R/W oo ku dhowaaqaya WASIIRADA iyo xog la xiriirta xubnaha ka midka ah

Muqdisho (Caasimada Online) War goor dhow naga soo gaaray Villa Somaliya, ayaa sheegaya in ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu ku dhawaaqi doono xubnaha cusub ee golaha wasiirada xukuumadiisa.

Ra’iisal wasaaraha ayaa tan iyo markii loo magacaabay xilkaas, wuxuu caddaas xooggan kala kulmaayay madaxweyne Xasan Sheekh, siyaasiyiin iyo odayaal beeleedyo ku sanduleenaya in uu ku soo doro xukuumadiisa qaar ka mid ah wasiiradii horre ee xukuumadii Saacid.

Caddaadiska lagu hayo ra’iisal wasaaraha waxa ay sababtay in uu soo celiyo qaar ka mid ah wasiiradii horre, gaar ahaan kuwii uu madaxweynaha watay.

Wasiiradda la soo celinaayo yaa ka mid ah?

Wasiiradda la soo celinaayo waxaa ka mid ah arrimaha gudaha iyo amniga, wasiiru dowlihii madaxtooyda oo markan xil kale loo dhiibi doono.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ra’iisal wasaaraha ku caddaadiyay in uu soo celiyo Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Faarax Sheekh Cabdiqaadir, oo ah labada qof ee ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana ay ka wadatirsan yihiin Dam-Jadiid.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa la sheegay in uu sii ahaan doono Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, halka Faarax Cabdiqaadir Caddaalada,markan loo magacaabi doono  Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Diinta.

Dhawaan baarlamaanka Soomaaliya, waxa ay qoddobo sharci daro ah ku tilmaameen mooshin laga keenay in wasiiradii horre lagu soo daro xukuumadda cusub, arrintaas oo mugti kale galisay siyaasadda Soomaaliya.

Wasiiradda cusub?

Wasiirada cusub ee ilaa hadda la xaqiijiyay waxaa ka mid ah, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo horrey u ahaa wasiirka dastuurka DKMG ah.

Wuxuu ka mid ahaa raggii u ololeeyay in meesha laga saaro Saacid.

Sidoo kale waxaa wasiirada cusub ku jirta Khadiija Maxamed Diiriye,oo taageero xooggan siisay qorshaha Dam-Jadiid iyo madaxweynaha, waxaana ay ka mid ahayd xildhibaannadii codka kalsoonida kala noqday ra’iisal wasaarihii horre Cabdifaarax Saacid.

Tirada Wasiirada waa imisa?

Dhowr jeer ayaa la badalay tirada wasiirada cusub, mar baa lagu soo koobay, 22-balse hadda waxaa laga dhigay 25-wasiir sii loo qanciyo beelaha gadoodsan ee ku kacsan dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com