29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

VILLA Somalia waxaa ka socda: Salaad laba imaam ma wada tujin karaan?

Salaad Hal Jameeca Ah, Laba Imaam Mawada Tujin karaan?

Ka soo bilaabato, Dowladii Madaxweyne Sheikh Sheariif Sheikh Ahmed, tii Abdulahi Yusuf iyo midan Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud, waxaa dhibaato horumarka dalka ragaadisay ku noqday Madaxweyne iyo Ra,isalwasaarihiisa oo mar walba qir iyo qir kala taagan iyo mooshin mar walba taagan.

Madaxweynaha iyo Ra,isalwasaarihiisa oo aad moodo laba Madaxweyne oo mas,uuliyada u wada siman. Dabcan xaquuqda wadaninimo waa loo wada siman yahay.

Laakiinse waxaan loo wada sinaan karin, mas,uuliyada shaqo.

Waxaana loo baahanyahay in Qof walba uu Mas,uuliyadiisa uu garto kuna ekaado. Sida aan wada ognahay sharciga DFS,na uu qabo Madaxweynaha waa la soo doortay, Sida Madaxweynaha Somaliya ee wakhtigan oo ah Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud.

Balse Ra,isalwasaarha, Madaxweynaha ayaa soo doortay. Isaga oo dadkiisa ku dhex jira cid taqaanana aan jirin, marka laga reebo qoyskiisa. Waxaa soo doortay in uu la shaqeeyo Madaxweynaha Somaliya.

Ninkii ku soo doortay ee Ra,isalwasaaraha kaa dhigay waa in adan ka hor iman.

Waxay dowladan ama dowladba ku socon kartaa in Ra,isalwasaaraha uu sida Madaxweynaha rabo in ay wax u socdaan uusan khilaafin ee uu maqlo. Waliba si dhago nugul uu u maqlo.

Somalida waxay ku maahmaadaa, Qoor xero kuma wada jirto. Taas oo micnaheeda yahay, waa in wada tashi ka dib hal Qof talada ogu dambayso uu leeyahay.

Hadii taas la waayo waxaa horumarka dalka mar walba aqabad ku noqondoonta iska hor imaadka Madaxweynaha & Ra,isalwasaarahiisa.

Salaad Laba imaam Ma Wada Tujin Karaan. Waa wax aan dhici karin.

Sidaas darteed laba Madaxweyne wadan ma wada hogaamiyaan.

Ogu dambayntii waxaan qormadan ku soo khatimayaa, in Barlamaanka Federaalka Somaliyeed uu sharci ka soo saaro arintan.
Taas oo ah in sharciga wax laga badalo oo Madaxweynaha Baawarkiisa loo daayo.

Si horumarinta dalka uu horay ogu socdo. Ama Ra,isalwasaaraha la baawar gareeyo oo isaga hogaanka dalka loo daayo, madaxweynahane uu noqdo mid buul ah oo sharciga kaliya ilaaliya, Ra,isalwasaarihii shacabka soo doortane uu ku dhawaaqo guushiisa, Fadhigiisuna yahay ( State House )

Dhageyso: Nicholas Kay oo amar culus kasoo saaray magacaabista wasiirada

Nairobi (Caasimada Online) – Wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho, ayaa ra’iisul wasaaaha Somalia Cabdi Weli Sheekh Axmed ku amray inuu si deg deg ah usoo magacaabo golaha wasiirada cusub ee Somalia.

Kay, ayaa sheegay in dowladda Somalia laga sugayo wax qabad, islamarkaana magacaabista wasiirada ay tahay muhiim, si howlaha badan ee u yaalla dowladda wax looga qabto.

“Waxaan sugayaa in wasiirada cusub ee Soomaaliya loosoo magacaabo waqtiga ugu dhow, waqtiga wuu dhamaanayaa, waxaana jiro shaqo badan oo dowlada la doonayo inay sameyso waxaana beesha caalamka ay doonaysaa in la bilaabo howshaasi. Waxana rajaynayaa in wasiiradaasi ay noqon doonaan kuwo awooda kuwo saaro waxa shacabka Soomaaliyeed ay doonayaan, sid dowlad wanaga, amaanka kobcinta dhaqaale, shaqooyin caafimaad, iskuulo, waxaa jiro wax badan oo u baahan in wax laga qabto waxaana dowlada ka rajaynayaa sameynta shaqo adag, ayna noqoto dowlada mideysa shacabka, kana dhigta Somalia dal xoogan.ra;isul wasaaraha talo iigama baahno waa nin qabiir ah waxaana uu in badan lasoo shaqeeyay hayado badan oo caalami ah waxaana hubaa inuu doonayo inuu shaqo weyn qabto” ayuu yiri Nicholas Key.

Halkan ka dhageyso codka Kay

kay

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

SOMALIA: XAL-XIRAN IYO XAL-RAADIN

Waa maxay xal-xiran?

Xal-xiran waa marka dadka ay ku dhagaan hal xal oo aysan raadin xal kale. Dadka markey xalka dhibaatada heli wayaan, waxaa sabab u ah in dadka u muuqdo kaliya hal-xal.

Kasoo qaad kooxda koowaad, ayaa waxay rabtaa in federal laga dhigo wadan, kooxda labaadna, waxay leedahay hal maamul aan rabnaa in uu wadanka ka taliyo. Labada kooxoodba midna ma khaldana, lakiin waxaa khaldan in ay ka dhigtaan mowqifkooda xal-xiran.

Sidaas hadey dhacdo xalkey labada kooxood raadinayeen ma suurtoobayo. xal-xiran wuxuu sii horseedayaa in xal oo dhan la waayo, sida hada wadankeena haysato.

Waa maxay Xal-raadin?

Xal-raadin waa marka labo kooxood isla fahmaan iney kala mowqif duwanyihiin, Mowqifkoodana uusan ahayn xal-xiran. (Dadka waa isku ujeedo, si kasto oo ay u kala fikir duwanyihiin.)

Kasoo qaad kooxda koowaad waxay raadinaysaa xal-waaro, waxay soo jeedisay wax noo wada xal ah ma jiraan? kooxdii labaad ayaa waxay ku jawaabtay haa wuu jiraa. Taas waxay ku tusinaysaa in labada kooxoodba yihiin xal-raadis. waxayna cagta saareen wadadii xal-raadinta, waxaa suurtogal noqoneyso iney helaan xal-waaro.

Sidaas daraadeed xal-xiran iyo xal-raadin isku meel ma wada deeqdo.

Qore: Abdiaziz Adan Hassan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Maanta maxaadan ogeyn oo ka dhacay degmada Afgooye ?

Wararka laga helaayo degmada Afgooye ee gobalka Sh/Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in saakay halkaas laga sameeyay Howlgal balaaran oo ay fulinayeen ciidamo ka tirsan kuwa DF Somalia.

Howlgalka ayaa saakay waxa uu saameyn xoogan ku yeeshay habsami u socodka isku socodka Gaadiidka iyo ganacsiga waxaana la cadeeyay in dad badan lagu soo qab qabtay.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadkaas halkaas ku sugnaa ayaa waxa ay cadeeyeen in dad aad u tira badan lagu soo qabqabtay Howlagalkii maanta kuwaas oo loo taxaabay xabsiga Afgooye.

Dhanka kale Taliska Ciidanka Afgooye ayaa wali ka war bixin qaabkii ay maanta u fuliyeen howlgalkaas balse waxaa la cadeeyay in dad badan halkaas lagu xiray.

Howlagalka maanta ayaa waxa uu ahaay mid ka duwan kii hore iyadoo lagu soo qabqabtay kooxo ku labisan dareeska ciidanka DF Somalia oo halkaas marayay.

DEG DEG: War cusub oo kasoo kodhay magacaabista golaha wasiirada iyo heshiis la gaaray

Muqdisho (Caasimada Online) –War goor dhow naga soo gaaray Madaxtooyada ayaa sheegaya in saacad kadib lagu dhawaaqi doono Golaha Wasiirada, iyadoo si rasmi ah Wariyeyaasha loogu yeeray si ay uga qeyb galaan munaasabada uu Ra’iisul Wasaaraha ku dhawaaqayo Golihiisa Wasiirada.

Xafiiska warfaafinta Madaxtooyada, ayaa sheegay in xaflada ku dhawaaqista Golaha Wasiirada ay dhaceyso goor dhow, isla markaana Ra’iisul Wasaaruhu ku dhawaaqi doono Golihiisa Wasiirada cusub.

Inkastoo uu dib u dhac uu ku yimid waqtigii la filayay in lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada oo aheyd galabta, ayaa hadana la sheegay in is mari waa adag uu u dhaxeeyay Madaxda dowladda oo ku aadaneyd qaabka soo xulista Wasiirada.

Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo Afhayeenka Baarlamaanka ayaa kulamo gaar gaar ah tan iyo galabta ku qaadanayay Madaxtooyada, iyadoo ugu dambeyn kala aragti duwanaan kadib kulamadaas ay ka soo baxeen is faham.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku qul qulaya hoolka ay ka dhaceyso xaflada ku dhawaaqista Golaha Wasiirada, iyadoo ay dhaceyso xilli habeen ah.

Sidoo kale waxaa xarunta Madaxtooyada ku sugan xubnaha Golaha Wasiirada oo loo diyaariyay kuraas gaar ah, si ay goob joog ugu noqdaan xaflada.

Xilligan oo ay saacada Muqdisho ay tahay 10-ka fiidnimo ayaa ugu dambeyn laga yaabaa in Golaha Wasiirada lagu dhawaaqo 11-ka Habeenimo, sida ay sheegayaan wararka aanu ka heleyno xarunta Madaxtooyada oo ay iminka ka socoto qaban qaabada Xaflada.

Magacaabista Golaha Wasiirada ayaa noqoneysa tii ugu adkeyd ee qaadata, muddo dheer waxaana jiray caqabado ku hor-gudbanaa iyo murano la xiriiray habka awood qeybsiga Wasaaradaha muhiimka.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe insha Allah.

Isha: Jowhar

Daawo Sawirrada: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Villa Somalia ku qaabilay…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya ayaa maanta waraaqaha diblomaasiyadeed ka guddoomiyey safiirka cusub ee dalka Faransiisku u magacaabeen Soomaaliya, Ambsador Rémi Marshals

Madaxweynaha ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyey xafladdii soo dhaweynta sheegey in tani ay tahay calaamad kale oo muujineysa sida dalka Soomaaliya uu dib ugu soo kabsanaayo, kuna soo laabanayo nolol caadi ah, isla markaana uga mid noqonayo caalamka.

Safiirka faransiisku u soo magacaabeen Soomaaliya ayaa sidoo kale kulan la qaatey raysalwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed, waxaana labada dhinac ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo isbedaladii u danbeeyey ee Soomaaliya.

Safiirka cusub ee faransiiska Rémi Marshals ayaa ah Safiirkii Kenya u fadhiyey dalka Kenya, waxaana shaqadiisi loogu darey tan Soomaaliya.

6478

Xog: R/W Cabdi Weli oo shirqool adag lala damacsan yahay (Yaa wada?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii  ay magaalada Muqdisho kulan xasaasi ah kuyeesheen ayaa Xildhibaanadii shalay laga cod badiyay, waxa ay soo saareen digniin culus, ayaga oo shaaciyey shirqool ay la damacsan yihiin ra’iisul wasaare Cabdi Weli iyo wasiirada uu soo dhisi doono.

Qaar ka tirsan Xildhibaanadaas oo la hadlay Warbaahinta ka dib markii uu oo gabagaboobay kulankii shalay ayaa waxa ay sheegeen in si sax ah looga cod badiyay balse waxa ay sheegeen in ay doonayaan sidii lagu ansixin lahaa Wasiirada.

Xildhibaanadaan ayaa sheegay in shalay tiradooda ay ku dhaweyd Boqol sidaas darteed ay ku soo biiro doonaan Xildhibaano soo waayo Xilka Wasiirnimo ka dibna ay sidaas codka ugu diidi doonaan.

Xildhibaanadaan oo ay caro ka muuqatay ayaa waxa ay sheegeen in Ciyaar ay tahay galinka danbe sidaas darteed iyaga ay balan qaadayaan in ay is hortaagi doonaan in codka Kalsoonida la siiyo xukuumada oo soo dhisi doono RW C/wali Sheekh Axmed.

Si kastaba Xildhibaanadaan ayaa waxa ay ahaayeen kuwa maalinti shalay looga adkaaday mooshin ay ka keeneen in golaha Wasiirada Cusub ee soo socota aysan ka mid noqon wasiiradii la soo shaqeeyay RW  Saacid.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Video: Muqdisho iyo nolosha cusub

Caasimada Online: Muqdisho waxeey dib u heshay Bilicdii Bariisamaadka & Adeegii asaasiga ahaa ee lagu garto in uu wadanka luu yahay Nidaam Dowladeed ee laga amar qaato.

Wadooyinka Muqdisho waxaa ka jiro arimo waa hore ugu dambeeyay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, Balse qofw alba markuu arko Muuqaalkani waxuu dareemayaa in Wadanka Somalia uu dib cagahiisa ugu istaagay Sanado badan kadib ee nala daawo muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Wada-hadallada Somalia iyo maamulka S/Land oo dib uga furmaya Istanbul

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa u ambabaxay dalka Turkiga oo beri la filayo in ay ka furmaan wejiga Shanaad ee wada hadalada labada dhinac lagu dhex dhexaadinaayo.

War qoraal ah oo lagu soo daabacay bogga safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay wada-hadallada ka furmi doonaan magaalada Istanbul berri oo Khamiis ah, ayna socon doonaan ilaa maalinta Sabtida ah.

Wafdiga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa hoggaaminaya sii-hayaha Wasiirk arrimaha Gudaha C/kariin Xuseen Guuleed oo sheegay in uu rajo weyn ka qabo in wada-hadallada, labada dhinac ay ku han weyn yihiin in natiijo fiican ay ka soo bixi doonto.

Dhinaca kale waxaa xalay magaalada Addis Ababa ka ambabaxay wafdi ballaaran oo ka socda Maamulka Somaliland, waxaana wafdiga Somaliland hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland waxa uu sheegay in guddidani wakiil ka yihiin shacabka Somaliland sidaa awgeedna reer Somaliland meel ay joogaanba muujiyaan dedaal iyo niyad sami dheeriya, Somalilandna ay heli doonto waxay beesha caalamka ka rabto.

KASHIFAAD: Khilaafka 2 gabdhood oo bur-bur ku wada dowladda Xasan Sh.

Inta aanan u galin Burburka Dowladda Xasan Sheikh iyo meesha hada xaalku marayo, waxan rabaa inaan gadaal u laabto oo idin xasuusiyo Qoraaladeenii hore ee aan ku sheegnay Khilaafkii Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Saacid.

Khilaafkaas oo ka bilowday is-fahanwaa dhex maray Labada Gabdhood ee Saaxiibada ahaan jiray Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi iyo Wasiirad Fowsiyo Yusuf Xaaji Aadan.

Caasho Xaaji ayaa Madaxda Dowladda u keentay inay ka dhigaan Wasiirka Arimaha Dibadda Saaxiibteed Fowsiyo Yusuf, taasoo si fudud ay ku aqbaleen Ra’isal Wasaare Saacid iyo Madaxweyne Xasan Shiikh iyagoo ka fiiriyay dhowr waji, sida inay kasoo jeedo beelaha Waqooyi, iyo in wadamada Reer Galbeedku ay ku farxi doonaan in haweeney looga dhiibay wadan Islaam ah Jago sidas u weyn.

Sidii la filayay Fowsiyo magacaabisteeda waxay noqotay mid bulaasha, waxayna ku soo aaday waqti beesha Caalamku ay go’aansatay in Soomaaliya la aqoonsado.

Siyaasadda Arimaha Dibadda Soomaaliya waxay noqotay waxqabadka ugu wanaagsan ee ay ku faanto Dowladda Soomaaliya, magacii Fowsiyana cirka ayuu isku shareeray, hadaba, qof bilaabayba Labadii gabdhood waa is-qoonsadeen waana is Khilaafeen.

Ra’isal Wasaare “Saacid” oo si fiican uga talo qaata Marwadiisa Caasho Xaaji wuxu bilaabay in mar walba oo ay Wasiirad Fowsiya la tashato ama usoo bandhigto qorshe-howleedkeeda uu yiraahdo “Saaxiibtaa Caasho mala soo tashatay?! – Ama ma usoo sheegtay arinkaan?!” – Taasoo ka cereysiisay Fowsiyo Yusuf, oo kadibna u dacwootay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, halkii uu dhexdhexaadin lahaa, madaxweyne Xasan wuxu u sheegay wasiirad Fowsiyo inay hada ka dib isaga kala tashato howl-maalmeed keeda, ayna iska deyso dhinaca Ra’isal Wasaare Saacid iyo Marwadiisa.

Casha vs FowsiyaSi wanaagsan ayay iskula jaan-qaadeen Madaxweyne Xasan iyo Wasiirad Fowsiyo, safaro badan ayayna dibada u wada aadeen labadoodu. Xanaaqii iyo murugadii waxay ku wareegtay dhankii Xildhibaan Caasho iyo Ra’isal Wasaare Saacid oo u adkeysan waayay in Wasiirad Fowsiyo ay gacantooda ka baxday, kana talo qaadato Madaxweyne Xasan Shiikh.

“Meeshaas waxaa la dhihi karaa Madaxweynaha wuxuu la wareegay Shaqadii Raisul Wasaaraha, Raisul Wasaarahana ma laheyn Awood uu ku difaacdo Xafiiskiisa” Ayuu yiri Sarkaal lasoo shaqeeyay Madaxweynaha iyo Raisul Wasaare Saacid, oo aan Arintaan kala hadalnay.

Sida aan Qoraaladeenii bishii hore ku sheegnay Xildhibaan Caasho Xaaji Cilmi waxay kulamo la qaadatay Xildhibaanada beelaha Isaaq oo ay u bandhigtay sida Wasiiradii ay iyadu keentay ay ugu abaal-guday iyada iyo seygeeda Ra’isal Wasaare Saacid. Kulamadaas wax natiijo ahi kama soo bixin, Wasiirad Fowsiyana waxay dhagaha ka fureysatay Ra’isal Wasaare Saacid iyo Xil. Caasho, taasoo gaartay heer aysan Fowsiyo kasoo qeyb galin Shirarka Golaha Wasiirada oo Khamiis walba lagu qaban jiray xafiiska Ra’isal Wasaaraha.

Marka ay talo faraha ka baxday, ayna adkeysan waayeen Ra’isal Wasaare Saacid iyo Marwo Caasho Xaaji Cilmi, waxay go’aan ku gaareen inay isku-shaandheyn ku sameeyaan Golaha Wasiirada kana reebaan Marwo Fowsiyo Yusuf X. Adan iyo saaxiibada kale ee Madaxweyne Xasan Shiikh, waana talaabadii ay ka dhalatay in xilka laga qaado Ra’isal Wasaare Saacid.

“Aan ka Aarsano” miyee gaartay?

Waatan Soomaalidu ku maahmaado “Rag ciil, cadaab buu ka doortay” – Mudane Saacid iyo Marwo Caasho, wali ma sabrin, waxayna go’aansadeen inay la haraan Marwo Fowsiyo Yusuf Xaji Adan oo ay marto wadadii la marsiiyay Ra’isal Wasaare Saacid.

Nasiibwanaag waxa usoo gacan gashay fursad qaali ah, waxaana Ra’isal Wasaare cusub laga dhigay Nin ay qaraabo iyo Saaxiibo dhow yihiin Saacid, oo ah C/wali Shiikh Axmed. Labadan mas’uul ayaa Saaxiibo ahaa mudo ka badan 40 Sanno waxayna waxbarashadooda ku wada dhameysteen Jaamacadii Umadda, kadibna waxay shaqooyin sarsare ka heleen dowladii adeerkood Max’ed Siyaad Barre.

Waxaa laga dhaadhiciyay Ra’isal Wasaare Cabdiwali inuu ka reebo Wasiiradiisa Marwo Fowsiyo Yusuf, wuxuuse kula taliyay in marka hore ay cod aqlabiyad ah ka keenaan xubnaha Xildhibaanada beelaha Isaaq ugu jira Baarlamaanka.

Marwo Caasho Xaaji ayaa dhabarka u ridatay mas’uuliyadaas, waxayna casumaad u sameysay dhamaan Xildhibaanadii beelaha Isaaq, halkaasoo ay ugu qeybisay qofkiiba $3.000 (Saddex Kun oo Dollar), sida ay xaqiijiyeen Xildhibaanno, wuxu Ra’isal Wasaare C/wali Sh. Axmed ugu badalay booskii Fowsiyo Nin lagu magacaabo Yusuf Ibraahim Kaahin.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud ayaa arinkaas diidmo ka muujiyay, waxaana baaritaan dheer kadib Maalintii Shalay aheyd la ogaaday Qorshaha ay iska kaashadeen Ra’isal Waraayaal Saacid, C/wali iyo Xil. Caasho Xaaji.

Waxa nasoo gaaray in Xildhibaanadii Beelaha Isaaq ay kulan raali galin ah la qaateen Marwo Fowsiyo Yusuf Xaaji Aadan kana cudurdaarteen talaabada ay qaadeen. Kulankaana wuxu hub cusub u noqday Madaxweyne Xasan Shiikh oo Dagaal kula jira Ra’isal Wasaaraha cusub ee aan wali shaqo-bilaabin, waxayna kulamo hoose ka leeyihiin sidii dib loogu soo celin lahaa Marwo Fowsiyo Yusuf X. Aadan.

Madaxweyne Xasan Sh. oo ku Socda Wadadii C/llahi Yusuf (AUN)

Laakin gaashaan-buurta kasoo horjeeda Madaxweyne Xasan Shiikh iyo saaxibadiis ee ay hogaaminayaan Ra’isal Wasaare C/wali, Saacid iyo Caasho Xaaji waxay soo dhaqaajiyeen Moshin cusub oo ay baarlamaanka ku horkeenayaan qorshe lagu diidayo in Wasiirada cusub lagu soo daro Wasiiradii hore ee dowladii Ra’isal Wasaare Saacid, inkasta oo uu fashilmay.

Qorshahaan oo aan la ogeyn sida uu u hirgali karo ama sharciyad uu u leeyahay ayaa wuxuu cadeyn u yahay burbur iyo kala tag ay wajiga saartay dowladii loo han-weynaa, waxaana muuqata in Madaxweyne Xasan Shiikh uu durbadiiba ka shalaayay magacaabista Ra’isal Wasaare C/wali Sh. Axmed.

Dadka u kuurgala Siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu ku socdo wadadii Madaxweyne Cabdullahi Yusuf oo inta uu iska ceyriyay Ra’isal Wasaare daacad u ah (Cali Maxamed Geedi) keensaday Ra’isal Wasaarihii kursiga ka tuuray (Nuur Xasan Xuseen Cadde).

Sida Arimuhu u socdaan iyo talaabooyinka uu qaadayo Madaxweyne Xasan Shiikh waxay ka turjumeysaa Khibrad yaridiisa Siyaasadeed iyo Latalin-tiisa liidata oo uu ku aaminay Dhalinyaro ku cusub Saaxada Siyaasadda Soomaaliya oo ay markii ugu horeysay kusoo biireen muddo Sannad aan ka badneyn.

Isha: Kyedmedia

Xog: Maxaa ku dhegan magacaabista golaha wasiirada cusub ee Somalia?

Waxaa dad badan oo Soomaaliyeed ay aaminsanaayeen in Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya oo ah dowlad rasmi ah ay aad uga duwanaan doonto, maamuladdii ku meel gaar-ka ahaa ee dalka soo maray oo qibrad ahaan laga bartay qilaaf iyo is qabqabsi madaxda sarre oo ku dhamaada faragellin shisheeye iyo fool xummo.

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo xilka loo magacaabay 12-kii bishii tagtay ee dabayaaqadii sanadkii aynu kasoo gudubnay ayay ku adkaatay inuu soo magacaabo Xubnaha golaha wasiirada Xukuumadiisa kamid noqonaya kaddib markii uu hareeyay kala aragti duwanaan haysta dhinacyada doonaya inay kamid noqdaan golaha Wasiirada iyo cadaadisyo uga imaanaya dhinacyo kala duwan.

Cabdiweli ayaa Baarlamanka Soomaaliya ka codsadeen inuu Wasiiradiisa kusoo dhiso muddo ku siman ilaa 10-ka bishan, wallow ay arintaasi suuragalin haddana Xildhibaanada ayaa markale codsi uga yimid Ra’iisul Wasaaraha ugu daran muddo dhowr cisho ah oo imika uga harsanyihiin maalmo kooban.

Sideedaba mas’uliyiin wada shaqeeynaya oo xil ka saran yahay dal iyo umad ay mas’uuliyad u qaadeen waa la filan karaa in ay isku qabtaan arimaha Siyaasada balse waxaa dad badan oo Soomaaliyeed layaab ku noqotay in la lagu faragaliyo Ra’iisul Wasaaraha dhismaha Xukuumadiisa taasoo keentay in Muddo ku dhow bil dib u dhac ku yimaado.

Dhibaatada ugu daran ee haysta soo magacaabista Golaha Wasiirada ayaa ah in Xukuumadda cusub lagu soo daro golihii Wasiirada Xukuumadii Saacid taasoo keeni karta in Baarlamanka Soomaaliya uusan kalsooni uga helin Ra’iisul Wasaare Cabdiweli golaha Wasiirada uu soo dhisayo.

Xildhibaano gaaraya ilaa 113-Xildhibaan ayaa u codeeyay in meesha laga saaro mooshinkii hore loo soo gudbiyay ee ahaa in aysan soo laaban Wasiiradii katirsanaa Xukuumadii Saacid halka ay diideen in mooshinka la laalo ilaa 99-Xildhibaan, waxaa sidoo kale ka aamusay ilaa 6-Xildhibaan, waxaana marka aad fiiriso Codka lagu kala baxay  oo tiro isku dhow ah inuu samayn ballaaran ku yeelan doono Xukuumadda.

Cabdiweli Sheekh Axmed ayay haystaa dhibaatada ugu badan ee dhinac walba ka imaanaysa marka la fiiriyo Cadaadiska uga imaanaya Baarlamanka, iyo damaca Madaxwaynaha ee ah inay Xukuumadda cusub kasoo dhex muuqdaan Wasiiradii hore ee ay isku dhawaayeen.

Sida aan la socono Madaxtooyada , xafiiska Ra’isul wasaaraha, iyo Baarlamankuba sannadki la soo dhaafay waxaa lagu xamanayay inay isku milmeen, waxa isku milankaas keenaya ma’ahan danta Qaranka oo la eegayey ee waa is faham dhexmaray mas’uuliyiinta sare oo isku tanaasuleeysay, dabcan qofna kama qarsooneyn cidda inta badan u muuqatay inay lahayd dulqaadka lagu wada socday, waxaase la filayay Ra’iisul Wasaaraha cusub isagoo ka duulaya arintaasi inuu la yimaado go’aan adag oo kusoo dhisayo Xukuumadiisa si ay u noqdaan kuwa isaga amarkiisa qaata balse aan hoostagin Xafiiskale.

Hadaba la arki doono go’aanka uu ka qaato Cabdiweli Sheekh dhismaha golihiisa Wasiirada waxaana dad badan oo Soomaliyeed sheegeen in lagu qiimayn doono Ra’iisul Wasaaraha cusub tilaabada koowaad ee uu qaado taasoo noqon doonto Dhismaha golaha Wasiirada.

Isha: k24

Afar-Iridoodka siyaasadda!!! (Q.1-aad)

Xaajooyinka badankoodu waxay leeyihii 4 albaab oo waawayn sida jahooyinka, ama sida barta ay laba wado iska gooyaan oo kale. Markaa, waxaynu oran karnaa siyaasadda lafteedu waxay leedahay afar-iridood oo laga cabir qaadan karo marka go’aan siyaasaddeed la gaarayo, islamarkaana ay muuqato meesha cid walba loogu soo hagaagayo.

Macallin baa beri noo sheeggay in mushkilad walba lagu xalin karo ilaa 12 hab oo kala gaddisan. Wuxuu noogu sii daray, in sababta aan xalalkaas badankooda loo isticmaalini tahay iyadoo aan garashada aadamuhu gaarsiisnayn inay wada arkaan dhammaan xalalka oo dhan waayo buu yiri waxaynu isticmaallaa in ka yar 10% oo maskaxdeena ah. Haddaba, inkastoo aragtidaa 10% ahayd ee uu markii hore soo jeediyay Prof. William James, markii dambana uu sii buunbuuniyay Dale Carnegie la iskaga daba yimi oo dood badan laga keenay, haddana la iskuma khilaafsana in wax badan oo maskaxdeena ka mid ah aynaan ka faa’iidaysan.

Haddaad u fiirsato xisaabta waxaad arkaysaa in Jidka-saableey, Isirayn, iyo Dhamaystirka-Labajibaarane uu maxsuulkoodu isku wada mid yahay, in kastoo ay soo marraan wadooyin iyo habab aad u kala duwan. Sidoo kale ciidamada Mariines-ka ee Maraykanka waxaa lagu tabobarraa in haddii derbi ka hor yimaaddo 1- inay dhicanyada ka dhaafaan, haddayse taasi suurtoobi waydo, 2- inay kor ka marraan, hadday suurtoobi waydana 3- inay hoos ka marraan, haddayse intuba suurtoobi waayaanna 4- inay derbiga laftiisaba burbiriyaan.

Tani waxay ku tusaysaa in maskaxda ardayga xisaabta dhigganaya iyo Marines-ka labadaba loo carbinayo inay meello kala duwan xal helista ka raadiyaan, ee aanay isku soo koobin hal darriiqo oo kaliya.

Haddaba, bal aynu milicsanee, horta qof kasta oo shay/wax aad aaminsan tahay ka soo horjeeddaa ma cadawgaa baa? Mise waxaa jira siyaabo kale oo aad weli ku wada shaqayn kartaan qofkaad mas’alo isku khilaafsan tihiin? Waxaynu mar walba maqalaa maahmaahda oranaysa, “cadawgaaga cadawgiisu waa saaxiibkaa,” haddaba arintu ma sidaas uun baa? Mase dhici kartaa inaad hesho waddo kale oo intaaba ka sii duwan?

Bal kasoo qaad in: 1- qofka dhammaan waxaad aaminsan tahay kula wada qabbaa uu yahay walaalkaa (100%), 2- qofka waxaad aaminsan tahay badankooda aaminsanina yahay saaxiibkaa (66%), 3- qoka waxaad aaminsan tahay qaybo ka mid ah aad isku mid ka tihiinna yahay rafiiqaa (33%), 4-qofka waxaad aaminsan tahay gabbi-ahaantoodba ka soo horjeeddaana yahay cadawgaa (0%). Markan waxaad heshay afar albaab oo aad ku halbeegto qofka siyaasad ahaan waxaad isu tihiin iyo inta aad mabd’a ahaan isu jirtaan.

Kolkaa waxaa dhici karta inaad is tiraahdid cadawgaaga cadawgiisu sadexda albaab ee hore (walaalkaa, saaxiibkaa iyo rafiiqaaa) midkood uun baa laga yaabaa inaad ka hesho, waayo koleyba waxaa jirta sababta ay iyaga laftoodu isku qabteen. Waxase la arkaa in xaajadu sidaas ka sii duwan tahay oo waxay labadani ku colloobeen iyo waxaad adinku isku haysaan ayba kala jaad yihiin.

Dhinac kale hadaynu ka eegno, Al-qaacida waxay neceb tahay Maraykanka, Iiraanna waxay neceb tahay Al-qaacida, haddana iyagoo labadooduba Alqaacida wada neceb ayaanay saaxiib iyo rafiiq-toona ahayn. Hadda garo’oo sababta ay u wada neceb yihiin waa isku mid oo labadooduba dhibaato xagga amnigooda ah ayay uga cabsi qabaan Alqaacida.

Sababta aanay labadaasi dal isaga-kaashan Alqaacida (si waadix ah) waxaa lagu fasiri karaa in Iiraan iyo Maraykanka labaduba cabsida ay ka qabaan aanu gaarsiisnayn heer aad u sareeya oo ay uga welwel qabaan inay dawladnimadooda gebi-ahaanba burburiso. Waxay og yihiin in mid waliba collaada kaga timaada Alqaacida uu goonidiisa u maarayn karo. Haddiise heer-kulka xumadoodu gaari lahayd 100 digrii danta ayaa isku khasbi lahayd, wayna u midoobi lahaayeen.

Halkaasna waxaa inooga cadaatay in cadawgaaga-cadawgiisu mararka qaarkood aanu xataa rafiiqnimo ku haboonayn, waayo farqiga kale ee idiin dhexeeya adiga iyo ‘cadawgaaga-cadawgiisa’ ayaa laga yaabaa inuu kasii baaxad weyn yahay cadaw-yaraha aad wadaagtaan.

Haddaba, haddii ‘cadawgaaga cadawgiisu’ mar walba ahayn albaabkaaga 2aad ama 3aad (saaxiibka ama rafiiqaa) oo lagaba yaabo inuu yahay albaabkaaga 4aad (cadawga rasmiga ah). Waxaad u baahan tahay inaad indhahaaga furto oo aad si qoto dheer u deristo marka hore waxa himilladaada ugu foggi tahay. Markaad baahidaada dhabta ah ogaato kadibna aad doon-doonato cida aad isku-jaal noqon kartaan. Sidaas darteed, waxa mar walba loo baahan yahay, inaad ugu horayn kobciso himiladaada fog ee aanad xoogga saarin ku mashquulista caqabad maalmeedka yaryar ee markaas uun ku hor taaggan.

Haddaad u fiirsato, si sahlan ayaad u arkaysaa qofka doonnaya inuu hadaf-shaqsiyeedkiisa-soke uun xoogga saaro, isagoon wax ahmiyad ah siinayn danta guud ee ummadda. Tusaale ahaan, nin ka mid ahaa dagaal oogayaashii Soomaaliya ayay idaacadi waydiisay, “inay muhiim tahay in dadka shacabka ah la laayo?” wuxuuna ku jawaabay “shacabka waa la laynayaa hadday muhiim noqoto.” Bal u fiirso, ninkaasi wuxuu leeyahay haddii dantayda-dhaw shacabku is hor taagaan, waan xasuuqayaa si aan maqaam-maalmeedkayga u gaaro.

Ninkan fikirkiisa waxaa laga yaabaa inaad ku qososho markaad maqasho, haseyeeshee, waa qof si daacad ah u sheegay dareenkiisa gurracan, wixii ubucdiisa ku jirayna banaanka u soo dhiggay si qaawan oo aan aftahanimo badan lahayn. Markaadse hadalkiisa sii dhuuxdo waxaa kuu baxaya in badanaaba dagaal oogeyaashu sidaas la qabeen, laakiin idaacadaha qaabkan oo kale uun uga baahin jirrin.

Waxay naaxinayeen rabitaankooda dhaw, waxayna gawracayeen masiirka fog ee ummadda. Waxaase ayaan darro weyn ahayd in dad badan oo qaab qabiil wax loogu sheegay kula safnaayeen arragtidaas liiddata islamarkaana ay sacabka ugu tumayeen.

Tani waxay ka dhigan tahay, digaagadii maalin walba ukunta dahabka ah dhali jirtay, ee ninkii lahaa isagoo lacagteedii ka dhargey lagula taliyay inuu qallo oo dahabka meeshuu ka soo burqanayo ugu taggo. Si uu hal mar kuus weyn oo dahab ah uga helo. Markuu digaagadii qalayna waxba kamuu helin caloosheedii aan ka ahayn dhiig iyo xinjiro fadhfadhiya. Halkaasuuna ninkaasi ku dahab iyo digaagadba seeggay.

Haddaba, waxaa habboon in aad gees walba ka eegtid dhammaan 4ta albaab ee siyaasadda, adigoo waliba tixgelinaya himiladaada fog, ta walaalkaa, ta saaxiibkaa, iyo ta rafiiqaaga siyaasadeed intaba. Ogowna, cidkasta oo xoogga saarta rabitaankeeda dhaw iyadoo dayacaysa himillada guud in aanay wax liibaan ah ka gaarin wakhtiga durugsan ee raandhiiska leh. Ummaddana halaag, fawdo, iyo qaran-jab ayuun bay taasi gayaysiisaa.

La Soco Qaybaha Dambe ee Afar-Irdoodka Siyaasadda.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

W/Q: Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Assad)
Barmaamijkii Murtisoor. Facebook.com/murtisoor
Facebook: Axmed.Assad, Twitter: Axmed.Assad
Email: [email protected]

Madaxweyne Gaas oo xil magacaabisti ugu horeysay sameeyey (Warbixin)

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland u Magacaabay Dr Deeq Suleymaan Yusuf.

Ku Saabsan Deeq

Agaasimaha Cusub ee Madaxtooyada ayaa ah Aqoonyahan ku Takhasusay Cilmiga Bulshada waxaana Seddex Degree oo labo ay tahay Master’s Level uu ka qaatay Dalka Ingiriiska gaar ahan Magaalada London.

Waxaana uu si gaar ah u bartay BA (HONS) Social Welfare- Brunel London University, Masters Degree in Refugee Studies University Of East London, Masters Degree Social Work Brunel University London UK.

Agaasimaha Madaxtooyada Puntland, Deeq Suleymaan Yusuf
Agaasimaha Madaxtooyada Puntland, Deeq Suleymaan Yusuf

Deeq wuxuu la soo Shaqeeyay Institute Of Peace and Security Studies oo kamid ah Jamacadda Addis Ababa iyo African Union Qaybta Peace And Security Programme Expert Consultant oo uu u qabilsana Cilmi baarista dib u xasilinta Dalka Somalia.

Dr. Deeq wuxuu ka soo shaqeeyay Dalka Ingiriiska isagoo ka soo qabtay Xilal ay kamid ahayeen Senior Social Worker, Senior Substance Misuse Practitioner, Care Manager, Senior Care Coordinator, Senior Mental Health Practitioner, Senior Community Development Officer.

Sidoo kale Deeq wuxuu ahaa lataliyaha Raisulwasarihii hore ee Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Arrimihii Road Map-ka Gaar ahaan Maamul Wanaagga.

Deeq wuxuu sannadihii ugu Dambeeyay u ku sugna Dalka isagoo Go’ansaday in Dadkiisa iyo Dalkiisa uu wax u qabto.

Video: Dhacdo la yaab leh oo qabsatay darawal Somali ah (Jinni mise Insi)

Caasimada Online: Mid ka mid ah Dhalinyarada Soomaalida ah ee ka shaqeeya Wadanka Mareykanka laguna magacaabo Abdullahi Aadan Qardo-Jeex ahna wada Gawaarida Xamuulka ee isaga kala goosha Gobolada Wadanka Mareykanka ayaa qabsatay Dhacdo Cajiib ah oo kaa nixin doonto.

Darawalkaan ayaa waxuu la kulmay Sheeko qofkii maqla ka naxaya marna ku qoslaya marka aad si fiican u dhuuxdo ee nala daawo anoo idiin sii qarinaya.

HALKAAN KA DAAWO: 

 

Ciidamada DF oo gacanta k soo dhigay Askariga Gacan ku dhiigle ahaa

Wararka laga helaayo degmada Afgooye ee G/Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaas shalay ilaa iyo xalay ay ka socotay Howlgal lagu baadi goobaayay askari dilay qof  dumar maalintii shlay eheyd.

Sida uu xaqiijiyay Ku simaha gudoomiyaha Degmada Afgooye ahna gudoomiye ku xigeenka dhinaca Amaanka Mahdi Axmed Xasan ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen Askarigii dilka geystay.

Mahdi Axmed Xasan ayaa sheegay in ciidamada Booliiska iyo kuwa Nabad sugida ayaa iska kaashadeen sidii loo soo qaban lahaa askarigaan balse xalay saqdii dhexe ay ku guuleysteen gacan ku dhigistiisa.

Dhanka kale Mahdi Axmed Xasan ayaa sheegay in falkaan uu dhacay ka dib markii shala Suuqa Afgooye ay isku rasaaseeyeen Askarigaan iyo mid kale ,balse xabad oo riday Askarigaan ay u dhimatay qof dumar ah oo suuqa ka adeeganeysay.

Taliska Ciidanka Afgooye ayaa sheegay in ay Maxkamad la soo taagi doono Askarigaan si loo xukumo ayna ku qanci doonaa ehelada ay laga dilay qofkaas haweyneyda ah.

 

Kenya oo maxkamadeeneysa Soomaali

Wararka laga helaayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaas maanta Maxkamad lagu saari doono afar ruux oo Somali ah kuwaas oo loo heysto weerarkii West Gate Mall.

Afartaan dhalinyaro ayaa waxaa gacanta ku soo dhigay ciidanka Kenya iyaga oo joogay Nairobi waxaana lagu eedeeyay in weerarkaas ay ku lug lahaayeen balse  iyaga ayaa iska fogeeyay waxa ayna ku sheegeen been abuur.

Maxkamada Kenya ayaa horay u diiday in ay si damiin ah ku sii deyso dhalinyaradaan,waxaana tan iyo markaas lagu haayay xabsi ku yaala Nairobi iyaga oo aan lagu heyn wax cadeemo ah .

Maxkamada Kenya ayaa laga sugayaa in ay sii deyso ama ay xukunto afartaan wiil e Somalida ah kuwaas oo bilooyin ku jira xabsiyada dalka Kenya.

Ugu danbeyntii qareenka u doodaayo ayaa waxa uu muujinayaa in ay u badan tahay in afartaan ruux ay Maxkamada siideyso maadaama aysan jirin cid ku cadeyn karta kiiska loo heysto.

Gaas oo magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada Puntland

Madaxweynaha Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland u Magacaabay Dr Deeq Suleymaan Yusuf.

Qoraalkan oo u qornaa sidatan ayaa naga soo gaarey xafiiska Madaxweynaha cusub ee Puntland C/wali Gaas.

**Ku Saabsan Deeq**

Agaasimaha Cusub ee Madaxtooyada ayaa ah Aqoonyahan ku Takhasusay Cilmiga Bulshada waxaana Seddex Degree oo labo ay tahay Master’s Level  uu ka qaatay Dalka Ingiriiska gaar ahan Magaalada London.

Waxaana uu si gaar ah u bartay BA (HONS) Social Welfare- Brunel London University, Masters Degree in Refugee Studies University Of East London, Masters Degree Social Work Brunel University London UK.

Deeq wuxuu la soo Shaqeeyay Institute Of Peace and Security Studies oo kamid ah Jamacadda Addis Ababa iyo African Union Qaybta Peace And Security Programme Expert Consultant oo uu u qabilsana Cilmi baarista dib u xasilinta Dalka Somalia.

Dr. Deeq wuxuu ka soo shaqeeyay Dalka Ingiriiska isagoo ka soo qabtay Xilal ay kamid ahayeen Senior Social Worker, Senior Substance Misuse Practitioner, Care Manager, Senior Care Coordinator, Senior Mental Health Practitioner, Senior Community Development Officer.

Sidoo kale Deeq wuxuu ahaa lataliyaha Raisulwasarihii hore ee Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Arrimihii Road Map-ka Gaar ahaan Maamul Wanaagga.

Deeq wuxuu sannadihii ugu Dambeeyay u ku sugna Dalka isagoo Go’ansaday in Dadkiisa iyo Dalkiisa uu wax u qabto.

Faroole: “Dadka rabay in aan meesha ka baxo ha ogaadaan mid iga daran in uu u yimid maamulka PUNTLAND”

Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynihii horre ee maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo maanta khudbad ka jeedinayay munaasabad uu xilka ku wareejinayay madaxweynaha cusub, Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa ka hadlay arrimo badan.

Nuxurka khidbadda Faroole.

Faroole ayaa ugu horreyn soo dhaweeyay madaxweynaha cusub ee xilka maanta la wareegay, wuxuuna sheegay in wax badan ka qaban doono wax yaabihii uu so qabtay shantii sanno ee uu xafiiska joogay.

Wuxuu tilmaamay in uu wax badan oo xagga horrumarka ah ay qabatay dowladiisa, kuwa kalena ay u dhinaayeen,laakin waxaa qaban doona madaxweynaha cusub” ayuu yiri.

Faroole ay xusay in uu wax ka qabtay arrimaha ammaanka, burcad-badeeda iyo in uu dhisay xarumo muhiim ah oo ay ka mid tahay madaxtooyada Puntladn iyo xabsiyo loogu talagalay burcad-badeeda.

Wuxuu caddeeyay in hal qof oo burcad-badeed ah uusan xilligan joogin deegannada Puntland isla markaana wax markab ah lagu heesan “Gobalo kale ayaa nagala wareegay arrintaas oo burcad-badeeda ay saldhig ka dhigreen” ayuu yiri.

Faroole ayaa u mahad celiyay taageerayaashiisa doonaya in uu xafiiska ku soo laabto markale, isagoona intaas ku daray in uu ku qanacsan yahay halka cod ee looga adkaaday.

Anniga iyo Cabdiweli isku mid ayaa nahay.

Faroole ayaa sheegay in uu ogyahay dad badan oo diiddanaa isaga in uu soo laabto, balse wuxuu carabka ku adkeyayin ciddii ku faraxsanayd in meesha la iga saaro ha ogaadaan in uu yimid mid anniga iga daran, oo aqoon iyo waayo aragnimo u leh arrimaha Puntland” ayuu yiri.

Waxa uu hadalkaas ula jeeday oo uu ku duray dadka kasoo horjeeda Puntland, oo sida Faroole u sarbeebay ay bixitaankiisa u arkeen mid fashilin donta Puntland.

Wuxuu madaxweynaha cusub uu kala dardaarmay in uu ka shaqeeyo siddii uu dhaqan gali lahaa nidaamka fedaraalka maadama Puntland ay hooyo u tahay ayuu yiri soo celinta Soomaaliweyn.

“Waa in aad ka shaqeesaa siddii uu dhaqan gali lahaa nidaamka fedaraalka iyo in la dhameeto dastuurka dalka maadama Puntland arrimahaas ay hooyo u tahay” ayuu yiri.

Dhinaca kale, madaxweynaha cusub markii uu xilka la wareegay wuxuu durba badalay agaasimihii madaxtooyada, isagoona u magacaabay shakhsi cusub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Goobaha ganacsiga & waxbarashada Guriceel oo loo xiray arrin muhiim ah

Guriceel (Caasimada Online) Magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud ayaa maanta waxaa lagu qabtay munaasabad lagu weynaynayo xuska dhalashada Nabigeenna Muxammed (NNKH).

Dhammaan waxaa la xiray goobaha ganacsiga, iyo wax barashada magaalada, waxaana dadka ay isugu soo baxeen wadooyinka iyagoo ka qaybgalaya xuska oo uu soo qaban qaabiyay culimaa’uddiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo maamulka Guriceel.

Guddoomiyaha degmada Guriceel Cismaan Nuur Taardhuleed oo ka ha hadlay munaasabada ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la weyneeyo dhalashada Nebiga (NNKH).

Culimaa’uddiin ay ka mid ahaayeen Sheekh Maxamed Jaamac  Yare iyo Sheekh Maxamed Cali Xasan ayaa la hadlay dadweynaha ka qeyb galay xuska, waxayna ka sheekeeyeen taariikhdii Nebiga iyo dedaalkii uu u galay fidinta diinta Islaamka.

Inta ay socotay xafladda waxaa la adkeeyay ammaanka magaalada Guriceel waxaana la joojiyay gaadidka magaalada sidda ay lee yihiin wariyaasha ku sugan magaaladaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]