28.1 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

Dhageyso: Kullankii Axmed Madoobe iyo beesha Sade maxaa kasoo baxay?

Dhawaan waxaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose wafdi ka socda maamulka dowladda Soomaaliya ee gobolka Gedo iyo xubno ka tirsan Wasiirada Maamulka Jubba iyo Siyaasiyiin.

Xubnaha gobolka Gedo ka tagay ee Kismaayo gaaray waxaa kamid ah Guddoomiyaha degmada Doolow C/rashiid Janan, Afhayenka maamulka dowladda Soomaliya ee gobolka Gedo Nuur Sayax Xareed, Xildhibaan hore Cali Xasan Deyr, Wasiir ka tirsan mamulka Jubba, Imaam Rashiid Gurra oo kamid ah gudiga dib u heshiisiinta Maamulka Jubbaland.

Wafdiga ayaa mudadii ay Kismaayo ku suganaayeen kulamo kala duwan la qaateen masuuliyiinta sare ee Maamulka Jubba sida Madaxwayne ku xigeenka Jubba Gen Abdullahi Sheekh Ismaaciil Fartag iyo Xubno kale.

Sidoo kale Wafdiga ayaa maanta la kulmay Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madobe) waxaana ay isla soo qaadeen arimo dhowr oo kamid tahay dib u heshiisiinta iyo dhamaystirka qaybaha kale ee maamulka Jubba.

Imaam Rashiid Gurra oo kamid ah Wafdiga Gedo ka tagay ee gaaray degmada Kismaayo ayaa sheegay in kulamo gooni gooni ah inay  la qaateen masuliyinta Jubba.

Wuxuu sheegay arimaha ugu wayn ee ka wada hadleen inay kamid tahay dhamaystirka Jubba. Iyo isku xirka bulshada Jubbooyinka.

Hoos ka dhagayso wareysiga Imaam Rashiid

Iimaan-Rashiid-Gurra (1)

Isha: Kismaayo24

Maamulka Hiiraan oo ku guuleestay daminta colaad taagneed

Beledweyne (Caasimada Online) Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa maanta oo Axad ah sheegay in ay ku guuleesteen siddii loo soo afjari lahaa dagaal beeleed ka dhacay deegannada Kabxanleey iyo Diifow oo ka tirsan gobalkaas.

Wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiyaha gobalka Hiiraan, Cabdikariin Faarax laqanyo ayaa shaley gaaray deegannada lagu dagaallamay, waxaana halkaas ay maanta ku qabteen kulan ballaaran oo lagu soo afjaraayo dirirta ka taagneed deegannadaas.

Guddoomiyaha gobalka Hiiraan ayaa sheegay in labada dhinac ay oggolaadeen siddii loo kala qaadi lahaa maleeshiyaadka labad dhinac, waxaana uu tilmaamay la kala saxiixday heshiis ka kooban dhowr qoddobo sidda uu yirin.

Wuxuu tilmaamay in labada dhinac lakala dhex dhigi doono ciidamo ka socda AMISOM ah iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Intaa kaddib waxaa hadalka qaatay qaar ka mid ah odayaasha iyo wax garadka ka soo jeeda labada maleeshiyo, waxaana ay sheegeen in ay taageersan yihiin heshiiska la kala dhex dhigay labada beel.

Deegannadan ayaa dagaallo ay horrey uga dhaceen, kuwaasoo la isku heesto dhul, waxaana ka dhashay khasaaro dhimmasho, dhaawac iyo mid hantiyeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Daawo Video: Dagaallo kadib, sidan ma ku ogeyd muqaalka degmada Afgooye

Muuqalaka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellada Hoose ayaa is badal xoogan oo dhanka muuqalka iyo Nolosha ku yimid ee sidaan ma ku ogeyd.

Aqristoow Degmada Afgooye waxeey soo martay Xaalada is bad badal ah iyo Maamulo kala duwan balse hada waxeey noqotay meel nuuc kale ah ee nala daawo muuqaalkani adaa qiiroon doonee.

HALKAAN KA DAAWO:

 

XOG: Yaa soo qoray Warqad maanta la hor geeyay Baarlamaanka Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ayaa kashifay warqad maanta la horgeeyay baarlamaanka Soomaaliya, taasoo lagu codsanaayo in muddo 1o-cisho ah loogu daro ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, si uu u soo dhiso xukuumadiisa.

Xildhibaannadan oo maanta ka hadlay fadhi ay lahaayeen baarlamaanka ayaa sheegay in warqadda loo keenay uu guddoonka u soo gudbiyay madaxweyne Xasan Sheekh sidda ay hadalka u dhigeen.

Xildhibaannadaas waxaa ka mid ah Maxamed Maxamuud Kula-lihi oo caddeeyay in warqadda loo keenay ay ka timid madaxweynaha iyo kooxda Damjadiid, oo uu ku sheegay in ay yihiin macalimiin qarsoon.

“Guddoomiye waan ognahay meesha ay warqadda ka soo baxday,addigga ma ahan, waan ognahay sidda aad uga dam qaneyso in dalka uu yeesho xukuumad, balse warqaddan meesha ay ka soo baxday lama yaqaano, meeshan macalinmiin qarsoon ayaa si hoos-hoos u shaqeenaya, waana Dam-Jadiid,anniga waligeey ma dhihin wasiir iga dhig, see lagu keenay wasiir iga dhig, iyo wasiir ku xigeen” ayuu yiri Kulalihi.

Siddoo kale, kulanka baarlamaanka waxaa ka hadlay guddoomiyihii horre ee baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe, kaasoo sheegay in guddoonka baarlamaanka ay ku qaldan yihiin iyadoo kalfadhigga baarlamaanka marka ay shaqeeyaan muddo afar bil ah ay lee yihiin labo bil oo fasax ah in ay sii shaqeenayaan.

Wuxuu codsaday in ra’iisal wasaaraha uu soo dedejiyo xukuumadiisa si loo ansixiyo xildhibaannadana ay fasax ukala aadaan.

Si kastaba, kulankii maanta ayaa markii ay dooddeen xildhibaannada waxaa cod lagaliyay codsiga ka yimid ra’iisal wasaaraha waxaana u coddeeyay 142-mudane, taasoo la sheegay in ra’iisal wasaaraha uu heesto muddo 10-cosho ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Madaxweynaha Puntland oo soo saaray arrimo muhiim ah (Warbixin)

Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali, ayaa caawa soo saaray warbixin uu uga hadlaayo wax yaabaha uu qaban doono marka uu soo dhiso xukuumadiisa cusub.

Mudane Gaas ayaa war-qoraal oo uu saaray oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay Caasimada Online, ayuu waxa uu ku yiri :”Waxaan u Sheegayaa Dhamaan Bulsho Waynta Reer Puntland Markaan Ka Soo Baxno Dhismaha Dawlad Qaran oo ay Leedahay Puntland Waxaanu Rabnaa Inaanu Ka Shaqayno Arimahan Soo Socda.

1. Inaanu Ka Shaqayno
Sidii aanu U Qaban Lahayn Shir Guud oo ay Iskugu Iman Doonaan Dhamaan
Bulsho Waynta Reer Puntland Kaas oo Lagaga Tashan Doono Midnimadda Reer
Puntland,
2. Inaanu ka Shaqayno In Ay Helaan Dhamaan Ciidamadda Reer Puntland iyo Shaqaalaha Reer Puntland Mushaharkoodii oo Dhamaystiran,
3.Inaanu Ka Shaqayno Kobcinta Dhaqaalaha Umaddan Reer Puntland ee ay
Haystaan Dhibka Badan ee Hoos u Dhaca Dhaqaalaha iyo Kor u Kaca Lacagta
adag
4. Inaanu Ka Shaqayno Sidii aanu uga Hor Tagi Lahayn
A.  TAHRIIBKA
B.  BUDHCADNIMADDA
C. BUDHCAD BADEEDKA
Si Looga Hortago Arimahaas Waxaanu Samayn Doonaa ,
Shaqo Abuur Dhalinyarta Jaamacaddaha Iyadoo Lagu Salaynayo Cadaalad iyo Sinaan,
Inaanu Ka Shaqayno Maal-Galin iyo Taageerid aanu Taageerno Dabka ku Dhibaataysan Dalka Gudihiisa ee Danyarta ah .
5. Ka Hor Tagga Sicir Bararka iyo Dhaqaale Xumida umadeena Haysata ee Kaliftay inay Bataan Dhimashadda iyo Tahriibku .

Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan uu sheegay in muddo seddax toddobaad ah uu ku soo dhisaayo golaha xukuumadiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]
 

DEG DEG: Ariel Sharon oo geeriyooday

Jerusalem (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in uu baqtiyey ra’iisal wasaarihii horre ee Israel Ariel Sharon.

Ariel Sharon ayaa ku geeriyooday Isbitaalka the Sheba Medical Centreku oo u dhow Tel Aviv isagoo 85-jir, wuxuuna siddeeed sanno ku qaatay Koomo, kaddib markii uu ku dhacay xanuunka dhiig-karka sannadkii 2006-da.

Mr Sharon ayaa si weyn uga dhex muuqday Millitariga iyo siyaasadda Israeli, wuxuu door muhiim ah ku lahaa dagaalkii madax banaanida ay ku raadineysay Israel sannadkii 1948.

Sannadkii 2001-dii ayuu noqday ra’iisal wasaaare, waxaa ku dhacay cuduro kala duwan, waxaana takhaatiirta ay lahaayeen maalmahan qaar ka mid ah xubnaha muhiimka ah ee jirkiisa sida Kilida ayaa howlgab noqotay.

Falastiiniyiin fara badan ayaa markii ay maqleen warkan ku farxay, waxaana ay dabaal dagyo ka dhigeen magaalooyinka waaweyn ee dhulalka falastiiniyiinta, maadama ninkan uu ka mid ahaa saraakiisha Yuhuuda ee dhibay ummada Falastiin oo weli aan helin dhun iyo calan ay lee yihiin oo la ictiraafsan yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Bariga Dhexe

[email protected]

Baarlamanka oo oggolaaday codsi uga yimid R/W Cabdi Weli Sheekh Axmed

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta oo Sabti ah kulan ay ku yeesheen waxa ay cod u qaadeen codsi uga yimid ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, kaasoo sheegay muddo 10-cisho ah loogu daro xilliga uu soo magacaabayo golaha cusub ee xukuumadiisa.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo maanta shir guddoominayay kulanka ayaa baarlamaanka u akhriyay warqad ka timid ra’iisal wasaaraha islamarkaana uu la ogyahay madaxweynaha taasoo uu ku codsanaayo in muddo 10-cisho la siiyo si uu soo magacaabo xukuumadiisa.

Intaa kaddib xildhibaannada baarlamaanka ee ku sugnaa fadhigga oo gaarayay 185-mduane ayaa dodd ka yeeshay arrimahaas waxaana qaar kood ay sheegeen in ay diddan yihiin maadama xilliga fasaxa ay gali lahaayeen la joogo.

Waxaa markii dambe loo qaaday cod, waxaana 142 mudane ay oggolaadeen codsiga uga yimid ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, seddax ayaa ka aamustay wax diidday ma jirin.

Guddoomiye Jawaari ayaa ku dhawaaqay natiijada, wuxuuna shegeay in ra’iisal wasaaraha loo oggolaaday codsiga uga yimid ee ah in 10 cisho loogu daro waqtiga uu soo dhisaayo xukuumadiisa.

Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka oo saxaafadda la hadlay markii uu kula soo dhammaaday ayaa sheegay in wasiiradda cusub ay ku jiraan xukuumadii horre, taasna ay keeni doonto caqabad kale oo ra’iisal wasaaraha ku soo furanta.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog: Xasan oo uu xaalku ku xun yahay iyo xildhibaano diyaariyey mooshin

Muqdisho (Caasimada Online) – Magacaabista Golaha wasiirada cusub ee Somalia, ayaa gashay marxalad aad u adag, oo aan la fileyn xilli ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh uu ka dhacay waqtigigii loogu tala galay oo ku ekaa shalay.

Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa muujineysa in xildhibaano badan la marsiin waayey in dib loo soo celiyo dhowr wasiir oo ku jiray xukuumaddii Saacid, oo madaxweyne Xasan Sheekh uu wato ama saaxib dhow la ah.

Xildhibaano dhowr ah, ayaa u xaqiijiyey Caasimada Online in ku dhowaad 100 xildhibaan ay diyaariyen mooshin diidaya in lasoo celiyo wasiiradii ku caasi garoobay ra’iisul wasaarahooda.

Su’aasha xildhibaaanada ay wataan ee aan jawaabta loo helin ayaa ah “Haddii wasiiradii Saacid ay soo noqonayaan, maxaa isaga loo eryey, sidee wasiiro ku caasiyoobay ra’iisul wasaarahooda oo u ololeeyey in xukuumaddoodii loo rido shaqo xumo ay kusoo laaban karaan?”

Sheekadan cusub, ayaa ah guul siyaasadeed oo ra’iisul wasaaraha uu gaaray, maadama isaga uu diidanaa inuu magacaabo xubnii hore ee xukuumadda Saacid ka haray, waana guul darro xooggan oo madaxweynaha gaartay.

Wasiirada la diidan yahay waxaa ka mid ah, Cabdi Kariim Xuseen Guuleed, Fowsiya Yuusuf, Faarax Cabdul Qaadir, Cabdi Xakiin Fiqi, Maxamed Nuur Gacal iyo Maxamed Xasan Suleymaan, inkasta oo qaarkood uu madaxweynaha ka tanaasulay.

Xalay ayaa waxaa Villa Somalia ka socday kullamo xooggan oo madaxweynaha uu ku shukaaminayey xildhibaano badan, ayada oo lagu waramay in qiimihii ay codadka ku gada jireen ay xildhibaano badan kordhiyeen, markii ay arkeen in Xasan Sheekh aan laga fujin karin magacyada xubnaha qaar.

Baarlamanka Somalia, ayaa 10 maalmood ugu kordhiyey ra’iisul wasaare Cabdi Weli, maadaama waqtigii loo qabtay uu shalay ku ekaa, kuna guul darreystay inuu soo magacaabo golaha wasiirada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhowr jeer ka codsaday madaxweynaha inuu u daayo howshiisa magacaabista wasiirada, balse Xasan Sheekh ayaa doonaya inuu qeyb ka noqdo xulista wasiirada, si ay saaxiibadiis uga dhex muuqdaan.

Dhinaca kale xubno ku dhow xafiiska ra’iisul wasaare Cabdi Weli ayaa Caasimada Online u sheegay in laga yaabo in tirada golaha wasiirada laga dhigo 20, halkii marki hore loo qorsheeyey 25.

Lama yaqaan xilliga rasmiga ah ee lagu dhowaaqi doono golaha wasiirada, inkasta oo wararka ay lee yihiin waxaa macquul ah in waqti dhow lagu dhowaaqo, waxaase su’aal ay ka taagan tahay sida baarlamanka loo marsiin doono, haddii ay kasoo dhex muuqdaan wasiiradii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Adeer reer hebel idaacad ayey furteen ee Idaacad anagana noo fur! (Faallo)

Inkastoo uu Dalka Somalia safka hore kaga jiro Dalalka lagu xasuuqo Weriyayaasha, hadana waxaa sii kor dhaayo Tirada dhalinyarada kusoo biireyso Saxaafadda iyo Idaacadaha xarumaha ka dhiganaayo Magaalladda Muqdisho.

Waa hubaal in MagaalladdaMuqdisho Idaacadaha ku yaalla ay kor u dhafayaan 25 Idaacad hana aan laheyn Ahdaaf ku saleysan shaqooyinka iyo wararka ay baahiyaan, inta badan waxaa Idaacadaha furta Shirkado iyo shaqsiyaad la shaqeeya Hay’ado gaar, waxa ayna shaqa abuur u sameeyan Dhalinyaro caaboon hayeeshee aan sal iyo baar ku laheyn barashada Cilmiga Saxaafadda iyo weliba dhowrista qawaaniinta hageysa Mihnada Saxaafadda.

Xilliga aad booqaneyso Idaacadaha Tirada badan ee tayada yar ku yaalla Muqdisho waxa ay I shaadu qabaneysaa dhalinyaro aan ahmiyad gaar ah siineynin howsha Idaacadda waxaana ku muuqaneysa in Idaacadaha ay yihiin kuwa aasaaskooda salka ku haya reer reer, waxaana lagu fulinayaa danaha gaarka ah oo ay leeyihiin beelaha ku tartamaayo furashada Idaacadaha.

Milkiilayaasha Idaacadaha iyaguna malaha aqoon buuxda balse waxa ay la jaan-qaadayaan wadciga Dalka, oo ah ‘’La jiifshaa banaan la joojiyaa banaan’’ waxaana nasiib daro ah inaysan jirin wasaarad iyo Hay’ado haga Idaacadahaasi tayada yar ee kusii badanaayo Muqdisho.

Dhanka kale, waxad arkeysaa Weriyayaal ku shaqeynaayo lacag la’aan Ujeedkooduna yahay inay mar un magac ku dhex yeeshaan bulshada, balse kuma aysan xisaabtamin halista goobaha ay wararka ka raadinayaan taasina waxa ay tahay biya dhaca Maqaalka oo ah tiro badnaanta Idaacadaha Muqdisho iyo taya xumida Milkiilayaasha iyo Weriyayaasha.

Idaacadaha qaar ma awoodan inay helaan Matooro iyo qalab iyaga u gaar ah, waxa ayna isticmaalayaan Motoorada caadiga oo ay isticmaalaan shacabka, waxaana dhaceyso in xilliyada qaar ay Korontada baxdo iyaguna ay hawada ka baxaan, taasina waxa ay qeyb ka tahay Taya xumida Idaacadaha wallow aysan wada sineyn.

Ujeedka ay qabiilada ugu tartamayaan furida Idaacadaha ayaa ah inay ku fushtaan danahooda gaarka, tan xil raadinta dowlada, soo saarida Siyaasi reer hebel, buun-buuninta ganacsigooda, buun-buuninta Siyaasadahooda gaarka ah iyo Dhaleecey, Cambaareyn reero lid ku ah dantooda IWM.

Lama soo koobi karo qaladka Idaacadaha Muqdisho, balse waxa ay muhiimadu tahay in ganacsiga iyo ku dhaqanka qabiilka aysan wada socon-karin, Milkiilayaasha Idaacaduhuna ay garwaaqsadaan qaladaadkooda shaqooyinkana u eegan aqoon ama cilmi.

W/Q. Anwar Bakhiit

Email;- [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Iska hor imaad ka dhacay & boob weli si xooggan uga socda Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in maanta barqadii isku hor imaad uu ka dhacay xarunta madaxtooyada Boosaaso, kaddib makii kooxo hubeysan oo aan la heybgaraneynin soo weerarreen halkaas si u qaataan hub iyo gaadid dagaal oo yaallay goobta.

Wariyaasha Boosaaso ku sugan ayaa u xaqiijiyay Caasimada Online, in hal qof uu ku dhintay iska hor imaadkaas oo dhex maray ciidanka madaxtooyada Boosaaso iyo kooxda soo weerarrtay, waxaana jira askari kale oo ku dhaawacmay.

Xaallada magaalada Boosaaso ayaa tan iyo shaley kacsan waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamo hubeysan, waxaa la adkeeyay xarumaha dowladda ee ku yaalla magaalada.

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya iyadoo madaxweynaha cusub ee Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu amaray in la xafido dhammaan wixii hanti iyo qalab uu ku shaqeenayay maamulkii ka horreeyay ilaa inta uu ka soo dhisaayo xukuumadiisa, wuxuuna tilmaamay in cid kasta lagula xisaabtami doono.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

 

Video: Maxaa ka dhacay MUQDISHO?

0

Madax ka tirsan Dowlada Somalia & Shacabka Muqdisho ayaa si aan horay loo arag u sagaatiyay Shaqsiyaad si weyn abaal ugu galay Wadanka Somalia Muddo ka badan 9 bilood ku mashqulsanaa horumarka & dib u soo kabsashada Qaranka Soomaaliyeed.

Waxaa Cajiib lagu tilmaamay in Shaqsi walba oo wax u qabta ha u dhashay Soomaali ama Wadamo kale ee howlaha u jooga dalka waxaa looga abaal marinayaa sidaan oo kale ee nala arag adigaa dareemaya sida loogu abaal guday walaalaha u dhashay Jabuuti.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Maqaal xiiso leh: Farriin ka timid arday ka tirsanaa Ubaxii kacaanka + Video

Xilligii dowladii kacaanka ay dalka Soomaaliya ka jirtay waxaa inta badan indhaha shacabka ku dhici jiray farriimo suugaaneysan oo ay soo bandhigi jireen UBIXII KACAANKA kuwaasi oo u badnaa ardaydii xilligaasi.

Haddaba markii ay burburtay dowladii kacaanka oo ardaydaasi gacanta ku heysay waxbarasho ahaan iyo caafimaad ahaan, waxaa ay ku kala baaheen dunida dacaladeeda, iyaddoo qaar ka mid ah ay galaafatay colaadii sokeeye ee dalka ka dhacday.

Xubin ka tirsan UBIXII KACAANKA oo la soo xiriiray warbaahinta caasimada.net ayaa waxaa uu dalbaday inuu shacabka Soomaaliyeed gaarsiiyo farriin uu isku barbardhigayo wanaagii la heystay xilligii dowladii kacaanka iyo khasaarihii laga dhaxlay burburintii dowladaasi.

Muuqaalka hoose waxaa uu ardaygan kusoo gudbinayaa erayo iyo heeso ku dareen gelinaya kuwaasi oo labada waqti ka hadlaya. Waxaana sidoo kale buddhiga farriinta uu ka dhigtay heestii allaha u naxariistee abwaankii weynaa ee Abdiqadir Xirsi Yamyam oo aheyd ” SOOMAALIBAAN AHAY”.

Waxa kale oo uu si gaar ah ugu sheegayaa farriintiisan in dadka oo dowlad heysata islamarkaana aysan baahi aheyn in fanaanada Saado Cali Warsame soo qaaday heestii “Soo bari galeey ama Landcruiser gado” taasi oo qeyb ka aheyd kacdoonkii lagu riday dowladii xilligaasi jirtay.

Haddana isla jawaabta heestaasi mirihii laga dhaxlay ayuu usoo qaatay shaqsigan farriinta soo diray isla fanaanada Saado Cali Warsame oo hadda Muqdisho kusoo qaaday hees ay ku cabireyso in dadka gaajo iyo abbaar galeen, taasi oo uu abwaan Maxamuud Ciise Singub kusoo daray riwaayadiisa aan soo bixin ee “Ummad wada siyaasi ah” .

Qaabka farshaxanimada leh ee farriintan uu usoo bandhigay ayaa ah mid ka hadlayay waqtigii la soo maray iyo waxa hadda la joogo. Soomaalinimadii iyo hogaankii dalkeena u ahey africa kale iyo sida maanta ciidamo kala ka socda ay ammaankiisa u sugayaan!!!.

Waxba yuusan hadalka ila durkine halkan hoose ka daawo farriinta arday ka tirsanaa ubixii kacaanka.

CIIDAMO Mareykan ah oo si qarsoodi ugu sugan Somalia (Maxay qabtaan?)

Wanshinton DC (Caasimada Online) Markii ugu horreysay ayaa la ogaaday in unugyo ciidamo Maraykan ah ay joogaan Soomaaliya, kuwaasoo gacan siiya ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida.

Maraykanka ma sheegin tirada ciidamada ka jooga Somalia, balse Wargeyska Wanshinton Pots ee ka soo baxay Magaalada Wanshinton ayaa Jimcihii sheegay 12-askari, in Maraykanka ay joogaan Soomaaliya kuwaasoo loo bixiyay ciidanka isku xirka millitariga, si ay tallo bixin, iyo isku xir u siin lahaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMIISOM.

Ciidankan ayaa shaqadooda waxa ay tahay siddii u kobcin lahaayeen tayada iyo xisilloonida dedaalka ballaaran ee lagu soo celinaayo awooda Ciidamada.

Waa markii ugu horreysay oo askari Maraykan ah lagu arko ciidda Soomaalida tan iyo sannadkii 1993 xilligaas oo 18-askari Maraykan ah lagu dilay caasimada Muqdisho, isla sannad kaddibna Maraykanka uu isaga baxay guud ahaan Soomaaliya.

Maraykanka saldhig ciidan oo weyn ayuu ku lee yahay dalka Jabuuti, halkaasoo ay ka duulaan diyaaradaha wax basaasa waxna duqeeya, kuwaasoo Soomaaliya meelo badan ka geestay duqeyn.

Sannadkii horre waxaa Soomaaliya yimid taliyaha ugu sareeya ciidanka Maraykanka ee ku sugan Afrika, kaasoo la kulmay madaxda dowladda iyo kuwa AMISOM.

Si kastaba, dowladda Maraykanka ayaa bishii Janaayo ee sannadkii horre waxa ay aqoonsatay dowladda fedaraalka Soomaaliya,waxaana Maraykanka uu 500 oo milyan oo dollar uu ku bixiyay tababarka iyo kobcinta ciidanka Midowga Afrika iyadadoo 70 malyuun oo dollaar uu ku bixiyay ciidamada Soomaalida.

Hey’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA-da ayaa horrey loo sheegay in saldhig qarsoodi ah ay ku lee dahay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Sawirro: 4 Soomaali ahel ah oo dhacdo xunuun badan ugu geeriyooday USA

Afar qof oo Soomaali ah oo deganaa magaalada Postville ee gobolka IOWA ayaa ku dhintay shil gaari oo Jimcadii (Jan 10, 2014) ka dhacay meel u dhow dhanka Woqooyi ee Magaalada Clermont ee Gobolka Iowa ee dalka Maraykanka, aagga loo yaqaan Fayette County.

Shilkan ayaa ka dhacay Highway 18, waxana uu dhacay 8:46 ee barqanimo kaddib markii ay isku dhaceen gaari ah nooca loo yaqaan Chevy Truck iyo Toyoto Van.

Gaariga ah nooca Toyota Van waxaa watey afarta Soomaalida ah ee geeriyoodey. Gaariga kale waxa uu jiidayey ama sidey caws bundado ah ama aad u tiro badan, sida ka muuqata sawirada hoose.

Gaariga Van-ka ah waxaa wadey Shariff Hussein Warsame (28 jir), waxaana la saarnaa saddexda qof ee la geeriyoodey oo kala ah Miski Yahye Mohamed (34-jir); Khadijo Mohamed (53-jir); Maryan Kulane (25-jir) oo dhammaan deganaa magaalada Postville ee gobolka Iowa. Waxayna ku geeriyoodeen isla bartii shilku ka dhacay.

Gaariga kale labadii qof ee saarnaa waa dhaawacmeen waxaana loo qaday cisbitaal iyagoo ah dhaawac, waxaana magacyadoodu kala yihiin Tony Schlee (57-jir) oo ahaa dareewalka iyo Pamela Schlee (58-jir).

Afarta Soomaalida ah ee geeriyoodey waxay deganaayeen magaalada Postville, Iowa.

Wararku waxay tibaaxeen in baaritaan ay boolisku ku wadaan sidii shilkaasi u dhacay.

Dalka maraykanka waxaa sannad kasta ka dhaca shilal ay ku naf waayaan dad aad u farabadan, tusaale ahaan sannadkii 2012 waxaa shilal ka dhacay Maraykanka ku geeriyoodey dad gaaraya 34,080 qof – (Eeg USA Today ama Wikipea )

Sawirada hoose waa shilkii gaariga, waxaana sawiradaas faafiyey booliska Iowa.

Xuquuqda sawirka: Fayette County Sheriff, xigasho KCCI news
Xuquuqda sawirka: Fayette County Sheriff, xigasho KCCI news
Photo from the Fayette County Sheriff’s Office, xigasho KCRG news
Photo from the Fayette County Sheriff’s Office, xigasho KCRG news

 

Allah ha u naxariisto marxuumiinta

Faafin: SomaliTalk.com

Hub iyo gaadid badan oo laga dhacay Boosaaso & xurumaha oo la boobayo

Boosaaso (Caasimada Online) Ilo xog ogaal ah oo la hadlay Caasimada Online, ayaa shaaciyay in magaalooyinka qaar ee Puntland ay  xalay ka billaabatay boob iyo dhac loo geesaanaayo agab u badan hub iyo gaadiid dagaal oo uu lahaa maamulkii horre ee Faroole.

Magaalooyinka boobka uu ka billowday waxaa ka mid ah magaalada ganacsiga ee Boosaaso, halkaasoo la sheegay maanta iyo shaley in la dhacay gaadid iyo hu badan oo uu lahaa maamulkii horre.

Waxaa la sheegay in hubka laga dhacay magaalada Boosaaso in ay qaateen saraakiil sar sare oo gacan saar la leh Faroole, waxaana ay keentay in iska hor imaad uu dhex maro ciidamado joogay goobta iyo kuwa dhacayay hubka sidda ay lee yihiin wariyaal madax banaan oo Boosaaso ku sugan.

Dhacdadan ayaa si weyn looga dareemay magaalada Boosaaso, waxaana xalay magaalada qaybo ka mid ah lagu soo rogay bandow gaar ahaan xarumaha maamulka, waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamo fara badan.

Goobta hubka iyo gaadidka laga qaatay ayaa la sheegay in ay tageen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, waxaana ay isku gadaameen goobta.

Si kastaba, dhacdaddan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo maanta oo Jimco ah shir jaraa’id oo madaxweynaha cusub ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu ku qabtay Garoowe ku amray in la xafido dhammaan wixii hanti iyo qalab ahaa ee uu ka shaqeenayay maamulkii horre, wuxuuna intaas ku daray in cid kasta lagula xisaabtami doono qalabkii iyo agabkii u ka shaqeenayay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Boosaaso

[email protected]

Dhageyso: Gaas oo shaaca ka qaaday qorshihiisa ku wajahan DF Soomaaliya

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Puntland ee dhowaan la doortay Dr.Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ka hadlay waxaa uga qorsheysan Xiriirka Puntland iyo Dowladda Federaalka oo in dhowayd mugdi ku jiray.

Wareysi uu siiyay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da ayuu sheegay marka koowaad tahay in labada dhinac ay iskusoo dhowaadaan isla markaana xiriirka labada dhinac oo xumaada ay wax badan ku bi’i karaan.

Dr.Gaas ayaa tilmaamay in markii uu la wareegayay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xiriirka labada dhinac uusan wanaagsaneen, wax badan ayaan ka bedelay wada shaqeyntii u dhexeysay Madaxweynayaashii hore Sheikh Shariif iyo Dr. Cabdiraxmaan Faroole.

‘’Hadda waxaa ii qorsheysan in la isku soo dhowaado, labada dhinac waxba uga bi’i kara Xiriirka xumaada Dowladda Federaalka waxba uga bi’soomi kara Dowladda Puntland waxyaabo badan ku waayi karta’’, ayuu yiri.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrinta Federaalisim-ka, wuxuuna sheegay in uu yahay qofka koowaad ee aaminsan nidaamka ayna sahlayso in wada shaqeyn uu ka dhexeeyo Dowlad goboleedyada iyo Dowladda Federaalka.

‘’Waxaan ahay qofka koowaad aaminsan Federaal, Dastuurka Soomaaliyeed waxaa ku dhisnay Federaal muhiimad gaar ah buu ii lahaa in Federaalisimka uu xoog yeesho maamulka la baahiyo oo awoodaha dowliga la qeybsado taasa keentay in Puntland dhisanto’’

‘’Sidoo kale Jubba Land aad baan ugu faraxsanahay dhismaha maamulka Jubba Land uu dhismay oo laftaydu door fiican kasoo qaatay dhismihiisa hore, inta kale waxaan rajeynayna sida Dowlad goboleedka ka abuurmaysa Baydhabo in iyana si deg deg ah loo sameeyo, ka bacdiina gobolada dhexe kooda abuurmo’’

‘’Way sahlanaanaysa in la wada shaqeeyo marka maamuladii iyo Dowlad goboleedyada dhismaan, Dowladda Federaalka waxaa u sahlanaanaysa wada shaqeyntii’’, ayuu sheegay

Dhinaca kale Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa xusay in Xukuumadiisa ay si weyn uga dhex muuqan doonaan Dumarka ayna yihin lafdhabarta bulshada, iyadoo mudooyinkaan Dumarka ka cabanayeen tirada laga siiyay xubnaha Baarlamaanka oo ah labo xubnood keliya.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga

gaas madaxweyne

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Siilaanyo oo ADDIS talooyin ku siinaya wafdigii iska dhicin lahaa DF Somalia

Addis Ababa (Caasimada Online) Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia waxaa gaaray madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siillanyo kaasoo shaley safar aan horrey loo shaacin uga ambabaxay magaalada Hargeysa.

Siilaanyo ayaa ku biiraya wafdi maamulka Somaliland horrey u dirtay Addis Ababa kuwaasoo ku wajahan dalka Turkiga halkaasoo dhawaan uu ka furmaayo wajiga shannaad ee wada-hadallada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Inta uusan ka ambabixin Hargeysa ayuu warbaahinta u sheegay in wafdiga Somaliland uga qaybgalaya shirka Turkiga ay yihiin kuwa matalaya shacabka reer Somaliland sidda uu yiri.

Mar la weydiiyay sababta keentay in aan laga qaybgalin wada-hallada labada dhinac kooxaha mucaaradka, wuxuu tilmaamay in maamulkiisa uun lagala tashanaayo masiirka Soomaaliya, wuxuuna digniin u dirtay cid kasta oo isku dayda in ay xiriir la sameeso dowladda dhexe ee Soomaaliya in laga qaai doono tallaano sharciga waa faqsan.

Wada-hadallada Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo dib u dhacay muddo seddex jeer ayaa la filayaa in dhawaan uu qabsoomo, waxaana xukuumadda Soomaaliya la sheegayaa in lagu dhawaaqi doono dhawaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

Daawo Video: Gabar Somali ah oo ka shekeyneysa Dhacdo xanuun badan.

Gabar Soomaali ah oo ku nool Wadanka Mareykanka ayaa dhacdo xanuun badan ku qabsatay xili ay booqasho ku joogtay Qaarada Afrika waxaana ay ka sheekeyneysaa arin laga naxo oo qabsatay ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Dil xalay ka dhacay MUQDISHO iyo Faah-faahin cusub oo laga helaayo

Muqdisho(Caasimada Online) Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii waxa ay magaalada Muqdisho ku toogteen wiil dhallinyaro ah.

Goobjoogayaal la hadlay Caasimada Online, ayaa xaqiijiyay in kooxo ku hubeysan bastoolada ay ku dileen wiil dhallinyaro ah xaafad ku dhow Hotel Garguurte oo ku yaalla degmada Yaaqshi.

Wiilka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cali Jeyte Raagge ayaa waxaa uu ka mid ahaa dhallinyarada xaafadda lagu dilay.

Kooxda dilka geestay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen, waxaa dilka kaddib goobta gaaray ciidamo boolis ah kuwaasoo baaritaan ka sameeyay xaafadda balse ma jirto cid ay u soo qabatay.

Ilaa hadda lama sheegin sababta loo dilay wiilka dhallinyarada mana jirto cid ka hadlay, balse waxa uu dambeeyay dila qorsheesan oo magaalada Muqdisho ka dhacayay maalmihii ugu dambeeyay.

Dhowr jeer oo horre ayaa magaalada siddan oo kale loogu dilay dad rayid ah mana jirto cid loo soo qabtay, waxaana arrintaas walwal ka muujiyay bulshadda rayidka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisjo

[email protected]