DEG DEG: War cusub oo kasoo kodhay magacaabista golaha wasiirada iyo heshiis la gaaray

Muqdisho (Caasimada Online) –War goor dhow naga soo gaaray Madaxtooyada ayaa sheegaya in saacad kadib lagu dhawaaqi doono Golaha Wasiirada, iyadoo si rasmi ah Wariyeyaasha loogu yeeray si ay uga qeyb galaan munaasabada uu Ra’iisul Wasaaraha ku dhawaaqayo Golihiisa Wasiirada.

Xafiiska warfaafinta Madaxtooyada, ayaa sheegay in xaflada ku dhawaaqista Golaha Wasiirada ay dhaceyso goor dhow, isla markaana Ra’iisul Wasaaruhu ku dhawaaqi doono Golihiisa Wasiirada cusub.

Inkastoo uu dib u dhac uu ku yimid waqtigii la filayay in lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada oo aheyd galabta, ayaa hadana la sheegay in is mari waa adag uu u dhaxeeyay Madaxda dowladda oo ku aadaneyd qaabka soo xulista Wasiirada.

Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo Afhayeenka Baarlamaanka ayaa kulamo gaar gaar ah tan iyo galabta ku qaadanayay Madaxtooyada, iyadoo ugu dambeyn kala aragti duwanaan kadib kulamadaas ay ka soo baxeen is faham.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku qul qulaya hoolka ay ka dhaceyso xaflada ku dhawaaqista Golaha Wasiirada, iyadoo ay dhaceyso xilli habeen ah.

Sidoo kale waxaa xarunta Madaxtooyada ku sugan xubnaha Golaha Wasiirada oo loo diyaariyay kuraas gaar ah, si ay goob joog ugu noqdaan xaflada.

Xilligan oo ay saacada Muqdisho ay tahay 10-ka fiidnimo ayaa ugu dambeyn laga yaabaa in Golaha Wasiirada lagu dhawaaqo 11-ka Habeenimo, sida ay sheegayaan wararka aanu ka heleyno xarunta Madaxtooyada oo ay iminka ka socoto qaban qaabada Xaflada.

Magacaabista Golaha Wasiirada ayaa noqoneysa tii ugu adkeyd ee qaadata, muddo dheer waxaana jiray caqabado ku hor-gudbanaa iyo murano la xiriiray habka awood qeybsiga Wasaaradaha muhiimka.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe insha Allah.

Isha: Jowhar