Daawo Sawirrada: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Villa Somalia ku qaabilay…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya ayaa maanta waraaqaha diblomaasiyadeed ka guddoomiyey safiirka cusub ee dalka Faransiisku u magacaabeen Soomaaliya, Ambsador Rémi Marshals

Madaxweynaha ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyey xafladdii soo dhaweynta sheegey in tani ay tahay calaamad kale oo muujineysa sida dalka Soomaaliya uu dib ugu soo kabsanaayo, kuna soo laabanayo nolol caadi ah, isla markaana uga mid noqonayo caalamka.

Safiirka faransiisku u soo magacaabeen Soomaaliya ayaa sidoo kale kulan la qaatey raysalwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed, waxaana labada dhinac ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo isbedaladii u danbeeyey ee Soomaaliya.

Safiirka cusub ee faransiiska Rémi Marshals ayaa ah Safiirkii Kenya u fadhiyey dalka Kenya, waxaana shaqadiisi loogu darey tan Soomaaliya.

6478