Maanta maxaadan ogeyn oo ka dhacay degmada Afgooye ?

Wararka laga helaayo degmada Afgooye ee gobalka Sh/Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in saakay halkaas laga sameeyay Howlgal balaaran oo ay fulinayeen ciidamo ka tirsan kuwa DF Somalia.

Howlgalka ayaa saakay waxa uu saameyn xoogan ku yeeshay habsami u socodka isku socodka Gaadiidka iyo ganacsiga waxaana la cadeeyay in dad badan lagu soo qab qabtay.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadkaas halkaas ku sugnaa ayaa waxa ay cadeeyeen in dad aad u tira badan lagu soo qabqabtay Howlagalkii maanta kuwaas oo loo taxaabay xabsiga Afgooye.

Dhanka kale Taliska Ciidanka Afgooye ayaa wali ka war bixin qaabkii ay maanta u fuliyeen howlgalkaas balse waxaa la cadeeyay in dad badan halkaas lagu xiray.

Howlagalka maanta ayaa waxa uu ahaay mid ka duwan kii hore iyadoo lagu soo qabqabtay kooxo ku labisan dareeska ciidanka DF Somalia oo halkaas marayay.