Dil xalay ka dhacay MUQDISHO iyo Faah-faahin cusub oo laga helaayo

Muqdisho(Caasimada Online) Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii waxa ay magaalada Muqdisho ku toogteen wiil dhallinyaro ah.

Goobjoogayaal la hadlay Caasimada Online, ayaa xaqiijiyay in kooxo ku hubeysan bastoolada ay ku dileen wiil dhallinyaro ah xaafad ku dhow Hotel Garguurte oo ku yaalla degmada Yaaqshi.

Wiilka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cali Jeyte Raagge ayaa waxaa uu ka mid ahaa dhallinyarada xaafadda lagu dilay.

Kooxda dilka geestay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen, waxaa dilka kaddib goobta gaaray ciidamo boolis ah kuwaasoo baaritaan ka sameeyay xaafadda balse ma jirto cid ay u soo qabatay.

Ilaa hadda lama sheegin sababta loo dilay wiilka dhallinyarada mana jirto cid ka hadlay, balse waxa uu dambeeyay dila qorsheesan oo magaalada Muqdisho ka dhacayay maalmihii ugu dambeeyay.

Dhowr jeer oo horre ayaa magaalada siddan oo kale loogu dilay dad rayid ah mana jirto cid loo soo qabtay, waxaana arrintaas walwal ka muujiyay bulshadda rayidka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisjo

Caasimada@live.com