29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

Yuusuf Garaad “Markii labaad ayaan ku hungoobay inaan noqdo wasiir”

Muqdisho (Caasimada Online) – Tifaftirihii hore ee laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar, ayaa shaaca ka qaaday inuu isku dayey oo uu ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed iyo madaxweyne Xasan Sheekh ka codsaday ka mid noqoshada golaha wasiira cusub ee Somalia.

Qoraal uu arrintan kaga warramay ayuu Yuusuf Garaad soo dhigay bartiisa facebook, waxaana uu qornaa sidan:-

Hambalyo Golaha Wasiirrada ee uu horseedka u yahay Ra’iisal Wasaare mudane Cabdiweli Shiikh. Waxaan Ilaaheey uga baryayaa Golahan in uu ku guuleyo in uu dadka Soomaaliyeed ka qaado halka ay yaallaan. Waxaan ugu duceynayaa in Ilaaheey waafajiyo in Goluhu uu soo celiyo sharafta iyo karaamada muwaaddinka Soomaaliyeed. Waxaan rajeynayaa in uu sugo amniga dalka oo dib u dhac weyni ku yimid, fursado u abuuro da’yarta, dhaqaalaha dalkana soo nooleeyo. Siyaasiyiinta heerarka kala duwan iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay gacan ku siiyaan xukuumaddu in ay waajibeedkeeda gudato.

Maaddaama ay saaxiibbo badan igula taliyeen in aan Xukuumadda ka mid noqdo, waxaan la socodsiinayaa in aan jeclaa in aan ka mid noqdo. Ra’iisal Wasaare Mudane Cabdiweli Shiikh waan ka codsaday in aan Golahiisa xubin ka noqdo. Sidoo kale, Madaxweynaha, Mudane Xasan Shiikh isagana waan ka codsaday. Sabab kastaa ha keentee waxay doorbideen in aan la iga qeyb gelin Golahan. Waa markii labaad tan iyo 2012 ee aan isku dayo in aan ka qeyb galo ama talo ku yeesho siyaasadda dalka.

Waan ku xushmeynayaa go’aankooda. Waxaan hubaa in aan xukuumaddu u dhutin doonin ka maqnaashaheyga. Dad iga aqoon, khibrad iyo xog ogaalnimo badan, iga dhihi og iyo dad iga miisaan culus kuma yara Golaha lagu dhawaaqay. Dabcan wakhtiga ayaa na tusi doona waayo aragnimadooda, kartidooda, wadashaqeyntooda iyo daacadnimadoodu inta ay la eg tahay marka ay howlgalaan. Waxaan ku qiimeyn doonnaa waxa ay ka qabtaan ammaanka, aadminnimada, xaq dhowrka xuquuqda aadanaha, la dagaallanka musuqmaasuqa baahay iyo dhismaha hey’adaha dowladda.

Sannadkan cusub ee 2014 waxaan Golaha Wasiirrada cusub iyo Soomaaliyada cusub u rajeynayaa Guul cusub oo aan hore noo soo marin. Waxaan rajeynayaa in Madaxda Qaranku ay bartaan in xogta xafidaaddeedu ay tahay waajib Qaran. Waxaa kale oo aan rajeynaa in Madaxweynaha iyo Wasiirrada ka mudan Wasiirrada kale (Super Ministers) ay khibrad soo qaateen, oo hadda ay ka dhowrsan doonaan dhaqanka aan waafaqsanayn dowlad wanaagga ee sababay in ay fashilanto Dowladdii ay hore uga tirsanaayeen, tanna ku sigay in ay dhicisto. Waxaan u rajeynayaa in Golahan iyo hoggaamiyihiisu ay noqdaan kuwo dalka u shaqeeya, iyagu is xaq dhowra, kala dambeeya, Madaxweynaha xaq dhowra ugana dambeeya waajibaadkiisa dastuuriga ah, runtana kula shaqeeya.

Waxaan u rajeynayaa in ay isku duubnaadaan, oo dalka ay gaarsiiyaan doorasho muwaaddin kastaa uu codkiisa dhiibto sannadka 2016. Ka muwaaddin ahaan waxaan Madaxda dalka ka dalbayaa in ay na tusaan in aanay khasab ahayn in dherigii fara badiyaa uu fuud xaraarnaado. Soomaaliya ha noolaato.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Tarsan oo ku gacan seeray xilkii looga magacaabay golaha wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxmauud Axmed Nuur Tarsan, ayaa iska diiday xilkii looga magacaabayo golaha wasiiada cusub ee Somalia.

Ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa Tarsan u magacaabay wasiir ku xigeenka cayaaraha iyo dhallinyarada.

Si kastaba Tarsan, oo la hadlay TV-ga Universal, ayaa sheegay inuusan xilkaas qabaneyn, islamarkaana aysan jirin cid kala tashatay oo la iska magacaabay isaga oo aan lala hadal.

“Ma doonayo xilkaas, mana qabanayo, ciddii i magacowday ayadaa taqaan qofkii howshaas u qabanaysa” ayuu yiri Tarsan.

Tarsan, waxa uu sheegay in maanta uu Muqdisho ku qaban doono shir xaaasi ah, oo uu arrintan kusii faah faahin doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Tarsan oo ka mid ah golaha wasiirada (Yaa loo wadaa gobolka BANAADIR?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa ka mid noqday golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Cabdi Weli Sheekh Axmed.

Tarsan, ayaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka cayaaraha ee xukuumadda ra’iisul wasaare Cabdi Weli.

Warar xog ogaal oo horudhac ah oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in Tarsan uu dhowaan wareejin doono xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho.

Tani waxa ay ka dambeysay cadaadis beesha Abgaal ay saartay madaxweynaha, ayada oo dooneysa xilkaas.

Tarsan, kama foga Abgaal, waa Mudulood, gaar ahaan Ujeejeen Cusmaan oo Abgaal la dhashay, hase yeeshee waxaa jira sababo kale oo xil ka qaadistiisa soo socota saaciday, sida isaga oo marar badan dowladda iyo madaxdeeda weeraray.

Waxaa hadda xilkan ku loolamaya beelaha Wacbuudhan oo ah beesha deegaan ahaan ku badan Muqdisho iyo Harti-Abgaal.

Maadaama Harti-Abgaal ay maamulaan gobolka Shabeelaha Dhexe oo guddoomiyihiisa uu kasoo jeeda, waxaa xogta ay leedahay in xilka gobolka Banaadir la siin doono Wacbuudhan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xasan Sh oo shaaciyey go’aankiisa ku aadan golaha wasiirada R/W C/Weli Sh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa manta aqbalay soo jeedintii Ra’iisul Wasaaraha ee Golaha Wasiirada cusub oo ka kooban shaqsiyaad khibrad iyo waayo aragnimo leh.

War-saxaafadeed xafiiska madaxweynaha uu soo gaarsiiyey Caasimada Online, ayaa u qornaa sidan:-

“Waxaan aqbalay Ra’iisul Wasaaraha soo jeedintiisii ee Golaha Wasiirada cusub ee uu soo xulay oo matala dhammaan gobolada dalka. Golahan Wasiiradu waxey heystaan kalsoonideyda. Golahan Wsiirada waxaa sugaya howl aad u culus oo looga baahanyahay inay dhameystiraan dib-u-habeynta iyo dib u dhiska uu dalku u baahanyahay” ayuu yiri

Waxa uu sii raaciyey “Ra’iisul Wassare Abdiweli Sheikh Ahmed Mohamed waxuu heystaa taageeradeyda buuxda, waxaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u xaqiijinayaa inaan ognahay howlaha culus ee na horyaalla. Waxaana idiin caddeyneynaa sida ay nooga go’antahay isbedel dhab ah oo muuqda, isla markaana la dareemi karo, shacabkuna ay aamini karaan.”

“Waxaan rumeysannahay in Xukuumaddan cusub ay horyaalaan caqabado fara badan. Waxaana u baahanahay in xasilinta iyo amniga la sii dar-dargeliyo, la horumariyo adeegyada bulshada, dar-dar gelin lagu sameeyo maamulka iyo maareynta maaliyada, iyo sidii dib u dhiska dalka looga shaqeyn lahaa”.

“Waxaan ka codsanayaa Baarlamaanka inay waajibaadkooda dastuuriga ah ka gutaan oo ay ansixiyaan, si Xukuumaddu ay u dar-dar geliso qorshaha siyaasadda, amniga, dib u habeynta maaliyadda iyo adeegyada bulshada, oo muhiim u ah xasilinta iyo horumarka Soomaaliya”

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maxaa ku so kordhay shirka Somalia iyo maamulka S/L uga socda Istanbul?

Istanbuul (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Magaalada Stanbul ee dalka Turkiga ayaa waxa ay sheegayaan in maanta uu halkaas maalintii labaad ka bilaawday shirka wadatashiga DF Somalia iyo maamulka Somaliland.

Wadahadaladaan u socda Somalia iyo Somaliland ayaa waxa ay shalay labada dhinac isla afgarteen in ay soo qortaan ajandihii ay kaga hadli lahaayeen wadahadaldooda .

Wufuuda ka kala socota labada dhinac ayaa mid kasta waxa uu doonayaa in ay ka dhaadhiciyaan dhinaca kale habka ay u doonayaan in ay ku heshiiyaan DF Somalia iyo maamulka Somaliland .

Wufuuda ka socota DF Somalia ayaa iyaga isku dayaya in maamulka Somaliland ay ku qanciyaan in ay ka tanaasulaan in Somalia ay ka go’aan sidaas darteed ay halmeel ay ka wada tashtaan.

Dhanka kale Maamulka Somaliland ayaa waxa ay wadahadalkaan ka rajeenayaan in ay noqdaan maamul ka gooni ah DF Somalia isla markaana ay noqdan Dowlada gaar ah oo ka jirta Geeska Afrika.

Si kastaba Wadahadalada labada dhinac ayaa waxaa garwadeyn ka ah dowlada dalka Turkiga taas oo laba dhnac ka codsaneysa in ay gaaraan heshiis ay dadka Somaliyeed ku qancaan.

Wixii ku soo kordha Shirkaas waxaad ku aqrisan doontaan warkeena soo socda haduu alle idmo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Video: Ma rumeysaneysaa in heerkan uu garay ammaanKa MUQDISHO?

0

Amaanka Muqdisho in uu so laaabtay arin cadeyn u ah ayaan idiin wada maanta waa mid ka mid ah Meelaha ugu badan oo Shacabka ay isugu yimaadaan iyo waxa ka socda oo caqligaada diidayo amaanka siduu maanta yahay.

Boqolaal Shacab ah oo ku nool 16 degmo ee Muqdisho ka kooban tahay ayaa maalin walba isugu yimaado Goob caan ka ah Muqdisho waagii bariisamaadkiina la isugu imaan jiray oo dib u soo noqotay ee nala daawo muuqaalkaan.

HALKAAN KA DAAWO: 

 

Magacabista wasiirada oo u xayirneyd Shariif Xasan oo liiska lagu soo daray

Muqdisho (Caasimada Onlien) – Caasimada Online, ayaa ogaatay in caqabadda haysatay magacaabista golaha wasiirada ay tahay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo liiska golaha wasiirada lagu soo daray.

Xubno ku sugan Villa Somalia, oo goor dhow telefoon kula hadlay tifaftiraha Caasimada Online, ayaa xaqiijiyey in madaxweyne Xasan Sheekh uu ra’iisul wasaare Cabdi Weli ku qasbay inuu wasiirada kusoo daro Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Madaxweynaha ayaa sida ay Caasimada Online horey shaaca uga qaaday waxa uu dhowaan saaxiib la ahaa Shariif Xasan oo ka caawiyey riditaankii ra’iisul wasaare Saacid iyo carqaladeynta shirka Baydhaba, oo madaxtooyada ay kasoo hrjeedo.

Waxa uu madaxweynaha Shariif Xasan ka ballan qaaday wasiirka ganacsiga, sidaan horey u sheegnay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa la sheegay in xalay uu aqbalay magacaabista Shariif Xasan, balse uu saacadihii ugu dambeeyey kasoo horjeestay kuna gacan seeray dalabkii madaxweynaha.

Cabdi Weli ayaa isaga oo carreysan kasoo baxay xafiiska madaxweynaha khamiistii, kadibna aaday xafiiska Jawaari, una sheegay wixii uu kala soo kulmay madaxweynaha.

Jawaari, ayaa isna si aad ah uga soo horjeestay Shariif Xasan, una sheegay Cabdi Weli inuu garab taagan yahay, waxaana kadib ay labadooda u tageen Xasan Sheekh, una sheegeen in haddii uusan ka tanaasulin arrintan, ay diyaar u yihiin dagaal siyaasadeed.

Jawaari, ayaa u arka haddii Shariif Xasan mar kale uu dowladda kusoo laabto, oo uu saameyn yeesho inuu halis ku noqon karo kursigiisa, waana taas sababta uu ula saftay ra’iisul wasaaraha.

Caqabadda jirta ee kale, ayaa waxa ay tahay in beesha Habar-Gidir, oo laba wasiir laga ballan qaaday, uu xilli dambe ku gacan seeray Xasan Sheekh, taas oo keentay in ra’iisul wasaaraha ay is qabtaan.

Ma cadda, haddii laga heshiisyey arrinta Shariif Xasan, balse waxaa iminka billaabatay munaasabadda magacaabista, waana arki doonnaa hadduu liiska ku jiro iyo in kale.

Caasimada Online, ayaa xog badan raadineysaa fadlan hanaga dheeraan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdiho

[email protected]

QM oo soo dhaweysay Magacaabista Wasiirada DF Somalia

Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia Nicholas Kay ayaa ka hadlay sida QM ay u arkeen Wasiiradii uu xalay ku dhawaaqay RW C/wali Sheekh Axmed .

Nicholas Kay ayaa sheegay in QM ay soo dhaweyneyso xubnaha Wasiiradaan Cusub waxa uuna Tilaamamay in loo bahaan yahay in Baarlamaanka Somalia ay ansixiyaan .

Kay ayaa sheegay in Wasiiradaan ay noqon doonaan kuwa wada shaqeyn buuxda laleh QM isla markaana ay ka kaalmeyn doonaan dhinac kasta oo ku aadan danka howlahooda.

Sidoo kale Kay ayaa sheegay in xukuumadaan cusub looga fadhiyo sidii ay u dardar galin laheyd howlaha looga fadhiyo waxa uuna ku baaqay in ay dardar galiyaan sidii doorasho xur ah ay Somalia ugu dhici laheyd.

Ugu danbeyntii Kay ayaa wasiiradaan ugu baaqay in ay u adkeystaan xaalad kasta oo la soo daristo maadaama ay ka shaqeynayaan wadan ay dhibaato adag oo dhanka amaanka ay ka jirto.

Tahniyad Aroos oo farxad leh

0

Waxaan halkan Hambalyo iyo Boggaadin uga direynaa Lammaanaha  Boqor Cabaas Axmed Wiif iyo  Boqorad Saciido Maxamed Maxamuud oo aqalgalkoodu ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaan leenahay guri barwaaqo iyo galadba alle haydinku guuleeyo, wiil iyo caano  gabar iyo caano, Gacal iyo sokeeyaba guurkiina lagu farax, waxaa halkan uga diraya Hambalyada iyo tahniyadaba eheliyadooda iyo asxaabtooda oo kala joogta dunida dacaladeeda

Arooska wiifHooyo Saciido Joorje

Liin Axmed Wiif

Amaal Axmed Wiif

Deeqo Axmed Wiif

Maxamed Axmed Wiif iyo Xaaskiisa Hani Maxamed Cabdi

Idiris Axmed Wiif

Deeqoow Abuukar wiif

Faxdi Abuukar wiif

Cumar Abuukar Wiif

Caasho Abuukar Wiif

Ismaaciil Abuukar  wiif

Xasan Galad Abuukar Wiif

Iyo Dhammaan reer wiif  oodhan meel ay kala joogaan.

Cadde Maxamed Cabdi

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Farxiyo Maxamed Cabdi

Guuluhu badhaadhiyo

Guryo samo negaadiyo

Farxad aan gayoobayn

Nimco gaar idiin yeel

Ubadkana gardaadiya

Wiilal iyo gabdhaba abid.

Guri gacal ku soo hiro

Noqda lagama guuraan.

Aaamiin Aaamiin Aaamiin

R/W oo xafiiska uga soo baxay Xasan iyo khilaaf ka taagan wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad adag ayaa ka taagan magacaabista Golaha Wasiirada, waxaana dib u dhac uu ku yimid ku dhawaaqista liiska xubnaha golaha wasiirada oo la filayay in galabta lagu dhawaaqo.

Sida ay ku waramayaan ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha kulan albaabada u xirnaa oo saacado badan qaatay uu ku dhamaaday fashil laguna kala booday.

Sida ay sheegayaan wararka waxaa la isku haayaa xubno ka mid ah Golaha Wasiirada oo xili danbe lagu soo daray liiska, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in Ra’iisul Wasaaraha uu diidan yahay xubno uu Madaxweynaha wato.

Saxaafadda oo galabta looga yeeray xarunta Madaxtooyada ayaa soo sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu kasoo baxay kulankii uu Madaxweynaha la lahaa, isagoo usoo dhaqaaqay xarunta Villa Hargeysa oo uu kullan albaabada u xeran yahay kula leeyahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale.

Xildhibaano, siyaasiyiin iyo wariyeyaal ayaa ku sugan xarunta Madaxtooyada, kuwaasoo sugaya magacaabista, waxaana xaalka magacaabista Golaha Wasiirada u muuqdaa mid mugdi ku jira, oo ay wali la isku mari la’yahay.

Wariyeyaasha ku sugan xarunta Madaxtooyada ayaa soo sheegaya in xaalada ay tahay mid cakiran, dadka lagu casuumay iyo wariyeyaashana ay ku daaleen hoolka ay ku sugan yihiin.

Lama oga xaalada sida ay isu badali doonto, wax kastana waa la filan karaa, waxaana aad loo hadal hayaa ismari waaga ka taagan magacaabista golaha wasiirada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Wiil Soomaali ah oo u tartamaya billada Oscar ee la siiyo aktarka ugu fiican

Minneapolis (Caasimada Online) Magaalada Los Angeles ee dalka ee Maraykanka waxaa hadda ku sugan Barkhad Cabdinaasir Cabdi oo ah wiil Soomaali ah, una tartamaya abaalmarinta aktarka ugu wanaagsan filimada ee sannadkii horre, kaasoo la siinaayo abaalmarinta Oscar oo ah Jilaaga ugu fiican dhinaca filimka.

Barkhad ayaa ka mida ahaa dadka sidda weyn uga dhex muuqday Filimnkii “Captain Phillips.” kaasoo ka hadlaayay dhibaatada burcad-badeeda Soomaalida ay ku heyso maraakiibta caalamka ee isticmaala biyaha badweynta Hindiya.

Barkhad oo ah Soomaali jilay filimkii Capt_Philips-
Barkhad oo ah Soomaali jilay filimkii Capt_Philips-

Filimkan oo uu aktar ka yahay Tom Hanks, oo aktar weyn aadna looga yaqaano, Maraykanka ayaa u arkay Barqad in uu yahay qof kale ee ka soo bixi kara kaalinta looga baahnaa filimka.

Barkhad oo la hadlay VOA iyo BBC ayaa sheegay isagoo ku sugan Minnapulis in uu halkaas yimid Aktarka wada Filimka isagoo markaas raadinayay asktar kale oo matala burcad badeeda Soomaalida, waxaana uu tilmaamay in isaga u soo baxay.

Wuxuu u safray Malta iyo London halkaasoo qayb ka mid ah Filimka “Captain Phillips lagu sameeyay.

Waa 28-jir, ku dashay dal ay dagaallo halakeeyeen, wuxuu markii horre ahaa darwal Taksiile ah, isagoona siddii kale ka mid ah dhallinyarada Kaamirooyinka duuba ee ku sugan goobaha Studiyaasha ee Minneapolis oo ah halka ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee Maraykanka ku nool.

Wuxuu soo waday inta uusan ku biirin Filimka “Captain Phillips. filim kale oo la dhaho Cayaalka Xaafadda, sidda uu sheegay Barkhad.

Abaalmarinta Osckarka ayaa la bixin doonaa bisha March ee sannadkan, waxaa hadda isugu soo haray afar aktar oo Barqad uu ku jirro.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

[email protected]

 

Wariye ka tirsan Caasimada Online oo warbixin cajiib kasoo qoray Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) Wariye ka tirsan Shabakadda Caasimada Online, ayaa howllo shaqo u jooga magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, waxaana uu halkaas ku arkay arrimo dhowr ah.

Maxaa ka mid ah wax yaabaha uu soo arkay?

Wariyaha ayaa noo soo sheegay in markii ugu horreysay uu booqasho ku tagay magaalada Hargeysa horaantii bishan, isagoo booqday goobo muhiim ah oo magaalada ku yaalla.

Meelaha uu booqday waxaa ka mid suuqa weyn ee Hargeysa, wuxuuna soo sheegayaa in uu soo arkay dad badan oo dukaameesanaya kuwaasoo isgu jirra haween, rag iyo carruur.

“Suuqa aad buu u weynyahay, waxaan soo arkay dad badan oo faraxsan oo dukaameesanaya kuwaasoo wax cabsi aysan ka muuqan, inta badan goobaha lagu ganacsanaayo waa ku furan daah-furan oo dadku inta badan dhulka ayey alaabta ku iibiyaan iyo gaari gacano ay ku wadaan alaabaha ay iibinayaan” ayuu yiri Wariyahu.

Wariyuhu waxaa kaloo uu soo arkay dhismooyin waaweyn oo magaalada ku yaalla, kuwaasoo qaar ay yihiin goobo ganacsi iyo shirkaddo is-gaarsiin iyo Internet ah.

“Intii aan joogay magaalada waxan arkay dhismooyin  dhaadheer oo aad casri u ah, badankooda waa Hotelo dhawaan la dhisay iyo kuwa hadda dhismahooda uu socdo”

Lacagta, Doolarka iyo Soomaalilad

Magaalooyinka Somaliland waxaa laga isticmaalaa lacagta Somaliland Shilling, waana lacag qiimo leh marka loo eego tan Soomaalida.

Wariayaha ayaa sheegay in halkii dollar lagu sarifo toddobo kun oo Shilling Somaliland ah, waxaa kaloo laga isticmaalaa 500 oo Somaliland Shilling.

“Inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho, waxaad ku arkeysaa rag dhallinyaro u badan kuwaasoo wadooyinka ku haya lacagta Somaliland  Shilling oo iyaga ayaa sarifa, waddo kasta oo magaalada iyaga ayaa fadhiya” ayuu yiri wariyaha.

Goobaha boorarka waxaa lagu qoray in dadka lagu baraarujiyo in ay isticmaalaan lacagta Somaliland Shilling.

“Lacagta qalaad waxa ay abuurtaa sicir barar ee isticmaala lacagta aanu leenahay ee Somaliland Shilling iyada baro leh” boor siddaas uu ku qoran yahay ayaan arkay ayuu yiri wariyuhu.

Nabadgalyada iyo astaamaha lagu xardho goobaha ganacsiga

Wariyaha ayaa sheegay inta uu joogay magaalada Hargeysa inuusan arkin askar qoryo wata, marka laga reebo ciidamo boolis ah oo waardiyeeya xarumaha dowladda, waxaa kaloo uu sheegay in uu magaalada ku arkay ajaaniib fara badan oo kaligood socda oo aan la waardiyeeneynin kuwaasoo wax casbi ah aysan ka muuqan.

“Magaalada Hargeysa waxaan ku arkay ajaaniib faro badan, qaar baabuur ayey wateen kuwana waa ay lugeenayeen iyagoo cid la socota aysan jirin, ma arkeesid askari hub wata, waxaad arkeysaa ciidamo boolis ah oo sita budad” ayuu yiri wariyaha.

Astaamaha lagu xardho goobaha ganacsiga

Wariyaha ayaa tilmaamay goobaha ganacsiga ee maagalada Hargeysa in lagu xardhay magacyo Soomaali ah, oo ma arkeesid goobo ganacsi oo wata magac ajnebi ah, balse Muqdisho oo aan soo maray waxaan ku arkay goob ganacsi oo lagu qoray magacooda Ingilis ama la baxay magac shisheeye” ayuu yiri.

Wariyaha ayaa sheegay in uu soo arkay goobo taarikh u leh Somaliland, waxaana ka mid ah goob ay saaran tahay diyaarad burburtay, waxaana Somaliland ay u tahay goob taarikhi ah, waayo 18-ka May sannadkii 1988-kii ayaa dowladii Millitariga waxa ay halkaas ka geesatay xasuuq, waxaa kaloo goob u dhay halkaas iyana yaalla Kaaro la sheegay in ay lahaayeen ciidankiii dowladii nui

Siddee loola dhaqmaa dadka Soomaalida ee Hargeysa ku nool?

Wariyaha ayaa sheegay inta badan goobaha uu tagay si fiican looga soo dhaweeyay, mana arkin wax faquuq ah oo loo geesto Soomaalida ku nool Hargeysa” ayuu yiri.

“Waxaan tagay Makhaaxi xilligu waxa ay ahayd Salaada Maqrib, inta badan waa la xiraa goobaha ganacsiga ee magaalada, anniga iyo koox kale oo wariyaal ah waxa ay maamulka maqaayada noo oggolaadeen in ay aan wax ka cuno, dadkii kale ee magaalada Joogay waxaa loo sheegay marka salaada ay dhammaado in ay yimaadaan maqaayada” ayuu yiri.

Idaacadaha magaalada ku yaalla?

Magaalada waxaa ka shaqeesa labo Idaacad, mid waa Radio Hargeysa, oo marka laga soo taago Laanta Soomaaliga, waxaa kaloo Idaacadda ka baxa luuqada Ingiriiska iyo Carabiga, waxaa kaaloo aan dhagestay ayuu yiri Idaacadda Qur’aanka Kariimka ee Radio Hargeysa, waxaana ka baxa uun qur’aan iyo duruus diini ah, waxaa kaloo FM-yo kuleh VOA IYO BBC.

“Inta badan Radio Hargeysa,barnaamijyada ka baxa waa ku ku tacaluga arrimaha Somaliland uun, wallow marka qaar ay ka hadleen arrimaha Soomaaliya, balse si dal kale ayey uga hadlaan sida Syria oo kale” ayuu yiri wariyaha.

Magaalada waxaa si weyn looga akhristaa Jaraa’idka, waxaana ka soo baxay dhowr jaraa’id oo qaar kood lagu tilmaamay kuwa mucaaradka.

“Waxaan saakay tagay goob ay ku hayeen dhallinyaro iibinaya wargeysyada ka soo baxa Hargeysa, waxaa durba la I dhahay ma waxaad rabtaa kuwa dowladda mise kuwa mucaaradka, dadku waxa ay akhristaan badnaa kuwa mucaaradka ay soo dabacaan ee dowladda lagu durro” ayuu yiri wariyaha.

Dad tiro yer oo dawarsanaya ayaan arkay

Wariyaha ayaa yiri magaalada inta aan joogay waxaan arkay dhowr qof oo dawarsanaya, waxaana badankood ay ka yimaadeen koonfurta Soomaaliya,kuwaasoo lagu arkaayo wadooyinka waaweyn ee magaalada.

Masaajidyada oo qaar dumarka ay ku tukudaan

“Labo Masjid oo waaweyn ayaa magaalada ku yaalla, masjidka ugu weyn waxaa la dhahaa Masjidul Jaamac oo ku dhex yaalla suuqa bartamihiisa, waxaa dhowr dabaq masijdku, meelaha waxaa ay gaar u yihiin dumarka, oo kutukada” ayuu yiri wariyaha.

Masaajida aad ayaa loo camiraa ma jirto wax kala shaki ah oo ka dhex muuqda dadka ama casbi ah oo jirta, in kastoo masaajida la dhaho ma waxaad rabtaa kuwa Suufida mise kuwa kale.

Garoonka diyaaradaha Hargeysa

“Garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal Internatinal Airports, dhawaan ayaa lagu sameeyay dayactir xooggan, siddaas oo ay tahay diyaarado waaweyn ma soo fadhiisan karaan, oo waxaa yimaada diyaradaha yeryer, markii aan tagayay diyaarado badan ma fadhin garoonka” ayuu yiri wariyihu.

Garoonka dadka yimaada waxaa loo kala qeybiyaa labo qayb oo kala ah, Wadaniyiin iyo Ajaaniib, tusaale haddii aad wadato Pasaboorka E Passport oo aad tahay Soomaali, waxaa lagula dhaqmayaa sidda qof ajnebi ah, haddii aad wadato baasaboorkii horre ee cagaarka oo aad tahay Soomaaliya, waxaa lagula dhaqmayaa sidda qof waddani ah.

Dumarka baabuurta wata iyo kuwa qayila

Magaalada Hargeysa aad ayaa loo keenaa qaadka, waxaana meel kasta ku arkeysaa buu yiri kabaro qaad lagu iibinaya saalada subax xiitaa, oo magaalada qaad lagama waayo

Wariyaha ayaa ugu dambeyn sheegay in uu magaalada ku arkay dumar badan oo baabuurta gacantooda kuwata, kuwaasoo magaalada ku mushaaxaya si nabad ah.

“Dumar badan oo baabuuro kuwata Hargeysa ayaan arkay, kuwaasoo aad u fara badan, wax khalkhal ah kama jirto, magaalada waxaa ka shaqeeya Basaska waaweyn

Qaadka oo aad looga cuno Hargeysa.

Qaadka ayaa si weyn looga cunaa magaalada Hargeysa, waxaana laga keenaa dalka Ethiopia, magaalada waxaa ku arkeysaa dumar cunaya, waxaana lagu arkaa goobaha maqaayadaha iyo goobaha la isugu yimaado.

Dharka la soo isticmaalay oo magaalada laga istcimaalo

Magaalada waxaa ku yaalla Hotelo waaweyn iyo dukaamo kuwaasoo lagu gado dharka, kabaha, dahabka iyo wax yaabo kale, siddaas oo ay tahay dadweynuhi waxa ay iibaadaan dharka la soo celiyo ee Soomaalida u taqaano Huundheeyada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

 

Wadahadallada DFS iyo Somaliland oo furmay “maxaa looga hadlay”?

Istanbul (Caasimada Online) Magaalada Stanbul ee dalka Turkiga, waxaa maanta oo Khamiis ah ka furmay wdahadallada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland kaasoo ay garwadeen ka tahay dowladda Turkiga.

Shirka markii uu furmay waxaa goobta ka hadlay wasiirada arrimaha gudaha iyo dibedda dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, kuwaasoo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in uu qabsoomo wajiga afarraad shirka labada dhinac.

Intaas kaddib waxaa labada dhinac ay iska dhex magacaabeen afar xubnood oo ah guddi farasamo kuwaasoo ka soo baaran dagga qoddobada laga hadli doono afarta cisho ee uu shirka soconayo.

Wasiirka arrimaha dibedda Ahmet Davutoglu oo furitaanka shirka joogay ayaa labada dhinac ka codsaday in ay ka faa’ideestaan afarta cisho ay shirayaan.

Dhinaca kale, wareesiyo lala yeeshay Cabdikariim Xuseen Guuleed oo hoggaaminaya ergada dawladda Soomaaliyam ayaa sheegay in ay filayaan in ay wax yaabo natiijo ka soo baxaan shirka labada dhinac, wuxuuna shacabka Soomaalida ka codsaday in ay ka warsugaan wadahadallada labada dhinac.

Sidoo kale waxaa la wareestay wasiirka arrirmaha dibedda ee maamulka Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, wuxuu tilmaamay in qoddobka gooni isku taaga Somaliland uu yahay mid muqadas oo ay doonayaan shacabka reer Somaliland “Gorgortan ma galaayo qoddobkaas” ayuu yiri.

Labada dhinac ayaa si weyn isugu khilaafsan midnimada Soomaaliya iyo gooni isu taagga Somaliland. waayo horrey waxaa ay ugu kulmeen London, Dubai iyo Turkiga qoddobkaasna wuxuu ahaa mid xasaasi ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Stanbul

[email protected]

M/Afrika oo xaqiijiyay in dal cusub uu ku soo biirayo ciidamada Amisom

Muqdisho (Caasimada Online) – War maanta ka soo baxay xafiiska Midowga Afrika ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in ciidamada Dowlada Itoobiya ay si rasmi ah ugu mid noqdeen ciidamada Midowga Afrika ee jooga Somalia.

Gudoomiyaha gudiga Amaanka Midowga Afrika Smal Chergui ayaa xaqiijiyay in ciidamada Itoobiya oo tiro gaareysa ilaa iyo 4,000 Askari lagu biiriyay ciidamada AMISOM .

Ciidamadaan ayaa hada waxa ay tiradooda gaareysaa ilaa iyo 18,000 kun waxaana la doonayaa in la gaarsiiyo ilaa iyo  22,000 kun si ay u sii xoojiyaan howlagalka lagu nabadeenaayo dalka Somalia.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxa ay qeyb ka noqonayaan dalalka ay hada ciidamadooda Somalia joogaan kuwaas oo kala ah Uganda, Burundi, Kenya, Djibouti iyo Sierra Leone waxaana hada ku soo biireysa dowlada Itoobiya.

Ciidamadaan ayaa lagu wadaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku soo gali doonaan dalka Somalia iyaga oo si toos ah u tagi doono Bay,Bakool iyo Gedo .

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

XOG: Madaxweynaha iyo R/wasaaraha oo is ku afgartay liiska wasiirada…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo xarunta Madaxtooyada Somalia ayaa waxa ay sheegayaan in ay u dhaw dahay in maanta lagu dhawaaqo Xubnaha Wasiirada Cusub ee DF Somalia.

Sida ay xaqiijiyeen Qaarka tirsan xubnaha ku sugan Madaxtooyada ayaa waxa ay sheegeen in M/weyne Xasan Sheekh uu aqbalay liiska xubnaha Wasiirada oo u soo gudbiyay RW C/wali Sheekh Axmed.

M/weyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay shalay ilaa iyo xalay uu la kulmaayay Xildhibaanada isaga oo ka codsanaayay in shuruud la’aan la ansixiyo xubnaha Wasiirada oo ku dhawaaqayo R/wasaaraha.

Si kasta qaban qaabada magacaabista Xubnaha Wasiirada ayaa la sheegay in ay tahay mid qaadan karta ugu badnaa ilaa iyo galabta iyadoo R/wasaaraha uu gudbiyay liiskiisa ugu danbeeyay ee xubnahaas.

Dhanka kale gale liiska Xubnaha Wasiirada ayaa la sheegay in ay ka koobnaan doonaan ilaa iyo 25-wasiir kuwaas oo laga kala keenay beelaha kala duwan ee Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Video: Goorma ayaa kugu dambeysay magaalada Muqdisho oo sidaan ah?

0

Caasimada Online: Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo gashay jawi ka duwan sidii ay horay u ahaan jirtay marka loo fiiriyo Nolasha cusub iyo sida ay isku badashay Muqdisho.

Muqdisho hadii waa hore kugu dambeeysay Muqdisho sidaan ma’ahan ee nala daawo Muuqaalkani adaa arko doono wax yaabo badan oo is badalay oo ku tusinaya is badalka Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO:

XOG: Wasiir C/Kariin Xuseen Guuleed oo dib ugu soo laabtay wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) Ilo xog-gaal ah oo ku dhow dhow Villa Somalia, ayaa u xaqiijiyay Caasimada Online in wasiirada cusub ay ku jiraan qaar ka mid wasiiradii horre ee xukuumadii Saacid.

Wasiirada soo laabanaya oo hadda la xaqiijiyay waxaa ka mid ah Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo ah sii hayaha xilka wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka.

Cabdikariin wuxuu hadda hoggaaminayaa wafdi dowladda Soomaaliya u matalaya wada-hadallada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, kaasoo maanta oo Khamiis ah ka furmaya magaalada Istanbul.

Maxaa isbadal ah oo dhacaya?

Sidda ay lee yihiin ilaha warkan aan ka soo xiganahay, waxaa laga yaabaa in isbadal lagu sameeyo wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga, oo ugu yaraan lakala qaadi doono isla markaana mid ka mid ah uu wasiir ka noqon doono Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ah xiriir dhow la leh madaxweynaha.

Maanta ayaa la filayaa in uu ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu ku dhawaaqo golaha cusub ee wasiiradiisa, waxaana la lee yahay waxa ay noqon doontaa tiradooda ilaa 25-wasiir, wasiir ku xigeen iyo agaasimayaal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararkii Muqdisho

[email protected]

 

 

Xog ku saabsan qodobadda xasaasiga ee wadahadallada DF iyo Somaliland

Istanbul (Caasimada Online) Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, waxaa maanta oo Khamiis ah ka furmi doonaa wajiga afaraad ee wada-hadallada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Si dhab ah looma oga wax yaabaha diirada lagu saari doono labada dhinac, balse Radio Hargeysa ayaa habeenkii xaley sheegay in mowqifka maamulka Somaliland uu cad yahay, maadama maalmahan tababbarro lagu siinayay magaalada Addis Ababa si ay guulo uga keenaan shirka ka furmaya Istanbul.

Dhinaca kale, wariye BBC-da ka tirsan oo ku sugan Istanbul, ayaa sheegay in shirka ka furmaya Istanbul in looga hadli doono siddii meesha looga sii wadi lahaa qoddobo ay horre u gaareen labada dhinac.

Somaliland ayaa tan iyo markii ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale sannadkii 1991-dii waxa ay raadineysaa ictiraaf caalami ah, balse arrintaas weli waa ay la’dahay.

Labada dhinac ayaa markii ugu horreysay kulan fool-ka fool ugu kulmay magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska sannadkii 2012-ka.

Qoddobka shirka hareen doona

Qoddobka hareen doona shirka wuxuu noqon doonaa Somaliland inay ka go’do Soomaaliya inteeda kale iyo in ay ka sii mid ahaato, waxaana labada dhinac ay u muuqdaan kuwa aan muujin doonin wax tanaasul marka loo eego qoddobkaas.

Waxaa la hubaa in qoddobkaas uu noqon doono mid waqti badan qaata oo muran ka dhex dhaliya labada dhinac.

Heshiishyada ay gaareen waxaa ka mid ah in labada dhinac ay si wadajir ah u maalaan hawada Soomaaliya, maadama ay ku soo wareejisay QM waxaana laga maamuli doonaa Magaalada Hargeysa.

Yaa umatalaya DFS shirka Istanbul?

Wafdiga dowladda ee uga qaybgalaya shirka Istanbul,waxaa hoggaaminaya sii hayaha wasiirka arrimaha gudaha iyi amniga, Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo hoggaaminayay shirkii horre.

Waxaana la lee yahay waxaa laga yaabaa in uu sii hayo xilkaas, ama ugu yaraan la kala qaado wasiirka amniga iyo arrimaha gudaha, marka la magacaabo xubnaha cusub ee wasiiradda xukuumadda, waxaa kaloo la socda xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.

Dhinaca Somaliland, waxaa wafdiga ka socda hoggaaminaya wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis,oo ah nin QM muddo dheer la soo shaqeeyay, waana markii ugu horreysay oo uu shirkan ka qaybgalo shirkan  waxaa kaloo ku weliyaha wasiiro iyo xubno ka socda golaha wakiilada.

Somaliland, waxa ay diidday in shirka ay ka qaybgaliso kooxaha mucaaradka, waxaana ay tihir annaga ayaa matali kara danta Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Istanbul

[email protected]

R/W oo ku dhowaaqaya WASIIRADA iyo xog la xiriirta xubnaha ka midka ah

Muqdisho (Caasimada Online) War goor dhow naga soo gaaray Villa Somaliya, ayaa sheegaya in ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu ku dhawaaqi doono xubnaha cusub ee golaha wasiirada xukuumadiisa.

Ra’iisal wasaaraha ayaa tan iyo markii loo magacaabay xilkaas, wuxuu caddaas xooggan kala kulmaayay madaxweyne Xasan Sheekh, siyaasiyiin iyo odayaal beeleedyo ku sanduleenaya in uu ku soo doro xukuumadiisa qaar ka mid ah wasiiradii horre ee xukuumadii Saacid.

Caddaadiska lagu hayo ra’iisal wasaaraha waxa ay sababtay in uu soo celiyo qaar ka mid ah wasiiradii horre, gaar ahaan kuwii uu madaxweynaha watay.

Wasiiradda la soo celinaayo yaa ka mid ah?

Wasiiradda la soo celinaayo waxaa ka mid ah arrimaha gudaha iyo amniga, wasiiru dowlihii madaxtooyda oo markan xil kale loo dhiibi doono.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ra’iisal wasaaraha ku caddaadiyay in uu soo celiyo Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Faarax Sheekh Cabdiqaadir, oo ah labada qof ee ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana ay ka wadatirsan yihiin Dam-Jadiid.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa la sheegay in uu sii ahaan doono Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, halka Faarax Cabdiqaadir Caddaalada,markan loo magacaabi doono  Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Diinta.

Dhawaan baarlamaanka Soomaaliya, waxa ay qoddobo sharci daro ah ku tilmaameen mooshin laga keenay in wasiiradii horre lagu soo daro xukuumadda cusub, arrintaas oo mugti kale galisay siyaasadda Soomaaliya.

Wasiiradda cusub?

Wasiirada cusub ee ilaa hadda la xaqiijiyay waxaa ka mid ah, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo horrey u ahaa wasiirka dastuurka DKMG ah.

Wuxuu ka mid ahaa raggii u ololeeyay in meesha laga saaro Saacid.

Sidoo kale waxaa wasiirada cusub ku jirta Khadiija Maxamed Diiriye,oo taageero xooggan siisay qorshaha Dam-Jadiid iyo madaxweynaha, waxaana ay ka mid ahayd xildhibaannadii codka kalsoonida kala noqday ra’iisal wasaarihii horre Cabdifaarax Saacid.

Tirada Wasiirada waa imisa?

Dhowr jeer ayaa la badalay tirada wasiirada cusub, mar baa lagu soo koobay, 22-balse hadda waxaa laga dhigay 25-wasiir sii loo qanciyo beelaha gadoodsan ee ku kacsan dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

VILLA Somalia waxaa ka socda: Salaad laba imaam ma wada tujin karaan?

Salaad Hal Jameeca Ah, Laba Imaam Mawada Tujin karaan?

Ka soo bilaabato, Dowladii Madaxweyne Sheikh Sheariif Sheikh Ahmed, tii Abdulahi Yusuf iyo midan Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud, waxaa dhibaato horumarka dalka ragaadisay ku noqday Madaxweyne iyo Ra,isalwasaarihiisa oo mar walba qir iyo qir kala taagan iyo mooshin mar walba taagan.

Madaxweynaha iyo Ra,isalwasaarihiisa oo aad moodo laba Madaxweyne oo mas,uuliyada u wada siman. Dabcan xaquuqda wadaninimo waa loo wada siman yahay.

Laakiinse waxaan loo wada sinaan karin, mas,uuliyada shaqo.

Waxaana loo baahanyahay in Qof walba uu Mas,uuliyadiisa uu garto kuna ekaado. Sida aan wada ognahay sharciga DFS,na uu qabo Madaxweynaha waa la soo doortay, Sida Madaxweynaha Somaliya ee wakhtigan oo ah Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud.

Balse Ra,isalwasaarha, Madaxweynaha ayaa soo doortay. Isaga oo dadkiisa ku dhex jira cid taqaanana aan jirin, marka laga reebo qoyskiisa. Waxaa soo doortay in uu la shaqeeyo Madaxweynaha Somaliya.

Ninkii ku soo doortay ee Ra,isalwasaaraha kaa dhigay waa in adan ka hor iman.

Waxay dowladan ama dowladba ku socon kartaa in Ra,isalwasaaraha uu sida Madaxweynaha rabo in ay wax u socdaan uusan khilaafin ee uu maqlo. Waliba si dhago nugul uu u maqlo.

Somalida waxay ku maahmaadaa, Qoor xero kuma wada jirto. Taas oo micnaheeda yahay, waa in wada tashi ka dib hal Qof talada ogu dambayso uu leeyahay.

Hadii taas la waayo waxaa horumarka dalka mar walba aqabad ku noqondoonta iska hor imaadka Madaxweynaha & Ra,isalwasaarahiisa.

Salaad Laba imaam Ma Wada Tujin Karaan. Waa wax aan dhici karin.

Sidaas darteed laba Madaxweyne wadan ma wada hogaamiyaan.

Ogu dambayntii waxaan qormadan ku soo khatimayaa, in Barlamaanka Federaalka Somaliyeed uu sharci ka soo saaro arintan.
Taas oo ah in sharciga wax laga badalo oo Madaxweynaha Baawarkiisa loo daayo.

Si horumarinta dalka uu horay ogu socdo. Ama Ra,isalwasaaraha la baawar gareeyo oo isaga hogaanka dalka loo daayo, madaxweynahane uu noqdo mid buul ah oo sharciga kaliya ilaaliya, Ra,isalwasaarihii shacabka soo doortane uu ku dhawaaqo guushiisa, Fadhigiisuna yahay ( State House )