XOG: Wasiir C/Kariin Xuseen Guuleed oo dib ugu soo laabtay wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) Ilo xog-gaal ah oo ku dhow dhow Villa Somalia, ayaa u xaqiijiyay Caasimada Online in wasiirada cusub ay ku jiraan qaar ka mid wasiiradii horre ee xukuumadii Saacid.

Wasiirada soo laabanaya oo hadda la xaqiijiyay waxaa ka mid ah Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo ah sii hayaha xilka wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka.

Cabdikariin wuxuu hadda hoggaaminayaa wafdi dowladda Soomaaliya u matalaya wada-hadallada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, kaasoo maanta oo Khamiis ah ka furmaya magaalada Istanbul.

Maxaa isbadal ah oo dhacaya?

Sidda ay lee yihiin ilaha warkan aan ka soo xiganahay, waxaa laga yaabaa in isbadal lagu sameeyo wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga, oo ugu yaraan lakala qaadi doono isla markaana mid ka mid ah uu wasiir ka noqon doono Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ah xiriir dhow la leh madaxweynaha.

Maanta ayaa la filayaa in uu ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu ku dhawaaqo golaha cusub ee wasiiradiisa, waxaana la lee yahay waxa ay noqon doontaa tiradooda ilaa 25-wasiir, wasiir ku xigeen iyo agaasimayaal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararkii Muqdisho

Caasimada@live.com