Dhageyso: Nicholas Kay oo amar culus kasoo saaray magacaabista wasiirada

Nairobi (Caasimada Online) – Wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho, ayaa ra’iisul wasaaaha Somalia Cabdi Weli Sheekh Axmed ku amray inuu si deg deg ah usoo magacaabo golaha wasiirada cusub ee Somalia.

Kay, ayaa sheegay in dowladda Somalia laga sugayo wax qabad, islamarkaana magacaabista wasiirada ay tahay muhiim, si howlaha badan ee u yaalla dowladda wax looga qabto.

“Waxaan sugayaa in wasiirada cusub ee Soomaaliya loosoo magacaabo waqtiga ugu dhow, waqtiga wuu dhamaanayaa, waxaana jiro shaqo badan oo dowlada la doonayo inay sameyso waxaana beesha caalamka ay doonaysaa in la bilaabo howshaasi. Waxana rajaynayaa in wasiiradaasi ay noqon doonaan kuwo awooda kuwo saaro waxa shacabka Soomaaliyeed ay doonayaan, sid dowlad wanaga, amaanka kobcinta dhaqaale, shaqooyin caafimaad, iskuulo, waxaa jiro wax badan oo u baahan in wax laga qabto waxaana dowlada ka rajaynayaa sameynta shaqo adag, ayna noqoto dowlada mideysa shacabka, kana dhigta Somalia dal xoogan.ra;isul wasaaraha talo iigama baahno waa nin qabiir ah waxaana uu in badan lasoo shaqeeyay hayado badan oo caalami ah waxaana hubaa inuu doonayo inuu shaqo weyn qabto” ayuu yiri Nicholas Key.

Halkan ka dhageyso codka Kay

kay

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com