Xog ku saabsan qodobadda xasaasiga ee wadahadallada DF iyo Somaliland

Istanbul (Caasimada Online) Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, waxaa maanta oo Khamiis ah ka furmi doonaa wajiga afaraad ee wada-hadallada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Si dhab ah looma oga wax yaabaha diirada lagu saari doono labada dhinac, balse Radio Hargeysa ayaa habeenkii xaley sheegay in mowqifka maamulka Somaliland uu cad yahay, maadama maalmahan tababbarro lagu siinayay magaalada Addis Ababa si ay guulo uga keenaan shirka ka furmaya Istanbul.

Dhinaca kale, wariye BBC-da ka tirsan oo ku sugan Istanbul, ayaa sheegay in shirka ka furmaya Istanbul in looga hadli doono siddii meesha looga sii wadi lahaa qoddobo ay horre u gaareen labada dhinac.

Somaliland ayaa tan iyo markii ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale sannadkii 1991-dii waxa ay raadineysaa ictiraaf caalami ah, balse arrintaas weli waa ay la’dahay.

Labada dhinac ayaa markii ugu horreysay kulan fool-ka fool ugu kulmay magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska sannadkii 2012-ka.

Qoddobka shirka hareen doona

Qoddobka hareen doona shirka wuxuu noqon doonaa Somaliland inay ka go’do Soomaaliya inteeda kale iyo in ay ka sii mid ahaato, waxaana labada dhinac ay u muuqdaan kuwa aan muujin doonin wax tanaasul marka loo eego qoddobkaas.

Waxaa la hubaa in qoddobkaas uu noqon doono mid waqti badan qaata oo muran ka dhex dhaliya labada dhinac.

Heshiishyada ay gaareen waxaa ka mid ah in labada dhinac ay si wadajir ah u maalaan hawada Soomaaliya, maadama ay ku soo wareejisay QM waxaana laga maamuli doonaa Magaalada Hargeysa.

Yaa umatalaya DFS shirka Istanbul?

Wafdiga dowladda ee uga qaybgalaya shirka Istanbul,waxaa hoggaaminaya sii hayaha wasiirka arrimaha gudaha iyi amniga, Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo hoggaaminayay shirkii horre.

Waxaana la lee yahay waxaa laga yaabaa in uu sii hayo xilkaas, ama ugu yaraan la kala qaado wasiirka amniga iyo arrimaha gudaha, marka la magacaabo xubnaha cusub ee wasiiradda xukuumadda, waxaa kaloo la socda xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.

Dhinaca Somaliland, waxaa wafdiga ka socda hoggaaminaya wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis,oo ah nin QM muddo dheer la soo shaqeeyay, waana markii ugu horreysay oo uu shirkan ka qaybgalo shirkan  waxaa kaloo ku weliyaha wasiiro iyo xubno ka socda golaha wakiilada.

Somaliland, waxa ay diidday in shirka ay ka qaybgaliso kooxaha mucaaradka, waxaana ay tihir annaga ayaa matali kara danta Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Istanbul

Caasimada@live.com