Qaabkii loo dilay Sadaam Xuseen oo la fashiliyey (Ninkii dilay oo sir-warramay)

Lataliyihii hore ee dhanka amaanka, kaas oo kormeerayay dilkii Saddam sanadii 2006kii. Wuxuu  yiri wuxuu ahaa mid adag oo xayi ah ilaa iyo dhamaadkii, ma uusan muujin wax shalay ah.

Danbiile? Run. Dilaa? Run. Kawaanle? Run lkn wuxuu ahaa mid adag ilaa iyo dhamaadkii.

“Waan qaabilay isaga (Saddam) albaabka. Qof noo soo galay ma jirin—- qof ajanabi ah nooma soo galin, iyo qof ameerican ah midkood.” Rubaie baa yiri mar waraysi uu siiyay AFP isagoo jooga xafiiskiisa ku yaal Kadhimiyah area waqooyiga Baghdad, halkas oo u dhaw xabsigii uu ka dhacay dilkii Saddam todoba sano ka hor.

“wuxuu qabay jacket iyo shaati cad, wuxuu ahaa mid caadi ah oo dagan. Kamana arkayn wax calaamad ah oo cabsi ah.

“Dabcan, dadka qaar baa rabay inaan dhaho wuxuu dhacay ama suuxay ama waa la soo jiiday, laakin xaqiiqdaan waa mid taariikh ah.” Waxaa yiri Rubaie.

“Kama maqlin wax shalaay ah. Kama maqlin wax codsi ah oo cafis Allah ah, ama codsi cafis ah.

“Qofku markuu dhimanayo sida caadiga ah wuxuu dhahaa, ‘Allow iga cafi danbiyadaydii­­­—– Waan kuu imaanayaa, Lakin ma uusan oran wax ka mid ah erayadaas.” Rubaie ayaa u sheegay AFP.

Saddam Hussein, oo xukumay Iraaq in ka badan labo Decades taas oo ay haraysay weero naxariis daro ah, dhibaatooyin, Dagaalo iyo Cunaqabatayn caalami ah. Ayaa la daldalay ka dib markii lagu helay danbiyo ka dhan ah bini aadamka taas oo ah Dilikii 148 Shiicyo reer baadiye ah taas oo ka dhacday Dujail sanadii 1982.

Wuxuu ahaa Madaxwaynihii Iraaq laga bilaabo July 1979 ilaa March 2003 markaas oo Maraykanku dagaal ku qaaday Iraq, waxaana helay ama qabtay Askar Maraykan ah isagoo ku dhuumanaya god ku yaal beer December isla sanadkaas(2003).

Saddam waxaa la dilay sadex sano ka dib December 30 2006 ka dib xukun maxkamadadeed.

Qaar Ciraaqiyiin ah, khaas ahaan Carabta Sunniga ah iyagoo dib u xasuusanaya si jacayl leh waqtigii uu Saddam talinayay, gaar ahaan mudooyinkii ay jirtay xasilooni gudaha ah taas oo si adag uga soo hor jeeda qalalaasha naxariis darada ah kaas oo saameeyay wadanka laga soo bilaabo xiligii laga tuuray xukunka( Afganbi).

Saddam sidoo kale qaar ka mid ah carabta ayaa si heer sare ah ugu qiimeeya Saddam dagaalkii uu la galay Iran 1980-88, Iska horimaadkii uu la galay Maraykanka, sidoo kale weeraradiisii ku aadanaa Israel ama Yuhuuda iyo Xasiloonaantiisii ama daganaanshihiisii xiligii la daldalayay, taas oo lagu duubay Telephonada gacanta lagu qaato( Mobile).

“Markii aan keenay, wuxuu haa mid gacmo xiran wuxuuna haystay Kitaabka Quranka ah.” Waxaa yiri Rubaie, markaas oo iska indha tirayay muuqalka ka danbeeyay Saddam, kaas oo ka turjumayay muuqaal ahaan kaligi talis ku labisan darees wata calaamad gaar ah oo ku aadan heerka military(Military Rank).

Waxaan u kaxeeyay xaga qolka xaakimka, halkaan oo uu akhrinayay list eedaymahiisa ah. Saddam wuxuu ku celceshay ‘America dhimo, Israel dhimo Falastiin ha noolaato!  Intaas ka dib Rubaie baa u kaxeeyay qolkii uu ku dhiman lahaa. “Wuu istaagay wuxuuna fiiriyay meeshii lagu daldali lahaa, ka dib anoo I fiiriyay kor iyo hoos wuxuuna yiri ‘Doctor kani waa kii raga.’ Markii la gaaray xiligii Saddam uu fuuli lahaa meeshii lagu daldali lahaa, lugihiisa waxay ahaayeen kuwa isku xiran, marka Rubaie iyo kuwa kale  baa kor ugu jiiday jaran jarta.

Wax yar ka hor intii aan la daldalin, qaar ka mid ah dadkii goob jooga ahaa ayaa ku qaylinayay si ay uga caraysiiyaan iyagoo ku dhawaaqaya “ha noo laado Imam Mohammed Baqr Alsadri! Iyo Moqtada! Moqtada!” kuwaas oo ah kuwa ka soo horjeeday Saddam kuwaas oo la dilay xiligii uu talinayay Sadam. Qaarabada ragas la dilay kuwaas oo u kacay inay hogaamiyaan Militia awood leh ka dib 2003.

Saddam wuxuu ku hadal celiyay: “tani ma ragganimaa?” Rubaie wuxuu yiri waxaan riixay ama sii daayay meeshii haysay si loo daldalo Saddam, lakin ma aysan shaqayn qof kale oo uusan magacaabin baa riixay markii labad taas oo dishay Saddam.

In yar ka hor intii aan la Daldalin Saddam wuxuu bilaabay inuu akhiryo Ashahaada qiritaanka Islamka.

“ waxaan qirayaa in Allah xag lagu caabudo uusan jirin Allaha wayn mooyee Mohamed…….” Lakin waxaa la daldalay isagoo dhamayn erayadii ugu danbeeyay, “ waa rasuulkiisii”

Rubaie wuxuu aaday meeshii lagu daldalay si uu soo qaado maydka. Kaas oo la galiyay bag cad ka dibna la saaray Bareele ama shayga lagu qaado qofka dhawaca ah (Stretcher).

Maydkii waxaa lagu qaaday Helicopter American ah oo lagaga qaaday xabsigii lagu daldalay iyadoo loo qaaday deeganka uu daganyahay Rasul wasaaraha Nuri Al Malili halkaas oo si adag loo ilaaliyo ama xaydaan adag leh loona yaqaan Soonka cagaaran.

Helicopter ka waxaa ka buuxay dad, waxaa yiri Rubaie, marka maydka waa in la dhigaa sagxada albaabada diyaaradana la furaa waqtiga duulimaadka, sababtoo ah maydka bareelaha lagu waday wuu dheera.

“ waxaan xasuustaa si fiican qoraxdu waa ay soo baxaysay” xiligaas oo helicopter ku dul maraysay Baghdad.” Rubaie baa yiri.

Deegaankii ama gurigiisa, Rasul wasaaraha baa na gacan qaaday wuxuuna yiri: “ Ilahay ha idin barakeeyo, Waxaan ku iri “Iska tag, fiiri hada.” Ka dib wuxuu ka fayday wajigiisa wuxuuna arkay Saddam Husein.” Waxaa yiri Rubaie. Kaas ah nin ay aad isugu dhawaayeen Rasul wasaaraha.

“Waligay ma dareemin dareen noocaas,” Rubaie oo la xiray sadex jeer xiligii Saddam talinayay baa yiri isagoo ka qayb qaatay dilkii.

“Wuxuu sameeyay danbiyo aan tira lahay, wuuna u qalmay in la daldalo kun jeer, inoo mar labaad noolaado si mar kale loo daldalo. Lakin dareenka, dareenkaas wuxuu ahaa mid gaar ah,” buu yiri. “qolku wuxuu ahaa mid ay ka buuxdo dhimasho.” Rubaie wuxuu yiri dilkii Saddam waxaa la go’aamiyay ka dib shir muuqaal ah ama Video oo u dhexeeyay madaxwaynaha Maraykanka George Bush, kaas oo waydiiyay Rasul wasaaraha Iraq: “ maxaad ku samaynaysaa danbiilaha?” Maliki wuxuu ugu jawaabay: “waan dal dalaynaa.” Bush wuxuu taagay suulkiisa kor, taas oo ah calaamad ogolaansho.a

By  Abdihafid Mahamud JAMA

London UK

Twitter @ABDIHAFIDUNITV