28.4 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

Goobaha ganacsiga & waxbarashada Guriceel oo loo xiray arrin muhiim ah

Guriceel (Caasimada Online) Magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud ayaa maanta waxaa lagu qabtay munaasabad lagu weynaynayo xuska dhalashada Nabigeenna Muxammed (NNKH).

Dhammaan waxaa la xiray goobaha ganacsiga, iyo wax barashada magaalada, waxaana dadka ay isugu soo baxeen wadooyinka iyagoo ka qaybgalaya xuska oo uu soo qaban qaabiyay culimaa’uddiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo maamulka Guriceel.

Guddoomiyaha degmada Guriceel Cismaan Nuur Taardhuleed oo ka ha hadlay munaasabada ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la weyneeyo dhalashada Nebiga (NNKH).

Culimaa’uddiin ay ka mid ahaayeen Sheekh Maxamed Jaamac  Yare iyo Sheekh Maxamed Cali Xasan ayaa la hadlay dadweynaha ka qeyb galay xuska, waxayna ka sheekeeyeen taariikhdii Nebiga iyo dedaalkii uu u galay fidinta diinta Islaamka.

Inta ay socotay xafladda waxaa la adkeeyay ammaanka magaalada Guriceel waxaana la joojiyay gaadidka magaalada sidda ay lee yihiin wariyaasha ku sugan magaaladaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Mooshinkii fashilmay oo ay kusoo korartay arrin cusub oo hor leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta laalay oo sharci darro ku tilmaamay motion dalbayay in wasiiraddii xukuumaddii Saacid laga reebo golaha wasiiradda ee cusub.

Xubnaha baarlamaanka ayaa 113 mudane waxay u codeeyeen oo ay oggolaadeen mooshin ajandaha ka saarayey mooshinka koowaad ee la doonayye in lagu horistaago dib usoo magacabaista wasiirrada xukuumadii Ra’iisul Wasaare Cabdi Faraax Shirdoon Sacaid. 99 xildhibaan ayaa diiday mooshinka labaad.

Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriye
Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriye

Si kastaba Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo kamid ah Mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya ee waday mooshinkii looga soo horjeeday soo noqoshada xubnihii golaha wasiirada Xukuumadii hore ayaa sheegay inuu go’aankoodii ku aadanaa inay Mooshinka ka keenaan uu wali meeshiisii taaganyahay

Shuuriye oo waraysi siiyay VOA, ayaa yiri “Mooshinkii maanta ma jabin ee kaliya Ajandaha ayaa laga saaray walina waa taaganyahay waana ku faraxsanahay sida dimuqaraadiyada leh ee codku u dhacay waana u hogaansanahay Dastuurka iyo xeer hoosaadka baarlamanka”.

Halkan ka dhageyso

shuuriye

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

2 Xildhibaan oo xog ka bixiyey sirta ka dambeysa wixii maanta ka dhacay BF

Muqdisho (Caasimada Online) Labo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay sababaha keenay in laalo mooshin laga keenay xukuumadii horre ee uu hoggaaminayay Cabduqaadir Faarax Shirdoon.

Cali Khaliif Galeyr iyo Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) ayaa VOA uga warramay wixii maanta ka dhacay xarunta baarlamaanka ee Muqdisho.

Ugu horreyn xildhibaan Cali Khaliif Galeyr ayaa tilmaamay in ayaan daro ay tahay mooshin laga keenay wasiiro horrey u dhahay waa ay fashilantay xukuumadii ay ka tirsanaayeen haddana in laga daba keeno mooshin kale.

Wuxuu xusay in arrintaas ayba ogaayeen maalmahan madaxtooyada ay wadeen olole ay ku doonayeen in lagu laalo mooshinka baarlamaanka yaalla, si loo soo celiyo qaar ka mid wasiiradii horre, “Laakiin looba joogo marka la keeno baarlamaanka iyagoo wasiiro” ayuu yiri.

Ugu dambeyn ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Cali Khaliif Galeyr ayaa ku celceliyay in uusan dooneynin in wax ka sheego ra’iisal wasaaraha cusub maadama uu ku soo dhacay wax horrey u soo socday.

Dhinaca kale, Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) ayaa ka soo horjeestay hadalka Cali Khaliif Galeyr, wuxuuna ku tilmaamay mooshinka in markii horre uu ahaa mid qalad ah.

Wuxuu tilmaamay in xaq aysan ahayn 35-wasiir, wasiir ku-xigeen iyo agaasimayaal in aan la oran karin dhammaantood waa ay fashilmeen oo waxbo ma qaban, “Xaq ayey u lee yihiin in qof kasta oo dalka wax u qaban kara in uu soo laabto” ayuu yiri Xildhibaan Dhuxulow.

Wuxuu ku celceliyay in cid kasta oo wax qaban karta ay xaq u lee yihiin in lagu soo daro xukuumada oo cod la siin karo ayuu markale yiri.

Si kastaba, hadallada labadan xildhibaan ee kala aragtida duwan ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta 113 xildhibaan ay u codeeyeen in ajandaha laga saaro mooshinka, halka 99 xildhibaan ay u codeeyeen in mooshinka la meelmariyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maxaa kasoo baxay moooshinkii BF la horgeeyey ee wasiirada R/W Saacid?

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow soo gabagaboobay kulan ay maanta oo Talaado xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya isugu yimideen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, kaasoo la keenay labo mooshin oo iska soo horjeeda.

Moshinka horrey wuxuu ahaa in wasiiradii horre ee xukuumadii Ra’iisal wasaare Saacid in la soo celiyo iyo in kale.

Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa xubno ka tirsan Xildhibaannada waxa ay sheegeen in uusan Sharci eheyn Mooshinkaan sidaas darteed loo baahan yahay in meesha laga saaro hadii kale cod loo qaado in uu sharci yahay iyo in kale.

Jawaari ayaa tilmaamay in Mooshinkaan in markii horraba uu ahaa mid si sharci darro looga doodday labo maalin ka hor, siddaa darteed maanta loo baahan yahay in Xildhibaannada ay cod u qaadaan in Mooshinkaan Baarlamaanka la horkeeni karo iyo kale.

Markaas ka dib ayaa cod loo qaaday waxaana ka soo horjeesatay in Baarlamaanka la horkeeno 113-Xildhibaan halka Xilshibaano ku dhaw 90 ay codsadeen in la horkeeno baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Max’ed Sheekh Cusman Jawaari ayaa sheegay in Mooshinkaas uu guul dareestay sidaasna uu ansax ku noqon waayay isla markaana ay wasiirada soo socda ka mid noqon karaan wasiiradii la soo shaqeeyay RW Saacid.

Ma cadda in maanta la dhaho xildhibaannada keenay mooshinkan waa ay yer yihiin isla markaana sharci ahaan uusan anasax ahayn marka loo eego dastuurka dalka u yaalla.

Caasimada Online, ayaa saaka hore ku xog warrantay in madaxtooyada Somalia ay lacag iyo ballanqaadyo ku kala furtay xildhibaanada mooshinka waday.

Caasimada Online

Xafiiks Wararka Muqdisho

[email protected]

Gole 7 tallo oo muhiim ah siiyey DFS

GOLAHA MUWAADINIINTA XOG OGAALKA AH EE SOOMAALIYEED XAFIISKA MUQDISHO
Date;4/1/2014
KU; Madaxweynaha jamhuuriyadda soomaaliya:muqdisho
KU;Gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya ; muqdisho
KU;Ra.isul wasaaraha soomaaliya;muqdisho
OG;gudiga arimaha gudaha iyo amniga ee baarlamaanka;muqdisho
OG;gudiga cadaaladda ee baarlamaanka;muqdisho
OG;gudiga xuquuqul insaanka haweenka iyo arimaha bani aadamnimo ee baarlamaanka muqdisho
OG;culimaa.udiinka soomaaliyeed;muqdisho
OG;dhaman waxgaradka iyo ururada bulshada rayidka ah ee soomaaliyeed;muqdisho
Ujeeddo tusaale iyo talo siin xukuumada la filayo
Warqad furan
Iyada oo laga tix raacayo dhibaatooyinkii soo daashaday dadkeena iyo dalkeena mudada badan 23ka sanadood ah iyo xiliyo kasii horeeyayba ayaa si looga sii gaashaanto ama looga hortago calaamado aan wanaag saneyn oo soo muuqda loona dhayo boogihii horey umadda usoo kala gaaray ee cadaalad daridu ay sababtay 99.9% ayaa dantu nagu qasabtay in aan si taxadir leh uga hadalno caqabadaha jira
waxaa golaha magaciisu uu kor ku xusan yahay mudo sadex bilood ah oo lasoo dhaafay dalka ka waday cilmi baaris xog ururin iyo la tashiga fogaan araga samadoonka ah ee soomaalyeed waxaana usoo baxay in dadka iyo dalka hadimooyinka dhan kasta ka saameeyay walina ka hari la ay sabab u tahay cadaalad la aan iyo hay adihii garsoorka qaranka oo noqday maqaayado ama macaashyo ganacsi oo shaqsiyaad qabiil isku bahaystay ama kooxo dan wadaag ah u shidan laguna dulmiyo inta taagta yar
Dowladihii KMG ahaa ee dalka isaga dambeeyay waxay mid kastaa shacabka usheegtay amniga inay xooga saareyso xaqiijinta iyo sugidda amniga waxana ay ku dambeyeen fashil iyo is eed eed waxaana sabab u ahaa cadaaladii oo mesha ka baxday ama magac uyaal uun iska noqotay
Dhibaatooyinka ka taagan hay adaha garsoorka dalka ayaa kaweyn wax la dafiri karo oo waxaa dhowr jeer si toos ah uga dhawaajiyay madaxweynaha dalka xasan sheekh maxamuud talooyina ujeediyay in ay xaakimiintu cadaalada abbaaraan laalushkana ay iska daayaan walina ma muuqato in ay wax ku qaateen waanooyinkaas
Waxaa la xaqiijiyay in dad badani ay naftoodii qaaliga ahayd ku waayeen xukuno dhulal iyo dhaxal dacwado ubadnaa oo qaarkood sida ay ukala jeeb roon yihiim ama ukala lacag bixin badnaayen xaq aaney lahayn loogu xukumay taasina ay sababtay in lays ugaarsado oo leys dilo
Waxaa awooda garsoorka iyo cadaaladda loogu igmaday in lagu ilaaliyo sharafka amniga iyo hantida muwaadinka waxase ay isu badashay mid lagu dulmiyo oo lagu dilo lagu dhaco lagu sharaf rido laguna ihaaneysto kuwa tabarta daran ama aan awoodin in ay jeebka ka hadlaan sida marar badan ka dhacday laamaha garsoorka dalka daliilo cad cadna loohayo taas oo nasoo xusuusinaysa murti soomaaliyeed oo tiraahda MISKIIN AYAA MISKO LA FUULO LEH
Sidaas daraadeed goluhu waxaa uu usoo jeedinayaa madaxda iyo hey.adaha sida tooska ah iyo sida dadbanba warqadan furani ay ugu socoto talooyinkan
1)      In la xaqiijiyo garsoor cadaalad ah oo ka duwan kan hadda shaqeeya shacabkuna uu isku haleyn karo furena usii noqda amni guud oo dalka kala gaara iyo awood fulmeed oo waajib gudasho leh
2)      In isbadalka saameeyay madaxweynaha gudoomiyaha baarlamanka iyo ra isul wasaaraha la gaarsiiyo ama uu saameeyo dhamaan laamaha garsoorka si qaab dhameys tiran hay adaha dowladu ay ula wada saan qaadaan kabixitaan KMG nimada loona xaqiijiyo dowladnimo buuxda
3)      In si dhab ah loola xisaabtamo hay adaha garsoorka ee hada shaqeeya lana sameeyo gudiyo madax banana oo baaritaano ku sameeya xukunadii ay rideen maxkamadaha dalku ee shakiga laga qabo iyo qaabka ay u shaqeeyaan isla markaana si cadaalad ah u dhageysta muwaadiniinta eedaha ka tabanaya madaxda garsoorka
4)      In Si feejigan loo baaro dembiile yaal xukun maxkamadeed uu ku dhacay oo qaarkood ahaa gacan ku dhiigle yaal dil suge ahaa oo laga sii daayay xabsiyada kadib markii eheladoodii lacago ka dhiibteen iyadoo laftooda loo qiimeeyay miizaankooda beeleed ama jeebkooda
5)      Si gaar ah ra isul wasaraha sharafta leh ee madaxweynuhu magacaabay baarlamaankuna uu ansixiyay waxaan kula talineynaa hadii amaanka uu balan qaaday adkeynta nidaamka iyo balaarnta dowladnimadu ay dhab ka tahay marka hore in uu wax ka qabto isbahaysiga qurunsaday ee liqay sharafkii qaranimada umadana quusta rajo beelka iyo nyad jabkana ku riday umadeena isla markaana huwan magacii garsoorka iyo cadaaladda dalka hadii kale xukuumaddiisu waxay mari doontaa wadadii fashilkii dowladnimo iyo murugadll shacabka ee ay mareen ragii xafiiska kaga horeeyay
6)      Shacabka soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa in ay gacan hagar la aaneed iyo niyad wanaagsan kula shaqeeyaan ra isul wasaaraha cusub iyo xukuumadda uusoo dhisi doono
7)      Ra.isul wasaare cabdiwali sheikh maxamad waxaan si xushmad leh uga codsaneynaa in uu si ka fiirsi dheelitiran leh usoo xusho xubnaha golihiisa wasiirada oo uu ka ilaaliyo shaqsiyaad horey loo arkay looguna hungoobay ama kusoo fashilmay kaalin hogaamineed oo horay loogu dhiibay ama dalka dembiyo kasoo galay si loo ilaaliyo kalsoonida shacabka soomaaliyeed iyo taageerada beesha caalamka.
 WABILAAHI TOWFIIQ
xiriirye: AHMED MOHAMED DIRSHE

Video: Maxaa ka dhacay Muqdisho oo aan farxad gelin shacabka ku nool??

Caasimada Online: Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay arin aan farxad gelin Shacabka Muqdisho taa oo ah balan qaad uu maamulka Gobolka Banaadir ka fuliyay Muqdisho kaa oo aad looga hadlayo Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Muqdisho Maamul & Nidaam Dowladeed in uu ka jiro waxaa ka dareemeysaa muuqaalkani iyo sida ay wax u dhaceyn ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Daawo Sairrada: Madaxweynaha cusub ee Puntland oo xilka lagu wareejiyay

Madaxweynihi hore ee Maamul Goboleedka  Puntland Dr C/Raxmaan Faroole ayaa sheegay hadii uuMadaxtimiada kusoo bixi waayay uu bedelay nin culus oo xilkiisa gudanaya Puntlandna horay u wadaya sidaa darteed kuwii ku faraxsanaa inaan xilka ka dago waxaan u sheegayaa in uu yimi mid ila mid ah oo Puntland hormarkeeda sii wadaya ayuu yiri Mudane Faroole.

“ Hadaan Puntland jirin hadaan maamulkaan hormuudka ahoo hooyadii Soomaliya ah hadaysan Nidaamkii Federaalka ahaa hirgalin rajo wayn kama qabo in Soomaliya ay hagaageyso hase ahaatee waxaan leeyahay kuwii ku faraxsanaa inaan xilka ka dago mid ila mid ah oo Puntland horay u wadaya ayaa yimid oo aqoon yahan ah ee halala socdo, horaan idinkugu sheegay alle waxaan uga mahadcelinayaa in uu Puntland u dhiibay mid ila mid ah oo aqoon yahan ah siyaasada dalkana wax ka yaqaan horay ayuu Gaas asoo ahaa Raysul’Wasaaraha Dalka hadana waa nin hanan kara Puntland.

Waxaan reer Puntland u tilmaamayaa in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha Cusub sida ay aniga iila shaqeeyeen hal halkii qeelada badnaayoo meelahaas xaanshiyaha gubi jirayna waxaan u malaynayaa inay hada miirsanayaan haday arkeen in nin Cusub la doortay mise meeshooday kasii wadi doonaan Tolow?, waxaan ku faraxsanahay in dadka reer Puntland ay midaysan yihiin waxaan kaloo ku faraxsanahay inay aad ii taageeraan waxaan kaloo ku faraxsanahay inaan aqbalay natiijadii uu Madaxweynuhu hal cod iiga horeeyey waxaan aad iyo aad u rajeynayaa in Midnimada Puntland la ilaaliyo Soomaliyana wixii lala qabankaro lala qabto.

Faroole ayaa noqonaya Madaxweynihi 4raad oo xilka wareejiya isagoo wax qabad la taaban karo ka fuliyay deegaanada Puntland wareejiyayna Ciidan Hub dhismo iyo Aagabyo kale oo badan ayna sii dheertahay Amni iyo kalsooni Dowladeed oo Puntland ka jirta, dad badan ayaana qiraya in Mudane Faroole lagu soo xasuusan doono Waxtarkii uu u sameeyey Puntland.
810111213141011121323456789

XOG: Xasan Sheikh oo si cajiib u kala fur-furay xildhibaannadii mooshinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Madaxweynaha DF Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay illaa xalay qaabilayey Xildhibaannada Mooshin ka keenay in Wasiiraddii hore ay kusoo laabtaan Xukuumadda Cusub ee ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed.

Illo Xog-Ogaal ah ayaa xaqiijiyey in Xafiiska Xasan Sheekh uu shalay qadp sharaf u sameeyay Xildhibaano badan, oo Mooshin kasoo gudbiyay Wasiiraddii hore, waxaana laga dhaadhiciyey ay ka tanaasulaan Go’aankooda.

Ayada oo lagu wado in maanta cod la geliyo in ay soo laaban karin wasiiro horey uga tirsanaa xukuumadi Saacid, ayaa waxaa sidoo kale xalay shaqaalaha Madaxtooyadda Villa Somalia ay wadeen dadaallo xooggan, oo ku aadan sidii mooshinka loo fashilin lahaa.

Xubnihii Villa Somalia lagu qaabay ee xildhibaanada ahaa, ayaa waxaa loo balan qaado xilal, kuwii diidayna waxaa la siiyey laaluush, si loo xaqiijiyo in mooshinka uu fashilmo, taasi oo albaabka u furi doonta inay soo noqdaan wasiiradii hore, gaar ahaa kuwa Damu Jadiid.

Wasiirada dartood loo wado olalaha waxaa ugu weyn Faarax C/Qaadir, oo laga dhigi raba Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Diinta iyo Cabdi Kariim Guuleed oo loo qorsheeyey wasiirka amniga qaranka.

Inkasta oo aan la ogey waxa maanta ka dhici doona baarlamanka iyo natiijada kasoo baxeysa cod qaadista, ayaa haddana xogta Caasimada Online waxa ay sheegeysaa in la kala fur furay xildhibaanadii waday mooshinka badankood oo gaarayey 100, kuwaasi oo qaar ka mid ah ay ballanqaadeen inay gudbin doonaan cod ay ku farxaan madaxweynaha iyo Damu-Jadiid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Daawo Video: Sanado kadib maxaa dib loo helay oo ka cusub MUQDISHO

Caasimada Online: Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo waayadaan cagta saartay dib u soo celintii waxyaabihii ay Caasimaddu caanka ku aheyd hadii ay ahaan laheyd dhanka horumarka amaanka, Bilicda Magaalada Iyo adeegyada bulshada asaasiga u ah.

Hadaad shalay Muqdisho ku ogeyd bubur maanta waxaa ka jiro horumar dhan walba ah ee nala daawo Muuqaal ku saabsan Sanaddo kadib arin waa hore ugu dambeeysay Muqdisho oo dib loo arkay.

HALKAAN KA DAAWO:

 

ETHIOPIA oo madaxweynaha cusub ee PUNTLAND u gudbisay digniin culus

Hargeysa (Caasimada Online) – Sida ay qoreen warbaahinta Somaliland, Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda ee dalka Ethiopia Berhane Gebre-Christos, ayaa waraaq uu u diray madaxweynaha dhawaan la doortay ee maamul goboleedka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas.

Wuxuu ugu hambalyeeyey doorashadiisa, wuxuuna u sheegay in dalka Ethiopia uu si dhaw ula shaqaynaayo isaga iyo dadka reer Puntland-ba.

Sida warku sheegayo, Berhane Gebre-Christos, waxaa kale oo uu qoraalkiisa ku sheegay mawqifka Ethiopia ee gobolka Sool ee xaruntiisu tahay magaalada Laascaanood iyo sida ay Ethiopia u aragto khilaafka gobolkaasi ee u dhexeeya maamulada Somaliland iyo Puntland.

Waraaqda wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee dalka Ethiopia Berhane Gebre-Christos uu u gudbiyey madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa waxaa sidoo kale ay uga digtay inuu ka fogaado isku dhac militery oo dhex mara Somaliland iyo Maamulka Puntland ee uu hoggaankiisa qabtay.

Berhane Gebre-Christos, ayaa sheegay inaanay Ethiopia raali ka noqonaynin in khilaafka labada dhinac loo adeegsado gacan ka hadal taasi oo wax weyn u dhibeysa ammaanka iyo nabadgelyada gobollada Sool iyo Sanaag Berri.

Lama garanayo in dhambaalkaasi la sheeghay inay dawladda Ethiopia u dirtay madaxweynaha cusub ee Puntland uu ka danbeeyey cabasho ay Somaliland uga gudbisay dowladda Ethiopia ,waxaase la ogyahay in khialaafaad soo noq noqday oo labada maamuul dhex maray ay dhex dhexaadin ka gashay dowladda Ethiopia.

Ethiopia, ayaa dhowaanahan noqotay xaakimka bariga Africa, ayada oo ku lug yeelatay khilaafko ay ka mid yihiin Somaliland vs Ethiopia, DF vs Jubaland iyo kan hadda ee South Sudan.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Dhageyso: Puntlando oo Galmudug ku weerartay EEYO & xaaladda oo kacsan

Gaalkacyo (Caasimada Online) –  Labadii Todobaad ee lasoo dhaafay ayaa dhinaca Koonfured ee magaalada Galkacyo waxaa soo buux dhaafiyay xiliga habeenkii EEYO farabadan oo sida la sheegay ay wataan ciidamada Puntland.

Arrintan ayaa waxaa shaaca ka qaaday wasiirka caafimaadka iyo arrimaha bani aadannimada ee maamulka Galmudug, oo arrintan ku qeexay mid aan la aqbali karin, oo aan u cuntamin Galmudug.

Mahad Maxamed Faarax (Timo-Cadde), ayaa sheegay in arrintan ay si gaar ah uga dambeeyaan ciidamada PIS-ta ee Puntland oo Galmudug kusoo weeraray EEYO, isaga oo ciidanka Galmudug fasax u siiyey inay tallaabo ka qaadaan Eeyahan.

Halkan ka dhageyso wareysiga

mahad timo cadde

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

Qaybtii 3-aad Soomaali laga soo daad gureeyay K/Sudan oo Muqdisho tagay

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho ayaa waxaa galabta soo gaaray qaybtii seddaxaad oo ah Soomaali laga soo daad gureeyay dalka Koonfurta Sudan, oo ay ka socdaalo dagaallo sokeeye.

231-ruux oo isugu jirra rag, dumar iyo carruur ayaa laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho,kuwaasoo ka yimid magaalada Juba ee xarunta Koonfurta Sudan.

Dadkan ayaa ka soo cararay dagaallada ka socda dalka Koonfurta Sudan, kuwaasoo ay ku dhinteen dad aad u fara badan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadkan u dirtay diyaarad si u soo badbaadiyo,muwaadiniinta uga go’doonsan dalka adduunyada ugu cusub.

Waa markii seddexaad oo Soomaaliya laga soo daad gureeyay Koonfurt a Sudan la soo gaarsiiyo Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadka la socday diyaaradda ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin,in ay si nabad galyo ku yimaadaan magaalada, waxaana ay umahad celiyeen dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha iyo sii hayaha wasiirka arrimaha dibedda Marwo Fowsiyo Yuusuf Aadan.

Soomaali badan ayaa la sheegay in ay ku nool yihiin dalka Koonfurta Sudan, kuwaasoo u badan ganacsato, laakin markii uu billowday dagaalka, waxaa la sheegay in la boobay wiixi hanti oo ay lahaayeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Magacyada xubnaha BF ee wasiirnimo soo codsayday oo la yiri hala shaaciyo

Xildhibaano u waramay Idaacada VOA ayaa shaaca ka qaaday in xildhibaanada mooshinka wada ee lagu faragelinayo shaqada Abdiweli Sheekh Axmed si u soo xusho ciddii uu doono in ay yihiin kuwii codsaday in wasiir loo magacaabo ama qof ay wataan laga dhigo wasiir oo arrintaas ku guul daraystay ee ridistii Abdi Farax Shirdoon danahaas ka lahaa. 

Magacyada xubnaha Barlamaanka ee soo codsayday wasiirnimo ha la soo bandhigo. Xubnahaas barlamaanka Somalia xaq uma la ha in ay u codeyaan moshinka hadda la keenay iyo ansixinta wasiirada xukumada cusub ee Raisul Wasaaraha cusub Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed soo magaabi doono midkoodna.

Xildhibaanada arrintaan lagu soo caddeyo waxay galeen denbi ah“Conflict of Interest” ama dano iska hor imaanaya. Marka hore waa in ay ku caddaato in ay dalbadeen in wasiirnimo loo magacaabo ama xitaa ay u ololooyeen in qof qaraabo ama saaxib la ah laga dhigo wasiir. Qaar kale oo waxa jira isu soo sharaxay jagada Raisul Wasaaraha oo sida aan wada ognahay waayey.

Sida muuqata xubnaha barlamaanka waxay xod xodasho, juhdi badan iyo kharash badan ku bixyeen sidii ay ku heli lahaayeen jago wasiirnimo ayaga oo odayaal bakoorado wata oo ay ku sheegayeen “Nabadoono&Waxgarad” ku qabiil ah kharashna kaga baxday soo hor dhoobayey habeen iyo maalin Villa Somalia si ay codkooda ugu biiriyaan in wasiirnimo la siyo xildhibaanka.

Ma dhici kartaa in nin gabadh doonaya in uu guursado aadna u jecelyahay oo kabaha kaga dhamaadeen raadinteeda kharash badanna ka galay in isaga fasax loo weydisto in nin kale loo mehriyo gabadha? Jawabta waa macquul ma aha.

“Adeer Masaajidka Ciyaarta Ha laga Daayo”waxa yiri oday Somaliyed oo gabadhiisa ka yaboohay masajidka markii uu will ka tirsan Jareer Weyn u istaagay e yiri anigaa raba gabadha.

Aniga waxan dhihi lahaa Adeer Barlamaanka fowdada ha laga daayo. Umadda iyo dalka waxay idinka sugayaan wax qabad sidii ay ku heli lahaayeen caddalad, nabadgelyo,waxbaraho iyo horumar. Wey ka daaleen dad sida dhalaan yar yar isqabqabsi iyo isxag-xagasho ka dhamaan wayey.

Cabdinuur Cali Faarax
Waa maamule dugsi sare
Toronto , Canada
Email: [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

GENERAL GALAAL HALA WEYDIIYO?!!!!

Waxaa waayadaan dambaba buuq iyo is qabqabsi ka taagnaa soo xulida Wasiirada ka mid noqonayo xukuumada cusub ee laga dhur sugayo in dhawaan uu ku dhawaaqo RW Cabdi Weli Shiik.

Fowdada iyo is bar baryaaca ka jiro dalka ee uu sababay Burburkii iyo dowlad la,aantii mudada dheer lagu soo jiray waxeey sabab u noqotay in dowladnimadii Somalia loo rogay mid salka ku haysa daneeysi ku dhisan Hunguri iyo Qabyaalad taa oo kaliftay in aanba la eegin maslaxada dalka iyo dadka toona.

Kadib markii ay meesha ka baxday Xukuumadii Hore ee uu Hogaaminayay Rw Saacid lana Magacaabay Rw Cabdi weli Shiikh waxaa weli xaniban oo mudo dheer laga dhur sugayaa Golihii wasiirada ee uu soo magacaabi lahaa Rw ha taa oo eey hortaaganyihiin caqabado badan oo is biirsaday oo ujeedooyin badan xambaarsan.

Mid ka mid ah caqabadahaas waxeey u muuqataa in uu si toos ah u abuuray Rw Cabdi Weli Shiikh Hoowsha oo ku cusub oo uu doonayo in uu cid walbaa qanciyo amaba qibrad yari haloo cuskadee wuxuu ka dhawaajiyay in shaqsigii doonayo Wasiir amaba xil kale in loo magacaabyo uu waraaq ogolaansho ah kala yimaado Odayaasha beeshiisa iyo xildhibaanadiisa taa oo la is dhihi karo waxeey soo cusbooneeysiiyay cudur waa hore laga bogsaday Masuulka xil qaran ka qabanayo dowlada waa in uusan noqon mid eey soo dirsatay beeshiisa sida Madaxweynaha Gudoomiyaha Barlamaanka iyo Rw haba eeysan wakiil uga aheen beelahooda waloow eey beelo ka soo wada jeedaan dhamaantood beelaha in eey ku heshiiyaan wasiir amaba xil kaloo ka sareeyo iskaba daayee waxeeysan ku heshiineen Agaasime waaxeed beeshii iska soo dhax magacaaw la yiraahda waa dagaal dhaxdeeda laga iclaamiyay.

Dhanka kale waxaa jira Xeeyn xildhibaano ah oo ku dhax jira baarlamaanka mudo aan sidaa usii fogeeyn Mooshinkii hungoobay ka keenay Xukuumadii Saacid oo uu Hormuud ka yahay Cali Khaliif Galeeyr iyo xirtiisa kadibna is rogay markii dambe oo la isku waafaqay in uu meesha ka baxo RW Saacid iskana dhigay rag asaga difaacayo Labadii jeer Dibir xun baa ka raacday hankoodi dhicisoobay Kooxdii ayaa hadana waxeey fursad kale oo isbaaro eey ku dhigan karaan u arkeen in eey is hortaag ku sameeyay shaqadii RW Cabdi Weli ayagoo isku dayaya in eey talo ku yeeshaan xukuumada uu soo dhisayo Rw ha taa oo meel eey dastuurka kaga taal eeysan jirin in Xildhibaanada eey u meeriyaan RW qaranka shaqada xildhibaanka waa in markii RW uu hoowshiisa soo dhameeysto uu hor keena Golaha Baarlamaanka kalsoonina usoo weeydiiya xukuumada uu soo dhiso.

Sidoo kale waxaa jiro qabqablayaal ku soo fashilmay siyaasadda dalka kuna soo wareeray marar badan shaararka soo badbadashay ilaa eey badda la soo caariday, General Galaal HALA WEEYDIIYO 2006 markii qamiis aanu ku socod baran iyo cimaamad inta uu xirtay uu lahaa ciidanka Maxkamadaha ayaan hogaaminayaa tii la ogaana eey dhacday Ciidankii Maxkamadaha ma waanay aheeyn ururo Diimeed mise asaga ayaa ciidan qaran ugu Wanqalay?

Generaal Galaal HALA WEEYDIIYO 2010 markii uu ka dagay Guriceeyl ee uu lahaa waxaan tababarayaa ciidankii Ahllu sunna kadibna laga hor yimid mudo kadibna uu isaga soo laabtay Ahllu sunna ma waanay ka mid aheeyn ururo Diimeedyada ka jiro dalka mise asaga ayaa ciidan qaran ugu wanqalay ?

Generaal Galaal HALA WEEYDIIYO Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha ee xukuumadii Farmaajo Allaha u naxariistee Cabdi Shakuur Shiikh Xasan Faarax Kulliyada ciidan ee uu ka soo baxay iyo darajadiisii ciidan mise wuxuu ahaa Ganacsade.

Generaal Galaal HALA WEEYDIIYO Wasiirkii Hore ee Arimaha Gudaha Xukuumadii Gaas Cabdisamad Macalim Maxamuud Adeerna u ahaa Wasiirkii hore ee geeriyooday kulliyada Ciidan ee uu ka soo baxay iyo Darajadiisa Ciidan FALAAR KUGU SOO LAABANEEYSO WALIGAA HA GANIN.

W/Q: Yaasiin Diirshe

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

BF oo cod u qaadaya mooshin ka dhan ah wasiiradii hore iyo xog la xiriirta

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta oo Talaado cod u qaadi doona mooshin laga keenay in xukuumadda cusub ee lasoo dhisayo aan lagu soo darin wasiiradii ka tirsanaa xukuumadda Saacid.

Mooshinkan oo ay soo gudbiyeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ayaa maalintii Axada laga doodday, waxaana xildhibaannada ay u muuqdeen kuwa diiddan in la soo celiyo wasiiradii horre ee Saacid.

Ma cadda sidda ay wax noqon karaan, balse waxaa tan iyo markii mooshinka loo gudbiyay guddoonka baarlamaanka, socday kulamo xiriir ah oo ka dhacay Villa Somalia.

Kulamadan waxaa hormuud u ahaa madaxweyne Xasan Sheekh oo doonaya in la soo celiyo qaar ka mid wasiiradii horre gaar ahaan Dam-Jadiid.

Xildhibaannada waxaa la sheegay in qaar badan ay ka soo dabceen mowqifkoodii ahaa in aanaye la soo celin wasiiradii horre.

Dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa aragtiyo kala duwan ka dhiibtay arrintan, waxaana ay aamisan yihiin badankood markii haddii la dhahay xukuumadii Saacid waa fashilantay, maxaa keenay in la soo celiyo qaar ka mid ah wasiiradii ku jiray.

La soco waxaa goordhow ka billaaban doona xarunta golaha shacabka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Jahwareer ka taagan wariye Sacudi u dhashay oo Muqdisho loo tarxiilay

Muqdisho (Caasimada Online) Wargeysyada ka soo baxa dalka Sacuudiga ayaa toddobaadkan qoray warbixin ku saabsan wariye u dhashay dalkaas oo loo musaafuriyay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wariyahan oo lagu magacaabo Cumar Cismaan Yuusuf ayaa hadda ku sugan mid ka mid ah Hotelada ku yaalla Muqdisho.

Wariyaha Sacuudiyaan iyo madaxa SIMHA
Wariyaha Sacuudiyaan iyo madaxa SIMHA Xasan Geeseey

Wariyahan ayaa la sheegay inta aan la soo tarxiilin in uu muddo seddax bil ah,ku xirnaa xabsi ku yaalla bariga Sacuudiga.

Waxaa la sheegay in uu wax ka qori jiray arrimaha dhallinyarada iyo xuquuqd aadanaha, waxaa la sheegay in uu markii horre ku soo galay dalka sharci daro, oo ka mid ah tiro tahriibayaal ah, balse wuxuu ku andoocanayaa in uu ku dhashay dalka Sacuudiga isla markaana uu heesto dhalashada dalkaa.

Wariyahan ayaa inta aan la xirin loo sheegay in uu yimaado xarunta socdaalka, dabadeedna xabsiga ayaa loo taxaabay.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin ninkan Asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya balse heesta dhalashada dalka Sacuudiga sababta loogu soo masaafuriyay magaalada Muqdisho.

Dhawaan, ayaa guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya waxa ay sheegeen Soomaali badan oo laga soo tarxiilay waddanka Sacuudiga tan iyo bishii December ee sanadkii la soo dhaafay.

Dowladda Sacuudiga ayaa sanadkii la soo dhaafay soo rogtay amar ah in waddankeeda laga saaro dadka sida sharci darrada ah ku jooga waddankaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dacwadda Gen. Maxamed Cali Samatar oo war cusub uu ka soo kordhay

Virginia (Caasimada Online) Sida ay qortay shalay wakaalada wararka AP, Maxkamadda ugu sarreysa dalka Mareykanka ayaa ku gacan seertay racfaan ah uga yimid ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia, ahaana wasiirkii gaashaandhiga Gen. Max’ed Cali Samatar, oo lagu amray in uu bixiyo lacag $21 million oo la siinaayo dhibanayaal sheegay in jirdil iyo xadgudubyo kale oo loo geystay sanadihii siddeetameeyadii.

Waaxda caddalladda ma sheegin wax faah-faahin ah oo ku aadan dacwadda Gen Samatar, oo hadda ku nool Virginia Washington kana mid ahaa saraakiisha sar sare ee dowladdii AUN Maxamed Siyaad Barre intii u dhexeysay sannadihii 1980-kii ilaa billowgii 1990-kii.

Gen. Samatar, oo hadda 75-jir ah, ayaa waxaa dacwad ku heesta shan nin oo Soomaali ah kuwaasoo leh wuxuu kaalin ku lahaa dhibaatadii ay ciidankii dowladdii Maxamed Siyad Barre ka geysteen waqooyiga Somalia, sanadkii 1988-dii, maadaama uu yahay sarkaalka ugu sarreeya ee nool, ee hadda lala xisaabtami karo.

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa la filayaa inay go’aan kama dambeys ah kasoo saari doonta .

Qareennada difaacaya Gen. Samatar, ayaa ku doodDaya in generalka aan dacwad lagu soo oogi karin, maadaama uu yahay masuul sare oo ka tirsanaa dowlad madax-bannaan oo uu Mareykanku aqoosanaa, isla markaana uu jiro sharci mamnuucaya in masuuliyiinta dalalka ajnabiga ah la dacweeyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

[email protected]

Prof. Samatar oo beddelay mowqifkiisa ku aadanaa midnimada Somalia

London (Caasimada Online) Professor Ahmed Ismaaciil Samatar, oo sannadkii 2012-ka isku soo taagay doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya uu ka shaqeen doono siddii ay Soomaaliya u kala go’i lahayd isla markaana Somaliland ay u noqon lahayd dal ka gi’day Soomaaliya oo dhan.

Wuxuu hadalkan ka shegay xaley Jaamacadda Queen Mary ee magaaladan London, halkaas oo ay ka soo qayb galeen dhowr boqol oo qof oo ka soo jeeda Somaliland.

Markii uu kulanka soo dhammaaday ayuu la hadlay BBC-da wuxuuna tilmaamay in markii uu arkay wax badan uu go’aansaday in Somaliland ay hesho aqoonsi caalami ah, in ay horrumar sameeyo.

Wuxuu xusay in Somaliland ay horrumar ka sameesay dhinaca ammaanka, dhaqaalaha iyo dimuquraadiyadda sidda uu hadalka u dhigay.

Professor Axmed, oo muddo 30 sano ah culuumta siyaasadda iyo dhaqaalaha ka dhigayay jaamacad Maraykanka ah, 18 sannadoodna madax ka ahaa qaybta culuumta uu ku takhasusay, isla markaana qoray ilaa shan buug iyo 70 maqaallo kala duwan, waxaa uu muddo dheer u hadli jiray midnimada Soomaalida hase ahaatee waxaa uu haatan u go’ay dhinaca goosashada Somaliland.

Wuxuu ka dhawaajiyay markii uu booqday sannadkii horre Somaliland in khudbado ka jeediyay dhowr Jaamacadood oo ay kuyaalla Hargeysa iyo Burco.

Prof Samatar, ayaa mowqifkiisa badalay, kadib markii uu ku hungoobay doorashadii Madaxtinimo ee Muqdisho ka dhacday Sanad kahor, taasoo lagu doortay Madaxweyne Xasan Shiikh.

Su’aasha is weydiinta mudan, ayaa waxay tahay, Prof. Axmed Midnimada uu mudo naadinayay islamarkaasna uu Fagaaraha iyo Warbaahinta ka naadinayay, ma waxay ahayd mid ku xiran inuu Madaxweyne u noqdo dalka?

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Ajaaniib lagu afduubtay MUQDISHO !!

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho, waxaa maanta lagu afduubtay seddax qof oo ajaaniib ah, kuwaasoo u dhashay dalka Kenya.

Afduubkan raggan Kenyaatiga ayaa ka dhacay xaafad ku taalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in ay afduubteen kooxo watay baabuur, mana cadda halka ay la aadeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ragga la afduubtay ay ahaayeen Injineero, waxaana magaalada Keenay ganacsato Soomaali ah, kuwaasoo rabay in ay dhistaan Kaalin Shidaal.

Ma cadda kooxda afduubatay seddaxda qof ee Kenyaatiga ah halka ay ka tirsan sababtaa ay u afduubteen.

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan Kenyaati fara badan kuwaasoo howllo shaqo ka wadaa, waxaana ka mid ah Internetka iyo Idaacadaha ayaa sameeyaan.

Magaalada Muqdisho ammaankeeda maalmihii dambe ma wanaagsaneed, waxaana sannadkii la soo dhaafay lagu dilay haweeney macalimad ka ahayd mid ka mid ah Jaamacadaha Magaalada, taasoo u dhalatay dalka Uganda.

Kenya iyo Uganda ayaa ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]