahaan goobaha muhiimka wixii ka dambeeyay markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen xarunta ganacsiga ee Wategate ee Nairobi.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi
DHAGEYSO: Tarsan oo iska diiday xilkii looga magacaabay DF Soomaaliya
Kadib shir jaraa’id uu maanta Xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qabtay Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Max’ud Axmed Nuur Tarsan ayaa diiday in uu qabto xil loo magacaabay.
Gudoomiye Tarsan ayaa sheegay in aysan jirin wax wadatashi ah oo lagala sameeyay xilkaan waxa uuna cadeeyay in si qaldan xilkaan loogu magacaabay sidaas darteed uusan diyaar u eheyn.
Gudoomiye Tarsan oo isaga loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Ciyaaraha iyo dhalinyarada ayaa sheegay in uu san qaban doonin xilkaas isla markaana uu hada iska casilay.
Dhanka kale Tarsan ayaa sheegay in ay la yaab tahay isaga oo aan ogeyn in Wasiir laga dhigo sidaas darteed loo baahan yahay in wada tashi lala sameeyo qofka loo magacaabayo xil.
Ugu danbeyntii DF Somalia sababaha ay tarsan xilkaan ugu magacaawday ayaa waxa ay tahay iyada oo dooneysa in gabi ahaan ay ka qaado xilka Gudoomiyaha gobalka Banaadir oo ay dad badan ku heystaan.
Tarsan ayaa sheegay in xitaa hadii Wasiir laga dhigi lahaa uusan qaban laheyn xilkaas sidaas darteed uu xilkaas dib ugu celiyay R/wasaara C/wali Sheekh Axmed si uu qof kale ugu magacaabo.
Halkan ka dhageyso Tarsan
Afar ka mid ah Wasiiradii RW Saacid oo meel cad looga tagay (Faah-faahin)
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Xalay saqdii dhexe uu R/wasaare C/wali Sheekh Axmed ku dhawaaqay liiska Wasiirada ka mid noqonaya Xukuumadiisa ayaa waxaa xalay halkaas guul daro kala soo laabatay afar ka mid ah Wasiiro doonayay in mar kale Wasiir laga dhigo kuwaas oo ka tirsanaa Xukuumadii Saacid.
Inta badan hadal heynta ayaa waxa ay u badneyd in lix ka mid ah Wasiiradii Xukuumadii Saacid ay soo laaban doonaan balse taasi ayaa xalay beenoowday ka dib markii ay soo laabteen oo kaliya laba Wasiir.
Xubnaha Xalay Saqdii dhexe gaaray oo aan soo laaban waxaa ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga C/xakiim Xaji Max’ud Fiqi ,Wasiirkii Warfaafinta C/lahi Ciilmooge Xirsi,Wasiirkii Arimaha Dibada Fowsiyo Yusuf Xaji Aden iyo Wasiirkii Adeega Bulshada Maryan Qaasim.
Si kastaba C/kariim Xusen Guleed iyo Farax C/qadir oo ah laba saaxiibo oo ku dhaw dhaw M/weyne Xasan Sheekh ayaa mar kale dib ugu soo laabtay Wasirada waxa ayna kala helleen Wasiirka Amniga Qaran iyo Wasiirka Garsoorka iyo Arimaha Destuurka.
Fowsiyo Yusuf Xaji Aden iyo Maryan Qaasim ayaa labadaba waxa ay ahaayeen laba Wasiir oo wax weyn qabtay balse aan xilalkooda lagu soo celin maadaa ay howlo badan qabyo u ahaayeen.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Video: Ganacsiga Muqdisho sidaan ma ku ogeyd (Muuqaaladii u dambeeyey)
Ganacsiga Magaalada Caasimadda a ee Muqdisho ka soconaya ayaaa yeshay waji nuuc kale ah kadib Horumar dhan walba ah oo ka soconaya Magaalada Muqdisho.
Muqdisho hada waxaa ka jira Ganacsi leh wajiyo badan oo kaa yaabin doono sida uu socda iyo sida uu ahaan jiray Ganacsiga Muqdisho ee nala daawo.
HALKAAN KA DAAWO:
Axmed Midoobe iyo ku xigeenkiisa oo isku dhacay iyo hub isu urursi socda
Kismaayo (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu soo ifbaxay Khilaafka u dhaxeeya Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa 2-aad C/qaadir Xaaji Maxamed ‘Luga-dheere’, ayaa waxaa faraha ka baxay ammaanka Kismaayo.
Khilaafka labada Mas’uul ayaa keenay in Ciidamo la isku aruursado, kuwaasi oo lagu soo daadiyay Wadooyinka iyo Xaafadaha ku yaalla Magaalada Kismaayo, Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Afhayeenka Maamulka Jubba, C/naasir Seeraar ayaa sheegay in 24-kii Saac ee ugu danbeeyay ay Kismaayo soo gaareen Boqolaal ka tirsan Maleeshiyada Raas Kambooni, kuwaasi oo laga keenay Degmada Dhoobley.
Maleeshiyaadkan ayaa waxa uu Axmed Madoobe doonayaa in uu isaga difaaco Weerar kasta oo uga yimaado dhinaca ku xogeenkiisa 2-aad Cabduqaadir Xaaji Maxamed ‘Luga-dheere, oo ay ku muransan yihiin Qeybsiga Awoodda Kismaayo iyo Golaha Wasiiradda.
Luga Dheere, ayaa ku eedeeyay Axmed Madoobe in uu Qiyaanay oo uu uga baxay Ballan ahaa in Beeshiisa ay kasoo dhex muuqan doonaan Golaha wasiiradda Maamulka Jubba, balse uusan taas sameyn.
Dadka deegaanka ayaa walaac xooggan ka muujiyay Xiisadaha taagan iyo Amaanka faraha kasii baxaya ee ka jira Kismaayo.
Si kastaba, 20-ka Bishan ayaa lagu wado in la caleemo saaro Axmed Madoobe, sidoo kalena la dhaariyo Golaha Wasiiradda Maamulka uu Khilaafka ka taaganyahay ee Jubba.
Isha: KON
Yuusuf Garaad “Markii labaad ayaan ku hungoobay inaan noqdo wasiir”
Muqdisho (Caasimada Online) – Tifaftirihii hore ee laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar, ayaa shaaca ka qaaday inuu isku dayey oo uu ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed iyo madaxweyne Xasan Sheekh ka codsaday ka mid noqoshada golaha wasiira cusub ee Somalia.
Qoraal uu arrintan kaga warramay ayuu Yuusuf Garaad soo dhigay bartiisa facebook, waxaana uu qornaa sidan:-
Hambalyo Golaha Wasiirrada ee uu horseedka u yahay Ra’iisal Wasaare mudane Cabdiweli Shiikh. Waxaan Ilaaheey uga baryayaa Golahan in uu ku guuleyo in uu dadka Soomaaliyeed ka qaado halka ay yaallaan. Waxaan ugu duceynayaa in Ilaaheey waafajiyo in Goluhu uu soo celiyo sharafta iyo karaamada muwaaddinka Soomaaliyeed. Waxaan rajeynayaa in uu sugo amniga dalka oo dib u dhac weyni ku yimid, fursado u abuuro da’yarta, dhaqaalaha dalkana soo nooleeyo. Siyaasiyiinta heerarka kala duwan iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay gacan ku siiyaan xukuumaddu in ay waajibeedkeeda gudato.
Maaddaama ay saaxiibbo badan igula taliyeen in aan Xukuumadda ka mid noqdo, waxaan la socodsiinayaa in aan jeclaa in aan ka mid noqdo. Ra’iisal Wasaare Mudane Cabdiweli Shiikh waan ka codsaday in aan Golahiisa xubin ka noqdo. Sidoo kale, Madaxweynaha, Mudane Xasan Shiikh isagana waan ka codsaday. Sabab kastaa ha keentee waxay doorbideen in aan la iga qeyb gelin Golahan. Waa markii labaad tan iyo 2012 ee aan isku dayo in aan ka qeyb galo ama talo ku yeesho siyaasadda dalka.
Waan ku xushmeynayaa go’aankooda. Waxaan hubaa in aan xukuumaddu u dhutin doonin ka maqnaashaheyga. Dad iga aqoon, khibrad iyo xog ogaalnimo badan, iga dhihi og iyo dad iga miisaan culus kuma yara Golaha lagu dhawaaqay. Dabcan wakhtiga ayaa na tusi doona waayo aragnimadooda, kartidooda, wadashaqeyntooda iyo daacadnimadoodu inta ay la eg tahay marka ay howlgalaan. Waxaan ku qiimeyn doonnaa waxa ay ka qabtaan ammaanka, aadminnimada, xaq dhowrka xuquuqda aadanaha, la dagaallanka musuqmaasuqa baahay iyo dhismaha hey’adaha dowladda.
Sannadkan cusub ee 2014 waxaan Golaha Wasiirrada cusub iyo Soomaaliyada cusub u rajeynayaa Guul cusub oo aan hore noo soo marin. Waxaan rajeynayaa in Madaxda Qaranku ay bartaan in xogta xafidaaddeedu ay tahay waajib Qaran. Waxaa kale oo aan rajeynaa in Madaxweynaha iyo Wasiirrada ka mudan Wasiirrada kale (Super Ministers) ay khibrad soo qaateen, oo hadda ay ka dhowrsan doonaan dhaqanka aan waafaqsanayn dowlad wanaagga ee sababay in ay fashilanto Dowladdii ay hore uga tirsanaayeen, tanna ku sigay in ay dhicisto. Waxaan u rajeynayaa in Golahan iyo hoggaamiyihiisu ay noqdaan kuwo dalka u shaqeeya, iyagu is xaq dhowra, kala dambeeya, Madaxweynaha xaq dhowra ugana dambeeya waajibaadkiisa dastuuriga ah, runtana kula shaqeeya.
Waxaan u rajeynayaa in ay isku duubnaadaan, oo dalka ay gaarsiiyaan doorasho muwaaddin kastaa uu codkiisa dhiibto sannadka 2016. Ka muwaaddin ahaan waxaan Madaxda dalka ka dalbayaa in ay na tusaan in aanay khasab ahayn in dherigii fara badiyaa uu fuud xaraarnaado. Soomaaliya ha noolaato.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho















