VILLA Somalia waxaa ka socda: Salaad laba imaam ma wada tujin karaan?

Salaad Hal Jameeca Ah, Laba Imaam Mawada Tujin karaan?

Ka soo bilaabato, Dowladii Madaxweyne Sheikh Sheariif Sheikh Ahmed, tii Abdulahi Yusuf iyo midan Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud, waxaa dhibaato horumarka dalka ragaadisay ku noqday Madaxweyne iyo Ra,isalwasaarihiisa oo mar walba qir iyo qir kala taagan iyo mooshin mar walba taagan.

Madaxweynaha iyo Ra,isalwasaarihiisa oo aad moodo laba Madaxweyne oo mas,uuliyada u wada siman. Dabcan xaquuqda wadaninimo waa loo wada siman yahay.

Laakiinse waxaan loo wada sinaan karin, mas,uuliyada shaqo.

Waxaana loo baahanyahay in Qof walba uu Mas,uuliyadiisa uu garto kuna ekaado. Sida aan wada ognahay sharciga DFS,na uu qabo Madaxweynaha waa la soo doortay, Sida Madaxweynaha Somaliya ee wakhtigan oo ah Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud.

Balse Ra,isalwasaarha, Madaxweynaha ayaa soo doortay. Isaga oo dadkiisa ku dhex jira cid taqaanana aan jirin, marka laga reebo qoyskiisa. Waxaa soo doortay in uu la shaqeeyo Madaxweynaha Somaliya.

Ninkii ku soo doortay ee Ra,isalwasaaraha kaa dhigay waa in adan ka hor iman.

Waxay dowladan ama dowladba ku socon kartaa in Ra,isalwasaaraha uu sida Madaxweynaha rabo in ay wax u socdaan uusan khilaafin ee uu maqlo. Waliba si dhago nugul uu u maqlo.

Somalida waxay ku maahmaadaa, Qoor xero kuma wada jirto. Taas oo micnaheeda yahay, waa in wada tashi ka dib hal Qof talada ogu dambayso uu leeyahay.

Hadii taas la waayo waxaa horumarka dalka mar walba aqabad ku noqondoonta iska hor imaadka Madaxweynaha & Ra,isalwasaarahiisa.

Salaad Laba imaam Ma Wada Tujin Karaan. Waa wax aan dhici karin.

Sidaas darteed laba Madaxweyne wadan ma wada hogaamiyaan.

Ogu dambayntii waxaan qormadan ku soo khatimayaa, in Barlamaanka Federaalka Somaliyeed uu sharci ka soo saaro arintan.
Taas oo ah in sharciga wax laga badalo oo Madaxweynaha Baawarkiisa loo daayo.

Si horumarinta dalka uu horay ogu socdo. Ama Ra,isalwasaaraha la baawar gareeyo oo isaga hogaanka dalka loo daayo, madaxweynahane uu noqdo mid buul ah oo sharciga kaliya ilaaliya, Ra,isalwasaarihii shacabka soo doortane uu ku dhawaaqo guushiisa, Fadhigiisuna yahay ( State House )