28.4 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

R/W Cabdi Weli oo la kulmay cadaadis ku aadan xulista golaha wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa xaqiijiyay ra’iisal wasaare Cabdiweli in ay heestaan caqabado waaweyn oo ku aadan soo magacaabista xubnaha cusub ee wasiiradiisa.

Meelaha uu caqabadaha kala kulmaayo ra’iisal wasaaraha

Waxaa ugu horreeya madaxweynaha iyo kooxda Dam-Jadiid kuwaasoo doonaya in la soo celiyo xubno horrey uga tirsanaa xukuumadii Saacid, arrintaas ra’iisal wasaaraha waa ka goos adeegayaa oo ma rabo in uu ku soo daro xukuumadiisa, waayo wuxuu ogyahay in uu la kulmi doono caqabado hor leh.

Ra’iisal wasaaraha ma ahan nin siyaasadda ku soo jiray waana uu ku cusub yahay howsha loo dhiibay, waxaa kaloo uu ku jahwareersan yahay cayaarta ay cayaarayaan madaxweynaha iyo kooxdiisa.

Sidoo kale, ra’iisal wasaaraha waxaa ka dhammaan la’ odayaal iyo siyaasiyiin kaabo qabiilo ah, kuwaasoo leh waa in qof hebel naloogu daraa golaah wasiiradda cusub, haddii kale “kow kish malahan”

Xildhibaanno ka dhammaan la’ xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Waxaa la ogaaday xildhibaanno xafiiska ra’iisal wasaaraha ku soo laab laabta kuwaasoo codsanaya in lagu soo daro xukuumadda cusub.

Madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ayaa hadda kulamo la leh xildhibaanno diiddan in la soo celiyo wasiiradii horre, si maalin berri loo meel mariyo in la soo celiyo xubnihii horre.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Dib u dhiska ka socda XAMAR

0

Caasimada Online: Soomaali waxay tiraahdaa hadal qiimo badan oo ah DAL WELIBA WAXAA DHISA DADKIISA, Taa oo aan u soo qaatay qiimaha uu lee yahay micnaha hadalkaa waa hadii loo dhaqaaqo Talada Hadalkaasi dhankiisa wanaagsan.

Hadaba Muuqaalkani waa mid aan hubo in aad ka heli doontaa waxa ka bilaawday Muqdisho & sida uu Shacabka Muqdisho isku xil qaamay dhanka iska wax u qabso oo dalka ay u dhisayaan ee nala daawo muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Faroole oo xilka wareejinaya iyo xaflad ka socota Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa iminka ka socota qaban qaabada xaflad ay xilalka ku kala wareegayaan madaxweynaha cusub Puntland iyo madaxweynihii horre.

Xafladda oo ka socota xarunta madaxtooyada ee Garoowe, ayaa waxaa la filayaa in ay ka soo qaybgalaan mas’uuliyiin, diplomaasiyiin, iyo marti sharraf kale oo lagu casuumay.

Madaxweynihii horre Cabdiraxmaan Faroole ayaa looga adkaaday hal cod kaddib doorasho xasaasi ah oo toddobaadkii horre ka dhacday xarunta golaha wakiilada Puntland.

Madaxweynaha cusub ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shaley ka hadlaayay munaasabad xilka ay ku kala wareegayeen guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland iyo kii horre ayaa sheegay inuu xiriir dhow la yeelan doono golaha wakiillada ee maamulkiisa.

Wuxuu kula dardaarmay inuu xoojiyo horumarinta adeegga baarlamaanka, isagoo u mahad-celiyay golahii hore ee baarlamaanka oo uu ku ammaanay waxqabadka shantii sano ee ay xilka hayeen.

Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa Jimcihii sheegay in 21 maalin uu ku soo dhisi doono golihiisa wasiirrada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Cali Khaliif Galayr: Xasan Sheekh ayaa ka darran Maxamed Siyaad Barre

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaan Cali Khaliif Galleyr ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh uu la mid yahay madaxweynihii kacanka AUN Maxamed Siyaasad Barre, oo afgambi ku qabday dalka sannadkiii 1969-kii.

Cali Khaliif oo ka hadlaayay mooshin laga keenay wasiirradii xukuumaddii hore ee kalsoonida lagala noqday in lagu soo daro xukuumadda cusub, ayaa shegeay in arrintaas ay muujineyso sidda dalka ay u maamulaan koox yer oo madaxweynaha ku xiran sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu tilmaamay in wasiiro horrey u dhahay waxbaan qaban weynay maxaa keenay in ay soo laabtaan oo lagu soo daro xukuumada “Annigu ma fahmin”

“In la xukuumadda cusub lagu soo daro wasiiro waajibaadkoodii gudan waayay waa ayaan daro, laakin madaxweynaha waxaad moodaa in uu la mid yahay ama ka darran yahay Maxamed Siyaad Barre oo awood lahaa, malaha ciidankii awooda badnaa ayaa ka maqan ee waa isku mid” ayuu yiri.

Cali Khaliif ayaa madaxweynaha ka codsaday in uu ku ixtiraamo xukuumada la soo dhisaayo ra’iisal wasaaraha maadama ay shaqadiisa tahay.

Wuxuu kaloo tilmaamay in dhaqanka ah in madaxweynuhu uu gallaangal ku yeesho magacaabista golaha wasiiradda uu soo billowday sannadkii 2000 xilligaas xukuumadii uu ra’iisal wasaaraha ka ahaa dowladii Cabdiqaasim, wuxuu eeda u saaray dasruurka KMG ah oo aan kala qeexeynin awoodaha madaxda, ayuu yir.

Hadalka Cali Khaliif Galey, ra’iisal wasaarihii horre Soomaaliya, ayaa ku aadaya iyado maalintii shaley baarlamaanka ay ka doodeen in lagu soo daro xukuumada cusub cwasiiradii horre iyo in kale.

Maalinta berri ayaa loo ballan san yahay in codka loo qaado, wasiiradii horre in lagu soo daro xukuumadda cusub iyo in kale, mana cadda sidda ay wax noqon doonaan, in kastoo kulamo ay ka socdaan xarumaha dowladda oo ay ku jirto Villa Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xasan Sh & Damu-Jadiid oo wax aysan fileyn la kulmay & dadaallo ay wadaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxda Damu-Jadiid, ayaa shalay illaa xalay Muqdisho ka waday dadaallo xooggan oo ay ku kasbanayaan codad badan, ka hor inta aanu baarlamanka qaadin mooshin ayaga ka dhan ah, talaadada beri.

Baarlamanka, ayaa shalay maalinta talaadada u waqtiyeeyey in codka loo qaado mooshin ka dhan ah in xukuumadda cusub lagu soo daro wasiiradii horey uga tirsanaa xukuumaddii Saacid.

Waxa uu mooshinka si gaar ah u saameynayaa madaxweynaha iyo kooxdiisa, maadama inta badan wasiirada la diidan yahay ay yihiin kuwa Damu-Jadiid sida Faarax Cabdul Qaadir iyo Cabdi Kariim Guuleed.

Ilo xog ogaal ah, ayaa Caasimada u xaqiijiyey in xalay aan Villa Somalia laga hoyin, ayada oo madaxweyne Xasan iyo kooxda Damu-Jadiid ay ka cabsi qabaan guul darrooyin siyaasadeed oo kusoo wajahan.

Haddii mooshinka talaadada uu guuleysato waxa ay ka dhignaan doontaa in kooxda Damu-Jadiid ay iska weyso golaha wasiirada cusub, taasi oo meel cidlo ah soo joojin doonta madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan, oo xukuumaddii Saacid ku lahaa wasiiro badan oo Damu Jadiid ah, ayaa waxa ay u xog warrami jireen isaga, ayaga oo aan wax wada shaqeyn ah la lahayn ra’iisul wasaarahoodii Saacid, oo ay magac u yaaal k dhigeen.

Ra’iisul Wasaare Cabdi Weli Sheekh, oo ka cabsi qaba inay ku dhacdo sidii Saacid oo kale, ayaa kasoo horjeeda inuu soo magacaabo wasiiradii hore.

“Ra’iisul wasaaraha dooni maayo wasiiro aan isaga dhageysan, oo haddii khilaaf uu yimaadana is-casilaad ugu hanjaba, ayaga oo u daneynaya madaxweynaha” ayuu yiri xubin ku dhow xafiiska Cabdi Weli.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa markii uu Cadbi Weli magacaabayey waxa uu shuruud uga dhigay inuu xubnaha uu wato uu magacaabi doono, hase yeeshee sida muuqata Cabdi Weli, ayaa markii uu xaqiijiyey in la magacaabay wuxuu ka cayaarayaa maskaxdiisa, maadaama Xasan Sheekh anuu la laaban karin magacaabista.

Muddo bil ah, ayaa dowladda Somalia waxa ay iminka u xayiran tahay danta gaarka ah ee dhowr shaqsi oo doonaya in wasiiro loo magacaabo.

“Shalay ayagaa noo yimid, oo na yiri xukuumaddeena way qabsan weyday howsheeda ee ha nala rido, maantana ayagaa doonaya in dib loo magacaabo, mana ka yeeli doonno” waxa ay kuwaasi ka mid ahaayeen erayadii ay shalay xildhibaanada ka yiraahdeen fadhiggii baaarlamanka.

Xildhibaano badan oo ka faa’ideysanaya jahwareeka siyaasadeed ee haysta Xasan Sheekh iyo Damu-Jadiid, ayaa kordhiyey qiimaha codadkooda, ayada oo la sheegay in qaar ka mid ah ay codkiiba ku gadanayaan 20 kun oo dollar, si ay u fashiliyaan mooshinka ka dhanka ah wasiirada Damu-Jadiid.

Su’aashu waxa ay tahay Xasan Sheekh iyo Damu-Jadiid maanta illaa caawa ma ku kasban karaan codad ku filan ka hor inta aan beri codka loo qaadin mooshinka.

Wixii xog ah ee soo kordha, ha ka dheeraan Caasimada Online Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qaabkii loo dilay Sadaam Xuseen oo la fashiliyey (Ninkii dilay oo sir-warramay)

0

Lataliyihii hore ee dhanka amaanka, kaas oo kormeerayay dilkii Saddam sanadii 2006kii. Wuxuu  yiri wuxuu ahaa mid adag oo xayi ah ilaa iyo dhamaadkii, ma uusan muujin wax shalay ah.

Danbiile? Run. Dilaa? Run. Kawaanle? Run lkn wuxuu ahaa mid adag ilaa iyo dhamaadkii.

“Waan qaabilay isaga (Saddam) albaabka. Qof noo soo galay ma jirin—- qof ajanabi ah nooma soo galin, iyo qof ameerican ah midkood.” Rubaie baa yiri mar waraysi uu siiyay AFP isagoo jooga xafiiskiisa ku yaal Kadhimiyah area waqooyiga Baghdad, halkas oo u dhaw xabsigii uu ka dhacay dilkii Saddam todoba sano ka hor.

“wuxuu qabay jacket iyo shaati cad, wuxuu ahaa mid caadi ah oo dagan. Kamana arkayn wax calaamad ah oo cabsi ah.

“Dabcan, dadka qaar baa rabay inaan dhaho wuxuu dhacay ama suuxay ama waa la soo jiiday, laakin xaqiiqdaan waa mid taariikh ah.” Waxaa yiri Rubaie.

“Kama maqlin wax shalaay ah. Kama maqlin wax codsi ah oo cafis Allah ah, ama codsi cafis ah.

“Qofku markuu dhimanayo sida caadiga ah wuxuu dhahaa, ‘Allow iga cafi danbiyadaydii­­­—– Waan kuu imaanayaa, Lakin ma uusan oran wax ka mid ah erayadaas.” Rubaie ayaa u sheegay AFP.

Saddam Hussein, oo xukumay Iraaq in ka badan labo Decades taas oo ay haraysay weero naxariis daro ah, dhibaatooyin, Dagaalo iyo Cunaqabatayn caalami ah. Ayaa la daldalay ka dib markii lagu helay danbiyo ka dhan ah bini aadamka taas oo ah Dilikii 148 Shiicyo reer baadiye ah taas oo ka dhacday Dujail sanadii 1982.

Wuxuu ahaa Madaxwaynihii Iraaq laga bilaabo July 1979 ilaa March 2003 markaas oo Maraykanku dagaal ku qaaday Iraq, waxaana helay ama qabtay Askar Maraykan ah isagoo ku dhuumanaya god ku yaal beer December isla sanadkaas(2003).

Saddam waxaa la dilay sadex sano ka dib December 30 2006 ka dib xukun maxkamadadeed.

Qaar Ciraaqiyiin ah, khaas ahaan Carabta Sunniga ah iyagoo dib u xasuusanaya si jacayl leh waqtigii uu Saddam talinayay, gaar ahaan mudooyinkii ay jirtay xasilooni gudaha ah taas oo si adag uga soo hor jeeda qalalaasha naxariis darada ah kaas oo saameeyay wadanka laga soo bilaabo xiligii laga tuuray xukunka( Afganbi).

Saddam sidoo kale qaar ka mid ah carabta ayaa si heer sare ah ugu qiimeeya Saddam dagaalkii uu la galay Iran 1980-88, Iska horimaadkii uu la galay Maraykanka, sidoo kale weeraradiisii ku aadanaa Israel ama Yuhuuda iyo Xasiloonaantiisii ama daganaanshihiisii xiligii la daldalayay, taas oo lagu duubay Telephonada gacanta lagu qaato( Mobile).

“Markii aan keenay, wuxuu haa mid gacmo xiran wuxuuna haystay Kitaabka Quranka ah.” Waxaa yiri Rubaie, markaas oo iska indha tirayay muuqalka ka danbeeyay Saddam, kaas oo ka turjumayay muuqaal ahaan kaligi talis ku labisan darees wata calaamad gaar ah oo ku aadan heerka military(Military Rank).

Waxaan u kaxeeyay xaga qolka xaakimka, halkaan oo uu akhrinayay list eedaymahiisa ah. Saddam wuxuu ku celceshay ‘America dhimo, Israel dhimo Falastiin ha noolaato!  Intaas ka dib Rubaie baa u kaxeeyay qolkii uu ku dhiman lahaa. “Wuu istaagay wuxuuna fiiriyay meeshii lagu daldali lahaa, ka dib anoo I fiiriyay kor iyo hoos wuxuuna yiri ‘Doctor kani waa kii raga.’ Markii la gaaray xiligii Saddam uu fuuli lahaa meeshii lagu daldali lahaa, lugihiisa waxay ahaayeen kuwa isku xiran, marka Rubaie iyo kuwa kale  baa kor ugu jiiday jaran jarta.

Wax yar ka hor intii aan la daldalin, qaar ka mid ah dadkii goob jooga ahaa ayaa ku qaylinayay si ay uga caraysiiyaan iyagoo ku dhawaaqaya “ha noo laado Imam Mohammed Baqr Alsadri! Iyo Moqtada! Moqtada!” kuwaas oo ah kuwa ka soo horjeeday Saddam kuwaas oo la dilay xiligii uu talinayay Sadam. Qaarabada ragas la dilay kuwaas oo u kacay inay hogaamiyaan Militia awood leh ka dib 2003.

Saddam wuxuu ku hadal celiyay: “tani ma ragganimaa?” Rubaie wuxuu yiri waxaan riixay ama sii daayay meeshii haysay si loo daldalo Saddam, lakin ma aysan shaqayn qof kale oo uusan magacaabin baa riixay markii labad taas oo dishay Saddam.

In yar ka hor intii aan la Daldalin Saddam wuxuu bilaabay inuu akhiryo Ashahaada qiritaanka Islamka.

“ waxaan qirayaa in Allah xag lagu caabudo uusan jirin Allaha wayn mooyee Mohamed…….” Lakin waxaa la daldalay isagoo dhamayn erayadii ugu danbeeyay, “ waa rasuulkiisii”

Rubaie wuxuu aaday meeshii lagu daldalay si uu soo qaado maydka. Kaas oo la galiyay bag cad ka dibna la saaray Bareele ama shayga lagu qaado qofka dhawaca ah (Stretcher).

Maydkii waxaa lagu qaaday Helicopter American ah oo lagaga qaaday xabsigii lagu daldalay iyadoo loo qaaday deeganka uu daganyahay Rasul wasaaraha Nuri Al Malili halkaas oo si adag loo ilaaliyo ama xaydaan adag leh loona yaqaan Soonka cagaaran.

Helicopter ka waxaa ka buuxay dad, waxaa yiri Rubaie, marka maydka waa in la dhigaa sagxada albaabada diyaaradana la furaa waqtiga duulimaadka, sababtoo ah maydka bareelaha lagu waday wuu dheera.

“ waxaan xasuustaa si fiican qoraxdu waa ay soo baxaysay” xiligaas oo helicopter ku dul maraysay Baghdad.” Rubaie baa yiri.

Deegaankii ama gurigiisa, Rasul wasaaraha baa na gacan qaaday wuxuuna yiri: “ Ilahay ha idin barakeeyo, Waxaan ku iri “Iska tag, fiiri hada.” Ka dib wuxuu ka fayday wajigiisa wuxuuna arkay Saddam Husein.” Waxaa yiri Rubaie. Kaas ah nin ay aad isugu dhawaayeen Rasul wasaaraha.

“Waligay ma dareemin dareen noocaas,” Rubaie oo la xiray sadex jeer xiligii Saddam talinayay baa yiri isagoo ka qayb qaatay dilkii.

“Wuxuu sameeyay danbiyo aan tira lahay, wuuna u qalmay in la daldalo kun jeer, inoo mar labaad noolaado si mar kale loo daldalo. Lakin dareenka, dareenkaas wuxuu ahaa mid gaar ah,” buu yiri. “qolku wuxuu ahaa mid ay ka buuxdo dhimasho.” Rubaie wuxuu yiri dilkii Saddam waxaa la go’aamiyay ka dib shir muuqaal ah ama Video oo u dhexeeyay madaxwaynaha Maraykanka George Bush, kaas oo waydiiyay Rasul wasaaraha Iraq: “ maxaad ku samaynaysaa danbiilaha?” Maliki wuxuu ugu jawaabay: “waan dal dalaynaa.” Bush wuxuu taagay suulkiisa kor, taas oo ah calaamad ogolaansho.a

By  Abdihafid Mahamud JAMA

London UK

Twitter @ABDIHAFIDUNITV

Daweynta dabiiciga ee kacsi la’aanta !!

Borotiinnada laga helo cuntooyinka ay kamidka yihiin Hilibka cad sida Kalluunka iyo Digaagga iyo weliba Caanaha iyo Farmaajada cadi waxa ay sameeyaan hormoonno kordhiya kacsiga iyo rabitaanka ragga.

Fitamiin A waxa uu kamid yahay waxyaabaha aan looga maarmin tamarsiinta habdhiska taranka ninka, isaga oo awood siiya qanjirka Borostaatka iyo Qooraha, kana qaybgala cusbooneysiinta unugyada dhinta iyo dardargelinta kuwa tabarta daran. Fitamiin A waxa uu ka buuxaa Karootada iyo khudaarta iyo furutada fareeshka ah inteeda badan.

Fitamiin B1 isagu waxa uu gacan ka geeystaa xoojinta qanjirrada taranka iyo firfircooneynta insiimada qabta shaqooyinka bayolojiyeed ee jirka. Ninka uu fitamiinkaasi ku yaryahay waxaa ku dhaca tabar-darri, rabitaan la’aan iyo geedka oo ka raaracsama  hawshii galmadana si wanaagsan u gudan waaya.

Fitamiin D, waxaa loogu yeeraa (Fitamiinka Jinsiga), maxaa yeelay waxa uu kamid yahay waxyaabaha ugu waxtarka badan ee lagu daaweeyo madhalaysnimada. Wuxuu door weyn ka cayaaraa daryeelka tubbooyinka xawada ee ku jira xiniinyaha ragga, yaraantiisuna waxay kamid tahay waxyaabaha ugu badan ee ragga madhalaysnimada ku dhaliya. Fitamiinka waxa laga helaa khudaarta caleenleyda ah iyo Firileyda sida Qamadiga.

Cuntooyinka la caddeeyey waxtarkooda waxa ugu horreeya kuwa caloosha dhaqso ugu shiidma, jirkana degdeg uga baxa:

–  Kalluunka iyo Aragoostada:- Waxay kamid yihiin waxyaabaha Borotiinnada iyo Fitamiinnada laga helo kuwa ugu wanaagsan.

–  Hilibka Digaagga iyo Ukunta:- Degdeg bay xiidmaha ugu shiidmaan, xawadana waa ay kordhiyaan.

–   Shimbiraha: Sida Booloboolada, Dagiiranka, Qoolleyda, iwm., hilibkoodu waxa uu faa’iido gaar ah u leeyahay bekra-jebinta, waxaana arrintaasi bariga dhexe laga ogaaday kumanaan sano kahor. Masaaridu ilaa iyo maantadaan la joogo qoyska cusub hilibka Shimbiraha uunbay uqooshaan habeenka aqalgalka.

– Xummuska: Xumuska keligii ama isagoo malab lagu iidaamay. Caalimkii la oran jiray Ibnu Siinaa waxa uu qoray in Xummusku kordhiyo ragannimada iyo rabitaanka jinsiga, sidaa daraadeed waxa calaf looga dhigi jiray Faraska labka ah iyo Ratiga kolka la rabo inay dheddigooda abaahiyaan.

– Basasha:- Basashu Geedka way kicisaa, xawadana kordhisaa.

– Baqdooniska (Parsley):- Waxaaba loo yaqaan Fitamiinka ubad dhalista.

– Timirta:- Timirta waxaa ku jira Fitamiin D, madhalaysnimada ka hortaga, waxanay culimada qaar u yaqaannaan (Fitamiinka Taranka).

– Jarjiirka (Rocket):- Waxa uu kordhiyaa samayska xawada iyo awoodda jinsiyeed ee ragga.

– Karootada:- Waxay gacan ka geysataa daaweynta tabar-darrida guud ee jirka oo ay ku jirto ta jinsigu.

Karafiska (Gelery):- Waa firfircooneeye jinsiyeed fariid ah, waxaana loo isticmaalaa ansalaato ahaan.

–  Xabbat Sowdada:- Xawada ayay kordhisaa.

–  Heylka:- Heylka ay Soomaalidu shaaha ku darsadaan, waxa uu firfircooneeyaa wareegga dhiigga iyo rabitaanka jinsi ee qofka.

–  Sacfaraanka:- Ubaxa Sacfaraanka waxaa ku jira maaddooyin kordhiya awoodda jinsiga.

–  Lowska: Lowska (Fuul Suudaaniga) isaga waxaan lagula tartameyn kordhinta tirada iyo tayada xawada, iyadoy weliba intaa u dheer tahay kacsiga ninka iyo culayskiisa oo uu kordhiyo.

– Sanjabiilka: Sanjabiilku caarkana wuu adkeeyaa calooshana jilciyaa, wuxuuna si gaar ah u cajabiyaa ragga cimrigoodu hore u batay.

– Cabitaannada: Cabitaannada qaar baa jira kordhiya xawada, mar walba oo uu ninku cabana kacsi la miyir beelo , waxana ugu horreeya Qorfaha iyo Xulbada.

W/D: Sabriye Macalin Muuse

Caqliga sare iyo difaaca diinta Islaam-ka (Sheekada wadaad muslim ah oo si xikmadeysan ku islaamiyay BAADARI)

Sheekh Caalim ahaa oo la oran jiray (Abuyazid Albasdhami) ayaa maqlay habeen, qaylada kuwa Kirishtan ah oo Kaniisada kadhex qaylinaya, wuuna ugalay, kadibna wuu dhex fariistay, isagoo u malaynaya inayna garan doonin.

Badarigii Kaniisaduna markuu hadal is yirina sheekhii buu arkay, wuxuuna yiri “Ma hadlayo ilaa aad inaga dhex saartaan ninkaas muslimka ah.” Waxayna weydiiyeen: Sideed ku ogaatay inuu Muslim yahay? Wuxuuna yiri (Muslimiinta wajigooda waxaa kutaala calaamada/ raadkii sujuuda) wuxuuna kacodsaday inuu boxo sheekhu, sheekiina wuxuu yiri “Mabaxayo ilaa uu Ilaahay ina kala saaro”.

Badarigiina wuxuu yiri “Hadaba waxaan ku weydiinayaa dhawr Su’aalood, hadaad si sax ah uga Jawaabtana waxaan raacaynaa diintaada, hadii kalana Seef baa inaga dhaxaysa! Sheekhiina wuxuu yiri soodaa Su’aalaha, isagoo aad ugu kalsoon inuu Ilaahay qofka Muslimka ah Xaqa waafajinayo. Badarigiina wuxuu yiri iisheeg:

Waaxid aan laba noqonin? Labo aan Sadex noqonin? Sadex aan Afar noqonin?

Shan aan Lix Noqonin? Lix aan Todoba noqonin? Todoba aan Sideed noqonin?

Sideed aan Sagaal noqon Karin? Maxayse tahay Sagaalka mucjiso?

Mase taqanaa tobanka badan kartaa? Maxayse yihiin 11 ku?

Mase taqaanaa Qabrigii lasocday qofkiisii?

Muxuuse yahay shayga aan noolayn, ee neefsadaa?

Muxuuse yahay shayga uu Rabbi abuuray, isla markaana uu nacay?

Yaa waaye kuwa runta sheegay ee naarta galay? Iyo kuwa beenta sheegay ee Janada galay?

Mase taqaanaa, Uunka Rabbi abuuray aabe iyo hooya la´aan?

Mase taqaanaa geed leh 12 laamood, laan kastana leedahay 30 waraaqood, warqad kastana leedahay 5 sabuul, sadex hooska kubaxda iyo labo qoraxda ku baxda?  

Kajwaab Su’aalahaas!!!

Sheekhiina wuu istaagay, Ilaahay buuna weydiistayna inuu carabkiisa Xaqa kutoosiyo, wuxuuna yiri:

Waaxidka aan Laba noqnini waa – Ilaahay (swt)

Labada aan Sadex noqnina waa – Habeenka iyo maalinta

Sadexda aan Afar noqonina waa – Afeeftii Khidr siiyay Nabi Muuse calayhi asalam

Afarta aan 5 noqonina waa – Tawraad, INjiil, Sabuur iyo Quráanka

Shanta aan Lix noqonina waa – Shanta Saladood ee Ilaahay faral yeelay

Lixda aan Todoba noqonina waa – Maalmihii uu Ilahay aduunka ku abuuray

Todobada aan Sideed noqonina waa – Todobada Samo ee Rabbi abuuray

Sideeda aan Sagaal noqonina waa – Malaa’igta haysa Carshiga Rabbi (swt)

Sagaalka Mucjisana waa – Kuwii uu Rabbi siiyay Nabi Muuse   

Tobanka badan kartaana waa – Ajarka Camalka wanaagsan ee Rabbi usii badin karo qofkuu rabo.

Koobya Tobanku waa – Wiilashii Nabi Yacquub, Yusuf walaalihii

Sadex iyo Tobankuna waa – Yusuf walaalihii iyo labadiisii waalid

Shayga aan noolayn ee neefsadana – Waa Subaxda (wassubxi idaa tanaffasa)

Qabriga lasocday qofkii kujirayna waa – Xuutkii liqay Nabi Yunus calayhi asalam 

Kuwa runta sheegay ee naarta galay waa Yahuuda, oo yiri; Kirishtanku xaq kuma taagna, iyo Kirishtanku oo yiri; yahuudu xaq kuma taagna, labada qolaba run bay sheegeen, naar bayna gali doonaan, gaalimadooda darteet.

Kuwa beenta sheegay ee Janada gali doonana waa Yusuf walaalihii, oo yiri; Yusuf dhurwaa baa cunay, kadibna aabahood baa Ilaahay danbi dhaaf u weydiiyay, Rabbina wuu u danbi dhaafay.

Uunka uu Rabbi (swt) aabe iyo hooya la´aana abuurayna waa; malaa´igta, oo kasamaysan Nuur, una baahnayn, hooyo aabe, cunto, cabitaan iwm midna.

Sidoo kale aabeheen Adam, malahayn aabe iyo hooyo midna, Nabi Ciisane wuxuu lahaa hooyo, balse aabe malahayn.

Geedka 12 laamood lihina waa Sanadka, oo kakooban 12 Laamood/ bilood, bilkastana waxay leedahay 30 warqadood/ maalmood, maalin kastana waxay leedahay 5 Sabuul/ Salaadood, sadex hooskay kubaxaan; Maghrib, Cishe iyo subax, labana qoraxday ku baxaan waana Duhur iyo Casar.

Kadibna sheekhii wuxuu kuyiri Badarigii; anu hal su´aal ah maku weydiin karaa?

Isna wuxuu yiri; Haa, soodaa, wuxuuna weydiiyay muxuu yahay Janada furaheedu? Badarigiina wuu wareeray, wuuna aamusay, waxaana ku qaylyay dadkiisii, oo yiri; waxaad weydiisay Sheekha su´aalo faro badan, dhamaana wuu kaaga jawaabay. Isna hal su´aal ah ayuu kuweydiiyay, mana kajawaabi kartid!!!

Badarigiina wuxuu yiri; jawaabta waan aqanaa, balse idinkaan idiin cabsanyaa….

Iyagiina waxay dheheen; waxba ha cabsanine kajawaab su´aasha!!

Wuxuuna ku jawabay Janada furaheedu waa; (Laa ilaaha ila Allah, Muxamad rasulu Allah).

Iyagiina haljeer bay kaceen dhamaan-toodna dheheena (Laa ilaaha ila Allah, Muxamad rasulu Allah)

Badarigiina way raacdeyeen, kaniisadiina waxay u badaleen Masaajid ilaahay lagu cabudo.

Dr. Axmad Cabdulahi – Editor of society, health and education policy for Keydmedia [email protected]

Guddoomiyaha Baarlamanka cusub ee Puntland oo xilka la wareegay

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaa maanta oo Isniin ah ka dhacday xaflad xilka uu kula wareegayay guddoomiyaha cusub ee golaha wakiillada Puntland Saciid Xasan Shire.

Xafladda oo ay joogeen madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa ayaa xilka lagala wareegay guddoomiyihii hore Cabdirashiid Maxamed Xirsi, kaasoo looga adkaaday doorashadii dhawaan ka dhacday Garoowe..

Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland oo ka hadlay munaasabadda uu xilka kula wareegay ayaa sheegay inuu rajeynayo in baarlamaanka cusub uu Puntland gaarsiin doono meel ka wanaagsan meesha uu hadda joogo.

Guddoomiyihii hore ee golaha wakiillada Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa ku ammaanay xildhibaannadii hore ee baarlamaanka sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen shantii sano ee uu xilka hayay.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa isnka munaasabadda ka sheegay inuu xiriir dhow la yeelan doono golaha wakiillada ee maamulkiisa.

Wuxuu kula dardaarmay inuu xoojiyo horumarinta adeegga baarlamaanka, isagoo u mahad-celiyay golahii hore ee baarlamaanka oo uu ku ammaanay waxqabadka shantii sano ee ay xilka hayeen.

Si kastaba, madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa Jimcihii horre sheegay in seddax toddobaad uu ku soo dhisi doono golihiisa wasiirrada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

 

Video: Howlaha xooggan ee ka socda garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

0

Caasimada Online: Howlaha Shaqo ee Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Adde Airport ee Magaalada Muqdisho oo si xowli ah ku socota ayaa is badal weyn ku yimid howlaha garoonka.

Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Adde Air waxuu u ekaaday Garoon Caalami ah oo howlo shaqo baaxad weyn ah ay ka socdaan ayaa kuu muujinaya in Dalka uu nabadd yahay ee nala daawo muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

DEG DEG: Qaraxyo & rasaas xooggan oo caawa gilgilay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayaa cawaa meelo badan laga maqlay qaraxyo iyo rasaas xooggan.

Degmooyinka qaraxyada ay ka dhaceen ayaa ka mid ah Xamarwayne iyo Yaaqshid, halkaasoo dhowr qarax ay ka dhaceen.

Qaraxyada markii ay dhaceen kaddib, waxaa waddooyinka lagu daadiyay askar fara badan, kuwaasoo joojiyay isku socodka iyo dadka.

Ciidamada ayaa lagu arkayaa isgoys kasta oo magaalada ku yaalla, waxaana ay xireen qaar ka mid ah wadooyinka sidda Makah Al-Mukaramah.

Ma ahan markii ugu horreysay oo qaraxyo iyo rasaas magaalada Muqdisho laga maqlay, waxaana ugu dambeeyay billowgii sannadkan markii weerarro is qarxin lagu qaaday Hotelka Jazeera oo u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wixii ku soo kordha kala soco Caasimada Online

Xildhibaanada oo ka dooday mooshin ku saabsan golaha wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow soo gabagaboobay kulan xildhibaannada baarlamaanka ay ku lahayeeen xarunta golaha shacabka, kaasoo looga doodday mooshin ka dhan ah wasiiradii horre in lagu soo daro xukuumadda cusub.

Kulanka oo uu shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka,Mahad Cabdalle Cawad ayaa lagu qeybiyay mooshin la sheegay in ay soo diyaariyeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka, kaasoo lagu dalbanaayay in wasiiradii horre ee xukuumadii Saacid aan lagu soo darin wasiiradda cusub.

Guddoonka baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay cod in lagaliyo mooshinka baarlamaanka yaalla, waxaana markii dambe ka hadlay fadhigga 50 xildhibaan oo u badnaa kuwa soo diyaariyay mooshinka iyo kuwa taageersan, waxaana ay sheegeen in aysan xaq ahayn wasiiro horrey u sheegay xukuumadii Saacid in ay fashilantay in lagu soo daro xukuumadda cusub.

Qaar ka mid ah xildhibaannada ayaa wacad ku maray haddii la soo celiyo wasiiradii horre in ay san wax cod ah siin doonin xukuumadda ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Si kastaba, dood dheer ayaa guddoonka baarlamaanka wuxuu codsaday in bal maadama ay aad u fara badan yihiin xildhibaannada ka doodday mooshinka, waqtigana uu yahay mid kulul , la soo afjaro fadhigga isla markaana maalinta Salaasada cod loo qaado mooshinka laga keenay golaha wasiiradii horre in lagu soo daro xukuumada cusub.

Kulankanna siddaas ayuu ku soo xirmay.

Maalintii shaley ayey ahayd markii baarlamaanka ay cod u qaadeen codsi uga yimid ra’iisla wasaaraha kaasoo ahaa in muddo 10-cisho ah loo darro muddada uu ku soo dhisaayo xukuumaddiisa.

Xarumaha dowladda waxaa aad looga hadal hayaa warar ku saabsan in uu jirro is maan dhaaf ka dhex taagan madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha oo ku aadan xubnaha cusub ee wasiiradda.

Madaxweynaha ayaa doonaya in xubnaha cusub lagu soo darro qaar ka mid ah golihii wasiiradda horre, arrintaasna waxaa ka goos-adeegaya madaxweynaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Qarax caawa lala beegsaday ciidanka Amisom iyo warar dheeraad ah

Muqdisho (Caasimada Online) Kolonyo ay la socdeen ciidamada AMISOM ayaa caawa lagu weerarray waddada xiriirisaa Muqdisho iyo Afgooye.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkeen baabuur ka mid ah kolanyadii ciidanka AMISOM in uu haleelay qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagaliyo.

Si dhab ah looma oga khasaaaraha soo gaaray ciidamada AMISOM ee la socday kolanyadaas oo ka timid degmada Afgooye kuna soo jeeday magaalada Muqdisho.

Qaraxa kaddib ciidamada waxa ay xireen goobta uu qaraxa ka dhacay oo dhow Jaamacadii Beeraha sidda ay lee yihiin dadka deeganka.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay ciidamada AMISOM, ee qaraxa lagu qaaday mana ahan markii ugu horreysay oo qarax lagula eegto waddadaas kolanyo ay wateen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

QM oo war ka soo saartay boobka ka billowday magaalada Boosaaso

Muqdisho (Caasimada Online) Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay boob ka billowday magaalada Boosaaso ee gobalka Bari, kaddib markii madaxweynihii horre Cabdiraxmaan Faroole toddobaadkii horre looga adkaaday doorashadii madaxweynaha.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa si degdeg u codsaday in la joojiyo boobka ka billowday xafiisyadii maamulkii horre. Isagoona madaxweynaha cusub Cabdiweli ka codsaday inuu qaado tallaabooyin lagu xaqiijinayo ammaanka Puntland.

Danjire Kay ayaa markele u mahadceliyay madaxweynihii horre Faroole sidda uu aqbalay natiijadii ka soo baxday doorashadii dhacday toddobadkii horre isagoonta tilmaamay in uu horseed u ahaa horrumaro badan oo Puntland ay gaartay.

Ugu dambeyn Mr. Key ayaa ka digay in dhibaato loo horseedo horrumarka iyo nabad galyada ka jirta deegannada Puntland, wuxuuna ciidamada ammaanka ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan siddi ay uga hortagi lahaayeen wax kasta oo carqalad gallin kara ammaanka

Hadalka danjire Key ayaa soo beegmaya iyadoo magaalada Boosaaso laga soo wariyay warar sheegaya in la boobay hub iyo gaadid yaallay dhismaha madaxtooyada Boosaaso, waxaana qaatay ayaa la yiri ciidamo daacad u ah madaxweynihii horre.

Dhammaanka waxaa la adkeeyay ammaanka Puntland gaar ahaan xarumaha dowladda, waxaana arrintaas shaley ka hadlay saraakiisha ciidamada ammaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Video: Horumarka manta & Muqdisho.

0

Caasimada Online:  Dib u dhiska Iyo Horumarka ka socda Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waa mid ka kooban nuucyo kala duwan oo si xoogan loogu soo celinaayo Bilicda Magaalada.

Hadii aad Muqdisho ku ogeyd shalay burbur iyo dagaal maanta waa magaalo dib isku soo dhiseyso oo ku soo noqoneysa wadadii nabadda iyo horumarka ee nala daawo muuqaalkaan .

HALKAAN KA DAAWO:

 

Dalxa “R/W Cabdiweli muddada loogu kordhiyay waxbo kuma qaban karo”

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo warbaahinta gudaha la hadlaayay ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ay heestaan caqabado badan oo ku hor gudban in uu soo magacaabo xubnaha cusub ee golaha wasiiradiisa.

Dalxa ayaa tilmaamay 10-ka cisho ee loogu kordhiyay ra’iisal wasaaraha muddada uu soo dhisaayo xukuumadiisa aysan wax u qaban doonin maadama Villa Somalia ay ka jirto gorgortan iyo in qof kasta uu doonaayo in uu ka soo dhex muuqdo xubnaha cusub.

“Ra’iisal wasaaraha 10 cisho iska daayee haddii xittaa loogu daro 30 cisho waxbo kuma qaban karo, waayo meesha waxaa ka socda gorgortan iyo in uu qof kasta iska dhex arko xukuumadda cusub, waayo waxaa meesha ka socda iigu dar qof hebel iyo dad muqalisiin ah oo doonaya in dad ay wataan ama ay isku xisbi yihiin loogu daro golaha wasiiradda cusub” ayuu yiri Dalxa.

Hadalka xildhibaan Dalxa oo horre u soo noqday guddoomiye ku xigeenka koobaad ee baarlamaanka, ayaa ku soo aadaya iyadoo ay soo baxayaan in ay jiraan caqabado waaweyn oo ku hor gudban ra’iisal wasaaraha in uu soo magacaabo xukuumadiisa, waxaana caqabadahaas ka mid ah mid kaga furan dhinaca madaxweynaha oo wata shakhsiyaad ay ka wada-tirsan Dam-Jadiid, kuwaasoo uu doonayo in lagu soo daro xukuumadda cusub, balse ra’iisal wasaaraha ayaa ka goos-adeeganaya arrintaas.

Si kastaba, la arki doonee halka ay ku dhammaadaan  caqabadaha ra’iisal wasaaraha ka hor taagan magacaabiista golaha wasiiradiisa iyo sida uu uga badbaado dabinka ay la damacsan yihiin Dam-jadiid..

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XOG: Magacaabista Golaha wasiirada & khilaafka Xasan Sheikh & Cabdi Weli

Muqdisho (Caasimada Online) – Muran ayaa weli ka taagan magacaabista golaha Wasiirada DF iyadoo warar laga helayo Villa Somalia ay sheegayaan in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha DF ay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin magacaabista wasiirada.

Wararkan ayaa sheegaya in Madaxweynaha DF Xasan Sh. Maxamuud uu aad ugu dadaalayo in lagu daro Wasiirada Cusub ee xukuumada labada xubno si aad ah ugu dhow sida Faarax C/qaadir, C/kariin Xuseen Guuleed iyo Maxamed Nuur Gacal.

Ilaha warkan laga soo xigtay ayaa intaas ku daray in ra’iisul wasaaruhu uu ka soo horjeedo in xubnihii xukuumadii hore dib loo soo
celiy, maadaama ay sidaas kula taliyeen xildhibaano iyo waxgarad uu la kulmay.

Maalintii Jimcaha, ayaa lagu waday in Ra’iisul Wasaaruhu uu Golihiisa Wasiirada ku dhawaaqo, balse waxaa dib u dhac ku keenay
kadib markii uu Madaxweynuhu diiday habka ay wax ku socdaan.

Shalay ayaa baarlamanka Somalia uu waqti 10 maalmood ugu daray ra’iisul wasaaraha, kadib markii uu ka dhacay waqtigii loogu tala galay inuu magacaabista ku sameeyo.

Lama oga xiliga rasmiga ah ee uu Ra’iisul Wasaaruhu ku dhawaaqayo golaha uu soo dhisayo, waxaana socda mooshin ay diyaariyaan xildhibaano kasoo horjeeda in dib loosoo celiyo Wasiiradii hore ee xukuumada.

Xildhibaanada Mooshinka diyaarinaya oo ku dhow 100, ayaa waxay si aad ah uga soo horjeedaan in golaha Wasiirada lagu soo daro xubnaha aadka ugu dhow Madaxweynaha Somalia, kuwaasoo ay u arkaan inay yihiin kuwo xagal-daacinaya howlaha Dowlada.

Madaxweynaha Somalia iyo Ra’iisul Wasaare C/weli Sh. Axmed Maxamed ayaan weli ka hadlin aragtiyadooda ku aadan magacaabista golaha wasiirada inkastoo Madaxweynuhu uu dhowr jeer sheegay in howsha xukuumada uu Ra’iisul Wasaaruhu dadaal weyn ugu jiro.

Wasiirada lasoo dhisayo ayaa tiradooda lagu sheegay 20 illaa 25 wasiir, iyadoo aan la ogeyn inta xubnood ee haween ka noqonaysa, waxaana isbedelkan uu qayb ka ahaa qorshayaal ay xukuumadii Ra’iisul Wasaare Saacid waday intii aysan kalsoonida baarlamaanka waayin.

Kala fikir duwanaashaha ku saabsan magacaabista Golaha Wasiirada DF ee u dhexeysa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa u muuqaal eg tii ay ku kala tageen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia Saacid Faarax Shirdoon iyo Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DHAGEYSO: Xildhibaan ku bixiyey xog ku saabsan sababaha diidan in golaha wasiirada cusub ee DF lagu dhowaaqo

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa laga sugayaa inuu soo dhiso golaha wasiirada Xukuumadiisa, waxaana dib u dhac uu ku yimid dhowrkii asbuuc ee lasoo dhaafay oo la dhowrayay in la shaaciyo golaha wasiirada.

Siyaasiga Cabdi Ibrahim Cabdi Barre oo kamid ahaa Xildhibaanadii baarlamankii KMG ahaa imikana ku sugan deegaanada Jubbooyinka ayaa ka hadlay arimaha dib u dhaca Xukuumadda isagoo arintaasi ku micneeyay inay tahay dhibaato ka haysata dhinaca Xisbiga Damuljadiid oo isagu la sheego inuu ka tirsan yahay Madaxwaynaha Soomaaliya iyo xubno kale oo Madaxtooyada awood ku leh.

Cabdi Barre ayaa sheegay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed inuu yahay shaqsi muddo badan dalka ka maqnaa una baahan inuu sameeyo la tashi si dadka Soomaaliyeed Xukuumad ay ku qanacsanyihiin loosoo dhiso. Balse wuxuu walaac ba’an ka muujiyay faragalin uu sheegay inay ku hayaan Siyaasiyiin miisaan ku leh xarunta Madaxtooyada.

“Waxaan isleeyahay dhibaatada dib u dhaca shaacin wasiirada keentay inay qayb ka tahay inuu Ra’iisul Wasaaruhu rabo beelaha Soomaaliyeed inuu qanciyo balse arinta xusida mudan waxay tahay dhinaca Xisbiga awooda badan ee Damu-jadiid cadaadiska uu kala kulmayo Ra’iisul Wasaaraha” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay Xildhibaanada barlamanka Soomaaliya dhawaan inay dalbadeen Xubnihii ku jiray Xukuumadii hore inaan lagu soo darin Wasiirada cusub taasoo horseedi karta inaysan helin kalsoonida Baarlamanka Soomaaliya hadii liiska Wasiirada lagu soo daro.

Sikastaba ha noqotee Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya ayaa xilka loo magacaabay 12-kii bishii December  kaddib markii kalsoonida ay kala laabteen Xildhibaanada baarlamanka Federaalka ah ee Soomaaliya Ra’iisul Wasaarihii hore Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo Xukuumadiisa lagu dhaliilay wax qabad la’aan baahsan.

Dhanka kale waxaa xusid muddan mudadii lagu jiray Khilaafka madaxda sare ee dowladda inay soo jeediyeen qaar kamid ah Wasiiradii xukuumadaasi imikana u hanqal taagaya inay kamid noqdaan Wasiirada cusub Saacid inay ka dalbadeen inuu iskaga dago xilka maadaama ay fashilmeen sida xiligaasi laga soo wariyay.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga

cabdi barre

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Kullankii Axmed Madoobe iyo beesha Sade maxaa kasoo baxay?

Dhawaan waxaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose wafdi ka socda maamulka dowladda Soomaaliya ee gobolka Gedo iyo xubno ka tirsan Wasiirada Maamulka Jubba iyo Siyaasiyiin.

Xubnaha gobolka Gedo ka tagay ee Kismaayo gaaray waxaa kamid ah Guddoomiyaha degmada Doolow C/rashiid Janan, Afhayenka maamulka dowladda Soomaliya ee gobolka Gedo Nuur Sayax Xareed, Xildhibaan hore Cali Xasan Deyr, Wasiir ka tirsan mamulka Jubba, Imaam Rashiid Gurra oo kamid ah gudiga dib u heshiisiinta Maamulka Jubbaland.

Wafdiga ayaa mudadii ay Kismaayo ku suganaayeen kulamo kala duwan la qaateen masuuliyiinta sare ee Maamulka Jubba sida Madaxwayne ku xigeenka Jubba Gen Abdullahi Sheekh Ismaaciil Fartag iyo Xubno kale.

Sidoo kale Wafdiga ayaa maanta la kulmay Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madobe) waxaana ay isla soo qaadeen arimo dhowr oo kamid tahay dib u heshiisiinta iyo dhamaystirka qaybaha kale ee maamulka Jubba.

Imaam Rashiid Gurra oo kamid ah Wafdiga Gedo ka tagay ee gaaray degmada Kismaayo ayaa sheegay in kulamo gooni gooni ah inay  la qaateen masuliyinta Jubba.

Wuxuu sheegay arimaha ugu wayn ee ka wada hadleen inay kamid tahay dhamaystirka Jubba. Iyo isku xirka bulshada Jubbooyinka.

Hoos ka dhagayso wareysiga Imaam Rashiid

Iimaan-Rashiid-Gurra (1)

Isha: Kismaayo24