Xog: R/W Cabdi Weli oo shirqool adag lala damacsan yahay (Yaa wada?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii  ay magaalada Muqdisho kulan xasaasi ah kuyeesheen ayaa Xildhibaanadii shalay laga cod badiyay, waxa ay soo saareen digniin culus, ayaga oo shaaciyey shirqool ay la damacsan yihiin ra’iisul wasaare Cabdi Weli iyo wasiirada uu soo dhisi doono.

Qaar ka tirsan Xildhibaanadaas oo la hadlay Warbaahinta ka dib markii uu oo gabagaboobay kulankii shalay ayaa waxa ay sheegeen in si sax ah looga cod badiyay balse waxa ay sheegeen in ay doonayaan sidii lagu ansixin lahaa Wasiirada.

Xildhibaanadaan ayaa sheegay in shalay tiradooda ay ku dhaweyd Boqol sidaas darteed ay ku soo biiro doonaan Xildhibaano soo waayo Xilka Wasiirnimo ka dibna ay sidaas codka ugu diidi doonaan.

Xildhibaanadaan oo ay caro ka muuqatay ayaa waxa ay sheegeen in Ciyaar ay tahay galinka danbe sidaas darteed iyaga ay balan qaadayaan in ay is hortaagi doonaan in codka Kalsoonida la siiyo xukuumada oo soo dhisi doono RW C/wali Sheekh Axmed.

Si kastaba Xildhibaanadaan ayaa waxa ay ahaayeen kuwa maalinti shalay looga adkaaday mooshin ay ka keeneen in golaha Wasiirada Cusub ee soo socota aysan ka mid noqon wasiiradii la soo shaqeeyay RW  Saacid.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com