Carro xoogan oo ka dhalatay markii ay DF adeegsatay heeskii loo tiriyey dilkii AUN Salaad Gabayre iyo Ceynaanshe

Siyaasiyiin iyo oday dhaqameedyo kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya ayaa siweyn ugasoo horjesstay dhaliilayna heestii lasaray TV-ga qaranka ee SNTV, xilli dil qasaas ah uu ka dhacay Muqdisho 7-da bishan January ee sanadka 2014-ka, iyaga oo kutilmamay wax laga xumaado arintaasi.

Heestaas oo ahayd Samadiidow dabin baa kuu dhigan laguugu dili doonee waxaa la qaaday 1972-kii sadaxdii bishii marso, xiligaasi oo loo qaaday dilkii allaha unaxariistee General Salaad Gabayre Kadiye iyo General Maxamed Caynaanshe Guuleed iyo Col: Cabdulqadir Dheel Cabdulle, oo ahaa halyeeyo oo soo qabtay xilal kala duwan.

Cabdi Casiis Maxamuud Cilmi
Cabdi Casiis Maxamuud Cilmi

General Salaad, waxa uu ahaa shaqsigii ugu horeeyay ee dhaliya fikirkii kacaanka waxa uuna noqday wasiirka gashandhiga ahna madaxweyne ku xigeenka koowaad 1969-kii oo ahayd habeenkii kacaanku dhashay.

Marxuum General Salaad Gabayre, waxa uu ahaa oo kale geesigii horkacayay dagaalkii ciidamada Soomaaliya ay la galeen dowladda Ethiopia 1964-kii, isaga oo ku qaatay bilad geesinimo iyo hal darajo oo ahayd in lasiiyay darajada Gashanle dhexe.

Siyaasiyiin iyo oday dhaqameedyo ayaa uwakiishay siyaasiga iyo aqoonyahanka caanka ah mudane Cabdicasiis Maxamuud Cilmi (Dacay), waxaana uu ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay raali galin ka bixiso gafkaas ka dhacay howl wadeenada SNTV, si looga fogaado carro iyo qul qulatooyin siyaasadeed oo ka dhasha heestaasi oo Soomaaliyoo dhami ogtahay waxa loo sameeyay iyo sida loo adeegsaday burburkii kahor.

Mudane Cabdicasiis Dacay waxa uu si gaar ah baaq ugu diray madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xassan Sheikh Maxamuud, gudoomiyaha baarlamanka Jawaari iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheikh Axmed in ay tallaabo cad ay ka qaadaan howl wadeenadii SNTV ee falkaasi ku kacay isaga oo intaasi raaciyay in Soomaaliya u baahantahay samata bixin iyo bad baado oo aysan u baahneyn in dib loo xasuusiyo arrimo dhacay oo aad uxanuun badan iyo dadkii gardarrada lagu xasuuqay.

Daauud Cabdi Daauud
Nairobi, Kenya