XOG: Madaxweynaha iyo R/wasaaraha oo is ku afgartay liiska wasiirada…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo xarunta Madaxtooyada Somalia ayaa waxa ay sheegayaan in ay u dhaw dahay in maanta lagu dhawaaqo Xubnaha Wasiirada Cusub ee DF Somalia.

Sida ay xaqiijiyeen Qaarka tirsan xubnaha ku sugan Madaxtooyada ayaa waxa ay sheegeen in M/weyne Xasan Sheekh uu aqbalay liiska xubnaha Wasiirada oo u soo gudbiyay RW C/wali Sheekh Axmed.

M/weyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay shalay ilaa iyo xalay uu la kulmaayay Xildhibaanada isaga oo ka codsanaayay in shuruud la’aan la ansixiyo xubnaha Wasiirada oo ku dhawaaqayo R/wasaaraha.

Si kasta qaban qaabada magacaabista Xubnaha Wasiirada ayaa la sheegay in ay tahay mid qaadan karta ugu badnaa ilaa iyo galabta iyadoo R/wasaaraha uu gudbiyay liiskiisa ugu danbeeyay ee xubnahaas.

Dhanka kale gale liiska Xubnaha Wasiirada ayaa la sheegay in ay ka koobnaan doonaan ilaa iyo 25-wasiir kuwaas oo laga kala keenay beelaha kala duwan ee Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com