SOMALIA: XAL-XIRAN IYO XAL-RAADIN

Waa maxay xal-xiran?

Xal-xiran waa marka dadka ay ku dhagaan hal xal oo aysan raadin xal kale. Dadka markey xalka dhibaatada heli wayaan, waxaa sabab u ah in dadka u muuqdo kaliya hal-xal.

Kasoo qaad kooxda koowaad, ayaa waxay rabtaa in federal laga dhigo wadan, kooxda labaadna, waxay leedahay hal maamul aan rabnaa in uu wadanka ka taliyo. Labada kooxoodba midna ma khaldana, lakiin waxaa khaldan in ay ka dhigtaan mowqifkooda xal-xiran.

Sidaas hadey dhacdo xalkey labada kooxood raadinayeen ma suurtoobayo. xal-xiran wuxuu sii horseedayaa in xal oo dhan la waayo, sida hada wadankeena haysato.

Waa maxay Xal-raadin?

Xal-raadin waa marka labo kooxood isla fahmaan iney kala mowqif duwanyihiin, Mowqifkoodana uusan ahayn xal-xiran. (Dadka waa isku ujeedo, si kasto oo ay u kala fikir duwanyihiin.)

Kasoo qaad kooxda koowaad waxay raadinaysaa xal-waaro, waxay soo jeedisay wax noo wada xal ah ma jiraan? kooxdii labaad ayaa waxay ku jawaabtay haa wuu jiraa. Taas waxay ku tusinaysaa in labada kooxoodba yihiin xal-raadis. waxayna cagta saareen wadadii xal-raadinta, waxaa suurtogal noqoneyso iney helaan xal-waaro.

Sidaas daraadeed xal-xiran iyo xal-raadin isku meel ma wada deeqdo.

Qore: Abdiaziz Adan Hassan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online